Gedo: Shir looga hadlayo maamul u sameenta Jubbooyinka oo socda

December 8, 2012 3:27 PM1 commentViews:

Ceelwaaq (Caasimada Online) Waxa magaaalada Ceel-waaq ee gobalka Gedo ka socda shir looga hadlaayo maamul u sameenta gobalada Jubbooyinka.

Siyaasiyiin, odayaal iyo dadka deeganka ayaa maalmahan shir waxa uu uga socdaa halkaas.

Dadka shirkaas ka qayb galaya waxa ka mida Korneel Warfaa Shiikh Aadan oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan gobalka Gedo ayaa BBC-da u sheegay in ay soo dhaweeynayaan in la sameeyo maamulka Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in dadka reer Gedo ay doonayaan siddii ay maamul loogu sameen lahaa gobalada Jubbooyinka iyo Gedo, laakin maamul u sameenta uu noqdo siddii looga qayb galin lahaa dhammaan dadka ka soo jeeda gobaladaas.

Annaga waan soo dhaweyneynaa in la dhiso maamulka Jubbaland, laakin xilligan waxbaa u dhiman, waxa u dhiman gobaladii waa la heestaa, marka meel la isku maro ma lahan, annagoo raali ka ah in la dhiso waqti ku habeen in la dhiso ayaan inaga rabnaa ama waqtigii la xoreeyo meelaha uu cadowga ku jiro,isla markaana la isku furmo” ayaa la qaban karaa shirkaas.

Mar la weydiiyay in dad badan oo ka soo jeeda Jubbooyinka gaar ahaan maamul ku meel gaarka ee ka dhisan magaalada Kismaayo in ay doonayaan in la dadajiyo maamul u sameenta Jubbooyinka iyagoo kaa shananay IGAD?

Wuxuu ku jawaabay “Maya annaga ma rabno guddi raac annagu waxan u baahanahay maamul in loo sameeyo gobalada Jubbooyinka laakin hadda boobsiis waxbo ku hagaagayo” ayuu yiri Korneel Warfaa.

Si kastaba shirkan ka socda degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo ayaa ku soo aadayaa iyadoo uu jiro khilaaf u dhexeeya dadka ka soo jeeda gobalada Jubbooyinka iyo Gedo, kuwaasoo ku kala argtid diwan maamulka loo sameenayo Jubbooyinka

XOG : Dowladda way saluugsan tahay maamulka loo sameenaayo Jubbooyinka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in maamulka loo sameenayo Jubbooyinka laga soo bilaabo gunta hoose heer tuul kaddibna loo soo gudbo degmooyinka illaa heer laga soo gaaro mamaul gobaleed, isla markaana loo madax baneenyo dadka halkaas ka soo jeeda maamulka loo dhisaayo.

Dhawaan wafdi uu diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laga soo celiyay garoonka Kismaayo, kaddib markii loo sheegay in aan lagu soo wargalin immaashiyahooda maamulka ka arrimiya magaalada dekedda leh ee Kismaayo.

Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi waxa ka dhacay shir looga hadlaayo aayaha gobalada Jubbooyinka oo weli deeganno muhiim ah weli ku sugan ururka Al-Shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Tags:

1 Comment

  • warxama tashiilnimada webka qaar aad ayaan uga yaabay anagu gobolkan doonaba aan daganane waan heshiinaynaye waliigan iska wada ileen dowladnimo laydan ku kari waye mida kale waxan maqli jiray dibiga gowrac wayshu hA ku quus qaadatee marka waad aragteen baan filaya taliyihiii ethiopia iyo waraysigiisii aljazeera marka isqala

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks