XOG-WARRAN: Xasan Dahir oo ka bad baaday 5 isku day dil iyo wax yaab leh oo ka socda Baraawe + Xog kale

December 13, 2012 1:30 AM10 commentsViews: 10

Dadka qaraabada la ah iyo saaxiibada hoggaamiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sheegaya in uu dhufays ka dhigtay Baraawe, ayna ku hareeraysan yihiin dad isaga la jira oo qabiilkiisa ah, kaddib markii uu ka badbaaday dhawr shirqool oo isku day dil ah.

Imaan Nuur oo 22 jir ah Awaysna la jaal ah, ayaa sheegay in hoggaamiyuhu uu ugu yaraan ka badbaaday illaa shan isku day dil ah labadii usbuuc ee la soo dhaafay, taas oo ku kaliftay inuu qabiilkiisa gabbaad waydiisto. Nuur ayaa sheegay in dad ka tirsan al-Shabaab ay isku dayayaan inay ka hor istaagaan hoggaamiyayaasha aan xag-jirka ahayn sida Aweys oo kale in ay wada hadal nabadeed la galaan dawladda cusub.

Isku daygii ugu dambeeyay wuxuu dhacay Nofeembar 28-keedii markii dagaal yahaniinta al-Shabaab ay ku bartilmaansadeen gaadhiga Aweys qalabka waxyaabaha qarxa ah oo meelaha fog laga hago isaga oo socday waddada wayn ee Baraawe, oo 170 kiiloomitir koonfurta kaga aadan Muqdisho.

Qof gaadhiga ku jiray oo waxyeelo soo gaadhay ma jirto, laakiin firirkii bambada ayaa waxyeelo gaadhsiiyay gaadhiga, sida uu sheegay Maxamed Cusmaan Caruus, oo ah dagaalyahan hore oo al-Shabaab ah, qaraabana la ah Aweys.

Xisbul Islaam ayaa ka baxay al-Shabaab bishii Sebteembar, iyaga oo sheegtay kala duwanaan xagga fikradaha ah iyo isbaddalada siyaasadeed ee ka dhacay Soomaaliya.

Sagal Khalif Cabdi oo Baraawe dagan, 49 jirna ah, ayaa sheegtay in awood isku sheegashada ka dhaxaysa al-Shabaab kuwa la jaalka ah iyo kuwii ka tagay kooxdan al-Qaeda la bahawday ay abuurayso dagaanaansho la’aan iyo dhiig badan oo qubta.

Xasan oo ku dhex jira Madaxda Shabaab.

Xasan oo ku dhex jira Madaxda Shabaab.

Waxay sheegtay in dagaal yahaniinta la xidhiidha hoggaamiyaha al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, oo loo yaqaano Mukhtar Abuu Zubayr, ay ku soo rogeen xakamayn adag meelaha waqooyiga iyo koonfurta ah ee magaalada Baraawe laga galo.

“Mid ka mid ah la taliyayaasha Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa Muqdisho aaday, si uu ugu booriyo duqayda qabaailka in ay dhexdhexaadiyaan, wada xidhiidhna ay u sameeyaan Aweys iyo Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,” Cabdi ayaa sidaas yiri.

Tani waxay timid kaddib markii dhawr jeer uu dagaal iyo khilaaf xooggani dhex maray labadii markii hore jaallaha ahaa ee Aweys iyo Godane, Cabdi oo ay isku qabiil yihiin Aweys ayaa sidaas yiri.

Wiiqitaanka al-Shaabab

Falanqeeyaha dhinaca siyaasadda Barkhadle Jibriil Cilmi ayaa sheegay in Aweys uu xoojiyay difaaca qabiilkiisa tallaabooyin cadna uu ka qaatay difaaca naftiisa iyo qoyskiisaba haddii ay dhacdo in gurigiisa lagu soo weeraro.

Cilmi ayaa shaaca ka qaaday in al-Shabaab ay isku dayayso in ay khaarijiso hoggaamiyayaasha Xisbul Islaam, sababta oo ah waxay doonayaan in ay wada hadal la galaan dawladda waxayna dideen in ay qaataan kooxda dagaal yahaniinta ah fikradooda burburineed iyo ficiladooda argagixiso.

Wuxuu sheegay inay tahay in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Ergada Midawga Afrika ee Soomaaliya ay ka faaiidaystaan xaaladda sii xumaanaysa ee burbur ee kooxdan dagaalyahaniinta ah ayna u talaabsadaan dhinaca Marka iyo Baraawe si ay dadka u ilaaliyaan ayna u taageeraan dadaallada nabadda iyo maamullada maxalliga ah.

Nasra Cusmaan Jiiti, oo wariye hore ahayd, ayaa sheegtay in wada hadallada Xisbul Islaam iyo dawladda Soomaaliya ay yarayn doonto awoodda al-Shabaab.

Waxay sheegtay in kooxdan ay ugu danbayntii dhici doonto, sababta oo ah waxay dishay dad aan waxba galabsanin, ku ciyaartayna khayraadkoodii. Dagaal yahaniinta kooxdan ayaa qorigooda u isticmaalay qof kasta oo ka soo horjeesta habkooda mayalka adag si ay u aamusiiyaan in laga horyimaado, ayay tiri.

“Ma garanayno waxa dhici doona, laakiin qof walba wuxuu ka fikirayaa in ay dhici karto isku dhac la mid ah kii dhacay Luuliyo 2010 kaas oo ka dhex dhacay al-Shabaab iyo Xisbul Islaam iyaga oo ku dagaallamay khayraadka dhaqaalaha ee ka imaanayay dekadda iyo garoonka magaalada Kismaayo, caasimadda gobalka Jubada Hoose,” ayay tiri.

Yasmin Salad Gaagaale, oo ah dhaqdhaqaaqe ka tirsan Isutaga Ururka Rayadka Soomaaliya, ayaa sheegtay in bilawga wada hadal siyaasadeed oo lala galo kuwa aan xag jirka ahayn ee al-Shabaab ay sii wiiqi doonto kooxdan waddadana u xaadhi doonto hawlgallo milatari ee laga fuliyo qaybo ka tirsan badhtamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Tani waxay kaalmaynaysaa fulinta qorshayaashii ammaanka ee ujeedadoodu ay ahayd jabinta al-Shabaab iyo kuwa nabad diidka ah, ayay tiri, iyada oo intaas ku dartay in hawlgallada milatarigu uu u saamixi doono ciidamada xooga Soomaaliya in ay raadsadaan dagaal yahniinta ayna ka mamnuucaan in ay ka baxsadaan kana warwareegaystaan ganaaxa dambiyadii xumaa ee ay galeen.

“Dambiilayaasha argagixisada iyo kuwa iyaga la jaalka ah oo gaystay dambiyo ka dhan ah shacabka Soomaaliya waa in la qabtaa,” Gaagaale ayaa sidaas yiri. “Dadkaasi waa kuwii dilay, madaxa ka gooyay, gacmaha, lugaha iyo carabkaba ka jaray dadka sabab la’aan. Kumanaan qof ayaa ka markhaati kici doona dambiyadooda, kuwaas oo ay ku jiraan kuwii ka badbaaday weerarradoodii is qarxinta iyo baadhitaankooda xaafadaha la dagan yahay.”

Gaagaale ayaa sheegtay in qorshaha barnaamijka wada heshiisiinta qaranka, oo uu hadafkiisu yahay in dib loo abuuro daganaansho dawladduna ay waddanka oo dhan gacanta ku dhigto, ay tahay in uu ogolaado kuwa nabada taageera in ay ka baxsadaan gacanta xag-jirayaasha.

Isha: Sabahi Online

VIDEO NEWS


Source: Fubo

10 Comments

  • aniga waxan aminsanahy …..hawiye oo dhan in uu alshabab yahey…..

    puntland iyo somaliland oo aan amison joogin waa nabad 100% maxaa yeeley dadka reer puntland waxkasta dhib u keenaya iskumeel ayey uga soo jeensadaan wa dad nabada jecel..

    • Somaliland iyo Puntland waa xeryo qabiileed oo waliba jilib jilib u sii kala daga oo aan la dhex degin. Marka taas waxeey keentay in eey is wada yaqaaniin qof qof iyo hadii dhibaato dhacdo meesha laga bilaabo iyo meesha ku dhammaaneyso la garanaayo.

      Puntland markaad sii fiirisid kulli magaalooyinka ee ka kooban tahay waxaa xaqiiq ah in aan laga heleenin qof u dhashay Hawiye ama qof u dhashay Isxaaq, xataa waxaa suurowdo in Daaroodka kale oo aan ahayn Hartiga sida Ogaadeenka iyo Mareexaanka laga heleenin.

      Laakiin dhulka Soomaaliyeed intiisa kale waxaa wada dego qabiilo kala duwan Sab iyo Samaale oo dhan iyo Reer Xamar, Carab, Jareerweyne oo dhan. Taasna waa ilbaxnimada ee koonfurta ee dheertahay Soomaliland iyo Puntland.
      Qowmiyadahaas kala duwan oo sida badan keenta horumarka waxeey leedahay nusqaanteeda oo sida hadda dhibka socdo sida wax lagu baari lahaa ama lagooga hortagi lahaa weey adkaaneysaa. Marka waxaa loo baahan yahay waqti.

      • PUNTLAND OO DHAN DADKA KU NOOL MA DHAMA INTA SH/HOOSE KU NOOL, HADABA SIDEE AAY LEEYSKULA BAR BARDHIGI KARAA NABADDA IYO COLLAADA LABA MEEL OO AAN ISKU CAPACITY AHEEYN?

      • qofku haduu qof weyn yaheey waxaa fiican in uu u hadlo sidii qof wax og hadii uusan ogeyna in uu iska aamuso oo uusan beensheegin somali dhibta heysta waxaa ka mid kii hadlaa ma orarnayo sidey ila taheey ama sidaan qiyaasayo waxuu u hadlayaa sidii kii soo arkeey oo kale.puntland iyo somaliland waxaa nabad ka dhigeey waa dadka oo ku soo barbaareey amaan iyo kala danbeeyn iyo dadka oo raba nabad waxaa la ogyaheey in nabadu taheey laf dhabarta nolosha bilow adanka waxii dhib wada meel baa looga soo wada jeestaa hadii macaa ay sii socoto waxaa la galaa waan waan iyo nabad sidii lagu heli laha wana laga gul gaaraa.ninka hada qoreey qoraalka sare been buu sheegeey cad.somali markii burburteey koonfur bay ka burburteey waxaana dhib weyn ku haya qabiilka iyo naceybka ay iyagu isku qabaan iyo dad xoogaya oo dhaqaalo heysata oo dadka kale ka fahashleeya dhiigooda.magaalada gaalkacyo waa magaalo laga heli karo qofkasta oo somali ah lahjaduu doono haku hadlo qabiil aan joogin maleh waxaa intaa sii dheer waxaa ka buuxa dad badan koonfurta ka soo barakaceey oo ubadan boosaaso iyo galkacyo waxaa koonfurta daga galmudug oo ah dad dhib badan oo aan is qaban oo waxba iska maqlin 3 dex madaxweyne baa ka jira bal fiiri mesha mareyso maalin puntland bay wareeran maalin saleebanka maalin hobyo maalinba meel.boosaso gaariga ka yimaada baladweyne baa bariiska ka soo qada darawalku waa dadka baldweyne daga intaas oo dhan nabad buu ku maraa markuu galkayo koonfurta gaaro baa isbaro loo dhigtaa oo lacag laga qadaa baad ah.sidii xamar baabuurta plka lagu sameeyo oo kale.hargeisa waxaa ka buuxa xamarawiyiin aan la soo koobi karin nimanka ganacsada badankoodu hargeisa bay dagan yihiin marka hadalkaaga run ka sheeg sxb mahan in qabiil iyo been ka hadashid.

      • @mirwaaq

        bosaso ganacsiga dukaamada waxaa u badan reer baidhabo xeryaha qoxootiga waxaa ka buuxa dad barakacayaal ah oo aan u dhalan puntland oo ka yimid jowhar afgoye balcad muqdisho iwm garowe sidoo kale,gaalkacyo xaafada garsoor ee puntland waxaa dhooban saleebaan sheekhaal iyo xawaadle hargeisa habargidir oo dhan ayaa joogta puntland iyo somaliland waa meeshaay somali ku badbaaday. muqdisho waa meesha somali oo dhan qabiil walba laga soo buriyay. waad huridaa ku noqo hurdadaada.

  • Mohamed hassan

    waxaa layaab leh hadafka shabaab oo qofkii ay qabiil wadagaan ama qabiilkisa awood kuleh shabaab uusan mujrim noqotay sida xassan daahir oo hadafkisa dagaalka waligii ahaa in tallada wadanka uu beesha u helo isagoo dariiq dimeed u marayaan si ay u sahlanato helida taageerada, lakin qofka noocaas way dili jirin, wali waxay dili jireen dad qiima leh diinta usoo khidmeeyey. hadii shabaab ay run sheegayaam wadadka tilaab cad hakaqadan waayo waa murtad marka la eego qiimeynta dhankood. hadii kale waxaa cad in ay heybta kudaayeen

  • 1-axmaaro hadii abdullahi yusuf la socdo cadow waaye hadii shariif la socdona ahlu senawi waaye
    2-abdiweli haduu madaxweyne noqdo dastuurka waa qaldan yahay hadiise hasan sh maxmuud waa saxsan yahay
    3-ahlu senawi iyo ahlu ugandha wallaalaheen waaye laakiin kenya cadaw waaye
    4- adiga garo?

  • as magaceeyga waa maxamed
    waxana ku noolahay magalada helsink
    walahi aniga waxan talo ahaan u soo jeedin lahaa doowlada madaxwene xasan sheekh inaysan dowladii ku meelgaarka ahayd ee u hogaaminaayay madaxweyne shariif oo aanan so dhoweeynin hogaamiyahaan oo aanan madax adkeyn siada aan hada qoraalka aan ka arkeynaan u bahan xilgaan inuu lawada hadlo dowladaan cusub marka taladeeyda waxay tahay in la so dhooweeyo xasan lana taageero waliba taasina waxay dhabar jab ku nooqndoontaa AL SHABAB iyo kuwa madaxa adag

  • anigu waan yaabay dadkaan putland u dhashay ayaga faan madaayaan miyaa shalay faroole ayaa lahaa buuraha galgala waxaa jooga al shabaab maanta ninkaan waxa uu soo qorayaa hawiye ayaa shabaab ah tan kale hawiye masida majeerteen in la xisaabin karo ayuu mooday

  • RUNTA qof sitoow walaal alaha ku caafiyo punland iyo somaliland gaaas iyo xasan heekh waa soo maali kenya ethiopia iyo ugandhana waa wadamo aan deris nahay umadeenana gumaysi ku heysta cid cadow jecel majirto balse daneystayaal ayaa jira adna ku waa baad u egtahay

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks