Shirqoolka saddex geesoodka ah ee Ethiopia? (Maxaadan ogeyn oo socda?)

Shirqoolka saddex geesoodka ah ee Ethiopia? (Maxaadan ogeyn oo socda?)

SHARE

Laga soo bilaabo burburkii qaranka soomaliyeed ee 1991, hamiga fog ee Ethiopia wuxuu ahaa mar in ay Soomaaliya ku soo darto Ethiopia.Si hadaba taasi ugu suurto gasho, siyaasada Ethiopia ee soomaliya ku wajahan waxay ahayd mid heerar kala duwan soo martay. Markii hore waxay u soo dirsatay dad jaajuusiin Soomali/Ethoipian ah, kuwaas oo shaqadoodu ahayd in ay soo ogaadaan isla markaana ka takhalusaan saraakiisha, aqoon yahanada, dhakhaatiirta Soomaliyeed iyo dadka mucaardka ku ah Ethoipia ee jooga Soomaaliya.

Saameynta Ethiopia ee Soomaaliya waxay sii xoogaysatay waqtigii hogaamiye kooxeedku ay ka talinayeen Soomaaliya , xiligaas isaga ah waxaa u suurto-gashay in ay Ethiopia xariir toos ah la sameyso inta badan hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya ka talinaayay. Waxay wada saxiixdeen heshiis nuxurkiisu yahay in Ethiopia siiso hub iyo raasaas iyaguna ay u soo gacan galin galiyaan ciddii ka soo horjeeda danaha Ethiopia .

Iyadoo halkaas arrintu mareyso ayaa waxaa magaalada Carta ee dalka jabuuti lagu soo dhisay dowladii uu madaxweynaha ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan sanadku markuu ahaa 2000. Madaxweyne C/qaasim ma ahayn nin ay Ethiopia rabtay maadaama uu ka mid ahaa kaadirkii ugu weynaa xukuumadii kacaanka ee uu madaxweynaha ka ahaa (AUN)Jalle M. S. Barre, isla markiina waxay bilowday in ay ka hor keento hogaamiye kooxeedyadii ay isku haybta ahaayeen ee joogay muqdisho oo dhamaantood gacan saar la lahaa Ethiopia. Mucaaridka deg-dega ah ee hogaamiye kooxeedku waxay keentay in xukuumadii curdanka ahayd ee madaxweyne C/qaasim Salaad xasan ay fadhiid noqoto waqtigeediina ku dhameysato Villa Baydhaba.

Xukuumadii C/qaasim waxaa ku xiagay tii uu madaxweynaha ka ahaa (AUN) C/dullahi Yusuf ee lagu soo dhisay dalka Kenya sanadku markuu ahaa 2004- Madaxweyne Cabdullahi wuxuu ahaa nin mudo dheer gacan saar la lahaa Ethiopia, wuxuuna isaga oo garab ka helaaya ciidamada Ethiopia keenay xukuumadiisii Muqdisho iyo villa Soomaaliya. Halkaas waxaa ka dhashay kacdoon ay hogaaminayeen shacbka muqdisho oo looga soo horjeeday ciidamada Ethiopia ee joogay xamar. Dagaal naf iyo maal badan ku baxeen kadib, waxay dadkii soomaaliyeed ku guuleysteen in ay ciidmadii Ethiopia ka saaraan caasimada Soomaliya iyo inta badan Soomaliya.

Madaxweyne Cabdullahi Yusuf kadib, waxaa 2009 dalka Jabuuti lagu soo dhisay xukuumadii uu madweynaha ka ahaa Shariif Sh Ahned. In uu madaxweyne noqdo Shariif Sh Axmed waxaa ka dambeeyay dowladaha reer galbeedka ah kuwaas oo u arkaayay in uu yahay nin qun yar socod ah oo awood leh in uu isu keeno garabyada kale duwan ee maxaakiimta. Waxaa kale oo dowladaha reer galbeedku ka gadeen arrintaas dowlada Ethiopia. hadaba, in kastoo aysan madaxweyne Shariif Sh Axmed aysan Ethiopia keenin, hadana waxay xukuumadiisa ku lahayd xubno muhiim ahaa sida: madaxweynaha dowlad goboleedka K/galbeed Shariif Sh Aden, Wasiirkii Maaliyada Xuseen Xalane iwm.

Dooshadii uu ku soo baxay madaxweyne Xasan Sheikh Mohamud ee 2012 waxay ahayd mid aysan si toos ah Ethiopia lug ugu lahayn madaama waqtigaas uu aad u xanuunsanaa ra!iisul wasaarihii Ethiopia Melez Zenaawi, hase yeeshee mar kale waxaa xukuumada lagu soo daray shaqsiyaad Ethiopia aad ugu dhow sida Xuseen Xalane oo mar kale laga dhigay wasiirka maaliyada, farax C/qaadir oo noqday wasiirka cadaalada iyo arrimaha dastuurka ilaa uu markii dambe madaxweynihii dowlada federalka mudane Xasan Sheikh isu dhiibay Ethiopia. Sidoo kale, waxaa Ethiopia u suurto gashay in ay gacanteeda ku xulato shaqsiyaadka madaxweynaha ka noqonaaya qaar ka mid ah dowlad goboleedyada ay ka kooban tahay dowlada federalka Soomaaliya sida Shariif Sh. Aden K/galbeed iyo Axmed madoobe/Jubbaland. Dowlad gobaleedyada kale ee aysan si toos ah u soo xulin madaxweynaha, waxay ku haysaa culeys military iyo mid siyaasadeed si ay ugu khasabto in ay sameeyaan waxay rabto.

Haddaba, doorashada maanta waxay Ethiopia ku haminaysaa in ay gudoonka baarlamaanka, madaxweynaha iyo ra!iisul wasaaraha Soomaaliya ay saarto dad ay iyadu wadato. Si taas ay u gaarto, waxaa Ethiopia laga soo abaabulay shirqool sadex-geesood ah oo ay wada galeen Madaxweynaha G/galbeed Shariif Sh Aden, Madaxweynaha dowlada federalka Xasan Sheikh iyo xukuumada Ethiopia kaas oo la doonaayo in Xidig oo ah Sargaal Ethioipian ah loo doorto Gudoonka golaha shacabka, Xasan Sheikh mar kale madaxweyne isla markaana Shariif Sh Aden noqdo ra!iisul wasaare ama qof kale Ethiopia keento.

Su!aashu waxay tahay hadaba, damaaciga Ethiopia xildhibaanada qaranka iyo shacbiga reer muqdisha oo shalay naf iyo maalba u horay in ay Ethiopia dalka ka saaraan ma ka suurtowdaa in ay ogolaadaan in mar kale Ethiopia si dadban ku qabsato? Waxaan qabaa jawaabtu waa maya !

Wabilaahi Towfiiq

W/Q: Abdi Barre

FADLAN HOOS KA DHIIBO ARAGTIDAADA
SHARE