“Mudane, Maalka MUQDISHO lama wada laha!” (Farriin run sheeg ah)

December 12, 2012 5:31 PM4 commentsViews: 19

Arar

MADAXDA midbaa tagi, midna waa iman. Soo jeede xukun doonaya, sii jeeste xukun laga diray xoog iyo xeeladba, labadaa ayey u dhexeeyaan inta wax xukunta. Waxayse ka siman yihiin BALLANQAAD kuna kala duwan yihiin HIRGALIN iyo HAREERMARID! Oo marna ammaan iyo xan fiican u noqota, marna dhaleecayn iyo dhibsaso u noqota.

Marka laga soo tago awoodda SIYAASADEED ee MADAXTINIMADU leedahay iyo magaca SUUBBAN waxaa kale oo jira AWOOD DHAQAALE ooba la dhihi karo waa ka xoog badan yahay kana adag yahay kan SIYAASADEED, illeen SAYAASAD aan DHAQAALE lagu fuliyo lahayni SIYAASAD  ma ehee. Micnaha SIYAASADI DHAQAALE la’aan ma noolaan karto. Aan soo koobee XUKUN waxaa loogu wada oomman yahay waa: MAGAC IYO MUUNAD, AWOOD SIYAASADEED iyo AWOOD DHAQAAALE.

In badan waxaa xoogga la saaray sidii looga hadli lahaa labada awoodood ee     kala ah MAGACA IYO SIYAASADDA [QOFKA IYO QAUBTA] balse, wali la isma weydiin: AWOODDA DHAQAALE! Waa mare, horta xaggee laga keenayaa? Waa marka labaade, yaa la siinayaa oo qaadanaya? Waana midda aan ku faaqidi donna qormada, sidaa awgeed, haddaad meelaha qaar dhibsato, ama aad u aragto inaysan sidaa ahayn, bal midda kula habboon adna soo bandhig, aan wax kala kororsannee.

Hadduu xilligu yahay xilli doorasho waxaad mar walba maqlaysaa in khilaaf xooggan ka jiro sida loo xulayo inta a xulayo, Beelaha oo isku mari la’ xubnaha u matala Baarlamaanka, sidoo kale, marka la magacaabayo Wasiirka koowaad, waxaad maqlaysaa, Madaxweynaha oo Beel la shiray, kalana tashtay sida loo magacaabi lahaa mudaha u mudan!

Haddii Golaha Wasiirrada la dhisanaya waxaad maqlaysaa, Beelaha oo isku haysta Wasaarad heblaayo, Ra’iiusl Wasaaraha oo culays xooggan uga imaanayo Beel hebel oo isu aragtay inay Wasaaraddaa waligeed iyada loo magacaabi jiray! Sheekooyin caynkaa la halmaale baad maqlaysaa, in kastoo in la isu dheelli tiro Wasiirrada beelaha ay ka soo jeedaan waa mid la fahmi karo, waliba xilligan oo kale.

Haddii Gabayga fahamkiisu kugu adag yahay, haddaad suugaanta madax xanuun ka qaaddo, maanta taaba kuuma wado, waxaanse kula wadaagayaa arrin kale oo aan filayo inaadan madax xanuun ka qaadin, haddii aysan kugu dhalin Goonjab! Illeen waxay ay ka hadlayso baa ah, wax qof walba taaban karo, gaar ahaan qof walba oo ka soo jeeda Muqdisha, waa in haddii 1+1= 2.

Madaxweynaha lagu sheego inuu yahay Aabbe Soomaali mudane Geelle, ka dib markii Jabuuti horseed u noqotay oo ay u soo dhoodhoobtay dawladdii burburka dhalisay ee Cali Mahdi, ayey ka dibna Soomaali u horseedday nidaamka SHAYDAAN ee AFAR iyo BAR, ayuu mar kale shirkii u dambeeyey ee lagu qabtay Jabuuti wuxuu noo soo hindisay Baarlamaankii ka koobnaa SHAN BOQOL iyo KONTON aan ahaa TIRO BADNE TAYO YARE!

Muqdisho iyo Masruufka Dawladda

Maarayn xumaataa
Mashaqiyo abaar iyo
Mawd wadara kaba daran!

Maqaar saarka joogiyo

Madaxtooyo aan jirin

Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!

Baarlamaankii ISLAAMKA iyo AABBAHA Soomaali xaggooda nooga yimid, wuxuu XILDOON – kuwa hore dawladdii C/laahi Yuusuf ugu jiray- iyo XAARAANDOON – kuwii ku soo galay magaca DIINTA – miday yihiin waxaa ku bixi jirtay LACAG dhan: LIX MALYUUN OO DOLLAR maxaa yeelay mid walba oo ka mid ah wuxuu qaadan jiray mushaar, aanse faahfaahsho.

Madaxdii ka tirsanayd dawladdii hore, Madaxweynuhu wuxuu bil walba qaadanayey mushaar dhan BOQOL KUN OO DOLLAR, halka Wasiirka koowaad qaadanayey TODOBAATAN KUN DOLLAR, Guddoomiyaha Baarlamaankuna qaadanayey SIDDEETAN KUN DOLLAR, Ra’iisul Wasaaruhuna qaadanayey TODOBAANTAN KUN OO DOLLAR, Xildhibaan walbana qaadanayey KUN iyo LABA BOQOL oo DOLLAR.

Waaba iga su’aale; fadeexo arrinkan ka weyn yaa arkay? Hore waan u sheegay haddana ku celinayaa, inay lagama maarmaan tahay in la caddeeyo lana xaddido Mushaarka Madaxda Dawladda.

Haddii kuwaa isqabqabsi iyo QANDI aan buuxsamin waqtigii ku dhammaysteen, waxaa la gaaray sida la yiri: ISBADAL, maadaama Madaxda dawladda ugu sarraysa maalmihii xilka looga tanaasulay, loogu shubay ama loo magacaabay, BAARLAMAANkiina ay galeen dad badan oo AQOON YAHANNO u badan, maxay ka badaleen DHIIG MIIRASHADAA waligeedba jirtay, ee aan wali la arag qof yiraa; War sidan wax ha laga badalo iyo sida ha la isu dhaamo?.

Madax waxaa lagu yaqaan : ARAGTI QEEXAN, QORSHAYN QORAN IYO GO’AAN CAD. Weydiinta ugu weyni waa: marka aan eego arrimo badan oo Waddanka ka jira, sida: AMMAANKA CAASIMADDA, CIIDANKA KENYA, XAALADDA JUBBOOYINKA, DIB U DEJINTA QAXOOTIGA IQB, Qodobbadan iyo kuwa kale, maxay ka qabteen madaxdan? Ma la yimaadeen aragti qeexan? Ma laga helay qorshe qoran ama Qaran? Ma qaateen go’aan cad? Waxaan filaa warcelinnadu inay wada noqonayaan MAYA, oo haddaa, xaggee Salaaddu iska qaban la’dahay?.

Inay qodobbadan wax ka qabtaan iska daaye, iyagoo ka gaabshay qodobbadan iyo kuwa la midka ah, ee nolol maalmeedka aan ka maqnaanin karin, ayey dhankii qalcoonaa u fekereen, illeen miyir fayoobi haddii la waayo waxaa imanaysa maan guran, maskax gurracan iyo mayal adayg aan majare iyo meel loo raaco lahayn.

Maareynta Maalka Muqdisho

Hanti waa ma guurtee

Maal aan xisaabnayn
Mooro aan ku oodnayn

Wax musuqa ma waayee!
Malaayiinta qubanee

Maalayacniga iyo

Miisaan li’ida baxa
Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!

Muqdisho oo ah Magaalo Qaxooti dan iyo duggaashi bidday, ay dhexda, dhinac iyo dhan walba ka deggan yihiin, ayaa waxaa ugu darsoomay Baarlamaanka lagu sheegu in 70% ay yihiin AQOON YAHAN badalay QABQABLAYAASHII lana gaaray xilligii ISBADALKA waxayse doonayaan inay u codeeyaan in XILDHIBAAN walba MUSHAAR u qaato bil walba SHAN KUN DOLLAR 5.000$.

Ma aysan fiirin dayaca jira! Ma aysan fiirin dumarka iyo weeyaalka meel walba daadsan! Ma aysan fiirin Agoonta iyo cirroolaha aan aagaan iyo agab midna haysan! Ma aysan fiirin sidii ay wax looga badali lahaa hannaanka maamul xumada Soomaalida la degay! Ma aysan fiirin  sdii ay u soo saari lahaayeen qodobbo looga hortago laguna dagaalo MUSUQMAASUQA! Ma aysan fiirin sidii hawsha baaxadda weyn ee hortaal ay u gudagali lahaayeen, Ma aysan fiirin … Ee waxay fiirsheen sidii ay XOOLO ku heli lahaayeen! Illeen waxay soo dooneen baa taa ehe! Haba helaane, yaa siinaya ama ku leeyihiin?!

Intaa iyo intoo kale ma eegine, waxay isla markii u soo jeesteen Dekadda iyo Garoonka Muqdisha CANSHUURTA ka soo baxda sidii loo qaybsan lahaa! Waxaa damiir la’aan ah, nin asaguba XAMAR QAXOOTI ku ah oo aan Hotelka uu deggan yahay aan dhaafi arin inuu iska qaato lacag uusan mudnayn? Oo maxaan uga jeedaa? Bal aan jilciyo.

Midda marag ma doontada ah waxay tahay in xubnaha Baarlamaanka ay kala yihiin; GANACSATO, qaarkood ay u soo dagaan Maraakiib iyo Doomo, oo haddaa ma wuxuu u baahan yihiin lacagtaa? Qaar kale, waxay madax ka yihiin ama la shaqeeyaan Hay’ado maxalli iyo dawli ah, oo iyaguna ma waxay u baahan yihiin lacagtaa? Waxaa kaloo jira mudanayaal deegaankooda rasmiga ahi yihiin dalal shisheeye, oo haddaa miyuusan is dabbari karin? Kaba muhimsane, maxay ku mutaysteen lacagtaa, iyagoon wali hal mooshin oo nuxur leh ansixin? Anigu ma garan.

Dawladdu waa FEDERAL “GOBOLAYSI”, mudane walba wuxuu matalaa deegaan, sidaa awgeed, waa inuu mushaarka ka keensado deegannada uu ku matalo Baarlamaanka ama Xukuumadda, maxaa yeelay, suuragal ma ahan in maalin walba loo soo taagnaado DEKEDDA IYO GAROONKA MUQDISHO Canshuuraadka laga soo qaaddo, ama deeq dunidu bixiso, oo kaalay dalku Dekado iyo Garoommo kale ma lahan miyaa? Miyeysan jirin meelo kale oo Canshuuro shacabka looga qaaddo? Miyeysan joogin mudanayaal ka soo jeeda deegaannadaa?.

Midda kaba muhimsan baa ah, horta Xildhibaanka yaa soo doortay? Waxaa keensaday ODAY Canka Buuri ugu jiroo, Shaarbbo Galoolanoo Dabo ku Rays leh, haddaba, Xildhibaanka doonaya Mushaar, ha u doonto Odagaa soo magacaabay? Aan sii ballaarshee, ha u doonto Beesha uu ka dhashay ee meesha keensatay, illeen maamulka dawladdu wuxuu ku dhisan yahay waa AFAR iyo BAR oo ka dhigan beelee.

Horta waaba su’aale, Dekadda iyo Garoonka Muqdisha ma Qaalli baa u qoray inay baxshaan mushaarka dawlad walba ee la dhiso? Mise sheekadu waa; SIDII HA AHAATO, HALKIINA HA JOOGTO! Run ahaan waa wax aan suuragal ahayn in marna dadka FEDERAL “BEELAYSI” lagu tatajiyo, marna, aan qodobkii ugu muhimsanaa ee DHAQAALAHA la xiriiray la dhaqangalin.

Dhanka kale, Wasiirka Maaliyadda Max’uud Xasan Suleymaan sidii loo magacaabay shaqadii u horraysay ee uu qabtay waxay ahayd, inuu kormeer ku tagay Dekadda Muqdisha, oo haddaa ma wax gaar ah baa yaal Dekadda? Halka ay ka ahayd inuu la kulmo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo Hay’adaha u xil saaran ilaalinta dhaqaalaha qaranka, adba ka sug taa. Kaba sii darane, horta Wasiirka Maaliyaddu socdaal iyo kormeel ma ku tagi doonaa, Dekadaha Berbera, Boosaaso, Kismaayo, Eeyl, Marka, Hobyo IQB?.

Aqriste, aan kuu jilciyee horaba  FEDERAL “BEELO” ah ayaan  u ahayn, oo beel weliba  dhib iyo dheefteeda gaar ayay u qaybsan jirtay, illeen heer; Qoys, Raas, Jilib, Jufo iyo Beel guudba ayaa loo wadaagaaye, waxayna leeyihiin  BOQOLLEEY ay wax ku qaybsadaan, haddaan xubnihii dalka maamulayey ku qaybsannay, maxaa diidaya in dhaqaalaha soo gala iyo kan baxayaba aan ku qaybsanno beel?! Aqriste, xal ma u aragtaa? Waan dareemaa inay adagtahay.

Waxaan waliba ku dari lahaa mudanihii dawladda ka tirsan, ee aan deegaanka ay beeshiisu degto tagi Karin yuu metalaa, inta aanba dhaqaale la gaarin? Hadduusan deegaan matalin yuu xil u hayaa? Haddiise deegaan uu metelo ha la yimaado dheef ama ha ka soo qaato beesha uu dawladda ugu jiro.

Maafiyada tuugtiyo

Jirri Iyo Mariidlaha

Mooryaanta noo tuban

Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!

Farriin

Ugu dambayn, Madaxweyne, dalku waa FEDERAL ama BEELAYSI sida qofba u yaqaan, sidaa awgeed, waa in dhaqaalaha Waddanka soo gala loo dhan yahay, haddaan la yeeli karin, qof walbaa BEESADUU XIL haye ku noqon lahaa ha la yimaado, illeen haddaan sidaa la yeelin, waxay ka dhigan tahay MUQDISHO kaliya hala jaqee, iyana ka daashay GAFANEE.

Dhanka kale, intii shalay MUQDISHO inay CAASIMAD sii ahaato u qaylinaysay maantana waa inay isu qaabiyaan sidii looga qaban lahaa QUUDATADA aan qasadka lahayn, ee mar walba u soo taagan inay cunaan canshuurta laga qaado dadka deggan Muqisho, illeen MIISAANIYADDA la ansixiyey meel kale laga keeni maayee, oo badan MUSHAARKA ay qaadanayaa kuwa isku sheega MASUULIYIIN!

F.G: Meerisyada aan ku soo qaatay qormada, waxay ku jireen Jiifto aan curiyey oo magaceedu ahaa: “Maan maran!”. 

W/Q: Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

4 Comments

  • Somalia_hanolaato

    To qoraha maqalkan bashir m.xirsi marka hore waxan kuleyahay allaha ku caafiya dadka somaliya burburiyay o hadana wadanka dowlad udiday wa adigo kale o qabyalad laso taagan.waqtigadi waxad kudhameysay mar aad aayadaha quranka ku jesjestid iyo axadithta nabiga scw marna aad qabyalad laso taagnatid o aad umada walalaha ah ad iskudirtid.qabilada somalia waa dad walaalo ah e umada qaska kadaa

  • waxaa fiicnaan laheyd inta aadan qoraalkaan qorin in aad is waydiisd suaalahaan aad meesha ku soo qortay.

    1- waxaad tiri xildhibaanka gobol kale ka yimid muu mushaar ka qaato tuuladiisa?

    muqdisho waa caasimadii qof walba oo soomaali ah xaq ayuu ku leeyahay dekada muqdisho iyo airportiga waa labada meelood oo ugu weyn dalka uguna wax soosaar badan.

    ma iswaydiisay sababta aden ade airport uu yahay garoonka kaliya ee diyaaradaha jumbo jet xataa kusoo dagi karaan? marka in aad dhahdid dad ayaa gaar mushaar looga siinayaa waa fakar gaaban. hargeisa iyo bosaaso ilaa iyo hada goraankooda dhisma lagu wadaa.

    waxaan ku soo koobayaa muqdisho soomaali baa dhisatay waa lawada leeyahay. waana lagu xisaabtamayaa. aaqiro iyo aduunba. hadii caasimada laga guuriyo oo qolo gaar ah lasiiyo dadka guryahooda iyo maalkooda waan arki doonaa

  • Dad badan aa diidan isbedelka federalka ar ee wadanka ka jira, laakin ogaada we are in 1960 again, no more boob. wixii muqdisho kasoo boxo waxaa leh reer muqdisho!!. Nin walbo tuuladiisa qeyraadkeda hala yimaad

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks