Xog: Isbaheysigii Shariif Xasan iyo Guuleed oo saacadihii ugu dambeeyey burburay

Xog: Isbaheysigii Shariif Xasan iyo Guuleed oo saacadihii ugu dambeeyey burburay

SHARE

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbaheysi Doorashado oo in muddo ah ka dhaxeeyay madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa burbur ku soo dhammaaday saacadihii ugu danbeeyay.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in isbaheysigan oo ujeedkeedkiisu ahaa in labada madaxweyne ay iska kaashaadaan Doorashada, isla markaana ay talada la wareegeen iyagoo isku noqonaya Madaxweyne iyo ra’iisal wasaare ayaa socon waayay kadib markii ololaha doorashada uu soo dhowaaday.

Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo C/kariin Xuseen Guuleed ayaa hore ugu heshiiyay inay isu noqdaan madaxweyne iyo ra’iisal wasaare, ayna guddoomiye Baarlamaan ka dhigaan C/rashiid Xiddig iyagoo is tusay inay heli karaan codad ka badan 150.

Isbaheysigan oo welwel ku hayay beesha Daarood iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadda kala tegay, kadib markii madaxweynaha Galmudug uu ka baxay, waxayna xogtu sheegeysaa inay ugu wacan tahay kadib markii uu xaqiiqsaday inuu isbaheysigan aanu wax guul ah ka keeni karin doorashada

Musharaxnimada Shariif Xasan Sheekh Aadan ee xilka madaxweynaha, iyo musharaxa Guddoomiyaha Baarlamaanka ee C/rasiid Xiddig ayaa hadda u muuqda inay rajadoodii ay mugdi gashay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

FADLAN HOOS KA DHIIBO ARAGTIDAADA
SHARE