Warbixn: Puntland iyo Galmudug oo ku goobanaya kooxda Al-Shabaab.

December 8, 2012 1:01 AM3 commentsViews: 6

Al-Shabaab ayaa bilaabay in ay u dhaqaaqaan gobollada Galmudug iyo Puntland kaddib markii ay guul darrooyin culus kala kulmeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee koonfurta Soomaaliya, saraakiisha ayaa sidaas leh.

“Al-Shabaab waxa ay bilowday in ay raadiso goobo gabbaad ah kaddib markii ay la taaheen guul darrooyin kasoo gaaray koonfurta Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir.

Waxa uu  sheegay in al-Shabaab ay buuraha waqooyi bari ka raadsanayaan gabbaad ammaan ah, halkaasi oo ay u isticmaali karaan badda in ay kasoo dajiyaan hubka iyo dagaalyahanada shisheeye ama ay kaga carari karaan dalka.

Wali maamulka Puntland waxa uu kahor tagayaa al-Shabaab in ay isku urursadaan Buuraha Galgala, halkaasi oo Puntland ay goor hore kula dagaallantay al-Shabaab, ayuu yiri.

“Waxaanu sugnay dhamaan waddooyinka gala buuraha, waxaanuna gaynay ciidamo tababaran si ay si joogto ah u raadiyaan maleeshiyaadka al-Shabaab,” ayuu yiri. “Ciidamada baddana waxa ay ilaalo ammaan ka wadaan badda gudeheeda iyo xeebaha, waxayna kaashanayaan dadka deegaanka. Shacabku waxay ogaadeen in kooxahani ay yihiin rabshad wadayaal ayna dhibaataynayaan qof walba.”

“Ciidamada ammaanka waxa ay howl-gallo badan ka sameeyeen Gaalkacyo,” ayuu yiri Dirir. “Waxa ay ku guulaysteen in ay soo qabtaan xubno al-habaab ah iyo hub la damacsanaa in lagu dhibaateeyo dadka. Maanta, Gaalkacyo waa ammaan, dadaallada lagu sugayo ammaankana waa ay socdaan.”

Nofembar 14-keedii, maxkamad militari oo Gaalkacyo ku taala ayaa 19 dhalinyaro ah oo al-Shabaabnimo lagu helay ku xukuntay 5 illaa 10 sano oo xarig ah kaddib markii ciidamada ammaanka Puntland ay tuhmanayaasha soo qabteen intii lagu jiray howl-gal ammaan.

Saddex bari kadib, ciidamada ammaanka waxay xireen laba saraakiil sare oo al-Shabaab ah, waxayna qabteen keyd walxaha qarxa ah howl-gal Gaalkacyo ka dhacay kaddib.

Dirir ayaa sheegay in maamulka uu kalsooni ku qabo in al-Shabaab aanay waligood ka heleyn Puntland meel ay mar kale isku urursadaan. “Siyaabo kala duwan ayay u soo dhuuman karaan, balse mar walba waxaannu isku daynaa in aannu ka hor tagno.”

Habeenkii Talaadada (Diseember 4-teedii), ciidamada Puntland ee saldhigga ku leh Buuraha Galgala ayaa iska caabiyay weerar ay maleeshiyaadka al-Shabaab kusoo qaadeen, iyagoo qabsaday hubkooda, dilayna ugu yaraan toddobo dagaalyahan sidoo kalena dhaawacay 12 kale, maamulka ayaa sidaas ku sheegay war saxaafadeed. Laba askari oo Puntland ah ayaa lagu dilay weerarka.

Madaxda ayaa sheegaya in ay baacsanayaan haraadiga maleeshiyada, kuwaasoo dib u gurtay markii ay la kulmeen guul darrooyin culus.

Dhacdo kale oo meel aagga u dhow ka dhacday ayaa bam waddada agteeda lagu aasay lala beegsaday gaari waday askar Puntland ah, halkaasi oo ay ka dhinteen 10 qof.

“Soomaali badan ayaa Puntland u soo gudba si ay u ganacsadaan,” ayuu yiri. “Waxaa jira dad xun oo ka faa’idaysanaya taa si ay u burburiyaan nabadda iyo daganaashaha, balse majirto cabsi badan oo aan qabno.”

Si walba oo ay ahaataba, Dirir ayaa muujiyay walaaca uu ka qabo rabshadaha Yemen. Waxa uu sheegay in maamulka Puntland uusan haysan ciidan badeed oo awood u leh in ay ilaaliyaan badda, taasoo ay al-Qaacidda u adeegsan karaan in ay ugu soo gudbaan Soomaaliya. Bishii Luuliyo,madaxda Puntland ayaa qabtay markab wada walxaha qarxa oo ka yimid Yemen.

Madaxa maxkamadda militariga Puntland Axmed Cabdi Bootaan ayaa sheegay in maxkamaddu ay sharciyaynayso in la maxkamadeeyo xubnaha al-Shabaab ee lagu qabto Puntland.

“Maadaama ay yihiin maleeshiyaad hubaysan, maxkamadda militariga waxa ay xaq u leedahay inay maxkamadayso, xukunkoodana wuxuu noqon karaa shan illaa 10 sano, iyadoo ay ku xirantahay xajmiga dambiyada ay galeen,” ayuu yiri Bootaan.

Galmudug ayaa sidoo kale ka shaqaynaya inay al-Shabaab iska caabiyaan

Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale bilaabay howlgallo ammaan oo ka dhan ah al-Shabaab, ayuu yiri Taliyaha Bilayska Galmudug Cabdi Jaamac Xabeeb.

“Galmudug ayaa daabushay saraakiil sir-doon ah si ay ula socdaan tallaabooyin laga yaabo inay al-Shabaab qaadaan, bilayskana waxay si joogto ah u wadaan howl-gallo lagu hagaajinayo ammaanka,” ayuu yiri.

Tusaale ahaan, Oktoober 29-keedii, saraakiisha ammaanka ayaa walxaha qarxa ka helay xaafadda Wadajir, ee koonfurta Gaalkacyo.

Xabeeb ayaa sheegay in walxaha qarxa ee ay qabteen bishii Oktoober ay calaamad u tahay inay al-Shabaab ka howl galaan gobolka, Galmudugna waxay dhinaceeda ka wadaysaa dadaalka lagu caabinayo khataraha gobolka iyo shacabka soo wajahaya.

3 Comments

  • asc aniga rayigega nimankaas meshey galan halagu gubo diinta ee hestan shakiba iiga jira iney teenii tahay sida culumadu shegen oo sh umul ugu dabeyay hadalkisii qofkii ubahan xafidahulah waxu kujira youtub habon dhowed maran dhagestay wilashii yaryarayee losoo qabtay dilki shiq dr axmed xaji ayaba sii nacay kuwan sabxana lah ilahow naga qabo wax qer qaboo dhigena iyo naften iyo carshigenaba badbadiyan kabaranay amiin amiin yarabi

  • BISMILAAH. alshabaab waxaay jabtay maalitay dhiiga muslimka baneysteen xukunka dalkana sidii iyagoo loo waxyoodo isku koobeen.1992 waxay alitaxaad oo shabaabkan ka awoodv badnaa dulaan ku soo qadeen deegamada Puntland markaas PUNTLAND ma jirin waxaana deegaamas joogey jabhaddii dagaalkii ugu horeeyay kala hortimid dowladdii maletarigga. Marka ma maanta oo Puntland ay ka jirto maamul 15sano ku dhow ciidan xoog leh diyaarado duulaya shacab isku duuban. DULI DULMI WADA OO LAGA SOO ERYAY KOONFURTA SOMALIYA WAXBA KAMA QAADAYO PUNTLAND.QOLOOYINKA SAAXAFADA EE XAASIDKA KU AH KANA XUN REER PUNTLAND MAXAY MAAMUL U NOQOTAY DEE ADBA MAAMUL YEELO WAAN KAGA HOREYNAY WAANA KU SOO DHAWEYNAYNAA WAAYO ANAGU HADDAAN REER PUNTland nahay kaluunkaan badsanaa xaasidkuna waa nagu yaryahay.

  • to sumaya adigu waad is cadeeysay oo waxaad tiri diinta ay haystaan shakibaa iiga jira dadkuna waxaa fiican in ay sidaa isu cadeeyaan

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks