MAXAA KEENA AF-QURUNKA?

December 4, 2012 12:07 AM4 commentsViews: 532

Af-qurunka ama waxa loo yaqaanno “Halitosis” waa xaalad qofku ka soo saarayo afkiisa hawo uraysa, taasoo ka duwan af-urka subaxii lala soo tooso, kaasoo ku baab’a naadiifinta ilkaha.

Af-qurunka ma laha wax xuduud ah, umana kala sooco dadka da’dooda, noocooda iyo xaaladooda dhaqaalaba, intaa waxaa sii dheer in af-qurunku u keeno qofka niyad jab aad u daran taasoo keensanaysa in qofku ka fogaado dadka iyo la hadlakoodaba, xitaa uusan u sheeganin dhibaatadiisa dhakhaatiirta.

Badanaa niyad jabkaan waxay ka dhalata in dadka qaba af-qurunka aysan dareemi karin dhibaatada haysata illaa ay ka ogaadaan dad kale. kadibne ay keensanayso in ay ka go’aan bulshahda kana doorbidaan kalinnimada.

Maxaa keeno af-qurunka?

Waxaa loo kala qaadaa sababha keeno af-qurunka laba qeybood oo kala ah:
Caafimaad darro ka baxsan ilkaha
- Infekshan ama caabuq ku dhaca jeebabka sanka iyo afka u dhaxeeyo (Sinusitis) ama qalad ka jira qaab-dhismeedka lafta oo qofku ku dhashay.
- Qooman
- Sanbabada oo qofku ka jiranyahay (khaas ahaan cudurrada malax-samayska ee sanbabada “suppurative lung diseases)
- Hawlgabka kilyaha (qashinkii kilyaha jirka ka saari jiray oo hawo ahaan loo soo saaro sida kaadida “urea”)
- Hawlgabka beerka (qashinkii beerka jirka ka saari jiray oo hawo ahaan loo soo saaro)
- Cudur ku dhaca dhiigga
- Sonkorowga
- Xamiitada oo jirata
- Kaankaro
- Cillaad dheefshiid
- Cunnooyinka qaar

Caafimaad darro ka timid ilkaha
- Bolol ilkaha ah
- Ciridka oo jirran
- Infekshan ilkaha ah ama carun
- Kaankarada ilkaha
- Af-qaleelka (daawooyinka iyo cudurrada qaar ayaa keeno af-qaleelka)
- Daawooyinka sanka lagu dhibciyo
- Xasaasiyada cabburka keento
- Bakteeriyda hawo la’aanta oo ku badato afka ama sanka

90% oo ka mid ah waxyaabaha keeno af-qurunka waxay ka timaadaa bakteeriyada qurmiska oo afka ku korto, taasoo ka dhalata cudurrada aan kor ku soo xusnay.

Daaweynta af-qurunka

Si loo ogaado waxa keenay af-qurunka waa in la helo lana baaro haddii ay jiraan caafimaad darro ka timid xagga ilkaha kadib ayaa loo gudbi karaa wayaabaha kale ee keeni karo af-qurunka.
Sidaa darteed waxaa u baahantahay marka ugu horreyso inaad u tagto dhakhtar ku takhasusay ilkaha.

Ka hortagga af-qurunka

Ilaali caafimaadka ilkahaaga, cadayso inta aadan jiifan iyo markiii aad ka soo kacdaba.

Hadii aad iksu aragto caalamada kale ee la socdo af-qurunka la socodsii dhakhtarkaaga.

Af-qurunku ceeb ma ahan waana cudur la mid ah cudurrada kale, kumana xirna nadaafad darro ee dhakhtar u tag una sheeg waxa aad dareemeysid.

Iska ilaali af-qalleelka, una sheeg dhakhtarkaaga daawooyinka aad qaadato.
Calaanji xanjada si afkaaga qalleelka uga baaba’o una yeesho calyo.

W/D: Xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed

4 Comments

  • qofku suu ku ogaan karaa in afkiisu urayo, mida kale sidee loogu sheegi karaa qofka afkiisu urayo.ma dhihi karaa afkaaga ayaa uraya heballoow,
    saw ila dagaali maayo,

  • to siciid qofka afkiisu urayo waxaa u sheegi kara (1) lamaanehiisa (2) ehelkisa (3) dadka la dhaqma sida kuwa la shaqeeya ama qol la degan,,,,,waana in si edeb iyo xushamad leh loogu sheegaa sida ((walal saaka miyaadan cadayan)) iyo markii aad dad badan tihiin in aad si guud dadka ugu sheegto sida ((qof naga mid ah ayaa afkiisu aad u shiirayaa ee ma dareemeeysaan??)) markaa qofku wuxuu dareemi karaa dhibaatada dadku ku qabaan,,,,,,,,,,, laakiin qofkii itobiya tegey wax dhib ah uma arkidoono qof afkiisu urayo waxaa ugu daran dadka aan soomaaliya dhaafin haba ugu sii darnaadeen dadka miiga ka yimid oo caanaha kaliya ku cadaygana aan afka ka saarin

  • Anigu waxaan xoogaa dhaliilsanahay eray bixinta xanuunkan Loo isticmaalay in la yiraahdo afqudhun aad buu iila foolxunyahay mana aha eray bixin caafimaad oo sax ah ama hore loo isticmaali jiray intaan ogahay,qurun waxa bakhtiyay ee dixirigu dhex muluqlaynayo ayaa loo isticmaalaa.insaan karaamo loo sheegay in layiraahdo afkiisa ayaa qudhmaya waa ila yaab,waxaa ka asluubaysan Afdoorsoon
    iyo wixii la mid ah.sid kale mawduucu waa cilmi iyo aqoon laga faaii’daystay thanks.

  • ceeb maha in aad afkaga uro ama jirdo aniga hada idin la hadlayo intii sanad ah ayan isku arkay af urka waliba hada aad ayuu iigu soo badanaya iskadaa in la iisheegee anaba dareema mar mar waxa kaloo ii dheer qumanka oo igu kacsan qabawga inkastoo aan bisha soo socota aan dhakhtar garmalka ah u socdo waa dhibato dhakhtarka aad ayuu u mahadsan yahay wuu leeyahay niyad jab dadka waad ka cararaysa wayo qofku wuu ku dhibsanaya xataa xaskaga ayaa ku dhibsanaysa marka u duceeya dadka qaba dhakhtarkana aad ayuu u mahadsan yahay

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks