FAAH-FAAHIN: Kullanka Wasiirada gaashaandhiga Somalia iyo Kenya

January 14, 2013 7:50 AM0 commentsViews:

Wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud “Fiqi”,ayaa ka hadlay kulamo uu la qaaday dhigiisa dalka Uganda oo ay kaga hadleen arimo dhowr oo ay ka mid ahaayeen taageerada ciidamada dowlada.

Fiqi,ayaa sheegay in kulankiisii uu la qaatay wasiirka difaaca dalka Uganda uu ahaa mid ay isku soo afgarteen sidii tababar loo siin lahaa ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan dalka Soomaaliya iyo ciidamo loo qaadayo dalkaasi Uganda.

Wasiirka wuxuu sheegay in sidoo kale wasiirka gaashaandhiga Uganda uu kala hadlay sidii labada dalka isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka kooxaha argagixisada ,sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta uu kulan la qaato dhigiisa dalka Kenya oo uu kala hadli doono arimo dhowr ah.

Wasiirka ayaa sheegay in dhigiisa Kenya uu kala hadli doono howlgalada ciidamada Kenya ay ka wadaan dalka Soomaaliya,iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka Alshabaab.

VIDEO NEWS


Source: Fubo

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks