Waxaan kusoo arkey kullankii labaad ee Prof Samatar iyo Prof Galeydh!

January 30, 2013 5:00 AM0 commentsViews: 1

Fiidnimadii 26kii Janaayo 2013 ayaa markale labada Barfisoor islamarkaasna ah Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Cali Khaliif Galeydh iyo Axmad Ismaaciil Samatar kula kulmeen jaaliyada Soomaalida ee Minnesota gabagabadii kulanka ayey jaaliyadu suaalo ay weydiiyeen.

Runtii waxaan si toos ah u orankaraa dadkii soo qabanqaabiyey kulamadaan ay mudan yihiin in loo mahadceliyo sida la sheegay waxaa hormuud u ahaa Sadik Warfa oo magac iyo maamuus ku dhexleh bulshada Soomaalida ah ee Gobolka Minnesota qabanqaabiyayaashu waxa ay baal cusub u fureen umada Soomaalida ah guud ahaan.

Kulankaan ayaa waxaa lagu qabtay makhaaxida lagu magacaabo Safari qeybteeda shirarka waxaana isugu yimid dad badan oo intooda badan xiise gaar ah u qabay in a dhageystaan waxa ay halkaas ka oran doonaan 2bada barafeysar.

Kasoo qeybgalayaasha oo aan in badan ka gartay ayaa waxaa ay kasoo kala jeedaan gobolada dalka amaba waxaan oran karaa qabaailada soomaalida kuwooda ugu sawaxanka badan iyo kuwooda ugu shanqarta yar intaba.

Ka wargurista labada Barfasoor looma kala harin baan oran karaa.

Prof Galeydh.

Prof Cali KH Galeydh oo hadalka lagu bilaabay ayaa waxa uu ugu horeynba dadka tusay in uu wato buug uu ku qarnaa Dastuurka Soomaaliya waxa uuna akhriyey qeyb ka hadlaysa dalka Soomaaliya inta uu ka kooban yahay xuduudiisa, wadajirka dalka iyo waliba nooca ay dowlada Soomaaliya ay tahay, waxa uuna bud-dhig uu uga dhigayey doodiisa dastuurka dalka u degsan oo uu gacanta ku heystay marna kor buu u qaadayey marna waa uu akhrinayey.

Dulucda hadalkiisa waxa ay aheyd Soomaaliya waa jirtaa weyna jiridoontaa kalagoyna waa wax aan dhici karin, micnaha waxa uu ku han-jabinayey oo fartiin u dirayey dadka aaminsan in dalka Soomaaliya lakala gooyo.

Somaliland ayuu ku diganayey baan ka fahmay

Waxa uu kaloo ka hadlay arimaha maamul u sameynta jubooyinka waxa uu sheegay in uu mudo kasoo shaqeeyey goboladaas oo uu khibrad dheeri ah u leeyahay sida loo kala degan yahay waxa uu ka digay in la carqaladeeyo maamul u sameynta goboladaas, doorka dowladana waxa uu ku cadyahay dastuurka ayuu yidhi. Waxa uu ka digay in ay dowladu marin habaabto oo ay ku talaabsato khaladaadkii ay sameysay dowladii uu R/Wasaaraha ka ahaa.

Nin khibrad siyaasadeed iyo mid deegaan u leh koonfurta fog ee Soomaliya sidiisii ayuu u hadlay.

Prof Cali Khaliif Galeydh waxa uu u ekaa sidii nin usoo diyaar garoobay kulanka waxa uuna uga duwanaa kii hore isaga oo si gabad aan ku jirin u weerary Villa Somalia, waxa si diiran u weeraray siyaasada Madaxweyne Xassan issga oo madaxweyne Xassan SH si dahsoon ku sheegay in uu ku xadgudbay dastuurka uu madaxweynaha ku doortay.

Waxaan is odhan karaa hadalkii ugu adkaa in uu ahaa isaga oo madaxweynaha iyo R/Wasaaraha uu ku tilmamay nin iyo hadhkii.

Anoo hoos isulu hadlaya ayaan is iri maxaa ku jaban nin iyo hadhkii hadii ay wax inoogu hagagayaan.

Prof Galeydh kulankii hore waa uu ka hadal adadkaa sidii nin socdaal ku ah meel uu oghyahay sidiisii ayuu u hadlayey si khibradiisa siyaasadeed ka tarjumeysana waa uu u dhigayey doodiisa.

Marar badan baa loo qoslay waana uu kaftamayey.

Prof Samatar

Prof Axmed I Samatar waxa uu durba markii uu makarafoonka qabsadey ku bilaabay dib ugurasho xeeldeysan oo in mudo ah uu ka faalooday in si khaldan looga fasirtay hadaladii adadkaa ee kulankii 1aad ee 2bada barfasoore ay qabteen.

Samatar waxa dulucda dib u gurashadiisa ku sifeeyey in lahjadiisa darteed si khaldan loo fasirtay balse jaceylaka dalka iyo dadka ay ku weyn tahay. Waxa uu yidhi Niyadjab waa ay jirtaa balse Rajobeel ma jirto.

Aamaan iyo wanaag badan buu ka sheegtay wadaniyiin badan oo ku dhaqan gobolka Banaadir.

Waxaan u qaatay in mar afka uu kasoo xadey oo uu yiri dowlada Mareykanka warqad baan u diray markii xiriirkii diblamaadsiyadeed ay dowlada Mareykanka ay lasoo ceshatay Soomaliya oo uu ugu sheegay in Somaliand aan la dhayalsan karin wax ala iyo wixii Soomaliya ku Saabsan in meesha hore laga galiyaa oo talo ay Somaliland ku yeelataa. Tan kama aan ka filaneyn Prof Samatar.

Waxaan is idhi mar hadii ay sidaas tahay maxaa darajadaas u diiday Puntland, Galmudug iyo maamulada kale ee unkamayo.

Dadkii halkaas fadhiyey waxa uu ka codsadey in lacag joogto ah la isku qoro oo lagu caawiyo Booliiska Xamar iyo Hargeysa, waxa uuna suaalo laga wediiyey waxa uu ku doortay labadaas magaalo waxa uuna ugu jawaabay dalka labaas ayuu ahaa 60kii micnaha British Somaliland iyo Italian Somaliland.

Prof Samatar kulankaan waa uu ka daganaa kii hore waana is xadidayey waxaan u qaatay uu u hadlayey sidii nin lagu shideeyey erayadii kulkululaa ee uu ka jeediyey kulankii hore ee ay wada qabteen Prof Galeydh.

Xodxodasho Siyaasadeed iyo jileec aan ku aqoon baan ka dhex arkay Khudbadii Samatar .

Prof Samatar waa loo qoslay waana looga qosol badnaa Prof Galeydh.

Iskusoo wada duub

Labada barfasoor waxaa ay u ekaayeen niman danta isku keentay oo iska maciin biday dhanka siyaasada oo intaas isaga dan ah oo wax kale ka dhaxeyn.

Prof Galeydh waxa uu ka ciil qabay baan u qaatay.

1-sida aysan dowlada Soomaaliya aysan wax uga oran dagaalada Khaatumo uga socda Somaliland.
2-sida dowlada ay uga indha laabatay talooyinkii uu siiyey oo aan waxba laga soo qaadin.

Micnaha nin muraayada laga dalacday sidiisii oo kale buu u hadal ekaa.

Prof Galeydh Darbiga masoo taaban laakiin waa uu u dhawaa baan isleeyahay

Prof Cali Khaliif Galeydh waxa uu iila ekaaday sidii nin siyaasad iska dhicinaya.

Ikhtiyaar Siyaasadeed in uu leeyahay waa uu ka muujiyey halkaas.

Soomalinimada in ay ku weyn tahay kuna qanacsan yahayna waa uu cadeeyey Prof Cali KH Galeydh.

Prof Samatar waxa uu ka ciil qabay baan u qaatay

1-sida uu ugu soo fashilmay Muqdisho, Somaliland na aan wax uga horeyn.
2-sida uu u hanweynaa una soo hungoobay.

Prof Samatar Darbiga ayuu soo taabtay waana gacan haadinayey baan is idhi.

Prof Axmad Ismaaciil Samatar  waxa uu iila ekaaday sidii nin siyaasad raali galinaya.

Ikhtiyaar Siayaasadeed in uu leeyahay waa uu ka muujiyey halkaas.

Soomaalinimada in ay ku weyn tahay kuna qanacsan yahayna waa uu cadeeyey Prof Axmad I Samatar.

Gunaanad

Aragtideyda waxaan odhan karaa in labada Barfasoor aysan waxba iskaga qaban karin siyaasada la isku humbaaleynayo ee ka dhex socota qeybaha Soomaalida, Gocoshadeedana ay sharaftooda wax u dhimi karto.

Kasoo qeybgalayaashii iyaga oo laga qosliyey bey ka tageen labada barfasoorna iyaga oo neefsadey bey ka tageen anigana waxaa ka tagay anoo yaaban.

W/Q: Mursal Geeldoon
geeldooniya@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks