Muqdisho: HIV/AIDS oo dawo loo helay

December 18, 2012 2:55 AM0 commentsViews: 79

Dr. Yuusuf Suudaani oo mudo 40 sannadood ah ka shaqeenayay isku daweynta dawo dhireedka oo xarun caafimaadna ku leh magalada Muqdisho, ayaa shaaca ka qaaday inuu daaweeyay dad qabay cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS.

Haddii sheegashooyinkiisa sax yihiin waa markii ugu horeysay ee cudurkaas dawo loo helo.

Waraysi uu siiyay idaacad Dalsan ee magaalada Muqdisho ayuu Dr. Yuusuf Suudaani ku sheegay in tan iyo sanadkii 2009 uu daaweeyay 6 qof oo qabay HIV/AIDS, dhammaantoodna ay caafimaadeen.

Dhaqtar-ka ayaa shegay in dadka uu daaweeyay Qaarkood ay ka yimaadeen dalalka Yurub, kadibna markii uu daweeyay oo ay dib ugu laabteen dalalkooda ay lasoo xiriirreen una sheegeen in laga waayay cudurka, ka gadaal baaritaan kale.

“Dadka waxa ay u baahan yihiin in ay helaan geedo dadka cudurka ka bi’iya kana helaan nafaqo oo laga ilaaliyo geedaha sunta ah, markaas qofka wuu ka caafimaadayaa cudurka uu qabo” ayuu yiri Dhaqtarka.

Dr Yuusuf Suudaani, ayaa sheegay in dadka bukaanka ah marka hore uu u diro sheybaar wanaagsan, kadib marka uu soo baarana daawada uu isaga uu u qoro, ayada 3 bilood ee ugu horeyso uu isaga siiyo 6-da bilood ee dambena ay iyaga ku qaataan gurigooda.

VIDEO NEWS


Source: Fubo

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks