QISADII BILAAL BIN AL RABAAX (RAC)

January 11, 2013 1:48 AM0 commentsViews: 1070

Maxaa ku ogeysiiyey shaqsiyadda Bilaal? Wuxuu ahaa Bilaal ibnu Ar Rabbaax- Abii Cabdillaahi Al Xabashi, waxaa la sheegaa inuu ku dhashay magaallada Dimashiq, sidoo kale waxaa la yiraahdaa mayee wuxuu ku dhashay Makka Al Mukarramah saddex sano  ama ku dhaw kadib dhacdadii loo yaqiinnay Caamul Fiil.

Bilaal wuxuu addoon adeega u ahaa mid kamid ah sanaaddiidii iyo ugaasyadii Qureesheed, kaasoo la oran jirey Umayah bin Khalaf, oo ka dhashay reerka la yiraahda banii Jumux, kuwaasoo Qureeshta dhanka faalka iyo qurbaanta sanamyada u qaabilsanaa. Wuxuu Bilaal ahaa addoon Xabashi ah, oo madow, kana soo jeeday qaaradda Abasiiniya, isaga iyo hooyadiisba waxay ahaayeen addoomo.

Wuxuu raaci jirey ariga abbaankiisa, oo uu mayracin jirey duleedka iyo buuraha Makkah, galabtiina soo carraabin jirey. Shaqooyin adag oo adeeg iyo dhib kujirta ayuu la deris ahaa intuu addoonka ahaa. Waxayse xaaladdii isbaddashay markii la soo saaray Muxammad ibnu Cabdillaahi (NNKH) nebi ahaan iyo rasuul, markaasoo Bilaal uu kamid noqday caaraddii kowaad ee ugu horreysay ee Muslimta.

Bilaal wuxuu ahaa shaqsi uu Ilaahay u doortay inuu kamid noqdo kooxdii ama qeybtii yareed ee farakutiriska ahayd ee rummeysay nebigeenna Suubban (NNKH) horraantii dacwada Islaamka, wuxuusa ahaa nin qarsan jirey Islaamkiisa, jeer maalintii dambe uu ogaaday sayidkiisa Umayah bin Khalaf Al Jumuxi.

Halkaas ayay ka billawdeen maalmihii madoobaa ee Bilaal lagu caddibayay jeer uu ku dhawaaday geeri iyo inuu ciqaabtaasi la dhinto. Haddiina raxmadda Eebbe aanay jiri lahayn, wuxuu Bilaal noqon lahaa mid la dawaqa xanuunkii ciqaabta ee soo gaadhay, dabeetana sababta inuu ka noqdo wixii laga reebayay oo ahaa Islaamka, taasoo ciqaabta lamarsiiyey marka loo eego ay adagtahay inalagu sii adkeysto.

Wuxuuse Bilaal ahaa nin sugnaan iyo sabir badan, oo adkeysigiisii qiimaha badnaa uu ka ilmeysiin lahaa buuraha waaweyn, baduhuna ay la hirtuuri lahaayeen.

Ku sabraha xaqa, adkeystaha sugnaanta badan, Abuu Cabdillaahi Al Xabashi waa shaqsiga uu magaciisa camiray dunida Islaamka, waana ninka uu Ilaahay ku suntay maanta inuu dhammaan umadda Islaamka u noqdo sayid la weyneeyo oo qiimo iyo qadarin aad uweyn ku leh  qofkastoo Muslim ah agtiisa, waa sidaase Alle kor ahaaye baanan dayicin ajarkiisii, oo ka yeelay mid markii la xusaaba la yiraahda Sayidkeenna Bilaal Ilaahay haka raalli noqdo..

Inkastoo ay dacwadu cusbayd, Bilaalna uu ahaa nin maqlo hadalka abbaankiisa, oo adeeca, markii lagu yiri ka noqo rumeynta Muxammad (NNKH) iyo diinta uu la yimid, wuxuu lasoo baxay dabeecad aanu abbaankiisu horey ugu aqoon, taasoo ahayd inuu dafiro, oo uu iska diido amarkaas, wuxuuna yiri ”Marna dhici mahayso inaan ka noqdo diintan uu layimid Muxammad (NNKH)”.

Hanuunka Alle kasokoow Bilaal wuxuu nin aqoon u lahaa nebi Muxammad (NNKH) oo arki jirey, yaqiinay runtiisa, iyo inuu ahaa nin akhlaaqdiisu ay Makka oo dhami ka sheekeysneed. Sidaas darteed buu durbaba bilaabay inuu u iisho dhanka xaqa oo uu ku mintida ilaa uu ku geeriyooda, asagoo taas yaqiin aad uweyn yaqiinsan inuu Alle ugu dhawaanaya.

Nebi Muxammad (NNKH), xilligaasi iyada ahi awood umuu lahayn inuu difaaco, balse wuxuu ahaa markuu soo maraba mid u dhimriya oo kheyr ugu duceeya.

Ciqaabtii Bilaal la marsiin jirey waxay ahayd mid aanan halnooc ahayd, balse kala duwanayd, waxaase ugu xanuun badnayd, midda intii la kaxeeyo markasta oo ay cadceedda Makka soo kululaataba oo la geeyo barxadda iyo bacaadka luleelka badan, baa asagoo xabad qaawan la seexin jirey carradaasi dusheeda, dabeetana dhagax weyn oo sallax ballaaran ah oo kulul loo saari jirey xabadka iyo caloosha. Intaas loogama hari jirine waxaa loogu sii dari jirey xaaladda noocaas ah jeedal iyo in lala dhaca xarig aad u adag oo xanuun badan.

Sugnaantii iyo sabirkii Bilaal waxay sababtay inaanu wax kale afkiisa kasoo bixin markastoo lagu yiraahdo ka laabo diintan ama ciqaabta loo siyaadiyaba, mooyaane inuu yiraahda ”Alle waa keli, Alle waa keli”. Oraahdaasoo uu ku celcelin jiray mar walba intuu xaaladdaasi ku jirey.

Ciqaabta kale ee ugu darneed oo la marsiin jirey waxaa kamid ahayd, in qoorta loo suro xarig oo lagu adkeeyo ayaa lagu wareejin jirey magaallada, oo carruurta iyo haweenka ayay dhagaxyeyn jireen, saa asagoo dhiigga ka hooraya oo dhimasho ku dhaw la xarayn jirey, maalinta dambena ciqaabta sidaas loogu wadi jirey.

Markaas buu Nebigu (NNKH) aad ula murogooday, oo ka uu ka xumaaday ciqaabta joogtada ahi ee lagu hayo Bilaal oo aanan awoodi karin wax kale iyo xeelad uu isaga fakiya makastaasi nolasha ku ciqaabayso.

Markaasuu u tegey Abuu Bakar oo ahaa nin maalqabeen ahaa, oo xorreyn jirey addoomada, markaasuu ka codsaday inuu xorreeyo Bilaal, dabeetana Abuu Bakar baa soo maray halkii uu Umayah ku ciqaabayay Bilaal, markaasuu ku yiri ”War ma iga iibsatid addoonkaan”? Markaasuu Umayah arrintaasi ku farxay, waayo wuxuu u arkayay nin madax adag oo haddana aanan dhimanayn, ciqaabtiisana uu ku daallay, markaasuu qiimo culus sheegtay, saa Abuu Bakar baa ka iibiyey oo qiimihii siiyey, dabeetana Bilaal xorreeyey. Markaas buu Nebiguna (NNKH) aad ugu farxay una duceeyay Abuu Bakar.

Waxaa kaloo la sheegaa in Abuu Bakar uu ku baddashay addoon kale oo gaal ahaa, oo u joogay, Allaah baase naga og.

Xilligaasi isaga ahi kadib Bilaal wuxuu kamid noqday saxaabadii waaweyneed ee ka ag dhawayd nebiga (NNKH), wuxuuna noqday nin xor ah, kadib ciqaab iyo xanuunno badan oo uu soo maray. Wax badan kama soo wareegin jeer ay buuxsantay bicathadii nebiga 13 sano, markaasoo saxaabadii ay u soo qaxeen magaallada Yathrib. Bilaal wuxuu kamid ahaa caaraddii dhexe ee hijradaasi isagoo u jaray masaafo 500 km ah ama ka badan si uu u raadsado meel uu Rabbigiisa si xor ah ugu caabudo.

Caa’isha (RACh) waxay tiri ”Markii Rasuulka (NNKH) uu Madiinah yimid baa Abuu Bakar iyo Bilaal ay xanuunsadeen, saa waan usoo galay oo aan ku dhahay ”Aabbo sideed tahay? Bilaaloow!! adiguna sideed tahay”? Waxay tiri ”Abuu Bakar markay qandho qabato wuxuu oranayay”:- ”Qofkastaa reerkiisuu ku waabariistaa, mowdkuna uga dhaw kabihiisa suunkooda”.

Bilaalna wuxuu lahaa ”Alla maan habeen baryo tog ay hareerihiisa ku yaallaan geedka Idda-kharka buurta Jaliil, oo maan maalin u arooro biyihii Majinnah, oo may ii muuqdaan labadii buurood Shaama iyo Dhufayl”.

Tani waxay muujineysaa hillowgii uu u qaaday Bilaal magaaladii uu kusoo barbaaray ee Makkah, laakiin markii ay Caa’isha uga warrantay qisadaasi Rasuulka (NNKH) buu u duceeyay magaallada Madiinah oo uu yiri ”Allahayoow!! na jecleysii magaallada Madiinah, sidii aad noo jecleysiisay Makkah, ama si kasii daran, oo barakee darkeeda iyo koombadeeda, oo xumaddeedana naga dulqaad oo u rar Juxfa”.

Ducadaasi qiimaha badan Ilaahay waa aqbalay, saxaabadiina waxay noqdeen kuwo jeclaada magaalladii Madiinah in ka badan jacaylkii ay u qabeen Makkah, waxayna noqotay mid uu sabab u ahaa saxaabigan Jaliilka ahi ee Bilaal bin Rawaax.

Ku nagaashihii Bilaal ee horraantii hijriyada wax badan kama soo wareegin jeer, uu Rasuulka Alle (NNKH) billaabay inuu lasoo baxa xikmaddiisii iyo xeeshiisii gunta dheereed, ee uu ku dhisay dowladda ugu horreysay ee Islaamka. Wuxuu bilaabay tallaabadii kowaad oo ahayd walaaleyntii Muhaajiriin iyo Ansaar, markaasoo Bilaal uu nasiib u yeeshey in lala walaaleeyo saxaabi fadli badnaa oo Muhaajiriinta kamid ahaa. Bilaal nasiib umaanu yeelan in lala walaaleeyo Ansaarta, waxaana lala walaaleeyay Abuu Cubaydah Caamir bin Cabdillaahi Al Jarraaxi, oo kamid ahaa saxaabadii ugu fadliga badnayd asxaabta, misna kamidka ahaa tobankii Jannada loogu bishaareeyey, ee haddana ugu horreeyey ee qaata dacwada diinta Islaamka. Ninkan Bilaal lala walaaleeyay waa amiinkii umadda Nebi Muxammad  (NNKH), waana ninka uu Cumar xaggiisa ka yiri markuu geeriyoonayay ”Haddii uu noolaan lahaa Abuu Cubaydah, waxaan uga tegi lahaa khilaafada (masuuliyadda umadda), waayo waxaan maqlay rasuulka Alle (NNKH) oo oranaya: Abuu Cubaydah bin Al Jarraax, waa amiinka umaddan”.

Ninkaas qiimaha badan ayaa Bilaal uu Rasuulka Alle (NNKH) u doortay inuu la walaaleeyo. Tallaabadii labaad ee Rasuulka (NNKH) uu sameeyay markuu yimid Yathrib (Madiinah) waxay ahayd dhisiddii masjidka, oo ahaa xaruntii umadda laga hagayay, salaadahana lagu gudanayay. Xilligaasi waxaa laga dooday sidii loogu yeeri lahaa dadka xilliga saladda. Qaar kamid ahayd asxaabtii nebiga (NNKH), waxay soo jeediyeen fikrad ah in la garaaco bir, sida nasaarada oo kale, qaarna in buun la yeeriya sida Yahuudda oo kale, laakiin labada talo ee ficilladaasu Rasuulku (NNKH) ma cajabinin. Waxbadan kama soo wareegin jeer Cabdillaahi bin Zayd bin Rabbih oo kamid ahaa asxaabtii reer Madiinah uu ku riyooday aadaanka, markaasuu ibnu Zayd u tegey Rasuulka (NNKH), oo uu uga warramay wixii uu ku riyooday, markaasuu nebigu (NNKH), amray inuu Bilaal baro aadaanka, suu baray, oo nebiguna (NNKH), u doortay muddankiisii kowaad.

Bilaal wuxuu ahaa nin aad u cod dheer, una cod macaan, sidaas ayuu nebigu (NNKH) ugu doortay inuu noqdo muddankiisii kowaad, tiiyoo meesha aanay ka marnayn fadligii iyo darajadii uu heerkaasi ku gaaray. Wuxuu noqday muddankii kowaad ee Islaamka, ee umadda salaadda ugu yeeri jirey, sidoo kalena toosin jirey nebiga (NNKH) xilliga salaadda.

Waxaa sugnaatay in nebigu (NNKH) uu mar ku yiri ”Bilaaloow!! inoogu raaxeey salaadda”.

Fadaa’ishiisana waxaa kamid ah in mar nebigu (NNKH) uu yiri ”Waxaan galay Jannada, saa waxaan maqlay sanqadha kabahaaga Bilaaloow!!, ee bal inoo sheeg waxa aad samayso”? Markaasuu yiri ”Wallaahi camal qaas ah ma sameeyo, aanan ka ahayn, in markastoo aan weyseysto aan tukado labo rakaco oo aanan farad ahayn”.

Waxaa kaloo sugnaatay in uu Cumar markuu arka Bilaal uu oran jirey ”Bilaal waa sayidkeennii uu xoreeyay sayidkeennii (Abuu Bakar)”.

Darajada Ilaahay cidduu siiyo uunbaa heshee, Bilaal oo ahaa addoon la yasa, oo lagu shaqeysta, Islaamku wuxuu gaarsiiyey martabad cajiib ah, oo aad u qiima badan. Wuxuu noqday haddii uu gabadh doono inaan loo diidin. Waxaa waayadii dambe dhici jirtay, haddii nin kamid ah Muslimiinta ama saxaabada nebiga (NNKH) uu damco inuu reer gabadh ka doonto, inuu u tegi jirey marka hore Bilaal, oo uu ka codsan jirey inuu la doono gabadhaas, waayo waxaa caan ahayd oraah ay Muslimiinta dhexdooda is oran jireen ”Bilaal gabadhuu doono lama diido”.

Reerka gabadha laga doonaya badanaa haddii aanu ragga gabadha doonaya uu lasoconin Bilaal ma aanay bixin jirin gabadhooda. Qolo gabadh dooneysa oo uu Bilaal la socdana maloo diidi jirin, mana dhicin in marna loo diido.

Bilaal ibnu Rabaax, saxaabigan Jaliilka ahi, wuxuu guursaday gabadh aad u qiima badan, oo ka dhalatay reerka abtiyaasha u ahaa nebigeenna (NNKH). Reer banii Zuhra oo kamid ahaa reerka ugu qiimaha iyo sharafta badnaa Qureeshta marka laga yimaado reer Haashim ayay ka dhalatay xaaskii Bilaal, waxaana la oran jirey Haalah bint Cowf, taasoo la dhalatay saxaabiga Jaliilka ahaa ee Cabdiraxmaan bin Cowf oo kamid ahaa tobankii Jannada loogu bishaareeyey.

Bilaal wuxuu nasiib u yeeshay inuu ka qeyb qaato dhammaan dhaqdhaqaaqyadii uu hoggaaminayay nebigeenna suubban (NNKH), oo idil, wuxuuna xaadiray duullaankii weynaa ee Bader isagoo wacdara muujiyey. Wuxuu kamid ahaa raggii kufaarta sanaaddiiddii Qureesheed madaxa ka jaray maalintaasi.

Cabdiraxmaan bin Cowf oo ahaa mid kamid ahaa saxaabadii ugu fadliga badneyd asxaabta nebiga (NNKH), kana midka ahaa lixdii ugu horreysay ee ku Islaamta dacwada diinta Islaamka, ayaa kamid ahaa dadkii dagaalkan Bader xaadirey. Ibnu Cowf waxay magaallada Makkah markii la joogay ay saaxiibbo ahaayeen ninkii addoonsan jirey Bilaal  oo la oran jirey Umayyah bin Khalaf Al Jumaxi. Markiina uu Islaamay Cabdiraxmaan wuxuu ka tegey saaxiibtinnimadiisii oo ka doortay Allaah iyo rasuulkiisa.

Maalintii Bader, markii ay jabeen kufaartii Qureesheed oo in badan oo kamid ah la qabqabtay, ayaa Umayyah wuxuu kamid ahaa raggii xeeladda ay ku baxsadaan waayay, markaasuu arkay Cabdiraxmaan bin Cowf oo uu ugu yeerey magacii jaahiliyada uu u yaqaannay (Cabdi Camaroow!!) ”Waar makuu sugnaatay inaad aniga iyo wiilkeygaba na qafaalato oo aad hadhow qaadato madax furasho wixii aad doonto ah”? Markaasuu Cabdiraxmaan qafaashay asaga iyo wiilkiisiiba oo xarig ku giijistay.

Saxaabada dhexdooda waxay ahayd caado inaanay isu daba marin qafaalkooda, oo qof ninka uu soo qafaasho waa lagu ixtiraami jirey. Bilaal oo isqaadqaad iyo laynta cadawga kasoo faaruqay ayaa indhaha qac kusiiyey Umayyah ibnu Khalaf iyo wiilkiisii oo isla xiran, oo Cabdiraxmaan uu wato. Markaasuu Bilaal af muggii dhawaaqay asagoo oranaya ”Waa Umayyah, Cadawgii Ilaah, Ilaahay ima badbaadiya haddii aan badbaadiya”. Dabeetana wuxuu u yeertay Ansaartii Madiinah, asagoo oranaya Ansaareey!! waa kan cadawgii Ilaahay ee Umayyah, Alloow!! aanan badbaadin haddii uu badbaado”.

Cabdiraxmaan bin Cowf ayaa qayliyey oo yiri ”Bilaaloow!! ninku waa qafaalkeyga”. Markaasuu Bilaalna yiri ”Alloow!! aanan badbaadin haddii uu badbaado”. Dabeetana seefihii ayaa lagu billaabay.

Wuxuu yiri Cabdiraxmaan ”Markii aan arkay waxa dhacay ayaan ku dhahay Umayyah, waa adiga iyo naftaada”.

Raggii goobtaasi dhawaqa Bilaal  ku yimid ma ahayn oo keliya Ansaarta, balse codka Bilaal inay ajiibaan waxaa u nuglaa saxaabada oo dhan, kuwooda Muhaajiriinta iyo kuwooda Ansaarta ahba. Waxaa kamid ahaa raggii goobtaasi yimid Cammaar bin Yaasir Al Canasi oo kamid ahaa asxaabtii fadliga badneyd ee nebigeenna (NNKH), kana mid ahaa raggii usoo dhibtooday diintan.  Cammaar wuxuu diley wiilkii Umayyah, Bilaalna wuxuu  diley Umayyah, oo ay la dileen asxaabtiisii.

Asxaabtii oo idil ayagoo maqlaya hadalka Cabdiraxmaan bin Cowf ee ah ”War waa qafaalkeyga”, ayaanay ajiibin, oo ay yeeleen hadalkii Bilaal, taasoo ku tusineysa sha’nigii iyo weynidii uu Bilaal ku lahaa saxaabada agtooda.

Dhacdadaasi halkaasi ka dhacaysa, waxaa ku dhaawacmay Cabdiraxmaan bin Cowf, oo seefihii Muslimiinta ay lugta ka dhaawaceen, wuxuuna oranayay Cabdiraxmaan markaasi asagoo dhutinaya ”Ilaahay ha u naxariista Bilaal’ee wuxuu imootiyay qafaalkeygii, lugteydiina wuu dhaawacay”.

Dagaalkii Uxud wuxuu kamid ahaa raggii ugu horreeyey ee soo laabtay kadib markii ay jabeen asxaabtii nebiga (NNKH). Markii la furtay magaallada Makkah, sanadkii 8aad ee hijiriga, wuxuu Rasuulka (NNKH) la galay gudaha kacbada Bilaal bin Rabaax iyo Usaamah bin Zayd oo uu aad u jeclaa. Wuxuu mar kale Bilaal nasiib u yeeshey isagoo ahaa muddankii kowaad ee Islaamka, inuu mar kale noqdo muddankii kowaad ee xaramka Makkah. Intuu nebigu (NNKH) kusugnaa magaallada Makkah oo dhan asaga ayaa u addimayay salaadaha, markiina uu nebigu (NNKH), kasoo tegayay magaallada ayuu muddan uga dhigey Abuu Maxduur Samurrah bin Mixjan Ath- Thaqafi oo wiil dhalin yaro ahaa.

Bilaal wuxuu ku baaqi noqday magaalladii nebiga (NNKH) oo uu muddan ka ahaa intuu nebiga (NNKH) noolaa oo dhan, markiina uu nebigu (NNKH), geeriyooday waxaa Bilaal ka xoog badisay murugadii uu u murugooday xabiibkeenna suubban (NNKH), wuxuuna go’aansaday inuu isaga tego aadaanka kana mid noqday Musalliintii saxaabada.

Horraantii khilaafadii Abuu Bakar inkastoo ay murugo badan dabooshay haddana wuxuu Bilaal la shaqeynayay khaliifadii Rasuulka Alle ee Abuu Bakar Siddiiq. Maalin maalmaha kamid ah mar muddo laga soo wareegay geeridii nebiga (NNKH), ayaa maalin Jumca ah uu Abuu Bakar ka codsaday Bilaal inuu maanta addimo salaadda. Markiina uu Bilaal aadaankii Bilaabay ayaa Madiina cirif iyo dacal laga wada ooyay oo la soo wada xasuustay nolashii nebigeenna (NNKH), asxaabtii oo idilna ay ilmadu hibisiqleeyeen, oo ay aad u ooyeen. Aadaankii markuu dhammeeyey ayuu Abuu Bakar Siddiiq ka codsaday Bilaal inuu mu’addannimada kusoo noqdo oo Masjidka nebiga (NNKH), uu ka addimo, balse Bilaal arrintaasi wuu ka cududaartay.

Khilaafadii Cumar bin Al Khaddaab, wuxuu Bilaal ahaa masuulkii u xilsaarnaa wafdinta goballada oo isku xiri jirey magaallooyinka goballada iyo Madiinah, saldhigiisuna wuxuu ahaa magaallada Madiinah oo uu kula shaqeyn jirey amiirkii Mu’miniinta.

Maalintii laga casilayay qaa’idkii weynaa ee Khaalid bin Waliid imaaraddii Qinnasriin, wuxuu ahaa Bilaal ninkii uu Cumar u direy, saa Bilaalna mimbarkii Ximsa inta korey Khaalidna uu hoos taagnaa iyo Abuu Cubaydah, oo uu ku dul aqriyey warqaddii Cumar.

Bilaal ma gaarin khilaafadii saddexaad ee Islaamka (Cuthmaan bin Cafaan), wuxuuna geeriyooday intuu noolaa Cumar bin Khaddaab. Sanadkii 20-aad ee hijiriga ayuu ku geeriyooday magaallada Dimashiq, oo la sheego markii hore inuu ku dhashay.

Bilaal wuxuu ahaa saxaabi Jaliil ah oo kamid ahaa asxaabtii fadliga badneyd, ee nebigu (NNKH), uu aadka u jeclaa.

Ilaahay haka jaasiya wanaaggii uu u soo qabtay Islaamka, hana u nuuriyo qabrigiisa. Sayidkeenna Bilaal, Rabbigeenna ha ina siiyo sabarkiisii iyo sugnaantiisii oo kale.

Salaamun Calayk yaa sayyidii Bilaal Raddiyallaahu canka, watardzii Canhu inshallaah.

WQ: Mohammed Tahir Abdi
Email: mohamed1@live.fi
____________________________________________________________________________________________

Afeef: Qormadani waxay u gaartahay qoraha, iyo webka caasimada.com, lama daaban karo idan la’aan.

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks