Caasimada Online
December 5, 2012 at 2:49 am

Arag Sawirrada: Masjidkii Al-Shabab ay tiri “Kasniisad ayaa loo beddelay”

Waxaa daabacay Alaxmed

Fu’aad Maxamed Khalaf oo ku caan ah Fu’aad Shongole, ahna hogaamiye ka tirsan kooxda Al-Shabab, ayaa dhowaan sheegay in masjid ku yaalla magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan loo beddelay Kaniisad.

Iyaga oo arrintaasi ka jawaabaya ayaa maxkamadda magaalada Beledweyne waxa ay shalay qabatay shir jaraa’id oo ay ku beenineyso sheegashada Al-Shabab.

Guddoomiyaha Maxkmadda Beledweyne Sheikh Cabdiraxmaan Maxamed Cali ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin hadalka Shongole ee ah in Masjidka Al-Furqaan loo beddelay kaniisad.

Sidoo kale Macalin Xasan Cilmi Ciyow oo isna ka mid ah culimada garsoorka maxkamadda Beledweyne ayaa sheegay inuusan la yaabeyn warka kasoo yeeray Shabab.

“Nimankii horey u yiri Xaramkii ayaa loo soo raray Dhuuso Mareeb, wax kasta waa ka suurtoobaan” ayuu yiri.

Masjidka Al-Furqaan oo la dhisay 2006, ayaa waxaa weli ka muuqda bur bur horaantii sanadkan kasoo gaaray markii naftii hallige Al-Shabab ah uu isku qarxiyay afka hore ee masjidka.

Haddaba arka sawirrada masjidka, oo aysan ka muuqan wax astaan kaniisad ah.

Related Posts