Boosaaso: Ciidamada Puntland oo lagu laayay Qaraxyo & Dagaal.

December 5, 2012 12:50 PM0 commentsViews:

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax qasaara gaystay oo ka dhacay maanta inta u dhaxaysa Galgala iyo Boosaaso.

Sida wararka uu  sheegaya inta uusan dhicin qaraxa ayaa waxaa dagaal uu dhexmaray ciidamo ka tirsan maamulka Puntland iyo sidoo kale ciidamada ku jira buuraha galgala ee ku biiray Shabaab.

Waxaa kale oo wararka uu intaas ku darayaan in Ciidan uu watay sarkaal horay uga tirsanaa maamulkii Cadde Muuse oo goobta gurmad ahaan u gaaray ayaa waxaa la sheegay in gaari ciidankiisa ay wateen ay la kacday miinada nooca dhulka lagu aaso.

Waxaa la xaqiijiyay 12-kamid ah ciidamada sarkaalkaasi uu watay  inay halkaasi ku geeriyoodeen halka sidoo kale dhaawacyo kala duwan uu soo gaaray ciidanka.

Intaa kadib Wasiirka amniga maamulka Puntland oo goordhaweyd shir saxaafadeed ku qabtay Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay falkaasi isalmarkaana ciidamada ammaanka ay talaabo ka qaadayaan.

Weerarkaan ayaa waxaa loo malaynayaa inay gaysteen Shabaabka ku qul qulaya Punland.

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks