Qabaa’ilka Soomaalidu ma isbahaysi baa, mise waa dhalasho?

November 28, 2012 8:00 PM13 commentsViews: 687

W/Q: Maxamed Hirad 

Arar:

Runtii waa su’aal ay adag tahay in  jawaab waafi ah laga bixiyo. Waxa taas daliil u ah, siina adkaynaya innaga oo aan illaa maanta hayn qoraallo ama dokumantiyo taariikhi ah oo arrintaas wax ka yidhi. Waxa keliya ee aynu cuskannaa inta badan waa qoraallo kooban oo dad ajnebi ahi ay qoreen, xilliyo mudada laga joogaa ay aad u yar tahay, marka la barbar dhigo inta ay qowmiyadda Soomaaliyeed soo jirtay. Waxa intaas dheer, kuwaas oo aan dhul badan oo Soomaaliyeed marin, sidaa awgeedna xogta ay ururiyeen ay ku salaysan tahay dad iyo degaanno kooban.

Mar haddii xaal sidaas yahay, qofka doonaya in uu baadhitaan ku sameeyo mawduucan oo kale waxa ku adkaanaya in uu helo qoraallo badan oo uu raadraaco. Marka maqaalkan kooban waxa uu xooggiisu ku salaysan yahay aqoonta duqay Soomaaliyeed oo degaanno door ah oo kala geddisan deggen ama ku barbaaray, aqoon fiicanna u leh qabaa’ilka iyo xogo kale oo aan ka soo ururiyay qoraallo kooban. Waxa intaas dheer oo aan qoraalkan yar iyana u adeegsanayaa suugaanta Soomaalida oo ay ku jiraan sheekooyinka iyo odhaahaha Soomaalida dhexdeeda caanka ka ah.

Aqoonayahanada dersa asalka Soomaalidu waxa ay sheegeen in magaca Soomaali oo qoran ay markii u horraysay ku arkeen hees Xabashi ahi oo ay ku tilmaamayaan qoladaasi sida ay uga guulaysteen dagaal dhex maray iyaga iyo Soomaalida. Marka waxa la dhihi karaa ama muuqata in aan magaca Soomaali laftiisa xog badan laga hayn wixii ka horreeyay dagaaladii Imaam Axmed Guray. Waxase jirta ama laysla garan karaa markii diinta islaamku soo gaadhay dalkan, in dad badani ku noolaayeen degaanka Soomaalida.  Kuwaas oo magac, Diin, iyo dhaqan u gaar ah lahaa. Waxa illaa haddeer jira wax badan oo ka sii baaqi ah raadadkii iyo dhaqamadii dadkaas. Waxa tusaale inoogu filan, dab shidka, xabaalaha,  sida taallo tiiryaadka, curraafaynta iyo samaanyaha oo dhammaan laga helo ama ka jira geyiga Soomaaliyeed.

Waxa ay aqoonyahanno badani iyana isku raacsan yihiin in dhulkii loo yaqaannay Punt uu hadda ka mid yahay degaanka Soomaalida, dadkii ku dhaqnaana ay Soomaalidu asal ku leedahay.

Daraasado lagu sameeyay hiddaha (genetics) Soomaalida ayaa iyana caddeeyay in dadka Soomaaliyeed ay asal la wadaagaan dadyowga kale ee ku dhaqan Itoobiya, Ereteriya iyo Waqooyiga Afrika sida qawmiyadaha Oromada, Canfarta, Berberka iyo xataa Carabta Waqooyiga Afrika. Waxa intaas dheer afafka qowmiyadahaasi ku hadlaan oo ay isku bah yihiin afka Soomaaliga. Daraasadaha hiddaha asalka Soomaalida lagu sameeyay waxa ay caddeeyeen  in dadyowga ku dhaqan Geeska Afrika ee ay Soomaalidu ka mid tahay ay yihiin ummad gaar ah (Distinct Seperate Race) oo ka duwan ummadaha la jaarka ah sida Carabta iyo Afrikaanka kale. Waxa intaas dheer oo daraasadahaas koobani sheegayaan in qawmiyadda Soomaalidu ay jirtay muddo ka badan 4,000 oo sano.

Markii diinta Islaamku ka dhalatay Jasiiradda Carbeed oo sida aynu wada ognahay bad yari u dhaxayso iyada iyo Soomaaliya ayaa waxa markiiba ay si hawl yar ugu soo tallowday dhinaca degaanka Soomaalida. Diintaas oo dabcan muddo dheer qaadatay in Soomaali oo dhan ay wada gaadho. Hase yeeshee waxa xaqiiqo ah in ay raad weyn ku yeelatay dhaqanka Soomaalida oo xilligan la joogo dhammaantood wada Muslim ah. Waxase adag in la aamino ama waxa aynu odhan karnaa macquul ma aha dhawr wadaad baa qaran dhan sahal ku qabsaday muddo qaaban.  Ama dhawrka Shiikh ee ay Soomaalidu sheegato iyo carruurtiisii baa ka adkaaday oo qaarna dadkii dalkan ka buuxay laayey, intii kalena bara kiciyey oo dhulkii ka qaaday.  Midda kale waxa isweydiin mudan meeye dadkii diinta ay u laqimayeen ee dhexdooda diinta ka faafinayeen? Iyagii keliya  iyo carruurtoodii baa dalkii oo dhan u hadhay, waa arrin aad cajiib u ah oo caqligu aanu qaadan karin!

Markaynu qodobkan ka hadalkiisa soo koobno, sida la garan karo Soomaalidu waxa ay ka soo jeeddaaa dadkii dalka joogay ee diinta la soo gaadhsiiyay muddo hadda kun sano ka badan laga joogo. Waxa ayse dhaqan badan la wadaagaan muslimiinta ku dhaqan Bariga Dhexe iyo dalalka kale ee caalamka Islaamkaba.

Hayb beddelashada Soomaalida:

Ugu horrayn marka aynu arrintan ka hadalaynno waxa mudan marka hore in aan isweydiinno  Soomaalida ma dhacdaa in ay haybtoodii hore ka guuraan? Jawaabta su’aashaas oo koobani waxa ay tahay “Haa”. Waxa hubaal ah kollay in  lixdankii sannadood ee aan anigu wax kala garanayey dad badani ay  haybtoodii bedesheen oo qolo kale ku biireen. Si aynu arrintaa xaqiiqooyin cad ugu keenno waxa aan halkan ku soo bandhigayaa dhowr tusaale oo innoo iftiiminaya sida qabaa’ilka Soomaaliyeed u hayb bedeshaan.

Waxa haddaba jira qabaa’illo badan oo aan la isku diidanayn in ay yihiin bahwadaag ama isbahaysi. Waxa qolyahaas ka mid ah Digil iyo Mirifle, Jaarso, Ciise, Akisho, Bursuug, Garre, Maalin Guur, Muddulood iyo kuwo kale oo badan.

I970 kii ayaa waxa aan fasax damcay in aan ku tego magaalada Baydhabo. Xilligaas waxa waddanka ka dillaacay cudurka loo yaqaan Daacuun Calooleedka. Taas oo dhalisay in magaalooyinka iyo gobolada la kala xidho. Waxa aan ku xannibmay tuulo yar oo Baydhabo iyo Buur Hakaba u dhaxaysa. Dadkii deganaa ayaan qof keliyana ka af garan waayey.  Akhirkii waxaan masaajid yar ka helay oday saagaashan jir ah oo caalim ah oo na tujinayey.  Isagii baan isku af garanay luqadda carabiga oo fusxa ah.  Laba habeen oo aan wadaadkaas meel la joogay waxyaabo badan baan ka faa’iiday oo ka qortay. Waxaan waydiiyey, dadka dhulkan degani waa ayo? Waxa uu iigu jawaabay waa Soomaali.  Yay ka yihiin baan idhi?  Waxa uu iigu jawaabay waa Soomaali oo idil.  Waxaan weydiiyey Raxan Weyn waa ayo? Wuxuu igu yidhi waa dhulka oo waxa uu magacaasi tilmaamayaa, waa dhulkii raaxada badnaa. Waxa kale oo aan waydiiyey Digil iyo Mirifle waa ayo? Wuxuu iigu jawaabay dadkaa qaarna beeraha ayay ku dhaqmaan oo waa Digil, Miriflena waa xoolalay. Sida odaygaasi qirayo Raxan Weyn waa is bahaysi ka kooban qabaa’illo badano oo Soomaaliyeed.

Waxa sidoo kale iyana ah qabiilka Ciisaha oo waxa la yidhaa waxa ay u kala baxaan jilibadoodu Ciise iyo soo raac oo sida magacaasi tlimaamayo innoo iftiiminaysa in ay isbahaysi yihiin. Jilibada soo raaca ayaa waxa inta badan dhacda in qabaa’il badani yidhaahdaan annaga ayay asal ahaan naga soo jeedaan.

Qabaa’ilkan iyagu qirta in ay isbahaysi yihiin sida kuwa aan kor ku soo sheegnay, waa kuwa inta badan ay qabiilooyinka kale bililiqaystaan, gaar ahaan beryahan dambe ee qabyaaladdu siyaasadda aad u gashay ee ay xamaasadda badan yeelatay. Haddaan tusaale kooban kuwaas ka bixiyo jilibo dhowr ah oo Jaarso ah, gaar ahaan Warro Dhaqo ayaa intii ka dambaysay dagaalkii 1977 iyana u digarogtay reer Haaruun (reer, Isaaq, Ogaadeen) iyo Laylkase. Waxa sidoo kale iyana noqday xilliyadan dambe Jibriil Abokor (Sacad Muuse) Warro Oogo oo ahayd Jilib Akisho ah. Waxa iyana sheeko caan ah ka ah  Hargeysa iyo inta galbeed ka xigta odhaahda ah Akishadii Cabbanowday. Sheekadaas oo tilmaamaysa qoysas Akisha ahaa oo u hayb bedeshay reer Cabbane (Sacad Muuse). Waxa maanta jira Qoys intooda Jigjiga deggenina yihiin Akisho, inta Hargeysa ku dhaqanina yihiin reer Cabbane.

Hayb bedelashadu kuma koobna beelahaas aan kor ku soo tilmaamay oo qudha. Qabaa’ilada kale sida Daaroodka, Isaaqa, Hawiyaha iyo kuwa kale ee faraha badanba waa arrin si weyn uga jirta. Aan ku bilaabo Shiikhaash (Shiikhaal) oo berigii hore la odhan jiray waxa ay ka soo jeedaan Abubakar Siddiiq, sida ku qoran kitaabka la yidhaahdo Nasrul Mu’miniin ee uu qoray Shiikh Cabdullahi Qudubi, awowgoodna ahaa shiikha ku aasan magaalada Sheekh looguna magacdaray iyo reer shiikh Xasan Kalweyn oo sheegan jiray in ay ka soo jeedaan Cusmaan bin Cafaan. Haddaba Shiikhaash (Loo Boge, Aw Qudub, iyo Gendershe) iyo reer Xasan Kalweyn maanta waa hal reer oo loo bixiyay Martiile Hiraab, ahna qabiil Hawiye ah. Waxa iyana jira qabaa’ilka Xawaadle, Saransoor (Digoodi iyo Gaal Jecel), Gugundhabe iyo Odaajeen oo maanta aynu u naqaan in ay Hawiye yihiin, horese u ahaa qabaa’il iskood u taagnaa.

Waxa sidoo kale isna ahaa qabiillo iskood u taagan oo sheegan jiray in ay Saado yihiin ama Carab, reerka Isaxaaqa la yidhaa ee maanta ka midka ah jilibada Habar Yoonis iyo reer Doodka oo Habar Jeclo ka mid ah. Qolada Isaxaaqu waxa ay haybtoodii hore ka guureen illaa 50 kii sano ee u dambeeyay oo aan aniga laftaydu soo gaadhay, halka ay reer Doodku iyagu beri dhaweyd uun toos u sheegteen Habar Jeclo.  Waxa iyana intii xornimada ka dambaysay hayb bedeshay Fiqi Shinni oo ahaa Ajuuraan, haddase ah Ayaanle, Cayr, Habar Gidir. Waxa kale oo la sheegaa qolada la yidhaa Cumar dheer oo maanta ah  Wagar Dhac oo Mareexaan ah, in ay asal ahaan ka soo jeedaan Cayr, Habar Gidir. Qolada kale ee hadda la yidhaa Damal Muuse ee dega Galkacayo ayaa iyana illaa 64 kii ka hayb bedeshay Dir oo noqday Muuse Carre oo Habar Yoonis ah.

Waxa halkan malaha mudan in aan ku xuso sheeko beri dhexdii ahayd lagu faafiyay qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa magaalada Hargeysa. Kaas oo qoray sheeko ku saabsanayd  laba reer oo haddeer kala ah Gadabuursi iyo Isaaq in ay wada siyaartaan hal oday oo ay wada sheegtaan in ay ka soo jeedaan. Labadaas reer ayaa qoraalku sheegay in ay istuseen in malaha ay isku asal yihiin, balse qolo weliba ku adkaysatay in ay halkeeda ku negaato.

Qolada Gadabuursiga oo marar qaar dadku ku tilmaamo isbahaysi waxa jira reero badan oo aan lagu murmin in ay qolyo kale yihiin. Waxa reerahaas ka mid ah Xeeb Jire oo la sheego in ay Shiikhaash yihiin, Muuse Fiin oo  la yidhaa waa Ogaadeen iyo reer Nuurka oo dadka qaarkiis ku sheego in ay Ciidagale ahaayeen.

Dhinaca gobolada bariga oo dad badani ku tilmaamo meesha Soomaalidu ay asalkeedii ka soo fidday ayaa waxa la sheegaa reero badan oo ku dhaqnaan jiray, maantase aan cidi ka joogin. Waxa qabaa’ilkaas ka mid ahaa Reer Waa Rag, Leg dhufso, Odayo qoyan, Qabsan Dulle, Qayraanshe iyo qolyo kale oo badan. Kuwaas oo maanta dhammaantood ku dhex milmay reerka Majeeteerteen ee Hartiga ah. Reerka Dhulbahantaha ayaa iyana la sheegaa in qolyo badani ku dhex milmeen. Tusaale ahaan waxa Dhulabahantaha dhexdiisa caan ka ah magaca la yidhaa Ilma Halal Gob ah oo la sheego in ay ahaayeen qabiil jiray, balse maanta Dhulabahante uun ka mid ah. Waxa iyana dhowr iyo tobankii sano ee u dambeeyay soo baxay qolada Jambeel oo la yidhi waa Cabdi Koombe. Anigu intii aan wax kala gartay oo 60 sano kor u dhaafay waxa aan maqli jiray Koombe waa 4: Geri, Harti, Xarle iyo Jiiraan. Jambeel waxa aan marar maqlay waa reer Cabdi oo Geri ah. Si kastaba ha ahaatee Cabdi Koombe waa wax aan hore u jirin, qoladaasina waxa suuragal ah in ay ama Geri yihiin ama Harti.

Haddaan qaybtan soo duuduubo waxa aan jecelahay in aan xuso qola Madhibaan ah oo sannadkan horraaantiis qolyo ka mid ah iyaga iyo xubno ka tirsan beesha Habar Yoonis isku dayeen in ay haybtooda u bedelaan qolo ay u bixiyeen Kuul Carre. Sheekadaas oo muddo dhowr bilood ah socotay waxa ay akhirkii ku baaba’day ka dib markii xubno muhiim ah oo ka tirsan labada dhinac ay ka horyimaaddeen mashruucaas.

Runtii halkan kuma dhamma tusaaleyaasha laga bixin karo hayb bedelashada iyo qabaa’ilka Soomaalida. Waxase aan la dafiri Karin in hayb ka guurku uu yahay arrin aan ku cusbayn Soomaalida dhexdeeda, balse loo baahan yahay in si cilmiyaysan loo derso. Waxa xaqiiqo ah in aanu jirin Soomaalida dhexdeeda qabiil odhan kara waxa aannu nahay saafi oo iskuma dhex walaaqnin. Haddii malaha DNA dooda la baadhi lahaa wax badan baa malahayga soo bixi lahaa oo kala caddaan lahaa.

Sheekooyinka caanka ka ah Soomaalida dhexdeeda:

Soomaalidu wax badan taariikhdeeda qoraal laguma wada hayo. Ha yeeshee waxa in badan laga heli karaaa suugaanta oo tix iyo tiraabba leh. Waxa iyana aad u badan sheekooyin iyo odhaahyo si weyn innoogu iftiimin kara mawduucan maqaalku ku saabsan yahay ee ah hayb ka guurka.

Haddaan qaar kooban ka xusno sheekooyinkaas tilmaamaya in dadku isku dhafan yihiin waxa ka mid ah:Ogaadeen waa wiil tagoogo iyo wiil talo. Taas oo macanaheedu yahay dadka reerkaas wada sheegta qaybina waa dhalasho, inta kalena heshiis bay Ogaadeen ku noqdeen. Waxa odhaah taas la mid ah iyana laga sheegaa reerka Abgaal oo waxa la yidhaa: Abgaal waa  Abgaal iyo muggiis oo laga wado inta dhalasho Abgaal ku ah iyo inta kale wey isle’eg yihiin. Dadka qaar baa magaca Abgaal ku fasira waa Gaalle oo dhan. Kuwa sidan dambe wax u tilmaamaa waa kuwa qaba in Soomaalidu ay Oromada asal ahaan ka soo jeeddo. Waxa iyana Soomaalida dhexdeeda caan ka ah beyd gabay ku jiray oo la yidhaa “Sacad waa Ogaadeen haddii loo abtirinaayo” oo tibaaxaysa sheegashada ah in reerka Sacad la yidhaa aanu ahayn Habar Gidir oo uu yahay Makaahiil, Ogaadeen.  Waxa sheekadaa barbartaal mid kale oo wax ka sheegta reerka kale ee Habar Gidir ee la yidhaa Saruurka. Waxa la yidhaa Odaygii Madar Kicis Hiraab ahaa ee Habar Gidirta dhalay oo wiilkiisii bahal ka cunay ayaa ku ducaystay in kan Eebbe uga dhigo inankiisii. Odayga oo la sheego in uu indha la’aa baa la yidhaa waxa uu ku ducaystay sidan:San weynaa oo sarara weynaa Ilaahow Saruur Madar Kicis iiga dhig. Waxa iyana dadku aad u yidhaahdaan Odaygii Daarood ahaa weli waa dhalaa. Taas oo looga jeedo in xilli walba aad arkayso qolo cusub oo Daarood ah. Si kastaba ha ahaatee waxa aan shaki ku jirin in qabaa’ilka Soomaalidu yihiin dad isku dhafan, haybsooca ay isku samaysaana aanu sal iyo raad toona lahayn. Waxa kale oo iyana xaqiiqo ah sida lagu xusay daraasado kooban oo lagu sameeyay hiddaha Soomaaliyeed in ay Soomaalidu tahay qawmiyad ka da’ weyn odayada ay sheegato in ay ka soo jeedaan.

Gabagabo:

Ugu damabayn waxa dhab ah in aan maqaalkan yar ee kooban oo aan ka soo dheegay buug yar oon aan qoraalkiisa ku guda jiro, kana hadlaya Hayb Takoorka in aan lagu soo koobi karin arrinta ku saabsan hayb bedelashada. Runtii waa mawduuc weli dihan, una baahan in daraasdo badan lagu sameeyo. Waxase xaqiiqo ah oo aan la iska indho tiri karin in qabaa’ilka Soomaalidu aanay sal mug weyn leh ku fadhiyin, khaasatan dhinaca sheegashada isirka.

W/Q: Maxamed Hirad 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Raadraac:

1-  Risch et al. (1999), Categorization of humans in biomedical research: genes, race and disease, Genome Biol. 2002; 3(7): comment2007.1–comment2007.12.2. http://en.wikipedia.org/wiki/Somali_people 3. http://somalitalk.com/2009/11/18/baaq-uu-soo-saaray-af-hayeenka-beelaha-kuul-carre 3. http://somalilandinfo.com/node/6362 4. http://wardheernews.com/News_09/November/19_Beel_u-diga_roganaysa_beel_kale.html

Maxamed Hirad E-mail: xagar2000@yahoo.com

VIDEO NEWS


Source: Fubo

13 Comments

  • qaasim maad emed

    maxamed hiraad,,,,,,,,, waxaad ka hadashay wixii calooshada ku jiray iyo sida kula tahay,,,,,,,,,,, sxb taarikh ummadeeeda marka ka hadleyso waxa ficana inaad umada dhan u wada marto ee hadii ad odey HAWIYE ah oo adeerka ah ku so shegeyey mahan inaad intaas la so shiir tagto, mida kale RAxweyn wax la dhahayo majiran REEWING waye magaca…mida kale hadal caadi ah oo lagu hadlo iyo magaca qabaa,ilada yaa wayn? magaca dhulka ama maagaalooyinka iyo hadalada lagu hadlo yaa weyn?,,,, baal caqligaaga ka shqeysii oo firi beelaha HAWIYE magacyadoooda iyo deganada ay degan magacayadooda!…..tusale ahan GAALKAACYO, DHUUSMAREEB. ABGAAL IYO GAALJECEL, taasba wa af may, sababto ah afka maxa tiriga geela waxa lagu dhaha geel,,, afka maayguna geela waxa lagu dhaha GAAL…. marka maxa GAALKACYO loo dhihi wayay GEELKICISO? maxa ABGAALNA loo dhihi wayay ABGEEL? maxa dhuusmarebno loo dhihi wayey dhuuso maceliso ilen reeb wa af maymaye…. maxa GAALJECELNA loo dhihi wayay GEELJECEL?………mida kale hadii digil iyo mirifle hawiye iyo somali kale oo isu tagtay ay yihin see digil iyo mirifle uga ogolatay inay degan deganada somali uga kheyaradka badan? mida kale HAWIYE iyo darood luuqada ku hadlan wa ognahay xagee luqada mayga xage ka timid maxa uga hadli wayney maxa tiriga? ,,,,,,,,,,,,,,,,sxb sheeko raqiis inad la so shir tagto adiga wariye sheeganaya wa nasiib daro,,,,,,,,,,,,,,,,,,,, mida kale hawiye iyo darooood ayaga ah qabilo isu tagay, tuusale ahan xawaadle maxamuud iyo leelkase maxamuud wa isla dhashen, sacad wa ogden abgaal waceesle waa sawaaqrooon, warsangeli abgaal iyo warsangelo darood waa isla dhashen wageer dhac mariixan inta badan wa ceyr waa habar eji,,,,,,,,,,,,,, marka adiga oo qabiilo noolnool kala qeybsadey inad maanta umad an kugu af iyo kugu dad aheyn been ka shegto waa xaraam

  • qaasim maad emed

    somaali maxa tiri indho adeeg iyo taarikh inaad been ka sheegtan kow idin mahan,, tusaale ahan darood wuxu yirahda anaga yamen aya nimid ,ok maxa yameninta uga ekan waysay oo ad somalidii kale uga egtahay ? eg hada reerbarawe markay kuleeyihin bortaqiis ba wax no gelen , waa sax wayo wali luuqadahooda waliga laga fahami kara, marka raadka wa inuu markasta nolada afka wa badalmi kara lakin midabka ciyaar mahan siduu ku badalmo ,,,,,,,, isaaq wuxu yiri anaga reer qureesh aya nahay,,, ilah idin ku dharshe reer qureesh sida u ekaayen quruxdooda qofkasta oo muslim ah aya og iyo cadantooda,, isaaqna wa u jeedna,,,,,,,marka taas waxa u aragnay inay tahay faan iyo meel fican isla raadis,,,,,,digl iyo mirifle ayagu ma dhan arab aya ka so jeedna ee waxay leeyihin ardigan ilah nagu abuurey aya ku nolen oo kadibna diinta aya nooga timid dhanka qabilka an walalaha nahay ee oromo sidas ayana muslim ku noqoney,, hawiyena wabiga aya dhanka hiiran ka taalaabey ee waa digil iyo mirifle oo af maxa tiri bartay,,,,,,,,,,,,, ilah ha naxriistee abwan yamyam marku leeyahay afrikada madoow iyo oromada an wada naal ma intan ilooba abuu haashim galaya`? taarikh la qorey oo inta an jiro ku siman iyo isirkeyga keee ba taarikhda ka run ah?

  • walala yaal qof walba hasoo bandhigo sida uu wax u arko si an ukala faa iideysano aflagaado waa ceeb aniga waxan u arkaa in soomaali oo dhan ay isku wada dhex dhuntay oo qabiilkasta leeyahay qolo ku dhex nool ,,,,,

  • SCWW salaan ka dib caro meesha halagasaaro
    Ninkan waxa uu sheegaayo ilaa 50kii sanno oo ugu
    danbeeyey waa maqlaayey mana aha somalida oo keli
    ah ee waa wax ka jira caalamka sida carabta oon ognahay
    in ay ukala baxdo Carab Iyo carabtii lacarabeeyey mantana
    haddii nin anaga nagmidah bilaabay waa bilow fiican
    ee radraaca Iyo saxitaanba ubaahan .
    Waxaan ognahay in luuqada in uu isnadal kudhaco ama erayana
    kukordhaan kuwana lumaan ,waxa kale oo jira in dadku katagan
    degaankooda Sababo jira sida colaad kacarar ama daaq Iyo biyo
    Goob iwm.
    Taasina waxa ay keeni kartaa isbadel kudhaca dadkaas yimid
    luqadoodi Iyo qabnololedkooda.
    Iskusoo duubo muran Kama taagna qabaa’ilka somaliya si
    aada iskugu milmeen oo weliba aan anigu si adag
    uaaminsahay in somalida oo Idil hal farac yihiin ee uu kala
    fogeeyey degaanka markey tarmeen
    Somalidu waa Hal jinsi dhamaantood waadna bari karta
    haddii tuhun jiro.
    Iga rali ahaada haddii hadalka ila tagay waxbadan
    Ayaan niyada kuhayey in laga hadlo arintaan
    oo nafteyda masiin wakhti an kaga fekero hase
    aan waxbadan akhriyey welina aan u oomanahay.

  • Hal mid ayuu run ka skeegay Darood weli waa dhalaa siiba majerteen maalin walbo qabiil hor leh ayaa soo baxa bal kawaran aan iswasno qabiil ah baa xitaa ku jira,
    Reer waa rag, mabeyneeye

  • qof kasta oo qoray qoraalkaan wuxuu ahaa mid ujeedo guracan laga leeyahay ama la rabo in lagu kala faquuqo beelaha Hawiyaha isku ah iyo kuwa Dirta isku ah sababtoo ah qoraalka labadaas qabiil ayuu inta badan ka hadlayaa iyaga ayuuna reer reer u kala saarayaa sidaas darteed qoraalku waa mid been abuur ah oo ujeedo guracan laga leeyahay ama aan dhaho qeybi oo xukun kan qoraalka qorayna wuxuu cadeeystay naceybka uu u qabo labadaan beelood ee Hawiye iyo Dir laakiin isaga oo kale taariikhda weyn ee Samaale ma qarin karo ,Magaca Somali waxaa bixiyey gumeystihii yimid markuu kari waayey Samaale ee anagu waxaa nahay umad Samaale ah qofkii aan Samaale aheeyn isagaa yaqaan wuxuu yahay iyo halkuu ka yimid laakiin dhulkaan waa dhul Samaale dadkiisu waa Samaale.Waxaana ka xumahay in qoraalkaan lagudaabaco bogaan magaciisu uu wado caasimadii qaranka dadka Samaalaha ee Muqdisho.

  • run ahaan tii markaan arkey maqaalkaan waxa aan filaayey in uu taabanayaayo dacaayada ragiisga ah ee reer dhan ama qawmiya lagu aflagaadeynaayo sababta oo ah mid waan waan ku raacsaney horta in somaalida isbehaysi ay tahay sabata oo ah ilaa iyo hada waa la la’yahay qoraal cadaynaya in soomalido isku isir yihiin qaarbaa Carb sheegta qaarna Oromo hase ahaatee hadana waxaa lagu faana magaca soomli baan ahay waana sax in uu qofka heeb uu kufaana yeesho .mida kale maqaalka raad raac fiican malahan waxa meeshaan uu ku soo sheegay oo reference uu ka dhigtay wax sal iyo raad leh ma ahan sabata oo ah mrkii hore tusaale waxa uu u soo qaatay in uu lagulmey oday soomaaliyeed oo uu yiri waan is afgranwyney oo waxaan isku afgraney Luuqada carbiga bal ufiirso sidii in uu wadan kale tagey marka horeba uma socon cilmi baaris waa hadii uu meesha tagey teeda kale markaad dad wax u qoreyso waa in aad raad raac sax ah sheegtaa oo aadan dhihin odey baa waxa uu ii sheegey oo magaca aad soo xiganeysid,mustawihiisa,meesha laga helaayo hadii kale dadka been ha u lifin waxaa qiyaasaa in aad tahay nin reer waqooyi ah marka Isaaq meesha uu ka soo jeedo sifiican u baar oo xagiiji war ka sheegaaya in ay ka soo jeeedaan ree binii Israa’iil (Yahuud)

    mida kale ogoow Qomida Digi iyo Mirifle waa dad haysta dhaqan ,dhalasho iyo luuqad u gaar ah marka adi waxa aad sheegeysid taas ayaa ba beynineysa soomaali meel kastoo aad dagto qabiilka labaad mii iyo magaalo waa Digi iyo mirlfle hadii kaw aheeyn marka dadkaas oo meelwaba saas u joogaan xagiraadooda nothing cid kaa akhrisanaysa ma jirto ,,,,,, thanks for publishing..

  • Ninka qoraalkaan qoray waxaan aaminsanahay inuu yahay nin dadka somaliyeed aad u yaqaan inuu yahay,qofkuna fikir waa qabi karaa in lagu caayana maha boona, qoraalka uu sameeyay wax badan in ay kajiraan baan aaminsanahay oo ay xaqiiq yihiin, tusaale ahaan markuu dhahay shiikhaal haday Hawiye kubiirtay waa run, intii dawdladii siyaad barre dhacday in bay Hawiye sheegteen, qabiilka faqashini oo daga waqooyega somalia wax yar kahor buu cayr sheegtay cayrkuna waa aqbalay inuu reerkaas soo dhaweeye. guud ahaan waxaan aaminsanahay qabaa ilka waa wayn ee somaliyeed inay jiraan dad badan oo ay dhawaan aqbalee, laakiin su aashu waxay tahay qabaa ilka waa wayn xage bay kasoo jeedaan. Isaaq iyo Daarood waxay leeyihiin oday ay si sax ugu abtirsadaan, lakin way jirtaa inay laftoodu aqbaleen dad meelo kale kayimid, Hawiye, Digil iyo Mirifle, iyo Dir waa isa bahaysi barigii hore uu degaan mideeyay oo aan lahayn meel ay isugu yimaadaan.

  • run ahantii maqalkanw a amid xaqiqida ka hadalaay balse waxaan filayaa somalida waxayba neceb tahay runta waxaan markhatai ka ahay wax badan oo meshan ku qoran inay yahiin xaqiq waliba anigaa Qabiilka an kasoo jeedo oo ku qoran inay ku jiraan dad badan waa run marka wlaalyaal dalku markuu burburay waxaa la dhacay hanti iyo dadba waa in lasoo celiyaa dadkaa la dhacay waxana waa war xaqiqi ah waa mahadsan taahy Qoraaga maqalkan waliba waxaan kugu dhiiri galin laha haka dalin in dadka somalinimo la ogolaysiiyo

  • Raxanweyntu maxey isla kibirsiiyaan horta marka la dhaho la idima fahmaayo,waa run waxan aa ku hadhashaan afkaan waalan qof fahmeysa ma jirto. Somailda kale waa la idinka xishoodaa haa somali aa tihiin ba la idin dhahaa, war hada somali tihiin afkaan qashinka intee ka keenteen,gaana iyo burundi iyo meelo baasa ka imaateen, afkii soamligana wa baran weydeen. Maxaa keeney in qabiilo somalia ah oo degan xuduuda kenya iyo ethiopia ku hadlaan afsomli adigoo afgooye degana aa ku hadli weydo afsomali? ma tihidin soomali nooo, ma tihidin, noooooooo way

  • Salaan scww intaas ka dib waxaan rabaa in aan ka jawaabno su’aalaha soo socda.
    Yuhuudu ma ceybaa ?
    raxaweyn reer xunbaa?
    somali asalkeedu masuganyahay?
    Maxaad isleedahay wey inooga xiranyihiin su’aalahaan?

    Aniga aan noqdo kan bilaabay aragtidiisa,yahuudu macaybaa ma qabo maxaa yelay noole waxaa ugu abtirsiimo fiican nabi yusuf ina yacquba oo ina isxaaqa oo ina ibrahim ah waa 4nabi oo is dhashay,haddii uu islamana ninka yuhuudka ah wuxuu ka fiicanyahay ku islamka ah ee qabiilada dhan oo shiikh iyo shariifba leh.

    raxanweyne reer fiican waxaana kuugu daliil ah waa la sheegtaa ee iyagu reer kale ma sheegato
    bal eeg qofbaad waxaad leedahay war yaad tahay,wuxuu oran waagi hore ogaaden ama isaaq ama majeerteen ama gaaljecel ama dir ama hawiye ayaan ahaa lakiin hadda raxanweyn ayaan ahay maxaa kuu soo baxay qaba’ilka uu ahaa wuxuu ka doortay kuna faraxsanyahay reerka uu yahay.lakiin ma arkeysid nin reeraha kor ku qoran oo leh berigii hore raxanweyn baan ahaa

    KUUSOW oo qoraal yar soo xarxariiqay ma mudna in loo jawaabo waayo waxa uusan fahmin
    luuqad maxaa la yiraah (intii ummad meel wada degan isku afgarato ayaa luuqad la yiraa ee ninka raxanweyn may iyo maxaa tiri waa ku hadlaa waana labada luuqadood ee dustuurku ku qoran in somaliya looga hadlo hadaba adiga maxaa tiri ayaad ku hadashaa haddaba wax lagu faano maahan af dalkeyga looga hadlo ma aqaan lakiin xabashiga iyo sawaxiliga ayaan af aqaan waa wax laga xishoodo!.(ADIGOON CIRKOWBIXIN AMA BOODIN LEEXADA AMA BADAHA WAAWEYN NAFTA AAN KU BIIMEYN BARASHADA DHULKAADA HORTA LAGA BOGTAAO BERYO LEYSKU HOWLAA)

    Mida seddxaad asal raaca somalida waxaa la sugi karaa markii baaritaano badan la sameeyo
    iyadoo la’adeegsanaayo habtaariikheed qoral ama middhaqameed oo sinjiwadaag ah ama cilmiyeed oo ah habka jinsiga ah.
    haddaba waxay mareysaa billow ee maxaa keenay sheekada in qabiil loo leeyxiyo adigoo fikirkaada ku diidi kara hab asluubeen oo walaalka shaqada isku dayayo in uu inoo qabto
    aan lagu aflagadeeb niyadana laga jibin waa habka keliya ee dadkeenu ugu dhiiran karaan in ay helaan taariikhda aslka somaliyeed.

    Ugu danbeyntii marka aad ogaato halka aad ka soo jeedo ayaad ogaan kartan halka aad ku socoto.
    ,baritaano badan oo xaga jinsiga ayaa sheega in somalida ay hal jinsi yihiin habayaraateen wadamada aan ku mashquulnay aan wax farac ah aanan ku laheyn ama african ha ahaadeen amise carab marka laga reebo canfarta iyo oromada iyo wakhooyiga afirka oo aan DNA wadaagno waxa kale oo lahayaa nubiyiinta masar eritereya sudan inaan ilmo adeer nahay xagga jinsiga.
    isku soo wada duub somali ama hakala godo ama hawada joogto ,hal af haku hadasho ama tobn waa walaalo meel uun kawada yimid.

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks