Al-Shabaabka Jowhar oo afduubtay Xaaska Sarkaal ka tirsan Dowlada

December 8, 2012 8:26 AM1 commentViews: 1

Al-shabaabka Jooga magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa la sheegay inay guryaha kala baxeen haweenay laga yaqaan magaalada.

Dagaalyahanada Shabaab oo magacyo badan leh ayaa dagaalyahada haweenayda gurigeeda kala baxay waxaa ay ahayeen kuwa loo yaqaan Xisbada oo magaalada gudaheeda ka howgalo.

Xariga haweenaydaan oo lagu magacaabo Xaliimo cadey  ayaa waxaa uu yimd kadib markii ciidamada Huwanta ay weerar ku qaadeen Jowhar.

Shabaab ayaa bilaabay wixii markaas ka dambeeyay inay gacanta ku dhigaan dadka ay ugu shaki qabaan  inay basaas yihiin waxaana haweenayda la xiray la sheegayaa in ninkeeda uu yahay Sarkaal ka tirsan dowlada oo maalintii shalay weerarka ku qaaday Jowhar.

VIDEO NEWS


Source: Fubo

1 Comment

  • asc
    waxaan ka xumahay in qof haween ah la afduubto ama dhibaato loo geysto ayadoo loo aaanaynayo ,ninkeeda ayaa ciidan ah iwm .
    xaqiiqa waa arrin foolxumo ku ah kuwa wax afduubtay iyo al shabaaba,maadaama uu yahay dhaqankii lagu yaqiin maafiyada iyo mooriyaanta

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks