ZINADA IYO MUCJISADA ISLAAMKA !!!

April 9, 2014 2:00 AM0 commentsViews: 2211

Waddanka Maraykanka ayaa sanad weliba wuxuu ku bixiyaa 250 million dollar ah, wacyi gelinta looga hortagaya cudurka AIDIS-ka kadib markii ay waayeen xal kale oo lagu xakameeyo. Sidaas oo ay tahay ayay weli khaati ka joogaan, sida ay caddeeyeen baarayaal reer Maraykan ah oo caddeeyey in howlgalkaasi uu mar weliba fashal ku dhammaado sanad kasta.

Cudarkan AIDIS-ka ayaa halkii ugu horreysay ee uu ka billawdo ay ahayd waddanka Maraykanka, iyadoo maanta dunida inteeda badan uu ku fiday, marka laga reebo waddamada Islaamka oo intooda badan uu cudurkani gelin, qaarkoodna boqolkiiba hal ama labo uun laga helaya.Waddamada ugu badan ee uu ku faafay waa galbeedka, iyo Afrikada gaalada ah, iyo Asia-da bari, Rusia iwm.Sanad kasta ayaa daraasad lagu sheegey inay cudurkani u dhintaan in kudhaw ama dhan 2 Million oo dad ah. Sanadkii 2007 illaa 1981 ayay sheegeen inay u dhinteen cudurkaan in ka badan 25 Million oo dad ah, iyadoo xilliganna ay jiraan in ka badan 33 million oo dad ah oo la ildaran xanuunkan, kuwaas oo sugaya inay u dhintaan.Taas ayaa sababtay in Jaamacadaha ugu waaweyn Maraykanka iyo galbeedka oo dhami ay maal badan ku bixiyaan daraasaadka ku saabsan feyruusaadkaasi layaabka badan, si loogu helo xal waara oo looga hortegi karo ama lagu dabar gooyn karo, balse natiijada ayaa weli ah dawo loo waa’.Cudurka AIDIS-ka ayaa markii ugu horreysay la heley 1979-kii iyadoo uu ka dillaacay dalka Maraykanka, waxayna cullimadii xilligaasi baaritaannadiisa ka qeyb qaadatay ay isku raaceen inuu keeno galbada xagga dambe ah ee dumarka looga tegaya (dabada), ama liwaadka labada nin. Fikradda arrintaasi oo loo sababeynayay cudurkan ayaa muddo kadib is baddashay kadib markay culimadaasi sheegeen in jinsiga xataa lagu kala qaado, bal’ee ay xataa qaadi karaan ilmaha caloosha kujira.Daraasad labo sano kahor (2010), golaha qaramada midoobey kasoo baxday hayadda caafimaadka adduunka ayaa lagu sheegey in maalintii uu ku dhaco cudurkan in ka badan 14 million, kuwaasoo kala barkood (7 million) lagu sheegey inay yahiin dumar, halka 2000 kamid ahna lagu sheegey carruur wilal iyo gabdhaba leh. Inta soo hartay (5000) ayaa lagu sheegey inay yahiin rag sibaayo kale u qaado, ama dumar ka qaado ama iyaga iska qaado (liwaad). Boqolkiiba 70, ayaa lagu sheegey daraasaddani in dadkaasi sanad walba qaado cudurkani ay yahiin kuwa udhashay waddamada galbeedka (Yurub iyo Ameerika), halka inta kalena ay u badan yahiin Rusia iyo Asiada bari (Chine, Japan, Labada Korea, India, Srilanka) iyo Afrikka. Daraasaddan habayaraatee laguma xusin khaliijka, iyo waddamada Carbeed iyo guud ahaan waddamada Islaamka.Sanadkii 2008 ayay sheegeen inuu ahaa sanadahan dhaw inuu ahaa sanadkii dhaqaalaha ugu badan uu ku baxay ka hortagga cudurkaasi iyo ka wacyigelintiisa bulshada, iyadoo dhaqaalo dhan 22 Billion dollarka Maraykanka ah uu sanadkaasi keliya ku baxay mashruucyada lagula dagaallamayay cudurkan halista ah.

Daraasaadka caafimaad ee baaritaannada ku sameeyey Fayrusaadkan ayaa caddeeyeen in qofka markuu haleelo kadib uu sii noolaan karo muddo 15 sano ah ugu badnaan, kadibna uu cudurka dhigan doono. Waxay intaasi ku dareen qofka uu ku dhacay cudurkan, ee haraggiisu mar weliba dhaqo maalintii (yacni qubeysta ama dhaqdhaqdo), wuxuu ka dabciyaa cudurka inuu si fudud kusoo rido.

Ku dheh kaalaya oo ka barta nadaafadda diinta Islaamka, waayo qof kastoo Muslim Mu’min ah, maalintii shan mar ayuu meydhaa (weyseystaa).

Haddaba intaasi oo daraasaad ah iyo latacaalid cudurkaasi, annaga maxay ka tahay xaggeenna Islaam ahaan?

Waxaan innagu haysannaa amar Rabbaani ah, isaga ayaana inaga difaacaya faxshigaasi iyo xanuunnadaasi layaabka leh. Alle kor ahaaye marna muu oran ha sameynina zinnada. Laakiin mar waliba oo uu inooga digaya zinnada iyo dhibaatadeeda, wuxuu aayadaha Quraanka ah inagu amraa inaynaan u dhawaanin. Waa halka uu ka yiraahdo mar waliba oo uu kitaabka kusoo hadal qaado magaca zino ”Ha u dhawaaninna zinada”.

Wuxuu Alle sarreeye yiri

 (قُلْ لِلْمُؤْمِنِينَ يَغُضُّوا مِنْ أَبْصَارِهِمْ وَيَحْفَظُوا فُرُوجَهُمْ ذَلِكَ أَزْكَى لَهُمْ إِنَّ اللَّهَ خَبِيرٌ بِمَا يَصْنَعُونَ) [النور: 30].

Sidoo kale Rasuulkeenna suubban (NNKH) wuxuu yiri

(لم تظهر الفاحشة في قوم قط حتى يعلنوا بها إلا فشا فيهم الطاعون والأوجاع التي لم تكن مضت في أسلافهم الذين مضوا)

 [رواه ابن ماجه].

”Qoom horey uguma aanay faafin dhexdooda faaxishada (zinada) jeer ay muujistaan, illaa Alle wuxuu ku diraa daacuun, iyo xanuunno aanan hortood kuwii iyaga ka horreeyey dhexdooda lamaqal”.

Waxaa haddaba isweydiin mudan markii qaaradaha reer galbeedka ay ku faaftay faaxishada oo la muujistay, sow Ilaahay uma keenin cudurro iyo xanuunno aanan horey loo maqal (AIDIS)?

Waxaa markaasi su’aal in la weydiiyo mudan ah kuwa Nasaarada ama Yahuudda, ama gaalo oo dhan ama cid kastoo diiddan xaqnimada Quraanka iyo nebinnimada Nebi Muxammad (NNKH) ”Haddii Nebi Muxammad (NNKH), oo Quraanka kala yimid jeebkiisa, ama uu isaga hawadiisa ku hadli jirey, maxay tahay xaqiiqadan weyn ee uu ku sii sheegey 14 qarni kahor dhibaatada ay leedahay zinada, iyo inay sababayso in cudurro aanan horey loo maqal ay sababayso marka la muujisto”?

Tani (oraahda Nebiga) sow ma ahan daliil cad oo muujineyso nebinnimadiisa iyo xaqnimada hadal kasta oo uu ku hadlay?

Run buu sheegey Ilaahay markuu yiri

(ولا تقربوا الزنا إنه كان فاحشة وساء سبيلاً)[الإسراء: 32].

Sidoo kale run buu sheegey Xabiibkeenna Muxammad (NNKH) markuu yiri

 (ولا ظهرت فيهم الفاحشة إلا فشا فيهم الموت) [رواه الطبراني] 

Waa yaabe, iyo cajab ee kuwa ku gaaloobay xaqa sidey uga indho la’yahiin risaaladan iimaanka xambaarsan. Sidee buu Nebi Muxammad (NNKH) haddaanu nebi ahayn, uu u ogaan karaa 14 qarni kahora in ay iman doonaan cudurro sababa geeri oo ay dhali doonto zinada?Waxaa mar kale taal su’aal mudan in la weydiiyo Nasaarada iyo Yahuudda ama gaalo oo dhan iyo wixii ka shakiya xaqnimada Quraanka, iyo nebinnimada suubbanaha (NNKH), taasoo ah ”Innagu haddaynu nahay Islaam, muxuu Ilaahay inooga reebayaa zinada, oo uu inoo oranayaa ha u dhawaanina? Maxay tahay sababta rasmiga ah ee uu Ilaahay inoo oranaya ka fogaada zinada? Ma waxay tahay in nala jaajuubaya, oo raaxada iyo bilicda iyo macmacaanka adduunka naloo diidaya, mise xirxirnaan iyo ciriiri ay la timid diinta Islaamka?Arrinku intuba ma ahan, ee waa natiijada hadda taal oo ah naxariista Rabbi iyo fadligiisa, iyo inuu doonaya inuu inaga dahiriya cuddurrada iyo xanuunnada dilaaga ah oo ina dhowro. Waana midda hadda la arkay natiijadeeda oo umaduhu Islaamka ay ka nabad qabaan masiibadaasi halligtay qoom badan, xalkeedana ilaa maanta ay la yahiin reer galbedka.Mahad waxaa iskaleh Allihii inaga yeelay Islaam, ee inoosoo dejiyey xal iyo nuur iyo wacdi iyo waano iyo nolal iyo sacaado dhammaanteed.WQ: Mohammed Tahir Abdi
Email: mohamed1@live.fi
____________________________________________________
Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimada.com, lama daabacan karo idan la’aan.

VIDEO NEWS


Source: Fubo

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks