Maxaad kala socotaa mashruuca dib u dhiska Muqdisho & qiimaha?

December 30, 2012 5:00 AM0 commentsViews: 20

Dawladda hoose ee Muqdisho ayaa dhawaan dhaqan galin doonta mashaariic waaweyn oo dib-u-dhis ah oo lagu habeeynayo 16-ka xaafadood ee caasimadda laguna xoojinayo awoodda masuuliyiinta maxalliga ah.

Hawlaha dhismaha ayaa hoos imanaya $9.6 milyan ee mashruuca Dan Guud, kaas oo ay maal galisay Hay’adda Maraykanka u Qaabilsan Horumarinta Caalamka (USAID) qaybna ka ah qorshaha istaraatiijiyadda 2013-ka ee maamulka Banaadir, afhayeenka dawladda hoose Maxamed Yuusuf ayaa yidhi.

“Mashruucani wuxuu qayb muhiim ah ka yahay qorshe weyn oo ay magaaladu u samaysatey hagaajinta kaabayaasha Muqdisho,” ayuu yiri. “Mid kasta oo ka mid ah 16-ka degmo ee Muqdisho waxaa loo qoondeeyay $606,000 oo loogu talo galay dib-u-dhiska kaabayaasha caasimadda si looga dhigo magaalo casri ah oo la tartami karta caasimadaha kale.”

Labaatan sano oo dagaal ah ka dib, waxaa inta badan baaba’ay Muqdisho jawigeedii bari nashaadka lahaa. Laakiin markii al-Shabaab xoog lagaga saaray magaalada Agoosto 2011-kii ka dib, dawladdu waxay ku hawlanayd in ay dib-u-dhisto magaalada oo ay ku soo celiso wanaageedii hore.

Wuxuu sheegay in mashruucu uu ka bilaaban doono siddeed degmo: Yaqshiid, Dharkenleey, Waaberi, Xamar Jajab, Warta Nabadda (oo barigii hore loo yaqaaney Wardhiigley), Hiliwaa, Boondhere iyo Dayniile.

Mashruuca waxaa qayb ka ah in dib loo habeeyo garoomada ciyaaraha iyo in loo sameeyo jidadka waaweyn nalal. ” Dib u habeeynta garoomada waxay tallaabo muhiim ah u tahay in dib loo soo celiyo tartanadii ciyaaraha iyo in dhalinyarada lagu dhiiriyo in ay ciyaaraha bilaabaan oo ay ka dheeraadaan rabshadaha,” Yuusuf ayaa yidhi. “Nalalka jidadka waxay sidoo kale kordhinayaan amniga bulshada, nabadgelyada iyo isu-socodka bulshada.”

In ka badan 130 shirkadood oo kuwa dhismaha ah ayaa arjiyo u soo bandhigay masuuliyiinta dawladda hoose, kuwaas oo siddeed ka mid ah loo doortay aqoontooda naqshadaha, dhismaha, qorshaynta iyo maaraynta mashruucyada la xiriira kaabayaasha.

Guddoomiyaha Degmada Hodan Cabdi Maxamed wuxuu sheegay inuu si xiiso leh u sugayo mashruucyada, maadaama uu burburkii ka yimid dagaalka ku kalifay shaqaalihiisu in ay ku shaqeeyaan qolal kiro ah. “Mararka qaar, xitaa ma haysanno lacag nagu filan oo aan si joogto ah ugu dhiibno kirada qolalka,” ayuu yidhi.

“Mashruuca Dan Guud wuxuu na siinayaa rajo aan dib ugu dhisno xafiisyadeenii iyo inaan ku dadaalno in aan mar kale jaaliyadaheena u siino adeegyada muhiimka ah,” ayuu  sheegay.

Maxamed wuxuu u mahad celiyay qof walba oo ka qeyb qaatey dib-u-dhiska degmada siiba tabarrucayaasha taageerada dhaqaale siiyay dawladda hoose oo ka caawiyey in ay fuliyaan mashaariic la xiriira adeegyada iyo horumarinta caafimaadka, deegaanka iyo dhismaha.

Cali Cabdullaahi, oo dhaqaalaha ka dhiga Jaamacadda al-Jazeera ee ku taal Muqdisho, wuxuu sheegay in mashaariicdan horumarinta ah ay yihiin dadaalkii ugu weynaa ee dib-u-dhis oo Muqdisho laga sameeyay dhawaanahan.

“Mashruuca Dan Guud oo ay maal-gelisay USAID wuxuu noqon doonaa midkii ugu hanka weynaa ee Muqdisho laga fuliyo illaa hadda,” ayuu yiri. “Mashruucan wuxuu kordhinayaa inuu abuuro shaqooyin faro badan iyo inuu taageero xasilloonida magaalada.”

“Waa mashruuc cajiib ah oo ka caawinaya magaalada Muqdisho in ay dib u soo noolaato,” Cabdullahi ayaa yidhi. “Waxaa hadda soo bidhaamaysa rajo ah in Muqdisho ay dib u soo ceshato sharafteedii ay lumisay 20-ka sano oo khilaafka iyo rabshadu ay jirtay.”

Isha: Sabahi

VIDEO NEWS


Source: Fubo

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks