Warbixin Naxdin leh: Imisa qof ayaa ku qaada Somaliland HIV/AIDS bil kasta?

January 1, 2013 6:00 AM0 commentsViews: 68

Hay’adda la dagaalanka cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS ee maamulka Somaliland (Somaliland National Aids Commission) ayaa shaacisay qiimeyn ay sameysay oo sheegeysa in bil walba 58 qof uu asiibo cudurka AIDS-ka.

Cilmi baaris laga sameeyay deegaannada Somaliland ayaa lagu ogaaday in bil kasta ay cudurka HIV/AIDS ay qaadaan dad tiradooda lagu sheegay 58 qof, Inkastoo ay hay’addaas sheegtay iney samaysay wacyigelin ballaaran oo la xiriira sidii loo xakameyn lahaa cudurkaas.

Hay’adda Commissionka la dagaalanka Cudurka AIDS-ka ayaa sheegtay ineysan jirin hoos u dhac ku yimid dadka qaada xanuunka AIDS-ka, taasoo ka dhigan in dadka qaadan wacyi gelinta halista cudurkani.

Hay’adda ayaa sheegtay in baaritaanadii ay sameysay ku ogaatay baaritaannada iyo wacyigelinta ay sameeyeen in dadka ugu badan ee cudurkaas uu ku dhaca ay u badan yihiin darawallada gaadiidka iyo dadka socotada ah, inkastoo warbixinta hay’adda ay xustay in dadka la nool cudurkani ay wax badan ka badaleen hab dhaqanka iyo nolosha ay dadka kale kula nool yihiin.

Baaritaani ayaa waxay sheegeysaa in heerka cudurka HIV/AIDS ee Somaliland gaarsiisan yahay 1.3% Somaliland oo dhan, tirade dadka la baaray ee laga helay cudurkani waxay ka badan yihiin kuwii horay u liis gareysnaa.

Marka la eego dalalka deriska la ah Soomaaliya sida Ethiopia iyo Kenya, waxay dadka Soomaaliyeed kaga duwan yihiin dhinaca ku baraaruga halista cudurkani, halka Soomaalida ay qaarkood marka laga wacyigelinayo qaarkood aaminsaneyn in cudurkani uu yahay mid jira oo halistiisa leeyahay, taasoo sahleysa in si fudud u kala qaadaan dadka.

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks