Ma sharciyad aan awood laheyn iyo awood aan sharciyad heysan ayaa isku haya Kismaayo?!! (FAALLO)

November 27, 2012 12:02 AM13 commentsViews: 10

Beryahaan waa innagii wadney dood ku saabsan muranka Maamul u sameynta Jubbooyinka. Waa doodda ugu weyn oo Soomaalida dhex taalla Maanta. Bal aan isku deyno markaan inaan doodda u dhigno si yare cilmi ah oo leh meel laga qaban karo.

Haddaan si fiican uga fakarey arrintaas Kismaayo ka taagan waxey salka ku heysaa labada tiir oo Asaaska u ah wax kastoo maamul ah oo si hagaagsan u shaqeynaya.

Labadaas tiirna waxey kala yihiin:

  1. Sharciyad (legitimacy)
  2. Awood (force)

Sharciyadda iyo Awooddu waa labo tiir oo midkoodna uusan kan kale ka maarmin.

Sidaas darteed midkii kastoo labadooda ka mid ah wuxuu isku deyayaa inuu soo helo walaalkiisa kalee ka maqan.

Kismaayo waxaa ka jira hadda awood aan sharciyad laheyn

Hadda magaalada Kismaayo waxaa ka jira labadii tiir oon hore u soo sheegey mid ka mid ah waana tiirka ah awoodda. Waxaa kaloo jirta in dalku leeyahey sharciyad la wada aqoonsadey oo ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa kaliya oo diidey iney sharciyaddeeda aqoonsadaan waa Somaliland oo sheegatey iney tahey dowlad gooniya iyo Xarakada Al Shabaab oo Alqacida ku xiran. U hoggaansamid yeelkeede inta kale ee maamullo iyo ururro ee dalka ka jiraa way aqoonsadeen awoodda sharciyadeed ee Dowladda. Sidoo kale waxaa aqoonsadey sharciyaddaas qarammada midoobey iyo urur goboleedyada kale ee ay Soomaaliya xubinta ka tahey.

Laakiin waxaa xaqiiqo ah in dowladdaasi ay la,dahey tiir muhim ah oo ah ineysan ilaa hadda laheyn awood buuxda oo ay ku meel mariso sharciyaddeeda dalkoo dhan. Maadaama sidaasi jirtana waxaa soo baxey awoodo aan sharciyad heysan,laakiin muruqooda ku meel maraya oo dowladdii kula loollamaya awoodda, waxaana ka mid ah Jabhadda Raaskaambooni oo ilaa hadda aan laheyn sharciyad la ogyahey.

Awood aan sharciyad heysan oo ciddii sharciyadda laheyd u gacan dhaafeysa sharcigii!

Mararka qaar sawaxanka badan iyo qeylada dheer dadka waa lagu qaldi karaa qaar badan oo ka mid ah. Markaasna wixii qaladka ahaa sax waa loo ekeysiin karaa. Kumana sii jirtaba haddaad heysato xoog aad qaladkaaga ku meel mariso.

Dadka degaanka ayaa maamul goboleed ka kooban saddex gobol dhisanaya maxaa ka jira?

Dadka degaanka haddii laga wado Jabhadda Raaskaambooni iyo intey raalliga ka tahey oo ay awooddooda ku sharciyeysanayaan sidaas waa la oran karaa. Arrintaasna waxba ugama geddisnaaneyso beycadii Shabaabku dadka sida ijbaarigaa uga qaadi jireen iyo doorashooyinka been beentaa ee kaligi talisyadu sameeyaan.

Jabhadda meesha qabsatey haddey dad iyadu ay raalli ka tahey soo xulato ee intey la shirto ay sidaas maamul ku wada dhistaan sharciyad dhab ah sidaas kuma helayaan. Laakiin sharciyad dhab ah haddii la doonayo waxaa qasab noqoneysa in sharciyaddii dowladda ee la wada aqoonsadey in loo maro. Igadna sharciyad ma bixin karto laakiin Kenya awood ahaan way u taageeri kartaa awood sharci darraa.

Sharciyadda degaanka iyo tan dowladda dhexe way isku xiranyihiin!

Si dadka soomaaliyeed fahmayaan ayaan ugu dhigayaaye, waxaa awoodda dalka lagu qeybsadey shan beelood. Shantaas beeloodna sidey doonaan haba ugu kala badnaadeene way wada degaan Jubbooyinka.Shantaas beelood hal beel weyn oo ka mid ah dad ka tirsan oo iyaga nafsaddoodu aan sharciyad ansax ah ka heysan beeshooda ayaa wata maamulka Jubbooyinka. Afartii beelood oo soo harey way kasoo horjeedaan maamulka lala baal marayo dowladda soomaaliyeed ee sharciyadda iyo garabkaba looga raadinayo Kenya.

Inta ay u dhigmaan xagga tirada waa arrin dood ka taagantahey aanan jawaab sax ah laga bixin karin ilaa tiro koob rasmiya laga sameeyo dalka. Waxaase la hubaa ineysan aheyn dad la,aantood maamul sharciya laga dhisi karo Jubbooyinka. Lagama tashan karo,lagumana qasbi karo iney raacaan afar beelood waxa ay wadato hal beel oo ka mid ah shanta beelood. Waaqiciyan iyo sharciyanba ma suurtoobeyso taasi.

Haddaba afartaas beelood oo diiddan miyuu ansaxayaa maamul goboleedka Jubbaland,oo la,aantood sharci waa laga dhigi karaa?

Haddey jawaabta su,aashaasi tahey afartaas beelood loogama maarmo sameynta maamul sharci ku dhisan sidee loo soo heli karaa marka dad si sharci ah ku matala beelahaas haddii dowladdii sharciga aheyd laga tillaabsadey? Waxey taasi la mid tahey qof aan soo weyseysan oo dadka ku qasbaya iney salaadda ku xirtaan!

Adiga ayaaba awood bilaa sharciyada ahe oo in lagu sharciyeeyo u baahane sideed ku awooddaa inaad kusoo xusho dad matala bulshada? Xaggeedse u mareysaa?

Waxaa jira sharciyadda dowladda,xubnaha baarlamaanka oo beeluhu soo xusheen iyo odayaashii soo xuley xubnahaas. Is weydii bal aqristoow sida ay ku imaan karto sharciyad aan intaas middoodna aheyni iyo meesha ay ka imaan karto?

Hay’adihii sharciga ahaa ee qabaa,ilku waxey soo xuleen dowlad sharciya oo cid walbaa aqoonsatey. Arrimihii siyaasaddana waxey odayaashu ku wareejiyeen baarlamaankey soo xusheen iyo dowladdii baarlamaanku dhisey.

Afarta beelood xaalkooda muran kama taagna oo aragnaye, halka beel oo u muuqata iney ilaa xad dooneyso maamulkaasi walba iyada mallaga heystaa matalaad sharci ah oo sax ah mise waa kaar la iska marsanayo? Dhab ahaantii xataa halkaas beel lagama heysto sharciyad oo sharciyaddoodu waxey gacanta ugu jirtaa dowladda, baarlamaanka iyo odayaashii soo xuley ergada. Mana heyno iney intaasi intey shireen go,aan soo saareen oo ku yiraahdeen maamul ayaan dhisaneynaa saddexdaas gobol ka kooban.

Waxa dhan oo jiraa waa jabhad Raaskaambooni la yiraahdo oo meesha qabsatey iyo dad qabiil ahaan u taageeraya oo meelo badan kuna shiraya kana hadlaya. Haddey xataa dadka sida saxdaa beel weyntaas u matalaa go,aankaas u qaataan ayeysan kaligood ku filleyn iney hir geliyaan oo ku qasbanyihiin iney ula laabtaan afartii beelood oo kale oo gobolladaas wax ka degganaa. Ee maxaad u maleysaa haddaan xataa halkii beelna laga heyn wax matalaad sharciya. Waxa dhan oo shiraya oo showraya waa dad aniga iyo adigoo kalaa oo uu ku jiro damac siyaasadeed.

Iyo jabhad hubeysan oo la maqaam ah Ahlusunnada gobollada dhexe. Maxey ku nuugtaa maxeyse ka nuugtaa?

Sharciyad la,aantaas waxey albaabada u fureysaa fowdo iyo in dib la isku hubeeyo

Sharciyaddii sidaan soo caddeeyey waxey noqotey xoog. Markaas waxaa albaabada loo ballaqey in dadku raadsadaan sidey ku sameysan lahaayeen xoog ay xuquuqdooda iyo dheeraad ku helaan. Maxaa dadka kala hagaya haddii sharciyadda la dhinac maro oon ka aheyn xoog?

Halka beel oo dadka ku abtirsadaa ku doodayaan iney iyagu leeyihiin degaankaas ayaa xataa sharciyadda u baahan oo iyadu dhexdeeda ku kala badbaadeysa. Dowladdana dhab ahaantii waxa lagu cadaadinayo ma ahan iney sharciga ku dhaqantee waa iney u hoggaansato xoogga meesha qabsadey iyo hal beel dad ka tirsan oo taageersan jabhaddaas.

Federaalka iyo maamullada sharcigaa dadkii sameyn lahaa waa laga xigsadey oo xoog aan sharciyad heysan ayaa iskaga gudbey. Xooggaasna waa Jabhadda Raaskaambooni iyo ciidammada Kenya. Waa la xalaaleyn karaa Raaskaambooni iyo ciidammada Kenya xooggooda, waase haddey iyagu doonayaan in la xalaaleeyo.

Iyaguna in la xalaaleeyo ma doonayaane waxey doonayaan iney sharciga gacantooda ku qaataan oo iyagoon sharciyeysneyn ay iyagu wax u yeeriyaan dowladdii iyo dadkii degaankaba.

Ciidammada Kenyana waxey uga geddisanyihiin Uganda iyo Amisomta kale waa ciidanka kaliya ee awood aan sharciyad heysan gacanta u geliyey kuna waardiyeeya qeyb ka mid ah dalka. Haddey sidaas kusii socdaanna ama sharci darradooda ayaa u meel mari doonta ama xoog gar darraa oo dalka qabsadey ayaa inta loo aqoonsado sidii dalka looga saari karo xoog iyo xeelba loo adeegsan doonaa.

By Warsame Gaabane - Wadaadyare09@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

VIDEO NEWS


Source: Fubo

13 Comments

  • caqliga hawiye xamar ha ku ekaato Jubbooyin 90% darood ayaa iska leh 10 soo harey umada kale qariirada hadad ku qortid qabiilada sida u kale dagaan somalia wad arki wagii dowlada jirtey jubooyin nin aan darood ahayn Kama soo geli jirin parliament Muqdisho waaye mesha somaliweyn wada lahayd oo wada dhisatey waana taa manta Abgaal xaafad ila madaxweyne haysta marka jubada darood lahaa ad 1991 dhulbalaarsiga wadeyn ku soo duruqdeyn ayaa hada markuu darood tashadey rabtan Jalaafo in aad u dhigtan waa Niman waa idinka horeyaan 20 sano ayey idin xukumanayeen hada iyaga dastuurka iyo federal idin sameyay boqortooyooyin ayey lahaan jireyn, dhankasta waaa degan, waa Kenyan, Ethiopian,
    Carab ,quraysh Yahuud adaa Ku wareerayo.

  • kkkkkk nin wax qoray oo is burinayaa

    hadii aan logic kaaga raaco ama fakerkaag wareersan dowladu sharciyad ayey leedaha laakiin awood malahan hadii ay lahaan laheed kismaayo ayey ka qabsan laheed daarood marka raas kambooni (daarood) awood ayuu leeeyaha sharci maaha dowladuna sharci waaye awood malaha maxay is dhamaan ???????? “dowladu” yaad kawadaa? anagu ninkii aad noo soo doorteen ee saacid waa diideen in uu dowlada kaqeyb noqdo marka dowladu sow hawiye un maaha?

  • Ninka waxaan soo qorey waaba nin aan wax badan la socon AMA iska yeel yeelaya,war dhulka aad ka sheekanyso waxaa leh raaskambooni ee adiigu armaad al shabaab tahay waayo qolyaha xamar haysta ayaa. Al shabaab kala shaqeeyay boobka jubaland,dawlada sida aad sheegtay waa federal cidii federaalka diidana waa qaran diid,waxaa lagu xantaa madaxweynaha iyo beeshiisa inay federal Rabin. Laakiin iyagay u taalaa,

  • warsame gaabane
    nin yahoow waad huru daa hurdada kakac somaali wax layiraah do majirto taasna idin kaa babiyay anagu manta wixii kadan beeya salagle1saakoow2buu.aale 3afmadoow4 kulbiyow5 badhaadhe 6raas kan booni 7dhoobley8kudhaa 9 qooqani 10 buurgaabo 11 kismaanyo waxan usamey sanayo hawiye ma weydii nayo

  • horta soomaali weey istaqaanaa hadeysan is aqoonina labaatan sano ayeey qas iyo dagaal
    ku jirtey been kasta iyo run kasta weey soo aragtey marka aniga shaqsiyan waxaa ila quman
    mar hadii wax la isku sheegaayo in runta laga hadlo oo aqliga hindiga la iska dhaafo ileen
    fircoon iyo haamaan isma qaldi karaan xamar maanta waxaa lagu dilay ganacsade caan ah
    boqol isbaaro waa taalaa madexweynaha jiiro macbuudhan ma soo dhaafi karo maxaad kismaayo ooga danqanee oo xamar u baylihinee mise adna waa is baabinee dad kalena ineey baaba’aan ayaad rabtaan ninkaad kabaha katoloneysid kabahiisa la fiirshaa

  • saan eey rabaan ineey kismaayo ka dhigaan!!

  • السلام علي من اتبع الهدا

    War nin kan warkiisu Waa wanaagsan yahaye aan raacno qaacidadiisa.
    1-raaaskaamnooni = Awood Aan sharciyeysneyn, hadaba maa lagu daro
    Liiska argagaxisada la isku xuuxiyo,sida ALQACIDA,ALSHABAAB,ANSAARU SUNAH
    iwm.
    2- dawladu sharciyad Aan Atwood laheyn= marka hore yaa sharciyeeyay,adigase salad a
    Waysa la’aanta ah tusaalaha u soo qaataye,xaqiiqo aha an am rumeysantahay
    salaada Iyo ALLE sare ahaayeye inuu wax waajibiyo ,sharciyeeyo,kownka
    maamulo,hada ad rumeysan tahay sharciyada aad siisay jawaasiista Somali
    la hor keenay ma xag RABBI bey ka heystaan sharciyadda aad siisay.
    CAQLIGA SALIIMKA AH.
    Waa kan ku garan siiya ALLAAAHA ku abuurtay,aayahaaga,dadnimadaada,deriskaaga
    Marka 4.5 Iyo kitaab gaaleed aad ku badalato kitaabka ALLE,waxaa kudu shaqeynaya
    caqliga faasidka ah,ee daa Somali danteed garan we’d aye ha is cunto,cadowna
    Ha daba ordaane.

  • ahmed gorma la xisaabay ummada degta jubbooyinka? jareerweyne aya uga badan jubooyinka, dadka kuso xiigana waa hawiye iyo digil iyo mirifle…………………… inta qol isu so xirteen aya waxa isugu sheekeysen waxaas lakin in la fuliya la raba siyaasada guracan ee daroodka qarki ku fakarey.,,,,,, hadad ciidamo beelihina ah ka keensaten GAROOWE, jigjiga, iyo gaarisa, digil iyo mirifle mesha degana ciidamo baydhab,ilaa bakol ,iyo shabelade hose aya loga so gurman dona, hawiyena dadkiisa wa uso gurman doona,

    • walaale yaa dagaa badhaade, raskiamboni, dhoobley ,hoosingo,afmadoow, diif, xayo ,garbahaaraey,baardheere guduudey,mareerey iyo in badan o latirin karin.jubooyinka waxaale absame iyo sade daarood.period.

  • HAWIYE, DIGIL IYO MIRILE, DIR, IYO JAREERWEYNE,,,,,,,,,,,, WAX UGA BADAN MA JIRAN JUBOYINKA AF SOMAALI QALALANA LOOGA MA QADAN KARO DHULKOODA

  • nin muqdish mashaqadeedu u muuqato [ isbaarada, dilka bilaa macnaha ah, is dhex yaaca iyo kala dabayn la'aan ta] misna iska indhatiraya, doonayana in uu dad waxooda hagaajisanaya wax ka sheegooda shaqo ka dhig to, waxay ila tahay hadii wanaag uu u jeedo sharciyadu ha kabilaabato muqdisho {get your house in order, then talk about others}, mar kaa suu hadal kiisu macno samayn karaa, takale Jubaland hada lamahelin,fowdo muqdisho laga soo abaabulay ayaa haysatay 22 sano laakiin hada dad keedii ayaa utashanay

  • war ogaadeenoow intaad jubooyinka kenya inta ku soo hogaamisaan ay danaheeda ka raacato oo ay ay tiraa qofkii kismaayo imaanaayo kenya fiise uu kisaayo ku soo galo ha soo weydiisto,gaarisa horta soo xoreeya oo gabdhihiina lagu dhex kufsaday caasimada north eastern ee garrisa iyo suuqii ugu weynaa gobolka ee suuq mugsdi oo dab la qabadsiiyay ka dhiidhiya,awalba kurdi ayaad ahaydeen waligiina meel aad lug dhigtaan idinkoo ku liibaanay lama hayo,waxaad tihiin jeermis ama dullin ku nool gumeysi oo gumeysi la’aan ma noolaan kartiin,laakiin ogaada kismaayo dad soomaaliyeed oo idinkaga badan ayaa iska leh oo waliba difacanaaya idinka adoomeeyda korka idinka saarana neyroobi kama sokeyn doontiin insha allaah.mana suurowbeyso in adoon qurun badan uu gabdhaha soomaaliyeed ee sharafka badan uu ku neefsado ee pls kuwa gaarisa lagu dhibaateynaayo ka difaaca adoontaan ureys

  • walaaka maqaalka qorayoow allaha ku xafido kana raali ahoow aflagaadada ka imaaneyso kuwo wax ma garad ah oo aragti gaaban qabyaaladuna madax martay.
    ragaas aragtidoodu hooseysa waxaan leeyahay waxba xamar iyo hawiye ha ku galgalina labaduba waa xor oo dal iyo dadba waa xor laakiin ma aqbalaayaan in magaalo soomaaliyeed gumeysi la galiyo taas hadaad qabtaan waad riyooneysaan sidaasna waxba idinkua hirgalayaane utaanga meel ka raadsada dadka asalka iyo isirkaba u leh jubooyinka wey soo jeedaan weyna ka saarayaan keenyaatiga idinkana awalba awood aad wax iskaga celisaan waligiin ma yeelan hadana xaniinyo adoon uraaya ayaad ku faaneysaan laakiin labadiinaba ar dhow war waad heleysaan qofkii idinka soomaalinimo idinka raadsha wuu idinka liitaa waa ogaadeen markaan leeyahay idinka

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks