Qur’aanka iyo Raqamka (Tirooyinka) (Mucjisada Qur’aanka)

January 2, 2013 12:05 AM0 commentsViews: 227

Carab waxay ahayd dad kuwa ugu liita xagga cilmiga iyo aqoonta casrigii Muxammad (NNKH) lasoo diray Nebi ahaan, waxa keliya ee ay ku faani jireenna wuxuu ahaa gabayga iyo aftahannimada. 

Waa halka ay Yahuuddii dhulka Xijaas ku nooleed ka oran jirtay sida uu Ilaahay inooga qisooday.
 ذَلِكَ بِأَنَّهُمْ قَالُوا لَيْسَ عَلَيْنَا فِي الأُمِّيِّينَ سَبِيلٌ وَيَقُولُونَ عَلَى اللَّهِ الكَذِبَ وَهُمْ يَعْلَمُونَ 

 (آل عمران‏:75) 
”Naguma laha ummiyiinta (kuwa aanan waxba qorin waxna aqrin- Carabta) daw, (macnaha wixii ay noo dhiibtaan waan qiyaani karnaa, waana dhici karnaa maadaama ay yahiin Juhalo), waxayna ku dhihi Alle been iyagoo og”. Aali Cimraan: 75.

Xilligaasi isaga ahi baa Ilaahay wuxuu Carab kasoo dhex saaray koodii ugu cilmi yaraa, ee aanan weligiis xataa gabaygii ay Carab ku faani jirtay aanan gabyin, bal’ee aanan awoodba u lahayn inuu hal xaraf oo meel ku qoran aqriya.
Muxammad ibnu Cabdillaahi (NNKH) wuxuu ahaa Nebigii ummiga ahaa (yacni mid aanan wax qorin waxna aqrinin) ee Ilaahay uu u doortay risaaladan. Xaaladda Carbeed ee waqtigaasi marka laga soo tego xilligaasi nolashii kale ee ay kusugnaayeen labadii quwadood ee adduunka xilligaasi ugu weynaa Alle kasokoow (Ruum iyo Furus) xataa ma aanay gaadhsiisneyn halka ay nolasha maantu dunidu gaadhay. Tiiknoloojiyaduna warkeeduba iska daa. Waxyaabo badan oo immika aqoonta casriga lagu ogaaday ayaa jira oo aanan xilligaasi la ogaan karin. Xilligaasi isaga ahi baa Muxammad (NNKH) wuxuu Alle agtiisa ka keenay risaala qeexeysa waxyaabaha dunida ka dhacaya iyo wixii dhici doono oo dhan.Risaalada uu Muxammad (NNKH) la yimid waxay ahayd Qur’aan cajiib ah, oo sida ugu wanaagsan uga qisooda qisooyinkii dhacay, iyo kuwa iman doonaba. Ma ahan oo qura risaalada uu la yimid mid qisooyin uun xambaarsan, bal’ee waxay sidataa shareeca iyo qaynuuno cajiib ah, oo qof bini Aadam ahi aanu awood u lahayn curintooda. Waxaase cajiib ah mucjisaadka iyo dalaa’ilka kujira risaalada uu la yimid Nebiga ummiga ahi ee Muxammad ina Cabdillaahi (NNKH).Haddaba Qur’aanka uu la yimid Nebi Muxammad (NNKH) ayaa ah mucjisada ugu weyn ee Ilaahay koonkan uu keenay, sida uu Nebigeenna suubban (NNKH) inoo sheegay. Wuxuu Qur’aankani ka weyn yahay mucjisadii uu la yimid Nebi Ciise ee ahayd noolaynta mowdka dhintay Alle idinkiis, ka samaynta dhoobada sida shimbir oo kale oo dabeeta uu ku afuufi jirtay ruuxda, dabeetana idinka Alle dartii u noqon jirtay shimbir duulaysa, iyo fayoobaynta dadka haamta ah (indhaha la’) iyo kuwa baraska qabo iwm. Wuxuu Qur’aankani ka weyn yahay mucjisooyinkii sagaalka ahaa ee uu la yimid Nebi Muuse, iyo sidoo kale mucjisadii Nebi Saalix ee ahayd dhagaxii hasha dhalay iwm.Dhammaan mucjisooyinkii uu Ilaahay siiyey Nebiyadiisa, waxaa ugu weyn mucjisadan cilmiyeed ee Qur’aanka, oo wax lamid ah aanay jirin koonkan. Waa aqoontii iyo cilmigii iyo mucjisadii ugu weyneed ee Alle ku galladaystay umaddan Nebi Muxammad (NNKH).Aayad Qur’aani ah ayaa waxay ka hadli kartaa in ka badan kun mowduuc oo cilmi ah, sida ay sheegeen culimada cilmiga icjaasul Quraan-ka. Ilaahayna run buu sheegay markuu yiriقال تعالى: إن هو إلا ذكر للعالمين* ولتعلمن نبأه بعد حين
 (سورة ص، الآية:87-88). 

”Qur’aankanu waa uun waano. Dhab ahaanna waxaad u ogaan doontaan warkiisa muddo kadib”. Saad: 87d-88d.
Bal aan maanta wax ka taabanno ciwaanka aan kor kusoo xusnay, ee ah Qur’aanka iyo raqamka (tirada). Haddaba Qur’aanka waxaa ku soo arooray magacda noocyada shey walbo iyadoo caksi loogu xusay, shey walubana sheyga lidka ku ah si dheeli tir ah oo caddaalad ah ayaa magaciisu uu ugu soo arooray Qur’aanka. Bal aynu isla eegna mucjisaadka Raqmiga ah ee Qur’aanka kariimka1. Ma ogtahay laftiga Ad- Dunyaa (adduunyada) in Qur’aanka uu kusoo arooray 115 mar?
2. Mase ogtahay in laftida Al Aakhirah (aakhirada) uu Qur’aanka kusoo arooray 115 mar?

3. Ma ogtahay in laftiga Al Malaa’ikah (Malaa’igta) uu Qur’aanka kusoo arooray 88 mar?
4. Mase ogtahay in laftiga Ash- Shaydaan (Shaydaanka) uu Qur’aanka kusoo arooray88 mar?

5. Ma ogtahay laftiga Al Xayaah (nolal) in Qur’aanka lagu xusay 145 mar? 
6. Mase ogtahay laftida Al Mawt (geeri) in Qur’aanka lagu xusay 145 mar?

7. Ma ogtahay in laftiga An- Nafac (naafic) lagu xusay Qur’aanka 50 mar?
8. Mase ogtahay in laftiga Al Fasaad (fasaad) uu Qur’aanka kusoo arooray sidoo kale50 mar? 9. Ma ogtahay laftiga An- Naas (dad) in lagu xusay Qur’aanka 368 mar?
10. Mase ogtahay in laftiga Ar- Rusul (Rusul) uu Qur’aanka kusoo arooray 368 mar?

11. Ma ogtahay in laftiga Ibliis (Ibliis) Qur’aanka uu kusoo arooray 11 mar?
12. Mase ogtahay in laftiga Isticaanah Ibliis  (ka magan galka Ibliis) uu Qur’aanka kusoo arooray 11 mar?

13. Ma ogtahay laftiga Al Musiibah (masiibo) in Qur’aanka uu kusoo arooray 75 mar?
14. Mase ogtahay laftiga Ash- Shukur (mahadnaq) in Qur’aanka uu kusoo arooray 75 mar?15. Ma ogtahay in laftiga Al Infaaq (quudin) uu Qur’aanka kusoo arooray 73 mar?
16. Mase ogtahay in laftiga Ar-Ridaa (raalli ahaansho) uu Qur’aanka kusoo arooray73 mar?

17. Ma ogtahay in magaca Aadam (CS) uu Qur’aanka kusoo arooray 25 mar?
18. Mase ogtahay in magaca Ciise (CS) uu Qur’aanka kusoo arooray 25 mar?

19. Ma ogtahay in laftiga An- Nissaa (dumar) lagu xusay Qur’aanka 24 mar?
20. Mase ogtahay in laftiga Ar-Rijaal (rag) lagu xusay Qur’aanka 24 mar?

21. Ma ogtahay in laftiga Al Muslimiin lagu xusay Qur’aanka 41 mar?
22. Mase ogtahay in laftiga Al Jihaad lagu xusay Qur’aanka 41 mar?23. Ma ogtahay in laftiga As-Sixir (sixirka) lagu xusay Qur’aanka 60 mar?
24. Mase ogtahay in laftiga Al Fitnah (fidnada) lagu xusay Qur’aanka 60 mar?

25. Ma ogtahay laftiga Al- Lisaan (carrabka) in Qur’aanka uu kusoo arooray 25 mar?
26. Mase ogtahay in laftiga Al Mowcidah (waano) uu Qur’aanka kusoo arooray 25 mar?

27. Ma ogtahay laftiga Az- Zakaat (zakada) in Qur’aanka uu kusoo arooray 32 mar?
28. Mase ogtahay in laftiga Al Barakah (barakada) Qur’aanka uu kusoo arooray 32 mar?
29. Ma ogtahay laftiga Al Caql (caqliga) in uu Qur’aanka kusoo arooray 49 mar?
30. Mase ogtahay laftiga An- Nuur (iftiinka) in uu Qur’aanka kusoo arooray 49 mar?

31. Ma ogtahay in laftiga Ash- Shiddah (dhibaato) Qur’aanka lagu xusay 114 mar?
32. Mase ogtahay laftiga As- Sabr (adkeysi) in Qur’aanka lagu xusay 114 mar?33. Ma ogtahay laftiga Ad-Daalluun (kuwa baadiyoobay) in Qur’aanka lagu xusay 17 mar?
34. Mase ogtahay laftiga Al- Mowtaa (kuwa dhintay) in Qur’aanka lagu xusay 17 mar?35. Ma ogtahay magaca Muxammad (NNKH) in Qur’aanka lagu xusay 4 mar?
36. Mase ogtahay laftiga Ash- Shariicah (shareecada) in Qur’aanka lagu xusay 4 mar?37. Ma ogtahay salaadaha faralku inay yahiin 5 salaadood?
38. Mase ogtahay laftiga As- Salaat (salaadda) in Qur’aanka lagu xusay 5 mar?39. Ma ogtahay bilaha sanadku inay yahiin 12 bilood?
40. Mase ogtahay laftiga Ash- Shahr (bil) in Qur’aanka lagu xusay 12 mar?41. Ma ogtahay maalmaha sanadka inay yahiin 365 maalmo?
42. Mase ogtahay in Qur’aanka lagu xusay laftiga Al Yoom (maalin) 365 mar?

43. Ma ogtahay laftiga Al Baxar (bad) in Qur’aanka lagu xusay 32 mar?
44. Mase ogtahay laftiga Al Birr (birri) in Qur’aanka lagu xusay 13 mar?Waxaa laga yaabaa inaad is tiraahda laftiga Al Baxar waxaa lagu xusay Qur’aanka 32 mar, laftiga Al Birrina 13 mar, taasoo ka dhigan in labada magac ee caksiga (lidka) isku ah ay isku khilaafeen tirada. Sidee bay sidani ku dhacday? Maxay Al Baxar haddii ay noqotay 32 mar in lagu xusay ay Al Birrina u noqon weyday 32 mar? Ama Al Birri hadday noqotay 13 mar in lagu xusay, maxaa loogu xusi waayay Al Baxar-na 13 mar? Waxaa laga yaabaa haddii aan intaa uga hadho qoraalkaan inaad su’aashaasi mar walba is weydiin lahayd, laakiin cilmi Ilaahay baa ku duugnaa halkaasi, wax yar uun baana cilmiga Ilaahay la inaga siiyay. Bal aynu qeexno mucjisada kujirta halkaasi.Laftiga Al Baxar (badda) waxaa Qur’aanka lagu xusay 32 mar.
Laftiga Al Birr (birriga) waxaa Qur’aanka lagu xusay 13 mar. Haddii aynu labada tira isku darno waxaa inoo soo baxaya raqamka 45Tusaale 32+13451. Inta mar ee laftiga Al Baxar lagu xusay Qur’aanka (32) u qeybi inta mar ee lagu xusay Al Baxar (32) iyo Al Birri (13) oo la isku daray= 45, dabeetana ku dhufo boqolkiiba boqol 100%.

Tusaale 32/45 * 100%

Waxaa kuusoo baxaysa 71.111111%

2. Sidoo kale inta mar ee laftiga Al Birri lagu xusay Qur’aanka (13) u qeybi inta mar ee lagu xusay Al Baxar (32) iyo Al Birri (13) oo la isku daray= 45, dabeetana ku dhufo boqolkiiba boqol 100%.

Tusaale 13/45 * 100%

Waxaa kuusoo baxaysa 28.8888888889%

Haddii aan isku darno labada natiija, waxaa inoosoo baxaya 100%

Tusaale: Natiijada hore ee Al Baxar  71.111111% ku dar natiijada dambe ee Al Birri   28.8888888889% = 100%. Subxanallaah!!.

Halkani waxaa kasoo bidhaantay mucjiso cajiib ah oo Qur’aankeennu uu sheegay 14 qarni kahor, halka cilmiga xaadirkan jaamacadaha lagu dhiga ay dhawaan uun ogaadeen. Culimada Juqraafiga ku talax tegey waxay sheegeen, qaarkoodna ay kutubbo waaweyn ku qoreen, kuwaasoo jaamacadaha dunida ugu caansan lagu dhiga, in kubadda wareegsan ee dhulka ay ka kooban tahay qeyb biyo ah (bad) iyo qeyb yaabis ah (birri). Waxay culimadaasi sheegeen in birrigu uu ku fadhiya 28.8888888889%, halka baddu ay ku fadhida 71.111111%. Subxanallaah!!. Bal mar kale dib u jaleec qormada kore, oo dheh Subxanallaah!!. Intaan waa cilmiga yar ee aynu haleelnay, balse cilmi kale oo aynaan ogeyn ayaa xaraf weliba oo kamid ah Qur’aanka ku aasan.

Dhawaan ayay ahayd markii culimada reer galbeedku ay iktishaafeen arrintaas, laakiinse innagu Muslimiinta, Qur’aanka iyo cilmiga uu Alle inagu galladeystay ayaa 1400 sano kahor inooga qisooday, fiicnaanse lahaydaa haddii cilmi kasta aan Qur’aanka iyo sunnada ka raadin lahayn. Xikmad Ilaahay iyo cilmi baa kujirey markuu Ilaahay labada erey ee Al Baxar iyo Al Birri uu u kala doortay in mid weliba tira u gaar ah uu Qur’aanka kuxuso. Waana kaa cilmiga Eebbe ee aanan la koobi karin inta yar ee inooga iftiintay.

Ma jirin waxyaabaha microskoobka ah iyo tiknoloojiyadan casriga ah ee wax waliba sahashay in laga ogaada xaaladda koonkan, laakiin waxaa cajiib ah, Maxammedkii keenay cilmigani koonka ka qisoonaya muddo laga jooga 14 qarni ka hor, ma uuna ahayn mid aqoon u lahaa wax dhigidda iyo wax aqrinta, mana jirin xilligaasi tiknoloojiyadan casriga ah ee hadda uun lagu ogaaday amuurtaan. Waxaa haddaba is weydiin mudan halkee buu Muxammad (NNKH) cilmigan ka keenay? Ma yahay wax uu qof aadana ah, oo weliba noolaa casri mugdi ah oo xitaa koranto aanay jirin inuu iska iqtiraacda xaqiiq dhab ah muddo 14 qarni ka hor, oo misna caalamkan cilmiga ku talax tegey uu hadduun ogaado xaqiiqdaas? Waa arrin aanan suurtoobi karin taasi, laakiin waxa keliya ee xaqiiqda ah ee qof kastoo caqli lihiba u muuqanaya waa in waxa kani ay ka yimaadeen xag Alle, Muxammadna (NNKH) uu yahay Rasuul Alle (Swt).

Allihii ina hanuuniyey ee inaga yeelay Islaam ayaa mahad dhammaanteed iskaleh, nabad iyo naxariisna ha ahaato Nebigeennii suubbanaa dushiisa.

Rabbigayoow!! inoo siyaadi cilmi oo ina haleeshii kuwa suubban.

WQ: Mohammed Dahir Abdi
Email:mohamed1@live.fi

__________________________
Afeef: Lama copy-yeysan karo idin la’aan. Xuquuqda qoraalku wuxuu u gaar yahay qoraha iyo webka caasimada.com

VIDEO NEWS


Source: Fubo

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks