Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Xil ka-qaadis ah Iyo Xarig Xabsi Daa’in ah Isugu Dartay Taliyihi Ciidanka Aslubta

December 8, 2012 4:51 PM0 commentsViews: 2

Muqdisho (Caasimada Online) Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa maanta oo sabti ah, waxa ay xakunno xabsi daa’in ah ku riday saraakiil iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Dad ka la xukamay waxa ku jira taliyihii hore ee ciidamada Asluubta Sareeye Guuto Cabdi Maxamed Ismaaciil “Indhabuur” oo lagu eedeeyay in uu xabsiga ka sii daayay saraakiil Al-Shabaab ah.

Guddoomiyaha maxakamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed Liibaan Cabdi Yarrow oo ku dhawaaqay xulka ayaa yiri “Markii maxkamadda ciidamada qalabka sida ay fadhi yeelatay waxa go’aan lagu gaaray dhammaan raggan oo dhan in lagu xukumo xabsi daa’id maadama ay qiyaaneen qaranka” ayuu yiri.

Wuxuu kaloo sheegay in taliyihii hore ee ciidamada asluubta Soomaaliyeed uu sameeyay qiyaanno Qaran kaddib markii uu sii  dayaayay rag badan oo Al-Shabaab ka tirsanaa oo maxkamadu ay xukun ku riday isla markaana uu siiyay darajo ciidan iyo aqoonsi ah in ay ka tirsan yihiin ciidamada Asluubta.

Sidoo kale dadka ay xukuntay maxkamadda ciidamada waxa kaloo ku jira agaasimihii garsoorka maxkamadda ciidamada Xasan Liibiya oo isna lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa falkaasi isagoo ka gacan siiyay taliyihii hore siidaynta xubno ka tirsan Al-Shabaab oo la xukumay.

Waa xukunkii ugu horreeyay ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ay ku rido sarkaal darajadaas sita, waxa horrey u dhacay in Al-Shabaab badan laga sii daayay xabisiyada ay maamusho dowladda.

Waxa ugu dambeeyay kuwa dhawaan la sheegay in ka baxsadeen xabsiga magaalada Baydhabo toddobaadkii hore.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Tags:

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks