Al-Shabab oo ku sii Xoogeysaneysa Puntland. (Warbixin faah faahsan)

December 7, 2012 7:40 AM6 commentsViews: 1

Nairobi (Caasimada Online) Ururka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa hadda xoog weyn ku yeelaneya deegannada maamulka Puntland.

Al-Shabaab ayaa la soo sheegayaa in ay bilihii la soo dhaafay u wareegeen deegannada Puntland,  kaddib markii ay lu miyeen  magaalooyin muhiim ah oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa labo cisho ka hor waxay ay weerrar ku qaadeen saldhig ciidamada millatariga Puntland ay ku lee yihiin buuraha Galgala ee gobalka Bari, isla markaana qarax bamb oo dhulka lagaliyay  la beegsadeen  baabuur nooca  dagaalka ah.

Al-Shabaab ayaa gacantooda ka baxday bishii October ee sannadkan magaalada dekedda leh ee Kismaayo, markii magaalada galeen ciidamada midowga Africa, kuwa dowladda iyo maleeshiyo xiriir la leh dowladda Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland Maxamud Caydiid Dirir ayaa BBC-da u sheegay in baabuur nooca dagaalka oo ay la socdeen askar lagu weerraray qarax dhulka lagaliyay magaalada Boosaaso oo ah xarunta ugu weyn ganacsiga Puntland.

“10-Askari ayaa ku dhintay ama ku dhaawacmay weerrarkaas” ayuu yiri wasiirka

Al-Shabaab kal horre ayey sheegtay in ay la midowday kooxda uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Sacdiid Atam, oo ah wadaad ku kacsan maamulka Puntland.

Al-Shabaab Iyo Kooxda Ka Dagaalama Buuraha Galgala Gormee Ayey Midoobeen?

Horaantii bishii March ee sannadkan ayaa Al-Shabaab si rasmi ah u shaacisay in ay midoobeen iyaga kooxda uu hoggaamiyo Sheekh Atam.

Afhayeenka Al-Shabaab ee dhanka Howlgalada Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa markaas daaha qaaday  Sababta ay u midoobeen Al-Shabaab iyo Dagalyahannada Buuralayda Galgala.

Wuxuu yiri “ Waa Siddii lagu Cirib tiri lahaa Maamulka Puntland “

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in Dagaallada ay ka bileen Puntland in ay tahay mid lagu difaacayo Qayraadka Dalka oo ay sheegeen in Gacanta loo Gelinayo Kooxo sirdoon ah oo ka socda Wadamada Reer Galbeedka.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Raxmaan Faroole wuu qirsan yahay in dagaalyahano Al-Shabaab ah u soo guureen buuraha Galgala, wuxuu beesha caalamka ka codsaday in ay arrintaas gacan ku siiyaan.

Maamulka Puntland dhowr jeer ayuu sheegay in qabtay hub ka yimid xeebaha waddanka Yemen kuwaasoo loo waday dagaalyahanada ku sugan buuraga Galgala.

Mary Harper waa wariye ka tirsan BBC-da waxay lee dahay daraaziin dagaalyahanka Al-Shabaab ayaa bilihii ugu dambeeyay gaaray waqooyiga buuraha Galgala.

Al-Shabaab weli weerraro ay ka geestaan koonfurta, toddobaadkii hore ayaa weerrar gaadmo ah waxay ku qaadeen kolonyo ay la socdeen wasiiro iyo xildhibaano kuwaasoo oo booqanayay magaalada Marka ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online 

Xafiiska Wararka Nairobi

6 Comments

  • beenta iska dhaaf alshabab puntland ma joogtee….

  • Alshabaab ama alqaacida magaalo iska daaye tuulo xitaa kama haysato deegamada weyn ee Puntland waxaana cagta mariyay oo awoodoodii ilaa hadda wiiqaya ciidanka soo majeestayaasha Daraawiishta Puntland ogaadana magaalada Galgala ayay afarsano haysteen oo ka arimin jireen sanad ka hor ayayna ciidanka Puntland ka saareen hadda waxa meelahaas ku dhuumanayaa waa haraadigii oo dagaal ku dhufo ka dhaqaaq mar mar ay la galaan ciidanka Puntland ee jooga deeganka Galgala oo ah buuraley dhir badan ayna adeg tahay in lagu dagaalamo.Puntland iyadoo aan kaashanayn ciidan shisheeye ayay la dagaalami cadow kasta oo duulan ah.Marka yaan laga dhigin In Puntland la iska soo galo la qabsado Waxaan u sheegayaa cadowga Puntland ee buuraha ku dagaalamaya wakhtiga ha iska luminina qabsan maysaan Puntland inshaallah ee haddaad geesiyaal tihiin bal meel cidlo ah ciidanka Puntland kula dagaalama bal aan argnee cidda laga guulaysto?

  • Alshabaab was joogaan puntland,waxayna laba beri ka hor weerar ku qaadeen ciidamoh puntland leedahay. Waxaa ku dhintay gaari ay miino u dhigeen 10 Askari. Markii Lagu soo jebiyey koonfur bay u soo carareen buraha galgala. Waa runtii qoruhu, waa war run ah, anagaa joognah puntland.

  • alshabab waa dad cadow ah oo diidan danaha iyo nabadda somalia qoladan puntland lamagac baxdayna iyaga ayaa inbadan ku taagerayey iney fowdo ku hayaan koofurta si magaca beenta ah ee puntland usoo jiro marka way wacantahay hadii falkoodi dib ugu laabtay somalida ayaana horey u dhahday god sireed ha qodin hadad qodana ha dheereyn ku dhici doontidna ma ogide!

    • Saxfi ninkii idin kaso jafay alshabab cabdiwali maxamed cali gaas ayuu ahaa iyo xukuumadiisii heerka ay muqdisho marayso maanta so gaarsiyay lkn puntland abaal idinkama sugeyso maanta iyo inad tiraahdaan way na caawiyeen waayo waxaad wali aaminsan tahiin xaasidnimadii aad u burburseen qarananimadi soomaliyeed, ogowna puntland hadayba alshabab so galeen maahan konfur oo kale oo sanado lala dagalaami doono mudo kooban ayaa lagu cirib tiri waayo puntland waa dawlad malatri ah oo ciidan adeg leh shacabkeeda iyo madaxdeedana ka siman yahiin jiritaanka puntland iyo muqdasnimada amnigeeda marka ha moodin muqdisho kale oo nin walbaa u dirarayo jago xun ama isbaaro qabiil meel dhigtay. waxaa idinka idn la gudboon inaad horumarka ay puntland idin gaarisyay aad sii wadaan oo muqdisho aad ka shaqeysaan nabadgalayadeeda hadi kale waligin tuugo ahaada layrarka magalada la idin ku xiro fur furta wax kaleba iska daayee

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks