MAXAA KA MAQAN MUQDISHO?

December 6, 2012 5:00 PM8 commentsViews: 40

Bismilaah wasalaatu wasalaamu calaa Rasuulilaah.

Mudo badan ayay somalia ahayd wadan galgalanaya sidii mas madaxa laga dilay siyaasad ahaan, amaan ahaan iyo dhaqaala ahaanba.

Madaxa somalia waa muqdishu, waa calaamada wadanka, waa meesha ay ku noolyihiin dadka ugu badan ee somalia, waa meesha hadii ay hagaagto wadanka oo dhan uu hagaagi karo.

Markii ay burburaysay waa meeshii burburkeedu,lamid noqday wadankii oo u dumay, hadana hadii larabo in dib loosoo celiyo qaranimadii suurtoobi mayso ilaa muqdisho boorka laga jafo, taasoo aan dhacaynini ilaa amaankeeda la’isku halayn karo.

Maalin walba waxaad maqlaysaa, ciidamaa is rasaaseeyey, kuwii dawladaa is diriray, shacabaa wiifto ku dhintay, madfacbaa ku habsatay, miinaa la booday, wariyaa la dilay iyo wax yeelooyin aan dhamaad lahayn. Ma istiraahdeen meeshuba waa sanduuq rasaata lagu kaydiyo? Maxay yihiin waxan isku wada qarxaya ee qoryaha wada sita?
Magaaladii ma waxay noqotay meel hubka lagu tijaabiyo?

Ula jeedadayda, nidaam xumo baahsan ayaa ka muuqata amaanka magaalada, waxaan arkaa in dadaal badan lasamaynayo, isbaarooyinka la qaadayo, oo mar walba ciidamada lasii kordhinayo, waxaa jooga Amisom, boolis, sirdoon, xooga dalka, madaniyiin, ilaalada madaxda, ganacsato, oo dhamaantood hubaysan.

Intaas oo wada hubaysan sidee ayay isku dhexmarayaan jidadka yar yare e muqdishu? Sidee ayay ku kala badbaadayaan, sidee ayay ku wada shaqayn karaan?

Amaanka laguma xaqiijin karo ciidamada oo lasoo badiyo oo kaliya waxaa loo baahanyahay in loo fakaro oo loo dajiyo qaab cilmiyaysan oo ay ku shaqeeyaan.

Amaanku ma ahan askarta, iyo hubka, amaanku waa siyaasad, waa mabda loo baahanyahay in bulshada laga dhaadhiciyo, oo ay qayb ka noqdaan, in dadku ay fahmaan in ay dantoodu ku kirto, in ay soo sheegaan cidii dhibaata wada, in lasameeyo kalsoonidii, hay’adihii, iyo xeerarkii loo mari lahaa wadashwayntaas iyo isku duubnidaas ka dhaxaysa dawlada iyo dadka.

Bini aadamaka sadex si ayaa lagu maamuli karaa, waana barnaamij ay ku heshiiyeen, awood barnaamikaas ku ilaalisa, iyo ciqaab cidii ku xad gudubta nidaamka. Sedexdaas hadi midkood lawaayo biniaadamka lama hogaamin karo. Sedexduba way ka khadan yihiin gobolka banaadir.

Waa in loo sameeey xeer hoosaad ugaara amaanka gobolka oo ay ku wada shaqeeyaan ciidamada amaamka ee gobolka.

Waxa lagama maarmaan ah:

• Inuu jiro xafiis dhexe(central command) oo dhamaan qaybaha amaanka ee magaalada ka hawl gala ay ka amarqaataan.

Xafiiskana wuxuu is waafajinayaa dhamaan dhadhaqaaqyada amaan ee magaalada ka jira, sida booliska, askarta, sirdoonka iyo ilaalada madaxda, si ay marwalba uga warqabaan meesha uu midwalba joogo, ku socdo ama hawlgal ka wado. Waxa keenaya in ciidamadu ay isku dhacaan waan in aysan hay’adaha amaanku iskaba warqabin, qola walba ay magaalada hub la dhexwareegayso iyadoon cidna u sheegin, markii ay iskasoo horbaxaana intay kala shakiyaan uu dagaal dhex maro oo dad shacaba ay ku dhintaan. Arintaas waa wax yaab leh waa wax loo baahnaa in waa hore wax laga qabto laakiin ilaa haatan taagan. Sarkaalkii ciidamo hubaysan magaalada la dhex mara isaga oo aan xafiiska dhexe soo wargalin waa in laxiraa, sababtoo ah wuxuu qatar galinyaa, naftiisa, tan askarta, iyo tan shacabkaba.

• In cid hubaysan aysan magaalada mari karin iyadoon kusoo wargalin xafiiskaas

Waxaa kaloo iyaguna jira dad kale oo siyaabo kala duwan magaalada hub iyo ilaalo ugu haysta, waa in ay marka hore isdiiwaan galiyaan, dhamaan dadka wata ilaalada hubaysan, sida madaxdii hore, waa in aysan safri karin iyagoo wata ilaalo hubaysan ilaal ay xafiiska dhexe kusoo wargalinyaan, meesha ay aadayaan iyo meesha ay u marayaan, xafiiska dhexana waxaa laga rabaa in uu dhamaan qaybaha kala duwan mid mid ugu warkaliyo in dad hubaysan oo laga warqabo ay meel hebla joogaan.

• In qofkii lagu arko hub sharci daro ah, hubka laga qaado, laganaaxo ama laxiro

• In cidkasta oo xildawladeed haysa ay amaankeeda dawladu masuul ka noqoto

Dadka dawlada u shaqeeya, amaankooda waxaa masuul ka ah dawlada, hadii ay ilaalo u baahdaan waa in ay waydiistaan xafiiska dhexe, nin hubkiisa, iyo ciidankiisa wata xil dadweynana haya wax lala xisaabtami karo ma’ahan amaaanka magaaladana khatarbuu ku noqonayaa.

• In askari ama hawlwadaan u shaqeeya dawlada uusan cidkale mushaar ama laaluush ka qaadan karin
Arintani waxay wax ka qabanaysaa musuqmaasuqa, laaluushka iyo laba wajiilaynta, waxaad maqlaysaa gudoomiye dagmo oo wata ciidamo beeleed, uu isagu lacag siiyo, kuwaas oo markuu rabana si kale u adeegsan karo.

udoomiyayaaashu wax shaqa ah oo ay ku leeyihiin arimaha ciidamada ma jirto, waa in ay qabsadaan hawlaha dagmada ee horumarinta ku saabsan, dawladu waa in ay u qortaa ciidamo iyada ka amarqaata, iyadu ay mushaar siiso oo ilaaliya amaakooda. Wixii khalada oo ay sameeyaana iyadu ay kala xisaabtanto.

• ciidamada waa in ay ku dhex jiraan qaar sirdoon ah

Waxaad ogtihiin ciidamada waxaa ku jira qaar badan oo laba wajiilayaal ah, kuwo waxaa jira habaynkii la shaqeeya kooxaha dawlada ku kacsan maalintiina askar dawladeed ah, qaar waxaa jira labada dhinacba mushaar ka qaata, qaaar ayaa agabka iyo rasaasta ka ganacsada. Markaas waa in lakeenaa sidii arintaas wax looga qaban lahaa. Waa in unug walba lagu dhexdaraa sirdoon soo gudbiya wax walba oo ay ciidamadu sameeyaan si loo ogaado, kooda tuuga ah, kan shacabka dhaca, kan, laba wajiilaha ah, iyo kan calooshiisa u shaqaystaha ah. Sidan hadii layeelo wax badan ayaa isbadali doona, askartu way ka baqi lahaayeen in ay ku dhiiradaan waxyaabaha qaarkood, kii xamili waayana wuu isaga bixi lahaa ciidamada.

• cidii kasoo goosata jabhadaha waa in aan lagu dhexdarin ciidamada amaanka waana in aan latusin wax sir ah.
Waxaad maqlaysaa, hebelbaa soo goostay hadana waxaad arkasaa isagii oo ciidamdii dhexfadhiya, xurumohoodii dhexwareegaya, oo sirtoodii o dhan ay hortaalo. Maxaad ka ogtihiin in loosoo diray in uu madaafiicda hago?, maxaad ka ogtihiin in uu sirdoon yahay, maxaad ka ogtihiin in uu runba sheegayo?

Malihi halafogeeyo dhalinyarada soo baxsatay laakiin waxaan leeyahay ha ladhaqan celiyo, hana loo maareeyo qaab hubinaya in waxa ay arkaan, maqlaan, ama fahmaan uusan anfacaynin hadiiba ay wali hoosta kala socdaan kooxdii ay kasoo bexeen.

Degma kasta waa in ay leedahay gudi hawlwadeeno amaan ah oo ka kooban dadka degaanka, booliska, sirdoonka iyo ciidamada kuwaas oo si joogta ah u wada baarintaano, dabagal iyo xog uruurin ku saabsan dhacadoonyinka amaanka iyo dadka lagu tuhamayo in ay faraha kula jiraan.

Sikastaba u qaadee waxaa xiqiiqo ah in amaanka mudisho uu u baahanyahay, isbadal nidaami ah, kaasoo la’aantiis xataa million akari aysan waba ka qaban karin.

Mida kale ee meesha ka maqan waa kalsoonidii lagu qabay ha’adaha amaanka, taasoo ay sabab u tahay dilalka tirade badan ee maalin walba dhaca oo wax dabagal ah oo lagu semeeyayna aysan jirn.

Hadii ay aqoon daro arintaas ugu wacantahay waa in booliska loo furaa tababar kusaabsan sida loo sameeyo dambi baarista, lana siiyaa qalabkii ufududayn lahaa.

Sidoo kale dawlada somalia waa in ay isu diyaarisaa sidii u dhisi lahyd boolis casri ah, oo leh shaybaaro, lagu fuliyo, dna’da, faraha, chemikooyinka, iyo dhamaanba qaababka casriga ah ee dabiilayaasha lagu fashiliyo. Arintani sanooyin ayay qaadan kartaa laakiin waxaa laga rabaa dawladu in ay hada ku fakarto in dadkii waxan samayn lahaa ay tababar u dirto, waxaa jira dawlado badan oo diyaar u ah in ay inaga caawiyaan arimahaas, laakiin dawlada ayaa lagarabaa in ay qorsheeda ula tagto, ayna sii diyaarsatao system yadii , xarumihii iyo shaybaaradii ay ku hawgali lahaayeen dadkaasi.

Wax walba cilmo iyo in loo fakaro ayay ubaahan yihiin, laakiin qub, qac iyo qoryaha dhuunta dheedheer waxay qasaan mooyee qaynuun lagu waa.

Waxaa kuusoo haray askari raba habnayn iyo maalinba in uu marqaansanaado, mushaarkasta hadii lasiiyo kuma fila, hadii amaan loo dirsadana isagiibaaba waalan.

Dawlada Somalia waa in ay qorataa akar dhaqan bini aadam leh, oo wax lagu aamini karo, jaadka iyo maandooriyaha hadii xoog lagu xarimo loo waayay ugu yaraan waa in askarta laga mumnuucaa marka ay shaqada ku jiraan. Maalinta uu fasaxa yahay askariga waa in hubka iyo darayska saldhiga looga reebaa. Hadii uu qaad cunayo ama naftiisa ku khamaaraya isagay utaalaa laakiin ma’ahan in loo yeelo in dad kale naftooda uu ku khamaaro.

Ugu dambaynti, ciidamada kala duwan, saraakiisha, gudoomiyayaasha, ganacsatada iyo danahooda is diidan hadii aan loo kala hagin sida diyaaradaha iyo tareemada loo kala hago, lagama badbaadin karo inay sku dhacaan.

W/Q: Cabdi Cabdullahi
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan.

8 Comments

  • MUQDISHO WAXAA KA MAQAN SHAREECADA ISLAAMKA SABABTOO AH DUMARKII SOOMAALYEED BAA XALANE GAALADII KU HAYSATAA TAASINA WAXAAY KEENEYSAA AIDS KASOO AH CUDUR DILAA AH AY SANAD WALBA MAALYIIN CAALAMKA KU DILA. SOOMAALIYEEY QARAX IYO MADAAFIIC WAA LAGA QAXAYAA LAKIIN AIDS QOFKUU QABSADA KAMA QAXI KARO. WAA IN SHAREECDA ISLAAMKA LA DHAQAN GALIYAA HADII BADBAADO LA DOONAYO HADII KA LE XAALKU WAA XUMAANAYAA.

  • Muqdisho waxaa ka maqan. Waxaay ku sifoowday in aay tahay, magaalo ka mid ah magaalooyinya Adduunka ugu dulmiga badan, taariikhdana laguma hayo meel uu dulmigu faan ka yahay oo hagaagto. Muqdisho waa meesha laga helo dad Soomaaliyeed oo inta Xerooyin lagu xereystay sida Xoolihii lagu taajiro dumarkoodana lagu hor kofsado aadna arkeyn cid ka hadleeyso. Muqdisho waa meesha hadduunka laga helo Guri ninkii lahaa kiro laga qaayado,laguna faano.Ugu dambeyn,Muqdisho tii hore ma aha oo dad badan oo Soomaaliyeed ugama duwana Nairobi iyo Addis-Ababa oo umaba arkaan in aay u kala sokeeyaan, si kastoo Caasimaddii Soomaaliya loogu sheego.

  • Muqdisho waa ina laga badalaa caasimada Soomaaliya, magaalo kale sida Kismaayo in caasimad laga dhigaa, sababtoo ah waa ammaan la’aan. Tan kale dadka reer muqdisho waxay ku doodayaan caasimadda annagaa leh, siday iskugu heli karaan inay marka caasimad ahaato marno goof beel leedahay ahaato. Sidaa daraadeed muqdisho ammaan ka hir gala ka hor title-ka caasimadnimo ha waydo,ka dib aminigeeda aan isugu imaano

  • waxaan ujawaabayaa faarax gani waxaan kuleeyahay kismaayo iyo mogadisho labadaba soomaalibaa leh lakin waqti xaadirkan kismaayo xormaaha cadowga kenya ayaa heesto 30,000kun oo ciidanka kenya ayaa jooga marka waxaan kuleeyahay kismaayo maalintii gacanta kenya laga soobaxsho ayaa laga wada hadlayaa mida kale waxaan fariin udirayaa cadowga kenya ee qabsaday dhulka somaliyeed waxaan leeyahay ethiopia jabkii xamar kasoo gaaray ku tusaala qaata waliba adinka waad kasii liidataan dhanka awooda kismaayo kaliya qabsashadeeda waxey idinku qaadatay 2 year
    aniga waxaan qabaa in dowlada ey cadeyso dagaalka ka dhanka ah duulaanka kenya ey ku qabsatay kismaayo

  • Muqdisha waa magaalo madaxda Soomaaliya waxaana gartay dadka deegaanka u dhashay taariikhda waa laga ogyahay wanaagooda Sayid Maxamed Cabdulle Xassan ayaa ka gabyay oo yiri “Hadii Ilaahay laga baqaayo darisnimo Abgaal ayaa iska leh”.

    Waana middaas sharafta iyo kala dambeynta lagu wada noolaa jiray ilaa eey yimaadeen dad qaswada yaal ah oo magac dowladda Soomaaliyeed ku gambanaayo.

    Markii loo gacan qaaday waa tan cararkii eey carareen ilaa iyo Nayroobi, Addis Abeeba iyo ka sii fog cagaha wax ka dayi.

    Hadii aad edeb u imaaneysiin tafadal hadii aad wali siddaan u caytameysiin waligiina meeshaas ka dhawaaqa.

    Ogaadeen lama yaabaayi markuu leeyahay aniga Muqdisho, Nayroobi iyo Addis Abeeba isku mid ayeey ii tahay sababtoo waligaa gumeysi ayaad ku jirtay marka caasimadda iyo xornimada aan ka hadleeno waa wax aad fahmi karin.

    Reer Bintiland meesha aad joogtiin iyo meel ka fog. Waxaad Xamar imaaneysiin markaan aragno in Boosaaso eey deggan yahiin Isaaq, Hawiye, Ogaadeen iyo Mareexaan.

  • yaab
    waxaad moodaa in magaca soomaaliba la iloobay oo qof wadani ahba uusan jirin waa yaab

  • Ninka sandulle la baxayow waxan kuu sheegayaa ina cabdulle xasan miyaad sidii xadiis ama ayad u soo qaadatay walee wax baa kuu dhiman sidaasna ma uu san dhihin ee wuxuu yiri alay lehe dad lama dooriyee doqon abgaalbaa leh, ee waa laga dul qaaday markii la rabay in uu san fiigin ee horta taas la soco .22 sanno ee aan soo dhaafnayna waxa naaga ha kuf sanayay yay ahaa yeen , ku nasiibso yaa laga keenay, maradaan abgaal maahee ii fur yaa yiri , abgaal wuxuu yahay reer bari baa yaqaane weydii ayagaa weli good wadan jireenne mudulood iyo mujiis micnaheeda mataqaan ,war yaa madoonayo in aan ceebta walaalahay faa fiyee dadka hana susin mida kale mugdisho ma abgaal baa leh taas wey kaaqaldan tahay wax meesha degaa waxaa kajira reer mantaan oo dega xamar daye ee dib u eeg inta kale dad kalaadega oo reera badan ah iyo qabaa ilo kale yaa keena caanaha iyo cooska qoryaha mataan kaliya miyaa keena waxas waa wax majeerten kaa dhaadhiciyay raba in uu kugu adeegto ee qalbigaaga ka saar abgaalnimada is ka daaye byyyyyy

    • Ha igu qaldamin Abgaal ma ihi. Taariikhda Muqdisho markii laga hadlaayo Abgaal wuu soo galayaa waa hadii aad taarikh taqaanid ama rabtid in aad baratid hadii aad indhaha ka qabsaneysid taasna weey kuu furuntahay.

      Waxaan la yaabahaya Abgaal iyo Reer Mataan xagee u kala wadaa???? Mise baqtiga ma cuni ee fuudkiisa ayaan cabaa.

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks