Kullan deg deg ah oo ka dhacay Villa Somalia, Kadib Waxii Xalay Dhacay.

December 5, 2012 1:13 PM1 commentViews:

 Kulan deg deg ah oo goordhow ku soo gaba gabooway Madaxtooyada Vila Soomaaliya  kaas oo ay yeesheen Madaxda ugu sareeya dalka ayaa looga dooday Madaafiicdii habeenkii xalay ka dhacday Muqdisho oo qaarkood ay ku dhaceen agagaarka Madaxtooyada.

Waxaa shir gudoominayay kulankaan  kusimaha Madaxwaynaha Soomaaliya ahna gudoomiyaha baarlamanka Proff. Jawaari iyo Ra’iisul wasaare Cabdi faarax Shirdoon Saacid.

Shirkan deg dega ahaa ayaa waxaa looga yeeray saraakiisha ciidamada dowlada soomaaliya waxaana lagu gorfeeyay madaafiicdii habeenkii xalay.

Ra’iisul wasaraha Soomaaliya oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inay ka xumaadeen waxii habeenkii xalay dhacay iyadoo uu dhanka kale uu sheegay mudo sadax isbuuc xukuumadiisa ay shaqaynayso uu waxbadan uu ka qabtay Amaanka.

Kusimaha Madaxweynaha Jawaari oo isagana hadlay ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ku garab ku siiyaan sidii shabaab ay ugu saari lahaayeen dalka iyo Muqdisho.

Wuxuu sheegay in shabaab aysan dowlada la dagaalayn laakiin shacabka ay la dagaalkayaan.

Ugu dambayn waxaa ay sheegeen Saraakiisha Dowlada ee fadhiyay kulanka inay ku daba jiraan kooxahan ayna gacanta ku soo dhigayaan.

1 Comment

  • somalida waxay ku maahmaahdaa ninkaan runta sheegin been baa u kaydsan.somalia oo maanta joogta qarinigii 21 ee aduunkii oo dhan maslaxadiisa ka mira dhalinteeda isu bahaystay in ay iyagu isku bahaysteen qabiil hebal iyo qabiil hebal 4.5 hawiye iyo daarood waa nasiib xumo ku dhacday ummadan asla ahaan muslimka ahaan jirtay,waxyaalaha aan la yaabo waxaa kamida :markaan maqlo magaalo somaliya ku taalo ayaa la xoreeyay?oo yaa laga xoreeyay barbaartii somaliyeed?oo yaa xoreeyay ciidamada dowalada somliya iyo walalaalahooda amisom.yaabka kaaga siidaran?wixii waagii hore dawladaha safka hore la dhihijiray itoobiya,kenya iyo jabouti oo masdarak dhibka soamliya ahaa oo danaha khaaska ah ka lahaa somaliya qabsaday.kaaga darene beenta waxaa laleeyahay waxaa kenya iyo jabouti waxay ku jiraan amisom?ok what about ethiopia?kuma jirto amisom?oo maxay kasameeyneeysaa meehsa?no body knows.kenya ka warama iyada waxay ku jirtaa amisom?ok yaa xukuma oy hoostagtaa? dowladooda.ma kenya iyo itoobiya ayaa somali dowlad u hagaajin oo khayr laraba? ifiirso jawaabtaada?taariikh yar baan idiinku dari oo dhacday oo run ah baan idiinku dari somaliyeey:waxaan sxb nahay nin somali ah oo ku dhashay magaalada qabridahre ee kamida dhulkii somaliyeed ee itoobiya horey u qaadatay,ileen dhulkii somaliyeed waa mid ay horey u qaadatay iyo mid ay gadaaal kaqaaaday ninkii aan arintaas igu waafaqsanyn asgay jirtaa,ninka magaciisa waxaa la dhahaa hassan wuxxu ka qayb agalay shir uu malaszenwi u qabta odayssha dhaqanka ee dhulkaas sandkii 1994, xilkigaas waxaa ka jiarya dhulkaas kacdoon xoriyad doon ahaa oo doonayay in ay itoobiya ka go aan silamida arteriya odayaashii wuxuu waydiiyay maxaad rabtaan halmar ayaa waxay isla dhaheen xoriyad,madaxbanaani,in aan ka go no itoobiya,wax kale sheekta ayuu dhahay?maye ayay dhaheen wuxuu ku dhahay xoriyad iyo goitaan xaga iska dhiga kuwaas xeebaha taag taagan ee lugaha dhuudhuuban idinkama foga somalida ayuu kawaday macnihii iyagana waan gumeeysan saan idinkaba idiin gumeeysat ee ha is daalinina. dhacdadaas wuxuu ku xijisiiyay in uu xamar qabsaday oo calankii itoobiya laga taagay madaxtooyadii somaliya,hada markii uu bakhtiyay dawladii ka danbeeysay waxay dhaheen waxaan qaadeeynaa wadadii uu wax kuwaday,waxay ka wadaan somaliya suu ula dhaqmijiray ayaan ula dhaqmeeynaa,somalina waxay ku mashquulsan tahay hawiye muxuu damacsan yahay daarood suu rabaa?jubooyinka yaa maamul u samynayo?ma dawlada mise dadaka deegaanka?duul hadii uu rogmanaayo dabar go aayoo baa baayo sida dalkaan oo kaluu noqdaa yacnii somaliya,somaliya gaalo majeclo ,carabina majeclo,africaana majelo iyadana ismajeclo alloow sahal umuuraha. sidaas iyo is maqal danbe.

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks