Weeraro ismiidamin ah oo la doonayay in laga geysto Muqdisho oo la fishiliyay

January 3, 2013 10:20 AM0 commentsViews:

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay inay ka hortageen weeraro ismiidamin ah oo la doonayay in laga geysto magaalada Muqdisho,kuwaasi oo uu sheegay inay soo abaabuleen Alshabaab,sida uu hadalka u dhigay.

Gudoomiye C/qaadir Maxamed Nuur “Siidii”, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkaasi la qorsheynayay in lala eegto xarumaha dowlada ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Wuxuuna sheegay inay ahaayeen kuwo ismiidamin ah iyo kuwo gaadiid lagu xeray,laguna diyaariyay deegaano ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Sidii ,ayaa sheegay in amaanka deegaanada gobolka Shabeelaha maalmahaan wax badan ka qabteen,isagoo xusay in ciidamada dowlada sameeyeen howlgalo joogto ah oo amaanka lagu xaqiininayo.

Gudoomiye Siidii ayaa u mahad celiyay shacabka deegaanada gobolka Shabeelaha hoose kuwaasi oo uu sheegay inay la shaqeeyaan ciidamada dowlada iyo maamulkaba.

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks