Muxuu Eebbe SW Tukaha uga dhigay Macallimka dadka? (Mucjisada Qur’aanka Kariimka ah)

October 13, 2012 11:00 AM5 commentsViews: 156
Sida aynu lasoconna ama ogsoonnahay tukuhu wuxuu kamid yahay baalleyda Ilaahay abuuray, waana shimbir inta badan caan ku ah luuqad waluba iyo dal kasta. Shimbirkani waa shimbira uu Ilaahay u doortay inuu noqdo macallimka dadka, si uu u bara habka ugu wanaagsan ee bini aadamigu u asturi kara maydkiisa. Quraanka uu Nebi Muxammad (NNKH) inoo keenay 1400 sano kahor ayaa inoo sheegay in sunnada mayd asturka uu asalkii hore ina baray tukaha, taasoo ka dhignayd inuu Ilaahay ina barayay markuu inooga qisoonayay xaadisadaasi in shimbirkani yahay shimbir macallim ah oo dadka wax aad muhiim ugu ah baray. Haddii Quraanku aanu jiri lahayn, dadyoowga kalee aanan Islaamka ahayn ayaan jahligaasi la wadaagi lahayn, maadaama aanay jirin diin kaloo xustay sha’niga shimbirkaasi marka laga reebo ta Islaamka.Sida aynu ogsoonnahay jariimadii ugu horreysay ee dil bini aadam ee koonkani ka dhaca wuxuu ahaa dilkii loo geystay Haabiil wiilkii Aadam, ee uu ugeystay walaalkiis Qaabiil ina Aadam. Qisadaasi waa caan, Rabbi baana Quraankiisa inooga qisooday, culimada mufasiriintuna si wanaagsan bay inoogu bayaaniyeen macaanida aayadahaasi ka hadlaya dilkii Qaabiil uu diley walaalkiis Haabiil.Sababta dilkaasi wuxuu ahaa Shaydaan oo markaasi cadaw xasad ah ku ahaa Aadam iyo durriyadiisa, maadaama uu Aadam sabab u ahaa in Ibliis la fogeeya, lacnadda Allana dushiisa la saara.Dilka markuu dhacay kadib, oo Qaabiil uu diley walaalkiis Haabiil, baa Ilaahay usoo saaray tuke aasaya meydka tuke kale, markaasuu Qaabiil inta shallaayay yiri ”Hoogayeey!! miyaan ka caajisay inaan  u astura meydka walaalkey sida uu tukaasi u asturaya meydka walaalkiis”?

Aayadahan kamidka ah suuradda Al Maa’ida buu Ilaahay inoogu qisooday dhacdadaasi.

{ وَاتْلُ عَلَيْهِمْ نَبَأَ ابْنَيْ آدَمَ بِالْحَقِّ إِذْ قَرَّبَا قُرْبَانًا فَتُقُبِّلَ مِن أَحَدِهِمَا وَلَمْ يُتَقَبَّلْ مِنَ الآخَرِ قَالَ لَأَقْتُلَنَّكَ قَالَ إِنَّمَا يَتَقَبَّلُ اللَّهُ مِنَ الْمُتَّقِينَ (27) لَئِن بَسَطتَ إِلَيَّ يَدَكَ لِتَقْتُلَنِي مَا أَنَاْ بِبَاسِطٍ يَدِيَ إِلَيْكَ لِأَقْتُلَكَ إِنِّي أَخَافُ اللَّهَ رَبَّ الْعَالَمِينَ (28) إِنِّي أُرِيدُ أَن تَبُوءَ بِإِثـْـمِي وَإِثـْـمِكَ فَتَكُونَ مِنْ أَصْحَابِ النَّارِ وَذَلِكَ جَزَاء الظَّالِمِينَ (29) فَطَوَّعَتْ لَهُ نَفْسُهُ قَتْلَ أَخِيهِ فَقَتَلَه فَأَصْبَحَ مِنَ الْخَاسِرِينَ (30) فَبَعَثَ اللَّهُ غُرَابًا يَبْحَثُ فِي الأَرْضِ لِيُرِيَهُ كَيْفَ يُوَارِي سَوْءَةَ أَخِيهِ قَالَ يَا وَيْلَتَى أَعَجَزْتُ أَنْ أَكُونَ مِثْلَ هَذَا الْغُرَابِ فَأُوَارِيَ سَوْءَةَ أَخِي فَأَصْبَحَ مِنَ النَّادِمِينَ (31).

Alle wuxuu leeyahay


”Ku aqri korkooda (uga warran) warkii labadii wiil ee Aadam si dhab ah, markay saddaqeysteen saddaqa, oo laga aqbalay midkood (Haabiil), kii kalena (Qaabiil) aanan laga aqbalin, oo uu yiri (Qaabil) waan ku dili, oo kii kalena (Haabiil) uu yiri (jawaab ahaan) wuxuunbuu Alle ka aqbalaa kuwa dhowrsada. Haddaad usoo fidiso gacantaada xaggayga si aad ii disho, anigu ma usoo fidinaya gacantayda xaggaada si aan kuu dila, (maxaa yeelay) waxaan anu ka cabsan Ilaahay, ee Rabbiga caalamiinta. Oo waxaan anugu doonayaa inaad la noqoto dambigeyga iyo kaakuga, oo aad noqoto naarta ehelkeeda, taasuna waa abaalmarinta daalimiinta. Markaasay u qurxisay naftiisa (Qaabiil) inuu dila walaalkiis (Haabiil), wuuna diley, wuxuuna kamid noqday kuwa khasaaray. Wuxuu Alle tusiyey (Qaabiil) tukeqodaya dhulka si uu utusiyo siduu u asturo meydka walaalkiis, wuxuuna yiri hoogayeey miyaan ka caajisay inaan noqdo sida tukahaan oo kale, oo aan asturo meydka walaalkay, wuxuuna noqday mid shallaaya”. (Al Maa’idah: 27-31).
Waxaa haddaba is weydiin mudan muxuu Eebbe ugu doortay tukaha inuu noqdo macallimkii ugu horeeyay ee bara bini aadamka qaabka uu meydkiisa u aasan lahaa? Muxuuse Ilaahay xayawaan kale ama shimbir kale uga dhigi waayay macalimkii bari lahaa insaanku sunnadaasi?Ugu horreyn daraasaadka casriga iyo culimada ku takhasustay baalleyda (inta duusha) waxay iktishaafeen noolaha ama shimbirka loo yaqaan tukaha inuu yahay shimbirka ugu caqliga badan shimbiraha oo dhami. Waxay culimada casrigu ay kusheegeen daraasaddii ay uga hadleen shimbirkan tukaha inuu yahay midka ugu caqliga badan uguna dhagarta badan shimbiraha, waxay kaloona intaasi raaciyeen, inuu yahay shimbirka keliya ee astura meydkiisa, iyadoo arrintaasu dhawaan uun lagu ogaaday dabagal iyo baaritaan lagu sameeyay noolahan duula. Laakiin Quraanka ayaa inoo sheegay 1400 sano kahor in tukuhu aasa meydkiisa, halka ay iyagu dhawaan uun ku ogaadeen daraasaad iyo baaritaano ay dhici karta dhibaatooyin badan inay kala kulmeen, tiiyoo aanan la yaraysan karin dhaqaalihii arrinkaasi uga baxay.Daraasaddu waxay xustay in tukuhu leeyahay maxkamad kala xukmisa dembiyada ka dhex dhacda, iyadoo maalinta tuke kamid ah tukayaashaasi la xukminaya ay isu yimaadaan tukayaal badan oo isaga kala yimid meelo kala duwan si ay uga qeyb qaataan daawashada maxkamaddaasi. Waxay kaloo intaasi ku dartay daraasaddani in marka tuke dembiila ah la xukminaya in aanu meeshaasi marka ka qaylinin iyadoo tukayaasha kaloo dhami ay qaylinayaan, wuxuuna tukaha eedeysanaha ahi yara kala bixiyaa labadiisa baalal oo hoos usii deeyaa, isagoo muujinaya inuu ictiraafsan yahay dembigiisa. Daraasaddu waxay intaasi ku dartay haddii tuke uu dilo tuka kale inay tukayaasha oo dhammi isugu tegaan tukihii falka dilka ah sameeyay, oo miinqaarkooda (qudka dhuuban) ay la wada dhacaan isagoo haba yaraatee wax iska caabin ah aanan sameyn, badalka uu ictiraafsan yahay dembigiisa darteed, sidaas ayayna ku wadayaan sida ay madaxa uga kubinayaan jeer uu dhinta, dabeetana midka ugu xoogga badan tukayaasha ayaa qaadaya oo ku aasaya meel aanay dadba ujeedin, isagoo sharfaya meydka, waa sida ay xustay daraasadani.

Cadaaladdu waa sheyga ay umaduhu ku kala horumaraan, waxaadna taasi ka garan kartaa sida Quraanku ugu amaanay Alle arrinka cadaalladda ah. Sidoo kale waxaa tusaale mug weyn arrinkaasi u ah xaalka dunida maanta, waddamada ku horu maray inay dadkooda caddaalad u sameeyaan, waa meelaha ugu amniga badan uguna nolasha fiican, marka la eega noolasha adduunyada. Roobab baa ka da’a, nacfigooduna waa joogta.

Haddii ay caddaaladdu dadka kala horumarisa, Quraanku wuxuu inoo sheegay in tuku arrin muhiim ah cilmigeeda uu uga hor maray bini aadamka, taasoo ah asturka meydka, taasoo tukaha uu insaanku uga dheereeyay. Sidaas oo kale, daraasaddu waxay xustay heerka caddaaladda tukaha iyo halka ay gaarsiisan tahay, jaanibka kalena waxay daraasaddu xustay in tukuhu wax dheeryahay baalleyda kale iyo xayawaannada kale (sida bini aadamka cadaallada fala uu wax u dheeryahay kan aan falin oo kale). Taasoo ayideysa in Quraanku xaq yahay, xagga Rabbina uu ka yimid.

Dhawaan ayay reer galbeedku oo immika ku talax tegey culuumta casriga ay wax ka ogaadeen noolaha tukaha, iyadoo horey wax macluumaat ah noolashiisa looga haynin, laakiin Qur’aanka uu Muxammad (NNKH) inoo keenay xilli noolahani tukaha ah cid macluumaat ka keeni kartaa aanay jirin (1400 sano kahor) baa Ilaahay uu inoogu warramay in tukuhu yahay noole sha’ni weyn leh, wax badanna ka duwan shimbiraha iyo xayawaannada kale. Sidaa daraaddeed buu Ilaahay ugu doortay inuu bara bini aadanka habka loo astura meytidooda, maadaama uu isagu ahaa noolaha keliya ee aasi jirey meydkiisa.

Tani waxay caddeyneysaa sha’niga Quraanka iyo weynidiisa, iyo inuu yahay mid mucjisa ah oo ka warramay wax ay adag tahay in laga warrama, xilli weliba ay dhici karin waxan oo kale in qof uu ka warramaya, laakiin Allihii abuuray xilliyada kala duwan, iyo dhammaan makhluuqaadka oo dhan ayaa qaddaray in Quraanku uu noqdo mucjisada waarta oo wax hore iyo wax dambeba ka warranta.

Waxaa is weydiin mudan haddii Muxammad (NNKH) uu Quraankani kala yimid meel aan Alle agtiisa ahayn, sidee buu uga warramay arrinka tukaha iyo inuu yahay noole wax badan dheer noolayaasha kale? Mise isagaa daraasad arrintaasi ku sameeyay oo wax badan ka ogaaday? Laakiin ma jirin xilligaasi qalabka loo adeegsada daraasaadkan iyo culuumta casriga.

Waa daliil waafi ah oo ku wajahan inta uu shakigu kaga jira in Quraanku aanu ahayn hadalkii Ilaah.

WD: Mohammed Dahir Abdi
Email: mohamed1@live.fi
_________________________________________________________
Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka, lama daabacan kara idan la’aan.
_________________________________________________________

VIDEO NEWS


Source: Fubo

5 Comments

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks