Maxaa ciidamada Ethiopia maanta ku qabsaday Beledweyne (Warbixin)

December 13, 2012 10:29 AM1 commentViews: 3

Magalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta dhacay qarax xoogan oo khasaaro u gaystay ciidamada Itoobiya ee halkaasi ku sugan.

Askar ka badan seddex oo ka mid ah ciidanka Ethiopia ayaa ku geeriyootay tiro ku dhaw 6 kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib markii qarax miino lala beegsaday ciidankaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo in dhimashada intaas ka badnaato, sababo la xiriira qaar ka mid ah ciidamada dhaawaca ah oo ay xaaladooda aad u liidatay, sida ay ku warrameen goob joogayaal.

Waxaa la tilmaamayaa in Qaraxa uu ka dhacay dhinaca Bari ee magaalada Baladweyne  gaar ahaan halka loo yaqaano Cilmi Loos oo kutaalla jidka laamiga kala bara xaafadaha Xaawo Taako iyo Kooshi waxaana lagu wareeray askari itoobiyaan ah oo howlgal baaritaano miino baaris ah ku jiray waxaana uu ugeystay qaraxa waxyeelo kala duwan.

Ciidamada ayaa sidoo kale waxay jir dilo caro ka keen ah kala dul dhaceen dhalinyaro guryahoodii iska jiifay waxaana qaraxaasi goor dhaw sheegtay inay ka dambeeyeen Ururka Al shabaab.

1 Comment

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks