Muqdisho oo Xaalkeeda Bariga dhexe yahay kadib Madaafiic ku hoobtay.

Muqdisho oo Xaalkeeda Bariga dhexe yahay kadib Madaafiic ku hoobtay.

SHARE

Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa saakay dagan kadib markii xalay oo dhan ay socotay Madaafiic ay  tuurayaan kooxo aan la garanaynin.

Maadaafiicda oo bilaabatay Xaly 11:00 habeenimo ayaa waxaa ay ku dhacday degmooyin qaar oo ku yaala Muqdisho.

Waxaa kamid ah degmooyinkaas degmada Warta Nabada iyo Boondheere waxaana soo baxaya qasaaro badan.

In kastoo uusan kala cadayn inta uu la egyahay qasaaraha ayaa hadana waxaa la ogyahay dhaawaca labo ruux iyo dhimashada Mid kale oo shacab ah.

Saraakiil ka tirsan Dowlada oo aan waydiinay Madaafiicda cida tuuraysay ayaa waxaa ay inoo sheegeen  in Shabaab ay yihiin kuwaa oo kasoo tuuraya gudaha magaalada balse waxaa ay sheegeen inay saakay ku daba jiraan kooxiihii madaafiicda gamayay.

 

 

Loading...
SHARE