Maxamed Ibraahim Xaabsade “Waa in lala xisaabtamaa Faransa”

January 14, 2013 8:20 AM0 commentsViews: 13

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul kaga hadlay weerarkii fashilmay ee ciidamada France ay ku soo qaadeen deegaanka Buulo-Mareer ee degmada Gurtunwaarey.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade,kana mid ah gudiga difaaca baarlamaanka dalka ayaa sheegay in nasiib daro ay tahay qorshihii ka fashilmay dowlada France ee ay ku weerareen deegaanka Buulo-mareer.

Wasiirka arimaha dibada iyo wasiirka gaashaandhiga ayaa isku mid ah u sheegay in xukuumada waxba kala socon weerarkii ka dhacay degmada Buulo mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xaabsade ayaa sheegay in sharaf daro ay tahay in dowlada Faransa oo badbaadinaysa hal muwaadin loo baabi’iyo muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugnaa goobta weerarka ka dhacay.

Ciidamada France oo wata shan diyaaradood oo helicopter ayaa isku dayay inay xoog ku furtaan Dannis Alex oo gacanta Alshabaab ku jiro muddo 3 sano ah.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya looga baahan yahay inay la xisaabtanto dowlada Faransa maadaama uu sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid aysan ka warqabin xukuumada.

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks