Kibaki “Ciidamada Kenya waa ay sii joogi doonaan Somalia inta……”

December 13, 2012 6:13 AM1 commentViews:

Nairobi (Caasimada Online) Madaxwaynaha Kenya Mwai Kibaki ayaa ka hadlay howlgalka ciidanka Kenya ay ka wadaan  dalka ay dariska yihiin ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sababta ay u-galeen Soomaaliya tahay siddii ay gacan u siin lahaayeen Soomaaliya, oo in ka badan 20-sano dowlad la’aan ahayd.

Madaxweynaha ayaaa khudbadiisii ugu dambeesay shaley ka jeediyay garoonka ciyaaraha ee Nyayo Stadium.

Wuxuu sheegay intii uu xilka hayay in dalka Kenya uu wax badan u-qabtay sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in ay taageersan yihiin dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa kaloo uu sheegay in ciidanka Kenya ay sii- joogi doonnaan waddanka Soomaaliya inta laga helaayo xasiloon iyo nabad.

Wuxuu ammaanay howlgalka ciidankooda ay ka wadaan Soomaaliya, kaddib markii ay qabteen magaalada Kismaayo oo dhaqaale badan uu ka soo gali jiray Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeen ku booriyay Soomaalida ku dhaqan gobalka waqooyi-bari Kenya in ay ka qaybgalaan doorashada madaxweynaha ee dhaceyso sannadka soo socda.

Kibaki ayaa xafiiska banneen doona, kaddib markii ay u dhammaatay xilliga loogu talagalay, wuxuu xilka qabtay sannadkii  2002-dii.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Tags:

VIDEO NEWS


Source: Fubo

1 Comment

  • waa ayaandaro in ay ciidamada keynya ay wadankeena galaan . waxaase u sabab ah nimanka soomaliyeed ee dagaalamayey ilaa iyo 1991kii markuu dalka ka bilawdey qabiil qabiil u dagaalankii, runtii waa wax laga xumaado in ay itopia iyo kenya aan ka raadino wanaag iyo in ay xasilooni baan u keeneynaa ay maanta ku faanaan . qof walba oo aqli leh waa dareemi karaa in aysan wax wanaag ah ayna noo sameyneynin kenya iyo itopiya, waayo 2daba waa cadowga soomaliya. kenya waxay mar walba ku faantaa waxaan hayaa soomali qaxooti ah, inta ay noo tareyso waxaa ka badan inta ay noo dhimeyso. ee soomaaliyey midnimo raadiya. alshabaab waxaan leeyahay haddii aad xukun rabtaan wax la qaybsada dawlada hada soo ifeysa, haddii la idiin soo direy in aad daba jartaan soomali oo aad dooneysaan in aad dalkan ku abuurtaan dadkale waa leyska kiin dhicin waxaana la idiin soo adegsanayaa kuwa cadowga inoo wada ah. ILLAH WAXAAN KA BARYAYA IN WADANKENA NOO HAGAAGO, dawlad cadaalad ah iyo somaloo is jecel , qabyaalada alow naga soo gaar iyo 4/5 iyo FEDERAAL.,,,,, AAMMIIN,,,““““““““

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks