Xog dheeraad ah oo aan ka helnay liiska Golaha wasiirada cusub ee Damul Jadiid ay xaabsatay.

October 22, 2012 8:00 AM5 commentsViews: 11

Shalay waxaan qornay xog ku saabsaneyd in kooxda damjadiid ee awooda ballaaran ku leh howl socodiisnta dowladda cusub ee uu madaxweynaha ka yahay, Xasan Sheikh Maxamuud Calasoow, ay xaabsadeen wasiiradii ugu muhiimsana Dowladda.

Haddaba waxaan maanta mar kale helnay liis kasii faah faahsan kii shalay oo xog ka badan tii shalay ayaa ina soo gaartay.

Haddaba waxaan idin soo gudibineynaa liiska golaha wasiirada cusub oo inta badan dhameystiran iyo sidoo kale jagooyinka kale ee Damul Jadiid ay qaadaneyso.

Golaha wasiirada

1- R/Wasaare Ku Xigeen, Wasiirka Howlaha Guud Iyo Dib U Dhiska: Ridwaan Xirsi Maxamed (Isaaqa, Garxajis, Habar Yoonis).

2- R/Wasaare Ku Xigeen, Wasiirka Maaliyadda Iyo Lacagta: Siciid C/Laahi Maxamed (Siciid Danni), (Daarood, Majeerteen, Cismaan Maxamuud).

3- Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Amniga Qaranka: C/Kariin Xuseen Guuleed ( Hawiye, Habargidir Sacad)

4- Wasiirka Cadaaladda, Awqaafta Iyo Arimaha Diinta: Maxamed Nuur Gacal (Hawiye Mururusade, Cabdalle).

5- Wasiirka Qorshaynta Iyo Xiriirka Caalamiga Ah: Jamaal Maxamed Baaroow ( Beesha Shanaad, Jareerweyne), Jamaal ma aha xubin ka tirsan damjadiid laakiin waa aqoonyahan ka mid noqdey xisbigii pdp ee madaxweynuhu madaxda ka ahaa.

6- Wsiirka Waxbarashada , Hidaha iyo Tacliinta sare: Faarax Sh. C/Qaadir Muxumed (Beesha Shanaad, Reer Awxasan)

7- Wasiir U Dowlaha Gaashaan Dhigga: Cabdi Axamed Abtidoon( Hawiye, Habar Gidir, Saleebaan).

8- Wasiirka Beeraha: Aweys C/Laahi Ibraahin (Aweys Qarni) (Digil Iyo Mirifle, Raxanweyn, Xariin).

9- Wasiir U Dowlaha Qorshayna Iyo Xiriirka Caalamiga Ah: Cumar Idiriis (Cumar Dheere), (Hawiye, Gugun Dhabe, Jajeelo).

10- Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta : Maxamed Amiin Maxamed Al Haadi ( Beesha Shanaad, Reer Baraawe, Xaatimi)

11- Wasiir ku xigeenka ganacsiga Dr. Xamdi Cabdi Aar( Daarood, Ogaadeen, reer C/lle).

Jagooyinka kale ee ay qaateen Damul Jadiid ama ay u dhiibeen day ay wataan

1- Gudoomiya Gobolka Banaadir: Xasan Maxamed Xuseen (Muun Gaab) (Abgaal, Wac Buudhan, Celi), ninkan madaxweynaha ayaa diidan inuu jagadaan qabto oo laga soo badalo midda uu hadda hayo maxkamadda ciidamada.

2- Agaasimaha xarunta madaxtooyada: Dr. Maxamed Sh. Cali Doodishe) (Mareexaan, Cali Dheere)

3- Taliyaha ciidamada xoogga dalka: Jen. Cali Ismaaciil Maxamed (Majeerteen, Cali Salebaan).

4- Safiirka dowladda Somalia u fahdin doona dalka Qadar Fahad Muxumed Yaasiin, (Beesha Shanaad, Reer Awxasan), Faarax C/Qaadir ayey jufo hoose yihiin, waana ninka mid ka mid ah amiirada dalka Qatar ka soo qaadey lacagtii lagu laaluushay xildhibanada xiligii doorashada.

5- Taliyaha Nabad Sugida Gobolka Banaadir: c/Xakiin Fareey (Murursade)

6- Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta: Axmed Farax Cali (Idaajaa), (Mareexaan, Reer Diini, Reer Siyaad), lama oga inuu idaajaa aqbalay xilkan iyo in kale laakiin waxaa u ololeynaya fahad yaasiin oo ay saaxib yihiin.

VIDEO NEWS


Source: Fubo

5 Comments

  • Maxammed London UK

    Maxammed London UK

    Umalayn mayo in wararkan amaba saadaashaan ay yihiin wax sugan sababtoo ah waxaan illo lagu kalsoon yahay oo ka agdhow Madaxtooyada ay sheegeen in Wasiirka Arr.Gudaha lagu soo celinayo C/Samad Macallin Maxamuud oo horey u joogay halkaan xilligii KMG. Miida kale Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ninka layiri waa qabanaya xilkaas waa nin ka bixi kara aqoonyahan ah horeyna oo academic ah aqoon diinna leh kana bixi kara maxuba, laakiin beesha uu kadhashay ma aha Majeerteen waa ( Dashiishe, Ugaar,Baahiwadaag, Saleebaan). Taasaa keentay inaan 100% lagu kalsoonaan karin XOGAHA BADAN balse ay noqon karto saadaal uun.

  • Wixii la keeno waa wax NGO ah ee haleeska raali ahaado 4 sano NGO DAM-JADIID ayaan wax u shaqshaqaynaaye raali noqdo shariif ba waa guuray ku waana mar lee guurayaan hadii wax kale oo ooman aysan imaan waa laga baxayaa waa wax aan sigaynay horaa nogula sheegay dowlada NGO balse sidan in ay dhaami doonto ayaan u malayneenay .

  • aan kuugu daree fahad yaasin wuxuu qabaa idaajaa walaashi waana seedigi kkk oo meesha wixiiba la xaabsaye

  • kkkkkkkk dadkan idajaa agasimaha laga dhigay ka dhigaya qiyame so dhacay idaja weriye khibrad u leh weeye iyo aqoonyahan iyo weliba qoraa soomaliyeed wax meel loo dhiibo oo meeshi ku habooneyd loo dhiibay idajaa ba ka jira haday run tahay lakin sidan in loo badinayo uma malayneyn waamaxay wasiira dowlahan ciida ka batey iyo beesha shanaad iyo hawiye aad moodid sidii hadhuudh loogu yaaciyey hal isaaqa iyo hal majerten oo wasiro ah iyo wasir ku xigen ogaden ah aawey daarod iyo dir intoodi kale inkastoonay muuqan wasaarado kalo muhiima lakin dibada iyo gudaha iyo maaliyada hadii intaa damu jadiid lasiiyey walee wadanka NGO state of somalia waa gaadhey ba’ii iyo balanbalkii lalarabey ilaah baase ka badbadinaya inshallah.

  • waan salaamayaa umadda soomaliyeed oo dhan meel kasta oo ey joogtaba.
    hadii aan eego saadaasha golaha wasiirada dowladda cusub. waxaan dhihi karaa maaha katurjumaya garbaha umadda soomaliyeed is ku garato. waxaase leeyahay dowladdu waa in ey shacabkeeda matashaa ee maaha in ey kutimaado nin jecli, taasi waa tan 22 sano kahor nadhigtay meesha aanu joogno hadda
    dowladdu waa in ey kakoobantahay jiritaanka umadda soomaliyeed oo dhan wabillahi towfiiq.

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks