Warbixin: Dagaalada Somalia waxa ay badiyeen dadka waalan.

October 11, 2012 12:01 AM0 commentsViews: 32

Saamaynta dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ay yeesheen waxa ka mid ah kororka dadka qaada xanuunka maskaxda ku dhaca. (Halkan ka dhageyso warbixin ku saabsan xaaladda xanuunka dhimirka ee Muqdisho).

Dhinaca kale, Ku-dhowaad 450 milyan oo qof ayaa qaba cudurrada maskaxda in ka badan saddex meeloodna waxay ku nool yihiin waddammada soo koraya.

Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka adduunka, WHO, siddeed ka mid ah tobankii qof ee kasta dadka ku nool waddammada soo koraya ma helaan wax daaweyn ah haba yaraatee.

Qaar badan oo dadkaas ka mid ah waa kuwo ka badbaaday xanuunnada la isqaadsiiyo, masiibooyin dabiici ah iyo dagaal.

Dalka Afqanistaan, qoysaska badankooda waxaa ka dhintay qof ama ka badan muddo 30 sano sano ah oo dalkaas dagaallo ka socdeen.

Waxaana lagu qiyaasay in kala bar dadka reer Afqanistaan ee da’doodu ka weyn tahay 15 jir ay qabaan xanuunnada maskaxda sida murugo, walbahaar ama xanuun laga qaado dhibaatooyin dadka ku dhaca kaddib.

Dibadda caasimadda dalka ee Kabul kama jiro hab daryeel caafimaad ee cudurrada maskaxda.

Dayac

Afqanitaan keliya ma ahan, kudhowaad kala bar dadweynaha adduunka waxay ku nool yihiin meel, celcelis ahaan, laga helo hal qof oo cudurrada maskaxda daweeya ama wax ka yar si loogu adeego 200, 000 oo qof.

Waxaa jirta lacag aad u yar si loo maalgeliyo hay’adaha caafimaadka maskaxda ee waddammada dhakhligoodu hooseeyo ama meel dhexaadka yahay, kuwaas oo xanuunnada maskaxdu ay yihiin kuwa ugu dayaca badan jirrooyinka faraha badan ee aan waxba laga qaban.

Waddammo badan oo dhakhligoodu hooseeyo waxay leeyihiin wax ka yar hal dhakhtar oo ku takhasusay cudurrada maskaxda oo ku soo aadaya halkii milyan ee qofba, sida ay sheegtay WHO.

Dalka Nigeria, afar meelood bukaanka lagu qaabbilo goobaha caafimaadka maskaxda waxay qabaan astaamo murogo aad u weyn haddana in yar ayaa daawo la ogaadaa isla markaana hal qof oo keliya ayaa lixdii qofba wax daaweyn ah hela.

Waddan kasta dhibaatooyin u gaar ah ayuu leeyahay.

Dalka Itoobiya, sababaha keena xanuunnada maskaxda waxaa ugu weyn ninka iyo xaaskiisa oo isdagaala, taas oo la rumaysan yahay inay ka dhacdo saddex meelood oo labo qoysaska reer guuraaga ah.

Dhinaca kale, dadka ku nool Haiti waxay la tacaalayaan sidii ay uga soo kaban lahaayeen burburkii dhulgariirkii sanadkii 2010kii dalkaas ka dhacay oo ay ku dhinteen dad ka badan 300,000 kun oo qof, ayna ku dhaawacmeen in kabadan 300,000 kun, ayna ku gurya beeleen hal miyan iyo lix boqol kun oo qof. Kudhowaad dadka jasiiraddaas ku nool oo dhan way saameysay. Dabayaaqadii isla sanadkaas daacuun ka dillaacay dalkaas waxaa ku dhintay lix kun oo qof oo kale.

Bishii May ee sanadkan 2012, wasiirrada caafimaadka ee waddammada xubnaha ka ah golaha caafimaadka adduunka waxay isku raaceen qaraar ku saabsan caafimaadka maskaxda, iyagoo ballan qaaday in la horumariyo wacyi gelin ballaaran ee arrimaha caafimaadka maskaxda lana hagaajiyo heerarka daryeelka caafimaadka adduunka.

Gargaar soconaya

wax qabad caalami ah ee cudurrada maskaxda ayaa hadda la dejinayaa.

Dowladda Canada waxay sheegtay inay bixin doonto kudhowaad 20 milyan oo dollar si loo taageero 15 mashruuc oo cusub oo loogu tala galay in lagu horumariyo ogaanshaha cudurrada maskaxda iyo daryeelka waddammada soo koraya.

Isha: BBC

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks