Qur’aanka oo Yahuuda ku tilmaamaya sida Dameer. (Mucjisada qur’aanka)

December 4, 2012 9:22 PM5 commentsViews: 209

Maalinba maalinta ka dambeysa Alle wuxuu bannaanka keenayaa micnaha iyo cilmiga ku hoos duugan iyo mucjisada ku laaban aayad kasta iyo xaraf kasta oo kamid ah Quraankiisa kariimka ah. Ilaahay waa diiday wax kale inuu dhameys tira oo ka sare mariya diintiisa diimaha kale oo dhan mooyaane.

Yahuuddu waxay kamid ahayd umadahihii sugayay in nebi Carbeed lasoo saari doono, kaasoo ay rumeysnaayeen in isaga lagu khatimi doono nebiyada oo dhan. Waa midda keentay in Yahuuddii reer Madiina markii uu nebigeenna suubban (NNKH) soo hijroonayay ay har iyo habeenba duleedka magaallada Yathrib (Madiina) ku sugi jireen, si ay uga qeyb qaataan kadib markii ay maqleen inuu magaalada Makkah kasoo kicitamay.
Ansaartii Madiina ee reer Al Aws iyo Al Khazraj inay Islaamaan oo rumeeyaan nebi Muxammad (NNKH) towfiiqda Alle kasokoow waxaa u sabab ahaa Yahuuddii degeneyd magaalada Madiinah, oo ku oran jirtay Ansaarta ”Waxaa lasoo diri doonaa rasuul, dhulkan ayaana laga soo saari doonaa nebigii ugu dambeeyay nebiyada, markaasaanu rumeyn doonnaa, oo aan idinka adkaan doonnaa”. Ansaartii warkaasi lagu oran jirey, markay maqleen in nebi laga soo saaray magaallada Makkah, durba way u deg degeen rumeyntiisa wayna rumeeyeen. Laakiin Yahuuddii markay waxay fileysay ka weysay iskana dhex arki waysay risaalada inay mug ku yeelata, bay dafiraad lasoo istaagtay, oo ay dafireen nebigii ay rumeysnaayeen. Alle dhowr mar ayuu Quraanka ku fadeexeeyay Yahuudda, isagoo inooga warramay inay yahiin dad khiyaana badan, una og risaalada nebi Muxammad inay xaq tahay sida ay carruurtooda u yaqaanaan oo kale.

Markii ay dafireen risaaladii Rabbaaniga ahayd, iyo nebigii Ilaahay, iyagoo og inuu xaq yahay, baa Alle meela badan uu ku fadeexeeyay, waxaana aayadaha uu Ilaahay ku fadeexeeyay Yahuudda ka mid ahaa, aayadda cajiibka ah ee 5d ee suuradda Al Jumac.

Waxay aayaddaasi leedahay sida tan

( مَثَلُ الّذينَ حُمّلُوا التُّوراةَ ثُمَّ لَمْ يَحْمِلُوها كَمَثَلِ الحِمَارِ يَحْمِلُ أَسْفاراً بِئْسَ مَثَلُ القَوْمِ الّذينَ كَذَّبُوا بِآياتِ اللهِ وَاللهُ لا يَهْدِي الْقَومَ الظّالِمِين )

”Tusaalaha kuwii loo xambaaray xilkii Towraadda (Yahuudda) ee aanan gudan ee ku fashilmay, waa sida dameer kutubbo la dul saaray, oo aanan waxba ka fahmeyn waxa dulsaaran. Baas bay lahaadeen tusaalaha qoomka beeniyay aayadka Ilaahay, Eebbana ma hanuuniya qoom dulmi badan”.  Al jumac: 5d.Subxanallaah!! Ilaahay wuxuu ku tilmaamayaa Yahuudda sida dameer kutubbo la dul saaray oo aanan habayaraatee aqoon waxa dul saaran.Aayaddan Allihii weynaa ee waxidka ahaa uu ku xusay kitaabkiisa Quraanka markii uu ku tilmaamayay Yahuudda dameer kutub dul saaran yahay, waatan xaqiiqadeeda sawir cajiib ah oo mar dhaw laga soo qaaday mehrajaan lagu qabtay magaallada Qudus ee Barakaysan, taasoo ay Yahuuddu ku soo bandhigeen dameer inta dushiisa lasoo saaray waxyaabo lagu xardhay qoraallo halku dhig ah, dabeetana ay soo qaadeen.Waxaa cajiib ah, macna ahaan kutub, ama kitaab waa wax qoran marka loo eego dhanka luqadda, sida sawirka kamuuqatana dameerka dushiisa waxaa saaran qoraal aanu waxba ka ogeyn, balse kamid ah qoraallada ay qiimeyaan Yahuudda, maadaama uu yahay halkudhig lagusoo bandhigaya mehrajaankaasi.Xilli laga jooga 1400 sano iyo in ka badan ayaa Eebbe sarreeye uu xaaladdan ay ku sugan yahiin maanta Yahuudda inoogu sheegey kitaabkiisa Quraanka. Tanina waa mid kamid ah mucjisaadka Quraanka Kariimka. Subxanallaah!!Haddii aad sawirka sii fiirisa waxaa kuu sawirmaya in dhammaantoodu aanay dameerka waxba dhaamin, waayo waxaa cajiib ah jamac intaasi dhan inay u soo lebbistaan dameer dartiis iyo xaflad loo dhigaya. Taasoo mar kale ku tusineysa xaqnimada tilmaanta ay bixisay aayaddan Quraaniga ahi. Subxaanallaah!!

WQ: Mohammed Tahir Abdi
Email: mohamed1@live.fi
_____________________________________________________
Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay, qoraha iyo webka caasimada.com, lama daabacan karo idan la’aan. 

5 Comments

  • subxanallah waa cajib wlh, lkn ayadii oo sawiran waye tan thanz caasimada,com

  • walaalkaa ay diintu idin walaalaysay

    ASC,

    Ninka qoraalka soo qooray wuu dadaalay inuu wax noo soo gudbiyo (ilaahay qayr ha siiyee), balse labo arin aan is-lahayn ayuu madaxa isku geliyay. Haddii iyaga lagu sheegay dameer waxa saaran aan ogayn!….macnahu waa dad aanan garanayn islaanimada alle subxaanu wata caalaa ku manaystay oo ka tagay diintii alle. Maxaa iska galay arinkaa iyo sawirka dameerka ay 2012 xambaarsan yihiin oo ay mahrejaanka ku marayeen???? where is the linkage? ujeedkase loo xambaaray dameerkaa sawirka ka muuqda muxuu ahaa?….gebegabadii waxaa odhan lahaa ayaadka quraanka kariimka fasiraadiisa dadka aqoonta leh aynu udeyno….haddii kale cawaaqib xumbo yaa ka dhalan karta….Cilmi walba ehlu cilmigiiga haloo daayo….wabilaahi towfiiq.

    • ascwrwb waxanka yaabay soomalidu marki xaga lohadlo maxay xaga oguhadlan wiilka wato walaalka ay diintu idin walalaysayow// walaal ma afsomaliga kugu yar mise qoralkadan siwanagsan usi aqrin? yarka qayr allaha siye inoso gudbiyay qoralka macnaha u ulajedo faham marka hore adigon kudagdagin commentiga qalafsan allah subxanahu watacala kor ahaye aya qurankisa kushegay iney yuhudu tahay dameer okutilmamay iney yihiin dameer ayalagu yiri dameerki asaga ahaye illahay kutilmamay iney yihin ayay manta watano weliba sosharaxen bal iney dameero yihina kucadaynaysa marka xageed la aday maskinkan diinta yaqano oweliba ilahay qeyr hasiye raba inu noga faideyo.. caasimada iyo yarka qoralkan qorayba qayr alaha idinsiyo plz noso gudbiya qoralo kuwano kale ah thanks all

  • mashallah qer alaha kusiyo aqi filah sida wanaagsan nogu so gudbisay mowducan, runtii sawirka ay ayada bixisay un ba mesha kuso bandhigtay wana run wa mucjisada quranka. plz and plz inoso badiya qoralada nocan ah e maxamed tahir uso qoro hada awodan . sxbkiin mr shabeel

  • horta waxaa lama huraan eh in ilaahey SWT uu horay inoogu sheegay in ey iyagu xooluhu kacaqli badan yihiin horta suaal adduunkan waxaa kunool muslimiin badan mana aflagaadeeyaan diimahooda taasi wexey macneyneysaa in islamku tahay diin xag eh ilaahoow adaa mahad iska leh oo islaamka macaankiisa ina fahansiiyay tankale ilaahey waxaan kabaryeynaa in uu islaan nimo inagu dilo kuwaan islaamka aflagaadeyna be addunkani wey katagi doonaan balse shalaytu wey danbeysaa ciqaabta ilaaheyna wey lakulmi doonaan insha allah

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks