SOOMAALIYA IYO DOLLARAYN !!!

January 29, 2013 2:54 AM0 commentsViews: 9

Hordhac

Maadama kahadalka maqaalkan uu yahay mid ku badan dhagaha bulshada Soomaaliyeed maalmahan, waxaan go,aansaday inaan si kooban oga hadlo sababaha keenay inay lacagteena qiimaheeda lumiso, iyo waxa nagu qasbay inaan isticmaalno lacago shisheeye, iyo waxa ka imaanaya hadaan isticmaalno lacagaha qalaad.

Dollarayn micnaheedu waa marka dal ama gobol uu si rasmi ah ama aan rasmi ahayn u adeegsado istcimaaalka lacag aan mida dalkaas ama gobolkaas ahayn.

Kalmada Dollarization waa eray cimiyeedka loo yaqaano, laakiin dollar kaliya ma,ahee waa lacag kasta oo ajnabi ah dadkii  isticmaala ama qaata lacag aan ahayn tii qarankooda ayaa loo isticmaali karaa Dollarization.

Waxaa loo baahdaa isticmaalka lacag ajnabi marka lacag wadan ama gobol ay daciifto qiimaheeda wax gadasho, sidoo kale qiimaha ay ku leedahay gobolka iyo caalamkuba uu rasmi noqon waayo.

Qiima dhaca lacagta:  waxaa keena sababo badan waxaa ka mid ah:-

  1. Dowlad la,aan, ama awood la,aan: dowlada aan awood lahaydn ama dowlad la,aan waxay keenaysaa in lacagtaas lagu kalsoonaaan waayo oo qiimaheedu uu la tartami waayo kuwa gobolka.
  2. wax soo saarka oo yaraado ama baaba,a: sababtan  waxaa yaraanaya qiimaha lacagta wadakeedu iyo dadkeeduba wax soo saar yeelan waayaan. wadankasta haddii waxa loo soo dhoofiyo ay ka bataan wuxuu dhoofinaayo waxaa aad u yaraanaya qiimaha lacagtiisa.
  3. Nabadda: daganaanshaha wadanka, haddii dhanka siyaasada daganaansho la,aan ka jirto qalalaasaha wadanka wuxu keenaya in qiimaha lacagta hoos u dhacdo waayo la dhaankeeda gobolka iyo caalmak ayaa meesha ka baxaaya.
  4. Bangiga dhexe oo meesha ka baxa: bangiga dhexe wa lafadhabarka lacag kasta,  haddii uusan jirina laguma kalsoonaan karo lacagtaas.
  5. Soo daabicid lacag:  haddii ay suuqa soo galaan lacago la iska soo daaabacday oo aysan jirin ilaalin sax ah, waxay keenaysaa qiima dhac ku yimaada lacagtaas.
  6. Sicir barar: sababtan si aan toos ahayn ayay u saamaysaa wiima dhaca lacagta waayo qiima dhaca lacagt ayuu ka yimaadaa sicir baraku markiisa hore kadibna dib ayuu isu saameeyaan.
  7. xaalada suuqa, kalsooni la,aanta, rate lacagta oo laga faaiido, iyo kuwo kale oo badana waxay keeni karaan qiima dhac ku yimaada lacagta.

Taariikhda Dollaraynta:

Dagaalkii labaad ee aduunka kadib, markii aduunku inta badan lagu kala adkaaday dagaalki foolka foolka ahaa ayaa loo soo jeestay mid dhaqaale.

waxaa dowladaha laga awood badanyahay lagu qasbay in ay biixyaan lacago dulsaar ah markay rabaan inay u badalaan lacagtooda lacagaha  wadamada waaweyn, faa,iidada kasoo baxda dhoofinta khayraadkooda ayaa yaraaatay, sidaaa daraadeed waxay ku qanceen inay qaataan lacagaha wadamada waaweyn sida Dollar oo kale.

Siyaasada ay ku dhaqmen waxay ahayd inay si aan rasmi ahayn u isticmaalaan lacagaha waaweyn si ay u sahlanaato inay wax dhoofiyaan faaiido fiicana helaan.

wadama Latin America iyo qaar Asia kamid ah ayaa inta badan qaatay si aan rasmi ahayn dollarayn, wixi ka danbeeyay 1990 waxay noqotay siyaaasad ka mid ah siyaasadaha dowladaha wax soo saara inay wixii banaanka u baxaaya iyo mahsaariicda waweynba lagu kala gato lacagaha waweyn.

Dollaraynta Rasmi ama rasmi la,aan ah:

lacagta gudaha markay qiima beesho waxaa badanaya sicir barar, kalsooni darro, iyo bulshada oo doorbida lacagaha qalaad ee qiimahoodu uu adagyahay.

Dowladaha qaar oo,ay Somalia ku jirto ayaa si an rasmi ahayn u isticmaala lacago qalaad, dowlado kalena si rasmi ah ayay u isticmaalaan lacago ajnabi ah, waxayna heshiis is afgarad ah lagalaan wadamadaas, sida USA oo ah dowladda ugu fudu ee laqaadan karo lacagteeda loo yaqaano UniteState dollar ama USD.

Dowladaha qaatay lacago Ajnabi si rasmi ah oo ku badalay toodi qiimaha beeshay waxaa ka mid ah Ecuador, Salvador, panama iyo kuwa kale

Somalia iyo lacag ajanbi

Soomaaliya waxaa laga isticmaalaa lacago ajnabi oo fara badan haba ugu badnaato lacagta maraykanka ee USD, dollar-ku waa udub dhexaadka ganacsiga Soomaaliya, asaga la,aantiisna dadku makala gataan wax qiimo fiican leh, sida dhulalka, gawaarida, xoolaha, dahabka, iyo kuwo kaloo badan.

Somalia muddo kabadan 22 sano malahayn dowlad awood buuxda leh oo hanata dhamaan xuduudaha iyo lacagaha dalka, sidaa daraadeed ganacsato somaliyeed iyo kuwo ajanbi ah ayaa dhowr mar soo sameeyay lacago ay ku magic dileen shillin Soomaaligii qiimaha ka dhex lahaa bulshada gobolkan bariga Africa.

Ganacsato ku sheegtaas waxay soo daabaceen lacago aan sharci ahayn, ayakoo kaashanaya warshado si suuq madow ah ku sameeya lacagaha been abuurka ah, ayakoo aan u fiirsanaynin astaamaha saxda ah ee ay leedahay lacagt ay been abuuraayaa, lacagta soomaaliga ah ee hadda la isticmaalo waxaa ka maqan tayadii ay lahayd lacagtii hore ee dowladihii hore samayn jireen.

Marka lacag la samaynaayo ama lasoo daabacaayo waxaa loo fiiriyaa dhowr qadob oo dowlad kasta ay usaarto gudi qaran oo aqoonyahano iyo dhaqaalyahanno ah, kuwaasoo kasoo tala bixiya inta lacag ee loo baahanyahy, iyo waqtiga loo baahanyahay, lacag kastana waxay leedahay lambar gaar ah oo aysan wadanin warqad kale oo ay isku lacag yihiin.

Dollar-ka maraykanka iyi Soomaalliya

Haday Somalia si toos ah u qadato lacagta USD, waxaa ka dhalanaya faaiidooyin iyo khasaaro intaba.

Faaiido darada ama khasaaraha ka imaanaya isticmaalka Dollar-ka

  1. Dowladdu waxay luminaysaa Astaan ka mid ah astaamaha qaranka Soomaaliyeed, maadama wadan kasta lacagtiisu ay ka mid tahay waxyaabaha lagu aqoonsado wadanka.
  2. Waxay dowladdu sido kale dhumanaysaa faaidooyinka ay ka heli lahayd marka ay lacag soo samayso iyo marka ay lacagtaas adeegsato, tusaale ahaan samaynta 1000SOS waxaa ku baxday 100SOS, oo lamid ah 1000-100=900. Marka 900SOS waa farqu-sicirka ay Dowladdu ka heshay 1000SOS ee ay soo samaysatay, haday lacag shisheeye qaadatana waxay dhuminaysaa faaiidooyinkaas oo balaayiin noqon kara.
  3. Waxaa meesha kabaxaaya awooda ilaalinta sicirka iyo isticmaalka lacagta, maadama ay dowladdu si rasmi ah yadu u lahayn lacagtaas.
  4. Kala duwanaashaha labada dal daraadeed, waxaa dhacda in ay kala duwanaadaan danaha siyaadeed, waxkasta oo ku saabsan siyaasad dhaqaaleedka dalka wuxuu hoos tagayaa dowladda maraykanka haddii aan loo samaynin xuduud marka hore lakala qorto.
  5. dowladda Somalia haday qaadato lacag ajnabi ama dollar waxay weynaysaa inay ka hadasho danaheeda dhaqaale ee ku aadan xakamaynta inta lacag ee,ay galinayso ama ka bixinayso suuqa, maadaama aysan ahayan isha kaliya ee kaliya ee laga heli karo lacagtaas.
  6. Banngiga dhexe ee wadanka waxaa ka yaraanaya awooda ay ahayd inuu lahaado.

Faaiidooyinka isticmaalka Dollarka maraykanka

  1. waxaa laga helaayaa isticmaalka dollarka-maraykanka kalsooni buuxda maadaama ay tahay lacag adag oo kasoo jeeda wadan dhisan.
  2. Waxaa badanaya maalgalinta ay samaynaayaan dibad jooga iyo ajaanibta kale ee faaiido dooonka ah, maadama aysan ka cabsanaynin wax  khasaaro dhanka lafaha lagtooda ah.
  3. Waxaa joogsanaya ama yaraanaya isbadbadlka dhanka sicirka badeeecada maadama banaanka looga soo gadayo dollar gudahana lagu gadayo dollar.
  4. Waxaa isku soo dhawaanaya ganacsiga labada dale e maraykanka iyo soomaalida, kaasoo ka dhigaya dhaqaalaha mid ka xoogan wadama aan xiriirka ganacsi ee dhow an lalahayn lacag adag sida tan maraykanka.

Ahmed Mohamed Hussein Ismail

BSC in Economics

MBA in Accounting and Finance

    E-mail: zakydiin@hotmail.com
    Skype: Ahmedzaky101
   twitter: Ahmedzakiyuddin
    tell:    +211 920 557 57

VIDEO NEWS


Source: Fubo

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks