JACEYLKII DUGSIGA DHEXE (7)!

December 1, 2012 12:00 AM3 commentsViews: 332

Qeybtii 7-aad  halkan ka aqriso qeybihii hore 1-aad,  2-aad,  3-aad4-aad 5-aad, 6-aad.

Akhristoow jaceylkii dugsiga dhexe ostan waa ku afar jirsaday laga soo bilaabo horaantii 1973 ilaa waxaa la joogaa horaantii 1977.

Haddii uu ostan filimada Hindiga u gali jiray inta feer ee ku jirta iyo inta hees ee macaan ee ku jirta, haatan wuxuu isku badalay in uu jeclaado Aflaamta Hindiga ah ee lagu tarjumaayo Afka Ingiriisiga iyo Afka carabiga , si uu u dhuuxo macnaha sheekada iyo waliba qisooyinka ku jira filimkaas ee markaan feerka iyo dagaalku kuma jiraan Qiimeyntiisa.

wuxuu kaloo bartay in uu galo theaterka oo soo fiirsado Riwaayadaha socda wuxuuna galay oo waliba booday asagoon lacag ka bixin Riwaayaddii ( Hablayahow hadmaad guursan doontaan ) iyo waliba ( Dumistii Aqalkayga iyo Arooskii wiilkayga) ( Alla Amin ma iisho ) iwm.

Ostan sidaan sheekadii horayba ku joojinay wuxuu goostay in uu jaceylka Maryan meel ku soo xiro oo uu go,aan ka gaaro waxii uu ka sameyn lahaa, wuxuuna goostay in uu Maryan kaligeed meel ku arko arrinkiisa Jaceylkana u sheegto, waxay rabto ha igu jawaabtee.

Ostan wuxuu goostay in uu Maryan tusi karo saaxiibkiis C/llaahi oo maryan Qaraabana ahaayeen isku xaafadna ahaayeen Kuwaarto. Wuxuu go,aan ku gaaray in uu C/llaahi casuumo Jimcaha, kadibna arrinkaas wax igala qabo ku yiraahdo.

Ostan maxaa xaalkiisii iska badalay Afar sano ayuu Qarinaayey in uu saaxiibadiis la wadaago Jaceylka dilooday ee Dugsiga 21 Oktoobar ku haleelay, waxaa iska badalay Ostan oo uu arkay in Jaceylkaan ku sii weynaanaayo siiba markii uu dareemay in markuu Maryan arkaba gariiraayo oo hiinraagaayo oo cabsoonaayo oo xaalkiisu ahaanaayo sidii Cilmi Boodhari :

[ Sida geel haraadoo wax badan howdka miranaayey
oo haro la soo joojiyoo kuraygu heegaayo
oo Hoobayda lagu qaaday iyo hadal walwaaleedka
Markaad Hodan tiraahdaanba waan soo hinqanayaaye
Hadday Adinka howl yaraan idinla tahay Aniga wey Hooge
Ayadoon carro lagu Hamsiin waanan ka hareyne
Hamada Been ah baan is iri malaha waad la hurudaaye
markaan hubsaday in aan meel cidlo ah ku howshooday
Hoogaansigeedii danbaan soo Hanbaabiraye
Siday iga haleeyeen maryihii Hiifay oo tumaye
Haab haabtay labadii go’oo Shaarkii maan heline
ileen waxaada ku hamisaa oodan heleyn Hadimo weeyaane ].

Ostan xaalkiisu sidaas buu noqday markuu Maryan maqlo ama arko wuu soo Hinqanayaa waa cabsanayaa, waa Murugoonayaa.

Markaas buu goostay in uu Arrinkaan dilooday xal u helo, wuxuuna goostay in Maryan Hal mar ah la tuso si uu Jaceykaan dilooday ula wadaago, taas baa ku bixisayu in uu saaxiibkiis C/llaahi uu la wadaago arrinkaan sidii uu Cilmi Boodhari ula wadaagay saaxiibkiis Muuse gabaygiisii uu ku hal qabsaday ( Muusoow Hungoobay’e Maxaa Hodan i weydaarshay, bal in aan habaar qabo hoheey maxaa i seexshay ) waa maalin Cilmi Maryan loo balamiyey ooy u timid asagoo hurda kadibna ay ka tagtay waa ( last chance) !!!!.

( Harka galay hurdadu waa xuntahaye hohooy maxaa i seexshay bal in aan habaar qabo maxaa Hodan i weydaarshay. )

Ostan Sheekada Cilmi Boodhari Dugsigiisii dhexe kaliya gabayadaas kuma dhiganin ee markii uu Xalane ku jiray ayuu helay Buug la yiraahdo ( Ma dhabaa Jaceylku ma loo dhintaa ) oo uu qoray Hodan Wiilkeeda oo uu sheekadaas dadka ka haqab tiray.

Ostan wuxuu buugaas ka xasuustaa in uu Qoruhu yiri Hooyadey waan kula dhici waayey in aan sheekadaas weydiiyo markaygii hore se mar danbe ayaan ku dhiiraday.

Ostan Jimcihii markii la gaaray ayuu si halhaleel ah u sii istaagay Gurigii Saaxiibkiis C/llaahi wuxuuna ku yiri Caawa annigaad ii casuuman tahay cashadaada iyo Filimkaagaba, waxaan aadeynaa Shaneemo Banaadir oo filim Agent ah oo khatar ah ka socdo.

C/laahi waa ajiibay casuumaadaas galab dheer bayna is raaceen oo Taxi ceel gaab u qaateen, kadib Maqaayad ku taal Suuqa Kawaanka Xamar weyne ,afar irdoodka arji Qorayaasha dhexdooda ayey Buskeeti iyo Muufo isla dhaceen, kadibna Maqribkiiba ay sii istaageen Shaneemo Banaadir oo Biliyeetiga la isku dilaayo, Ostan baa safkii isku cariirshay oo labo biliyeeti soo gooyey,kadibna waxay galeen Shaneemadii markii Areey uu biliyeetigii ka jeexay.
Filimkii ayaa bilaawday waxaana Atoore ka ah Atoore Faransiis ah oo aad loo jecel yahay waa Allen Dolan , Akhristoow Filimkaas waxaa la yaab leh oo ku jiray Atooraha & Atariishada waxay soo raacayaan Diyaaradda Somali Airlines oo Deeqa lagu magacaabi jiray france ilaa Rome, waxaa la is tusayaa gabdhihii Quruxda badnaa ee Soomaalida ( hostess) oo cunto u keenaaya Atooraha & Atariishada !!! Waayo waayo xaalku ma joogo Maxaakiimta iyo Al-shabaab !!!!!.

Markii Filimkii dhamaaday ayaa Ostan iyo C/laahi isla yimaadeen Boosteejada Ceel gaab si mid koodna u aado xaafaddii Hodan ee kuwaarto, Ostanna uu u aado xaafadiisii wadajir ama Buulo xuubeey.

Ostan baa markaas ku yiri C/llaahi wax baan kaa rabaa Saaxiiboow. Markaas buu yiri C/llaahi soo daa.
C/llaahiyoow Saaxiiboow waxaan rabaa in aad ii soo balamisid Maryan- hebla- si aan Arrin aan ka rabo ugu sheegto, ileen adigu gurigooda waad tagi kartaa se annigu ma tagi karo oo waad ogtahay !!!!

C/laahi baa si fudud u yiri taasi waa fududahay se waxaa iiga fiican Caato oo asaga ayaa Ruuxaas u sareeya oo waa saaxiibtiis,annigaa caato u diraaya ee goormaad rabtaa ???? !!!!! Ostan hadalkii baa ku dhagay tolow ma run baa waxa uu Maqlay ??? caato saaxiibtiis , Indhuhuu mar martay ma hurudaa Ostan ???? Caato saaxiibtiis gabadhii aad jecleyd Afarta Sano??? Ma jaceylkii aad u dhimaneysay???? Caato see camal saaxiib ??? maya maya maya saaxiibtiis ma mustaqbalkii Guurkayga ??? Maryan baa Saaxiib leh oo waliba Caato ???? !!!! fajac fajac ???? C/laahi maxaad tiri caato ???haa caato aa meeshaas u sareeya !!!!

Allaah Qaracan weynaa ma Maryan ???ma maryan saaxiib ???caato caato caato !!!!!.

Ostan waa suuxi gaaray ??? waxaa ka soo fakatay aniga ayaa dib kaaga soo sheegi doona markaan u baahanahay !!!!
Halkaas baa Ostan uu C/laahi ku sagootiyey ???asagoo maskaxdiisu ku sawiran tahay Maryan & caato !!!!.

Ostan wuu socdaa isma oga meel uu u socdo baabuurkii uu sugaayey waa ka tagay,waa iska socdaa wuu isla sheekaysanayaa maskaxdiisa waxaa buuxiyey xiriirka loo sheegay ee ka dhaxeeya Maryan & caato ??? !!!!
Ostan wuxuu miyirsaday asgoo hormaraaya Shaneemo Afrika kadib Filimkii dhegsanaa ayuu fiiriyey wuxuuna goostay in uu galo, filimkii ayuu asaga kaligiis galay, waa walwelsan yahay, ma Gabadhii aad guurso laheyd ee mustaqbalkaaga aad ku xireysay baa nin kale saaxiib la ah, ma maryan tii aad afarta sano iyo ka badan aad jecleyd ayaa nin kale oori u noqoneysa oo Guri la galeysa.

Adduunoow xaalkaa ba’ tanna ma ii danbeysay??? mar mar asagaa is canaananaaya maxaa ugu sheegan weyday mar hore ???? yaa meel kuu taagnaanaaya ???Dadku ma sawir baa ??? meeqa mar ayaad kaligeed aragtay maad u sheegatid ??? Afar sano ma macquul baa ??? Ninkaan hadlin Hooyadii Caano ma siiso horaa loo yiri.

Mar mar na Maryan buu eedeynayaa see caato saaxiib ula noqotay anniga oo jooga ??? Qof fiican ba ma ahan ??? see ku dhacday caato miyuu iga qurux badan yahay ??? ma iga fiican yahay ???anniga ayaaba hal fasal ka horeeyee ???caato wiilka xunka ah ??? ee caatada badan ??? Ostan filimkii uma dhadhamin se waa iskaga jiraa bal mar uun ha dhamaado ayuu ku jiraa ???? Mar kii uu dhamaaday ee lix saac la gaaray ayuu soo luuday si uu Siteey Madiina u socota u helo, nasiibkiisa wuu ba helay!!!.

Ostan waa marka kaliya ee Noloshiisa uu hal habeen labo filim galay mid Agent ah iyo mid Hindi ah ??? Tolow maxaa caawa ka haleysan ii sheeg aan kuu sheegee ????

Ostan gurigii markuu yimid ayaa Hooyadiis labo muufo ah iyo saliid ay u dhigtay iyo shaah cun ku tiri waaba muufadii oo kala jeesatay markay mudo taalay, se taas waa ostan caadadiisa Habeen kasta waa soo daahaa siiba jimcaha. Markuu Seexo is yiri kaalay Hurdo hel waxaa ku soo noqnoqonaayey hadalladii saaxiibkiis C/llaahi ee ku saabsanaa xiriirkii dhawaa ee Maryan iyo Caato ??? Taas waa fududahay caato ayaan u direynaa asagaa meeshaas u sareeya ??? !!!!.

Ostan xaalkiisu ma fiicneyn maalmihii maalmahaas ku xigay, wuxuu ahaa bukaan socod, mar kastana waxaa hortaagnaa xiriirkii Maryan tii uu jeclaa iyo Caato !!! Ma runbaa in ay Caato jeceshahay ???!!! su,aashaas baa aheyd mid noloshiisa ku soo noqnoqota ??? Maxaad sameysaa buu wax dhaaxa ah is yiri ??? Ma ilowdaa ??? ma iska daysaa ??? ma hubsataa ???ma kula tartantaa ??? wax kasta oo uu is yiraahdo haddana wuxuu dhahaa ??? maya maya maya.

Ostan waxaa caado u aheyd in uu maalinta Jimcaha badda liido aado oo ku soo dabaasho ,banoonina ku soo dheelo !!! Wuxuu caan ku ahaa marka uu Badda tago carro maayo ayuu isku dhamooqi jiray ??? markaas buu Banooni ciyaari jiray ??? Xagga dabaashana waa xariif wuxuu tagi jiray Xeebta labaad oo ah jabal balaaran oo badda moolka dhexdiisa ku yaala oo waxaa gaara oo kaliya dadka Dabaasha yaqaana !!!.

Ostan Maalin jimco ah asgoo badda Bacaadka jiifa ayaa waxaa soo ag maray gabdho Talyaani ah oo Qurux badan oo Matante & rajo siino kaliya qaba oo aad u qurux badan ???markay dhaafeen buu saas u jaleecay, wuxuu ka dhex arkay mid timo dheer oo Bolonde ah leh oo yara buuran qiyaas fiican oo gashan Matante kafee ah iyo Rajo siinadiisa oo u eg , se Jir ah oo aad u Quruxsan.

Ostan Ishuu la raacay ilaa ay ka libdheen, wuu ka soo dabo booday ilaa ay ka galeen Baar gaaladu jimcaha ku soo dagaan oo ku yaal Liido oo kuraas ay ku seexdaan iyo Dallado waaweyn iyo miisas lagu cunteeyo ay debbadda yaalaan.

Ostan Baarka darbigiisa Hoose ayuu fariistay wali wuxuu isha ku hayaa gabdhii Talyaaniga aheyd ee soo jiidatay, waa mid Allaah Qurux ku mineystay , saaxiibadeed ayey la sheekaysaneysaa oo mar ba waa isla qoslayaan.

Ostan markiiba jaceyl buu u qaaday , wuxuu is yiri Maryan tan baaba ka qurux badan oo Jaceyl is taahisha ??? Maryan caato u daa ??? maryan caato ha u sareeyo ??? annigu Gabadhaan baan maanta kadib jeclahay ??? Waaba xuural ceyn indho waaweynaa , Jir toolmoonaa ???Naaso Quruxsanaa, Bari yaraa ,kubab fiicanaa, dhex dhuubanaa, midab qurxoonaa, timo Quruxsan !!!

Ostan wuxuu soo xasuustay Gabaygii Sayid Mohamed Cabduulle Xasan uu u qaaday Faraskiisii ( Xiin Faniin ) :

Xamar weeye oo waa midab fardood kala xariir roone
Xubna toosan loow neefku waa xoole gooni ah’e
Dhankii loo eryaba waa gammaan xulashadiisiiye
waxaan xarafka diimeed aheyn igala xeel dheere .

Ostan Jaceyl kale ayaa u bilaabmay markaan waa xaafadda C/casiis iyo Xeebta Liido, Ballantu waa jimco kasta, gabadhu waa Talyaani,caato ugama cabsanaayo !!! waa inoo qeybta ( 8aad ) ee Sheekadii Qiimaha iyo xiisahaba laheyd ee Jaceylkii Dugsiga Dhexe.

F.G sheekadaan waa Qiso run ah magacyada uun baa la badalay ??? walow ostan uu yahay Naaneysta wiilka ,Maryan se waa magaceeda runta ah
se ayadana Naaneysteeda ayey caan ku tahay sidaas baa looga reebay magaceeda.
Qore : ostan gacamay .
ostan_gacamay@hotmail.com

3 Comments

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks