Waa maxay Mowliid? (Xaqiiqooyin ku saabsan oo aadan ogeyn + Daliilo

January 24, 2013 2:05 AM0 commentsViews: 304

Bisha waxaa kujirta afar maalmood oo Isniin ah, sidaa darteed kitaabka ay kuqoran tahay siiro ma jirta maalintaas ayuu dhashay. Waxaa sugnaatay oo saxiix ah in uu dhashay maalin Isniin ah. Kitaabka ugu wanaagsan siirada waa kitaabka Al Bidaayah wan nihaayah, dhammaan kitaabkaas iyo kutubbada kale oo dhami waxay isku dayeen culimadi qortay inay xaddidaan maalinta inta ay ahayd, laakiin wuxuun bay ku jaan gooyeen isniin kamid ah bishaas. Isniinaha bisha kujira oo dhan ayay eegeen maalmaha ay ku haggaagayaan, 5, 12, 19, 26, maalmahan keliya maahane haddana waxaa laga dooday in maalmahan ay ahaayeen maalmaha isniinta ee bisha iyo in kale, waxa dhacday in maalma kale la eego, sida 3-da, 10, 17, iyo 24ka. Khilaaf baa ka dhashay iyo shaki culimada siirada dhexdeeda in ay maaalmaha isniinta ku beegmayaan sidan dambe ama sida hore, ama si kale. Ugu dambeyn ayaa culimada waxay rajaxeen in sida hore ay isniinaha bisha ku beegmayaan waa sida ah (5, 12, 19, 26).

Haddii aanan la hubin maalinta saxda ah oo la yiri waa isniin, isniintiina aan la hubin, laakiin loo badiyey in afartaas maallmood middood ay tahay, marka sidee baan ku ogaannaa maalinta saxda ah ee uu dhashay Rasuulka (Sallaahu calayhi wasallam), Sidee baan uga soo dhex saarrnaa afar maalmood oo aanan la hubin inay iyagu yahiin afartii maalmood ee isniinta?

Haddii aan dhahno waa 12ka bisha, biley tii xaqiiqada noqotaa 5ta ama 19ka ama 26?. Haddii aan mid kamid saddexda kale idhaahnana armay saddexda kale middood noqotaa? Sow cidla kuma khasaarinin?
Weli dhanka taariikhdaan ka hadleynaaye, kitaab kamid ah kutubbada siirada ma jirta qof kasoo saari karo maalin go’an oo loo asteeyay dhalashada rasuulka (Sallaahu calayhi wasallam). Sidoo kale masoo heleysid xaddiis saxiix ah oo sheegaya intay bishu maraysay maalintuu dhashay Rasuulka (NNKH).

Nebiga (NNKH) wuxuu inoo sheegey inuu Isniin dhashay, Cabdillaahi bin Cabbaas ayaa laga soo weriyey inuu dhashay Isniin, isniinna uu hijrooday, isniinna uu dhintay.

Haddaba muxuu inoogu sheegi waayay nebiga (NNKH), maalinta ay ku beegneed dhalashadiisa haddii ay tahay wax wanaagsan in la xuso ama loo sameeyo xaflado?

Wuxuu ina baray inaan ku sallinno, sidoo kale wuu nagu booriyey inaan ku sallinno. Waxaa kamid ah fadliga uu inoogu sheegay salligiisa in laga soo weriyey qofkii galabtii ku salliya 10 mar, subaxdiina 10 mar inuu helaya shafeecadiisa maalinta Qiyaamah. Sidoo kale wuxuu inoo sheegey qofkii ku salliya hal mar inuu Ilaahay ku sallinaya 10 mar. Sidoo kale wuxuu inoo sheegay in salligiisa uu yahay barako, sidoo kale wuxuu ina amray inaan ku sallino oo aan salligiisa badinna maalinta jumcada, isagoo inoo sheegey inay tahay maalintaasi maalinta loosoo bandhiga salliga umaddiisa ay ku salliyan. Sidoo kale wuxuu yiri wuu isoo gaaraayaa salligiina, waayo jirka ambiyada ma cunto carrada. Intaas keliya maahane, wuxuu ina amray ama ina baray haddii aan hadal dhahayno inaan kusoo khatinno salliga. Alle baa intaa wax ka weyn ina amraya inaan ku sallinno nebiga oo ina oranaya ”Alle iyo malaaektuba waxay ku sallinayaan nebiga, ee dadkii xaqa rumeeyayoow ku salliya oo tasliimiya”. Haddaba intaas oo weyneyn iyo kusallin markay Alle iyo Rasuulkiisa ina barayaan ama ina amrayaan, oo ay inoo sheegayaan fadliga laga helaya inaanu ahayn mid yar, muxuu Rasuulka inoo fari waayay, ama inoogu sheegi waayay maalintuu dhashay si aan u xusno? Waa su’aal da weyn oo madaxa daalineyso.

Wuxuu inagu yiri ”Waxaad leedahiin labo ciidood oo keliya, mana lihidiin ciid kale”.

Haddaba maxay tahay sababta aan ciidda uga dhigno maalinta dhalashadiisa oo aan u xusno, sida nasaarada ay u xusto maalinta ay kusheegeen dhalashada Ciise oo kale”?.

Wuxuu yiri oo Caa’isha laga soo weriyey ”Qofkii kusoo kordhiya amarkan diinta ah, wax aanan ku jirin, waalala celin doonaa maalinta Qiyaamaha”’.

Waxaan is weydiinnaa 63 sano ayuu noolaa nebigu (NNKH), hal maalinna miyuu xusay dhalashadiisa?

Wuxuu yiri ”Qabsada oo xajista sunnadeyda iyo sunnada khulufaa’u raashidiinka kuwa la mahadiyey, ku qabsada gows dambeedka”.
Khulufaau raashidiinka waa afar kamid ah 10 loogu bishaareeyey ayagoo nool inay geli doonaan Jannada.

Waxaa kujiray Abuu Bakar oo iimaankiisa uu u dhigmayay sidu nebigu sheegey iimaanka umadda nebi Muxammad (NNKH). Cumar ayaa kamid ahaa oo ah ninkii meelo badan uu Quraan waxyi ah ku waafaqay. Cuthmaan ayaa kamid ahaa oo nimay malaaektu ka xishoota ahaa, ahna sidoo kale ninka keliya ee labo hablood oo uu nebi dhalay guursaday. Cali ayaa kamid ahaa oo uu Rasuulku (NNKH) aad u jeclaa, qabayna gabadhii nebiga.

Abuu Bakar oo labo sano iyo badh ka nolal dambeeyay Rasuulka, (NNKH) dadna ugu jeclaa miyuu xusay dhalashada nebiga, mase ka hadlay halmaalinna wax ku saabsan dhalasho?
Cumar oo ka nolal dambeeyay Rasuulka 13 sano isaguna miyuu xusay maalinna? Adiga iyo Cumar yaa jeclaa nebiga? Nebiguna yuu jeclaa adiga iyo Cumar?

Cusmaanna, iyo Cali? Raggii la rafiiqay Rasuulka, ee uu aadka u jeclaa, miyay xuseen maalinna ama ay ka hadleen? Raggan iyo adiga yaa jeclaa Rasuulka? Cali naftiisa sow kumuu furan Rasuulka, xilli la dili rabay? Xilligaas jaahiliga haddii aad joogi lahayd miyaad fali lahayd wixii uu falay Cali? Raggaasi iyo adiga yaa jecel Rasuulka? Miyay xuseen dhalasho nebi?

Arrinku sow markaasi noqon mahaya wax lagu soo kordhiyey diinta maadaama uu Rasuulku ina barin, ina amrin, raggii afarta oo raaca uu yirina aanay samayn..? Haddii raggaasi bes maahane hal saxaabi oo kamid ah asxaabtii nebiga aanay samayn sow iyana manoqoneyso wax lagu soo kordhiyey diinta? Haddii saxaabada iska dhaafe hal taabici ama qof oo kamid ah jiilkii ku xigay saxaabadu aanay samayn dhalasho xuskeed sow wax diinta lagu soo kordhiyey ma noqoneyso?? Haddii jiilkii saxaabada ku xigay maahane, jiilkii saddexaad ee kusii xigay illaa jiilkii afraad aanay samayn wax la yiraahdo xus dhalasho nebi sow wax diinta lagu soo kordhiyey oo la isla celin doono malinta qiyaama maaha?
Goorma ayuu billawday marka xuska nebiga yaase billaabay?

Wuxuu billawday 4 boqol sano ku dhaw kadib dhimashadii Rasuulka (NNKH), waxaana billawday qolo Faatimiyin la oran jirey oo maamulladii soo maray islaamka kuwoodii ugu xumaa ah. Waxay sheegan jireen inay ku abtirsadaan Faatimah (yaabe ma waxaa lagu abtirsadaa gabadh). Waxay ahaayeen shiica, bidcdo badanna ayaga ayaa soo kordhiyey. Ayaga ayaa billaabay in loo dabbaal dego xuska dhalashada, oo ciido ka yeeshay, iyadoo culima badan ay ku inkireen arrinkaas kagana hor yimideen.

Waxaa jira marka intaas kadib qof ku oranaya
Sow wax wanaagsan maaha inaan xusno dhalashada nebiga haddii xataa aanay samayn asxaabta, oo ay 4 boqol sano ka dib timid arrinkan?

Weydii qofkaas, ma wax wanaagsan baa nebi Ciise oo aanan xusin maalin uu dhashay inay Kirishtuhu sameeyaan mery crismas wax la dhaho oo ay ugu dabbaal degayaan dhalashadiisa?

Laga yaabaa inaad aragto kuwo ku oranaya nebiga ayaa lagu sallinayaa maalintaas, oo siiradiisa laga sheekeynayaa?
Ku dheh sow muu oran nebigu (NNKH), ha ku khaas yeelina maalinta Jumcaha soon, qofkii soo watay soon kale uun mooyaane”.? Taasoo uu ula jeeday inaanan cammallada meelaha qaar lagu gaaryeelin kuwa faralka ah uun mooyaane.

Sidaa darteed maxay tahay sababta maalintaas loogu qaas yeelaya salliga nebiga iyo aqrinta iyo dhagaysiga siiradiisa? Ka warrama midka maalin walba kusalliya boqol mar iyo ka badan, galab iyo subaxna kusalliya min 10 mar, iyo kan sanadkii halmar xusaya kee baa jecel nebigu (NNKH), keebaase qaatay sunnadiisii oo ku dhaqmay, keebaase fuliyey amarradiisii oo raacay amarkii Ilaahay?

Naftaada haka dhaadhicinin inaad ka Abuu Bakar, Cumar, Cuthmaan iyo Cali aad ka jeceshahay nebigu (NNKH), hana ka dhaadhicin naftaada in nebigu (NNKH) uu adiga kaa jecel yahay kuwaas.
Qaar baa ku oranaya maalinta Isniinta soonkeeda waa maalin fadli badan oo Rasuulka (NNKH), ayaa dhashay. Haye Rasuulku (NNKH), wuxuu ina baray in uu fadli badan yahay soonka maalinta Isniinta iyo khamiista? Khamiistana yaa dhashay marka? Ma isagaa mar kale dhashay?

Sababta uu labadaasi maalin inoogu booriyey maahan wax kale aanan ka ahayn inuu inoo sheegey inay yahiin labada maalmood ee camallada wanaagsan la rafciyo (sare loo qaado), sidaa darteed buu inagu booriyey in kheyr badan aan rafcisanno maalmahaasi labada ahi ee kheyrka badan.

Caddeymahaasi iyo addilladaaasi kadib, waxa kuusoo baxaya in wax la dhaha ixtifaal mowluud aanay diinta Islaamka sal iyo raad toona ku lahayn, bal’ee ay tahay isu ekeysiin Nasaarada gaalada ah, sidoo kalena waa ihaano iyo xaqirid la xaqiraya suubbanaha, maadama uu hadh iyo habeen ina amray inaan xuso oo aan kusallinno (salaadda, hadalka, ducada, soonka, saddaqada, aadaanka, iwm.), inaan ku qaas yeelno halmaalin oo sanadka kamid ah.

Ma wax shaki kujira baa oo lagu murun san yahay mowliidka?
Haddiuu sidaas yahay ka tag waxa shakiga uu kujira, adigoo raacaysid amarkii Rasuulka (NNKH).

Xasan bin Cali wuxuu yiri ”Waxaan rasuulka Alle ka xifdiyey oraahda ah ”Ka tag waxa ku shaki geliya oo aad waxa aanan shaki kujirin”.
Amarka rasuulka (NNKH), oo la fuliyaahi waa arrin uu Alle inagu jeclaanaya.

Alle sarreeye wuxuu suuradda Aali cimraan ku yiri:- ”Dheh Muxammadoow!! haddii aad Alle jeceshihiin isoo raaca aniga (amarraydeyda fuliya), Alle baa idin jeclaan doonee”.

Sidoo kale ma ahan wax uu Rasuulka (NNKH) ku amray ixtifaalka mowliidka, haddii markaa aad ka tagto maahan waajib aad ka tegtay.

Ma wax cad baa ixtifaalka mowliidka inuu yahay baaddil?
Haddii aad samayso ayadoo uu yahay baaddil cad, markaas waxaad noqoneysaa in maalinta Qiyaama lagula celiya oo aad ku muteysato caro Alle, Alleynu kamagan galnaye.

Rabbi towfiiq iyo sugnaan nasii, naguna dil sunnaha Rasuulka iyo kitaabkaaga.

Allaahumma salli wasalllem wabaarek caleeh.

WD: Mohammed Tahir Abdi
Email: mohamed1@live.fi
_____________________________________________________
Afeef Qormadani waxay u gaar tahay, webka caasimada.com, iyo qoraha lama daabacan karo idan la’aan.

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks