Shirkii Jigjiga ma la oran karaa Xabsi Maxaabiista ku Jirtaa ay la haayeen Hal Xuquuq oo kaliya? (Faallo)

December 9, 2012 12:00 AM4 commentsViews: 60

Waxaa markaliya kasoo muuqday shaashada idaacadaha la iska arko & Websites uu maamusho xukuumada ethiopia & kuwa xidhiidh qotodadheer la leh maamulka gumaysiga ethiopia shir lagu qabtay magaalada Jigjiga oo loogu magac bixiyay shirka wadatashida xukuumada & shacabka.

Waxaa magaalada jijiga lagu soo ururiyay dadwayne aad u tiro badan oo laga kala keenay gobolada & tuulooyinka Soomaalida Ogadeenya. Inkasta oo ayna ahayn mid inagu cusub in dadwayne isugu jira Odoyaal, marwooyinka & Dhalinyaro kala jaad & kala duruuf ah intii lagu ururiyo Hool ama meel daleed ah lana bacad joojiyo la dhaho is fashiliya ama u baroorta xubno gumaysiga ka tirsanaa oo siyaalo kala duwan u bakhtiyay hadana shirkani waxuu kaga duwaanaa iyadoo ceebaynta & Bahdilka loo ooday Xero maalmo dhan lagu horjoogay dadka, Kooxda gumaysiga ka hoos adeega oo ku caan baxday gumaadka & wada xabista dadwaynaha, hadana codkoodu kusoo dindimay horumar ayaa wadanka laga sameeyay iyo nabad galiyo ayaa curatay, ayaa maanta ku canbbaaroobay hawlgalkan dadwaynaha la rabay in lagu maquuniyo. Madaxbanaanidii muwaadinka, xoriyadii qawlka iyo qalinka, ganacsigii, daryeelkii bulshada aaway & sarayntii sharafta shaqsiya? gumaysiga itoobiya isagu ma garanwaayay kooxdan cajaladan duuga ah ee 21 jirka ah ka badal?

Muddo dheer ayay soo socdeen Gaboodfallada dahsoon ee ay gumaysiga & gacanyarayaashiisu ku hayaan bulshada soomaalida ogadeenya, dad badan oo ay ka dahsoonaayeen ayaa maanta makhraati ka noqday bahdilka & xajiimaynta sharafta aadanaha ee lagu hayo shacabka maatida ah. Qofkasta indhiisa & dhagahiisa ayaa macalin u ah xigmad & xushmo darada gumaysiga ethiopia & kooxda uu gumaysigu jaheeyay ee u jajaban amarada gumaysiga.Waxaa inoo cadaatay in ethiopia ayna shacabka soomaalida ogadeenya ina arxan u hayn ee ay dabargoyn sharafeed iyo mid nololeedba ku hayso. Ogadeenya shirarka noocan ah ee ay sida joogtada ah ciidanka gumaysigu u qabtaan ee Sabsabaa(shir)ugu yeedhaan waa kuwo aan dhamaad ujeedo midna lahayn, marka laga reebo ku xadgudubka sharafta umada & cadaadis joogta ah oo gumaysigu ku hayo shacabka. Gaboodfallada ka dhacaya Teendhada jigjiga kuwa ka durugsan ayaa ka dhaca, ayna halku dhag u yahiin erayadda Salaaminnaa zerasalaamnow mini nagaagarow/miniwayaayaw oo ay macnadeedu tahay ( nabadgaliyada iyo nabadiida ayaan ka wada hadlaynaa).

Intii Odayaasha & marwooyinka lasoo uruuriyo iyada oo aan laga tagayn dhalinyarada ayaa ciwaan looga dhigaa horumarka & Nabadgaliyada ama erayadaas aan sare ku xusnay. Waxaa aduunka ka daadagi wayday been abuurka ay samayn jireen kooxda gumaysiga ka hoos adeegta, garasho daradda, sida ayna aqoon, xirfad siyaasadeed u lahayn & arxandarrada.

Iyada oo ay wada ogaadeen dadkii aan xog ogaalka u ahayn ficilada gumaysiga & gumaysi kalkaalka kadib baxsashadii Cabdullaahi Maxamed oo daaha ka qaaday dhaqanka gumaysiga & kooxahan ka hoos adeega oo wada muuqaal ah. Muuqaalada oo in intii daawatay ay lafajacday ayaa waxaa kamid ahaa arimaha aan xasuuusta daawadayaasha ka go’idoonin sida, mayd lagu tumanayo oo afka iyo sanka laga laadayo, odoyaal is hayn waayay dhibka haya oo ka hadlay shirar, markii ay runta daaha ka qaadeena loo dhaadhiciyay jeelasha, Hadana waxaa wali ku duuban gumaysiga & kooxda ka hoos adeegta codadkii duuga ahaa ee caalamka indhahiisa iyo dhagahiisaba gaadhay.Shirkii uu soo agaasimay Abraha Walda oo ujeedadiisu u muuqato mid la rabay in lagu sharaf dilo bulshada soomaaliyeed, iyada oo aan cidna laga tagayn ayaa kusoo ibabeelay waxii gumaysiga ethiopia lagu yaqaanay.

Dadka intii daawatay waxaa fajac & xaaja uguba ku noqotay markii dhalinyaro intii xabsiyada laga soo qaaday oo bulshada la horkeenay isfashaliya la dhahay. Sida uu ii xaqiijiyay nin ka mid ah dadkii ka qaybgalay shirkan dhalinyaradan ayaa loo sheegay in danbiyo ay galeen oo buugaag ku qoran la hayo, sababtaasna ay u xidhanyahiin, waxa kaliya ee ay ku badbaadi karaana uu yahay in ay bulshada & kamerada horteeda ka sheegaan wax alla waxay sameeyeen iyaga oo ka bilaabaya naftooda & qoyskooda. Cabsida, rajo xumada & aragagaxa haysta dhalinyarada awgeed waxaad arkayseen dad waxay sheegaan garan waayay oo abtirsan haya sheeganaya in ay faraxumeeyeen dad & duunyaba. Maxaynu ku macanaynaa ? ma erayo loo soo qoraa, ma argagaxbaa! adiguba maankaaga la kaasho.

Hadii ay jiri lahayd cadaalad & sharuucda ay sheegan ethiopia inay dalka ka jirto ee ay shalay lahayd ONLF ha aqoonsato waa mid cadaalad & sinaan ka buuxdo laguna gaadhi xoriyade, soo ma ahayn in qofkii la tuhmo horta loo aqoonsado eedaysane oo intii la xidho maxkamad la geeyo lana xukuma kadib markii cadaymo waafi ah loo helo? Mise waa in dad maati ah oo aan waxba galabsan intii xabsiyo wadareedka laga soo kaxeeyo odoyaasha & marwooyinka hortooda la dhaho isku ceebeeya si xabsiga la idiinka sii daayo oo aad u heshaan xoriyad shaqsiyadeed? Waa nooc bahdil ah oo meel lagaga dhacayo sharafta aadamiga laguna fadeexayn hayo bulshada yar iyo waynba.

Laakiin hadii ay jireen shaqsiyaad Tastuurka(Dastuurka) ethiopia rajo ka qaba in lagu gaadhi cadaalad iyo sinaan maanta adiguba xukmi! Siyaasada gumaysiga itooba ee cadhwaday ayuu sii calwiyay shirkani.

Gumaysigu & kooxda ka hoos adeegta waxay qooraansan hayaan caqliga & cududa shacabka maatida ah. Waxaa lala wada yaaban yahay dhaqan xumada & dhaga adayga gumaysiga ethiopia ee caadaystay ceebaynta & isku bahdilka bulshada uu gumaysto, si ay dhimato sharafta & meeqaanba bulshada! Umada hadii sharaftu ka dhimato waxaa geeriyooda karaamada aadanaha, hadii ay tahay caqli, hadii ay tahay cududba is ixtiraam & kala danbayn.. Hadda kor ayaa intii dadwaynaha ku nool magaalada Dhagaxbuur meel fagaare ah la isugu keenay ayay ciidanka ethiopia ku hortoogteen 3 wiil oo dhalinyaro ah oo ilaa hada aan la ogayn waxay galabsadeen. Nin kamid ah bulshada magaalada maskaxdana ka xanuunsada ayaa aad ula yaabay gaboodfalka heerkaas gaadhsiisan ee aan geed loogu soo gaban. Inkasta oo uu ahaa nin ka xanuunsan maskaxda hadana waxuu ka tagay hadal mahadha noqday oo hal hays u noqday cidkasta oo dulman oo aan haysan cudud ay isku difaacdo. Muwaadinkan ayaa ka xumaaday gumaadka ay ciidanka gumaysigu ku hayaan shacabka & sida ay u argagax galin hayaan dadweynaha.

Isagoo cabiraya/qiyaasay sida uu uga xunyahay dhacdadan in ay jiraan kuwo uga xun oo ku dhex jira dadwaynaha, si ay u muujiyaan shucuurtooda una qarsadaan dareenkooda ayuu qaab digniin ah ugu baaqay “War bishinta kore qaniina ama war danbinta sare qaniina”.

Sida caadiga ah qofku markuu nabar soo gaadhay adkaysi muujin ama uu cadho muujin waxaa uu qaniinaa bishinta/dabinta hoose, laakii xeeladdan uu keenay muwaadinkan ayaa maanta inoo sharaxaysa in dadwaynaha Teendhada ka dhex ilmayn ay Laba dareen muujinayeen. Aan inoogu koosaaro qormadan dhacdooyinka sida joogtada ah uga dhaca ogadeenya mid ka mid ah. Cabdullaahi oo aana magaciisa rabin inaan dhamaystiro maadaama uu xabsi deegaan ku jiro ayaa shir ay ciidanka gumaysiga ethiopia u qabteen magaalada waxay ku amreen maadaama uu yahay Odoyaasha magaalada in uu dadka la hadlo una sheego in shacabku shaqsi shaqsi isu fashiliyaan/isu ceebeeyaan kadibna ciidan,hub iyo maalba keenaan si loogaga hortago 5-ta wiil ee geedahan taag taagan oo uu ula jeeday jabhada ONLF.

Cabdullaahi oo la yaaban dhalanteeda, dhaakadhaakada & garasha xumada ninka ciidanka haysta ee shiriyay magaalada ayaa ugu jawaabay “adeer ma been baan sheegaa mise run?” ninkii ciidanka gumaysiga ethiopia haystay ee magaalada bacaad fadhiisiyay ayaa dhahay “mayee run sheeg”, Odaygii waxuu ku warceliyay Aniga Cabdullaahi ayaa lay dhahaa oo isfashilin maayo, ee su’aal baan ku waydiine Hantida shacabka ma Ciidanka ethiopia sahaydoodaa? ciidanka aanu soo uruurinse ma mid ciidanka dawlada waxuu qaban waaay qaban kara oo ka cudud badanbaa mise waa ciidanka dawlada dhaaraankiisaa, maalinkasta waxaynu u fadhidaana cadceedan salaam inaa zera salaamee (Nabadda iyo nabad diidka) maad maalin uun wax kale noo shirisaan?”

Cabdullaahi ayaa la xidhay waxaana la soo daayay markii uu xidhnaa 6 bilood isaga oo aad ugu rafaaday xabsiga. Dadkii magaalada waxay dhaheen Cabdullaahi maxaa kaa siiyay hadalkaas Gaf buu kugu ahaaye waana uu ku galaaftaye? Odayguse waxuu ku warceliyay “Naari meel qabow maleh, ma xabsi baa xabsi dhaama dhamaanteen waynu wada xidhanahaye? Ma dilbaa dil dhaama soo idinkuba shirkii, caga juglayntii & is ceebee wadnuhu siduu habaq idiin lahaa, wadna gariir idinkuma wada dhacin? soo sidii maalinba ruux la idiinku hor dilayay maydka lama aasi/xabaali karo iyo in baabuur lagu jiido dad aad garanaysaan mayna gaadhin?”

Dadkii jigjiga lagu soo ururiyay ee lagu sheegay in la shirinaayo ayaa waxaan odhan karaa waxay ahaayeen maxaabiis hal xuquuq ah leh,taasi oo ah in ay Ooyaan/Baroortaan, Duunyaduba way Oloshaa/ci’daa hadii la cabiidiyo ama la xareeyo wakhti ayna u baran, Hadii ayna doorasho jirin hal dariiq unbaa banaan! kaasi oo ah in aad ku luuqayso erayada uu ku raaxaysan gumaysigu, Laakiin waa fadeexo kale oo kasoo foodhacday/muuqatay Jigjiga, Waana wajigabax kale oo aan dabiib loo helayn.

Dhanka kale ethiopia waxaa dhaqan soo jireen ah u ahaa in dhibanaayasha ay gaboodfallada ugaysato ay dadka horkeento, ayna dhahdo waxaad u sheegtaan bulshada in dhibkan ay ku gaadhsiisay cidkale, Laakiin xaqiiqada meesha taalla qofkasta oo garaad leh way u muuqataa. Gumaysiga ethiopia oo aad uga danbeeya dunida ayaa wali kusoo celcelinaya fadeexooyin foolxun oo fagaarayaasha ka raacay, taasi oo cadayn u ah sida ayna ethiopia marna maskaxda uga horumarayn.

W/Q: Xarbi Aden
ona24@rocketmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Sidoo kale Aqri: 

Shirka Jigjiga: Dhaqan Liinbaxay mise Dhimir dhalan Rogan

4 Comments

  • kkkkkkkkk cidii hawiye ahayd way wareereen isbaarada xaafadaha mooryaantu dhigteen iska qaada guryaha dadku leeyihiina isaga baxa markaas dad kale ka hadla kkk waxaad ku waalateen hada jigjiga oo dawlad ka weyn soomaaliya ka jirto idinkoo siyaasad kismaayo ku wata caqli xumo idinkaa laidin ku ogaaye yaa u been guuraysaan. madaxweyne cabdi maxamuud cumar ee jigjiga jooga waad aragteen siduu u bahdilay culusow addis ababa

  • waa wax aad iyo aad looga naxo ,wallahi nolosha qaarkeed dhimasho ayaa dhaanta,dadku wacyi galin ayay ubaahanyihiin duruuftuna waxaad moodaa inaanay saamaxayn,dagaalkana dad wadajira ayaa wax kakeeni kara,dadkuna xaalada meeshan looga hadlay waa waxaan meela aduunka ka jirin,waxaa Loo baahanyahay in xaalada wax laga badalo si uun ama dagaalka qaab kale haloo dhigo ama xaga nabada hala fiiriyo,kolay axmaaro axdi malahee hadii kale dadka way dhamaanayaan inta soo hartana waxay noqon doonaan dad aad u dhaqan xun ilaahay dadkaas islaamka ah dhibta haka qaado.

  • dadka waxa ay ku wareereen qof hadalkii iyo qabiil saxiib qabiil hal warqad mawado qoro ee
    qofka maqaalka soo qoray magaciisa qorman ka fiiriya oo u jawaaba .

  • waxaan aad ula yaabaa dadka commentiga bixiya,horta ma iyagoon waxba hubsan ayay commenti ka bixiyaan mise damiirkooda ayaa dhintay, hada qoraalkan waxa uu ka hadlayaa waa umad muslin ah oo waliba somali ah oo uu cadow soomaaliyeed iyo kuwo u shaqeeya cadowga dhib badan gaystaan oo runtii naga mudan inaa garab istaagno nagamana mudna inaan ku digano, walaahi inaysan itoobiya kala jeclayn somali qabiilkuu doono ha ahaadee, ee intaad dib isugu noqotaan cadowgiina garta oo hal meel ooga soo wada jeesta hadii kale sheekadii sadexda sac uunbaa idinku dhici, webseetkan caasimadana aad buu u mahadsanyahay.

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks