Xog: Xildhibaano wada Mooshin xilka looga qaadayo guddoomiye Jawaari.

November 19, 2012 9:12 AM14 commentsViews: 8

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa soo ifbaxayay is qabqabsi udhaxeeyay gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari iyo qaar ka tirsan xilibaanada.

Khilaafkan ayaa salka ku hayay ansixinta xukuumada uu soo dhisay Ra’iisul Wasaare Saacid, oo xildhibaanada qaar ay sheegeen in qaabkii loo maray ay sharci darro ahayd.

Kahor intaan la anisixin wasiirada cusub, waxaa jiray xilibaano gaaraya ilaa 30-mudane oo warqad qoraal ah u qoray gudoomiyaha.

Xilibaanadan ayaa waxay dalbanayeen in marka hore lasoo dhamaystiro wasiirada, islamarkaasna hadii la ansixiyo xukuumad aan lasoo dhamaystirin lajabiyay qodobo kamid ah dastuurka.

Xilibaanadan ayaa waxaa hor boodayay wasiirkii hore ee dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Hadaba markii maalmo kahor ay baarlamaanka codka kalsoonida siiyeen xukuumada Ra’iisul Wasaare Saacid waliba si aqlabiyad leh, ayaa waxaa soo ifbaxayay guux hoose oo ka dhex jiray baarlamaanka.

Xilibaano gaaraya ilaa 30 madaxna uu u yahay xilibaan Xoosh Jibriil, ayaa dhowr mar waxay ku cel celiyeen in baarlamaanka uu u afduubanyahay gudoomiye Jawaari iyo labadiisa ku xigeen.

Illo lagu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyay in 30-kan xilibaan ay hada wadaan qorshe ay maalmaha soo aadan mooshin kaga keenayaan gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari, waxayna ku doodayaan inuu hareer maray sharciga islamarkaana uu xilibaanada afka qabtay.

Qaar kamid ah wariyayaashii shalay ka qayb galay kulanka baarlamaanka ee kalfadhiga Koowaad ku yeesheen Muqdisho, ayaa waxay Caasimada Online u xaqiijiyeen in xilibaanada qaar kamid ah marka ay is diiwaan galiyeen aysan fariisan oo ay goobta isaga tagaan, taasoo daliil u ah heerka uu gaaray khilaafka.

Xilibaan Kula-Lihi oo si toos ah u weeraray Guddoonka Baarlamanka:

Xilibaan Kula-Lihi oo mar ka hadlayay xaruunta golaha shacabka ayaa si toos ah u weeraray gudoonka baarlamanka waxa uuna ku eedeeyay inay afduubeen mudanayaasha, taasoo keentay in Makaroofanka laga damiyo.

Qilaafka udhaxeeya Gudoomiye Jawaari iyo Xoosh Jibriil goormuu soo bilaawday?

Sidaan lawada socono maalinkii doorashada madaxweynaha, ayaa waxaa jirtay in Xilibaan Xoosh Jibriil iyo tiro xilibaano ah ka hor imaadaan go’aan kasoo baxay maxkamada Sare oo xilibaano ubadnaa hogaamiye kooxeedyo loo ogolaaday ineey ka mid noqdaan baarlamaanka.

Xoosh Jibriil ayaa maalinkaas waxa uu ka istaagay hoolka ay kasocotay doorashada waxaana la arkayay isagoo gudoomiyaha baarlamanka kuleh “Ilaah kacabso hogaamiye kooxeed dooni meeyno” iyo ereyo kale, wixii intaas ka danbeeyayna waxaa jirtay in dhowr mar uu xilibaanka iyo Grouop kaloo xulufo la ah ay toosh kadaba qaateen gudoonka Baarlamanka.

Si kastaba, dhibka heysta Xoosh yo Kooxdiisa ayaa ah in qofka ay u gudbinayaan mooshinka uu yahay isla guddoomiyaha, haddii uu doonana meel ayuu isaga tuurayaa.

14 Comments

  • waxaan qabaa,soo gelinta hogaamiye kooxeedada barlamanka soomaaliyeed in ay ahayd qalad weyn oo a y taariikhda soomaaliyeed meel ka gelaya xun,taas oo u sahashay hogaamiyaasha in ay qalad u fadhiistaan barlaman xalaal loo soo doortay. waxaana aqbalay gudoomiyaha barlamanka &ku xigeenadiisa.arrintaas foosha xun shacbiga soomaaliyeed wexay soo geedinayaan,in maxkamad la saaro goor ay noqotoba jawaari iyo ku xigeenadiisa. waxaan kale oo shacabka soomaliyeed u sheegayaa,in aynu xaqa taageerno dulmigana diidno,sidaas baynu dad jira ku noqonaynaa,ilaahayna raalli inaga noqonayaa,hadii kale,dhibka iyo saxariirka innaga saarimaayo.wa billahi tawfiiq.by: Ali Osman

    • Wadani mudane xildhibaan xoosh waxa uu malanti la dharin lahaa u didanaa hogamiye kooxaydii bay aheed waxuuna isku dayey in barlamanka ka hor istago xoosh runtii wad harer martey xildhibadii plz baro shaqadaad ogow hawiye in ay yahiin dad sharaf leh waxad sameyneyso waa lagu ogyaha ADIGOO LEELKASE AH

  • ku caasimada idinka waxaan iksu dir aheen mahesan miyaa had iyo jeer waxaad so qortaan
    waxa kala geeya bulshada somaliyed

  • caasimada naga daya binta ee hosha idin sugaysa qabsada away arimaha kismayo ayaga ayan malmahan ad u danayna lkn bin noooooooooooooooooooooooooo

  • waxaan eedeyn ama wax fikrad xuma ah ku tilmamaya raga doonaya in ay keenana barlamanka mowshn ka dhan ah hogaamiyha barlamanka pro jawari ma ah wax lagu dawaco webside waa ceeb maxa yeley hadaan aan baan il ama mustaqbal fican inoo ifayaa marka wax qaska kawado somalida waa khilaafka goorman hormar gaareynaa hadii mar walbo lakeeno mowshin ama is qabqabsi heer aan laheyn ama ku taagneyn sal iyo raad waa mid laakin waxaan filaa in ay yihin kuwa dano gaar ah wato kuwa mar walbo mowshinka keeno ee waxan kula talinaya in ay dayan moshimada foosha xun leh keena qorsho wanagsan ee mah mowshin wad mahadsantihin

  • muxyadiin muxamed cabdulaahi

    horta marka hore qolada saxaafada sida caasimadaonline oo kale waxaan leeyahay qora oo kahadla waxa danta dalka iyo diintu ku jirto oo hormarinaya wanaaga iyo nabada macne samaysmaso in labuunbuuninyo khilaafaad iyo waxii lamid ah mida kale waxaa wax iska cad ah in gudoomiye jawaari uu yahay nin macquul ah oo wadani ah oo aqoonyahan ah waxa kasoo horjeedaana waa kuwa ay dhibayso wanaaga iyo hormarinta soomaliya xoosh jibriil waan ognahay waxa uu u ordayaa waa in uu difaaco dastuurkii ay kabuuxeen waxyaabaha qaladkaa oo uu jawaari kasoo horjeestay hadana uu yiri halagu soo celsho golaha shacabka waxa lasafana maaha dad caadi ah oo dad kaharay baarlamaankii hore ee foodada ahaa waxay marmarsiyo kadhiganayaan hogaamiye kooxeed iyo wax lamid ah qof hogaamiye kooxeed rabaa majiro gudoonka baarlamaankuna hogaamiyaasha asagu makeenin ee qabiiladoodaa ku adkaystay kadibna cod haloo qaado ayuu yiri markii xalkale loo waayay saas ayayna cod ku heleen xataa gudoomiyuhu macodayn gudoomiyuhuna waa afhayeen oo waxii baarlamaanku gaaraan ayuu ku dhawaaqaa ee jeebkiisa wax kama keeni karo marka dadka ay quluubtooda xumaantu kabuuxsantay haiska daayaan fadqalalada ay umada soomaaliyeed ku wadaan hadii kalena ha ogaadaan in ilaah lacnadaday oo raxmadiisa kadheereeyay aduun iyo aakhiraba dadka fidnada umada ubilaaba oo horkaca ILAAH halaga baqo waana mahadsantihiiin

  • Abdurahman Hagibano

    Waxa an halkaan idiin ka sheegayaa in ad waxba adan ka qaadi karin, karaamadiini ka iska luminina si sharci ayaa lagu soo doortay inta uu ka dhameysanayo affartiisi sano cid taaban karto ma laha 100% waa la xubaa in uu sii joogayo.

  • dhogoreysan oka maba dhalan kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk wuxu soo wado badweynta india yaa weyn

  • Ku: abdiaziz mire
    Hogaamiye kooxeedyada hadii odayashooda soo xusheen oo ayaga Baar iyo Labeen u yihiin u daa geed walba dhacaankiisu dhalaa, weelna wixii ku jira ayuu dhididaa, waxaa loogu abaal gudayaa sidii ay wadanka u burburiyeen

  • somali haday heshiiso dhegta ha la’ii duro.

  • hudur and sakoow

    xoosh caqli ayuu ku gaaray inuu siyaasinta DIGIL IYO MIRIFLE iyo HAWIYE ku shabadeeyo danbiiliyaal asagoo qabiil dartii uga so horjeeda,,,,,,,,,,, xoshow waxan ku balan qadeyna hadan D IYO Mirifle nahay inan badali doonin XABSADE IYO ADAN MADOOWE cirka aadi laheyda iyo somaalida wax la qabi laheyda adey ku tala,, haday HAWIYE ka yeelan inad masuulintoda denbiyal ku shegtana ayaga u taala,…………… mida kale xoosh inu san u hadlo JAWAAREY aya gaarsiyey SHARIIF XASAN wagi joogey ma hadlin jirin qas wade xoosh iyo kuwa qabiilka dartii ku taageraya

  • hudur and sakoow

    xoosh ,, xasan abshir faraax oo ahaa ninkii MORGAN la safna oo KISMAYO dhibka ka geysan jiray maxa uga hadli wayay….. xoshow naga dhaaf caqliga ad wadto sheekadii 91 kii aya kugu qulufane waxan ku dhihi lahen is deji dadkaga wax la qab hadii kale wax adiga kaaga futo xun malahan .

  • cabdiraxman xoosh waxan leenahay wasiir waxad tahay muwadin sharaf badan waxadna tahay ninkii dalka somalai ka saray ku mele gaar plz hadana waxad tabaanayso oodhan iloow dalka u tanaaul mudan wasiir waxad tahay sharci yaqaan waxad tahay muwadin plz dalkeena u tanaasul oo gudoomiyaha la shaqee sharaftada ilaasho

  • xoosh wa nin qabiil wanaaga lagu yaqaano kasoo jeeda qabiilkiisa hawiye iyo daaroon sharaf dhexdooda ku leh marka u malayn maayo in xoosh uu qabiilayste yahay ee waa nin sharci yaqaan ah ee sharciga ha la ilaaliyo

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks