Caasimada Online
November 24, 2012 at 4:50 am

Idaacadda Shabelle: Dagaal oogaha kaliya ee ku haray Muqdisho.

Waxaa daabacay Alaxmed

Idaacadda Shabeelle oo ka mid ah idaacadaha sida weyn looga dhageesto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya , ayaa waxay noqotay idaacad weerrar ku qaada hadba qofka ay wax ka weyso ama aan dhaqaale siinin.

Idaacadda Shabelle ayaa la dhisay lixdii bishii May sannadkii 2003-dii, Idaacadda waxa markii hore lagu dhisay magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose.

Idaacada waxa markii horre lahaa milkiilaha Hoyga Xamar oo ah iskuul weyn oo ku yaalla agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho.

Inta aan xamar loo soo wareejin sannadkii 2003-dii Idaacadda Shabelle magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu khilaaf soo dhexgalay milkiilaha Idaacadda iyo walaalkii Cabdi Maalik oo hadda ah ninka iskale Idaacadda.

Khilaafkaas ayaa la sheegay in uu dhaliyay gacan ka hadal, taasoo markii dambe odayaal ka soo jeeda beesha labada nin ay kulan u qabteen labada nin, taasoo markii dambe milkiilihii hore lagu qanciyay in uu soo wareejiyo Idaacadda uu u siidaayo walaalkiis.

Wariye ka soo shaqeeyay Shabelle oo hadda ku sugan waddamada Yurub ayaa ii sheegay in Cabdi Maalik uu Idaacadda ku sameeyay markii uu la wareegay isbadal, waxa uu Idaacadda ka bilaabay sheeko la oran jiray “Maliibaanayaasha Lagu Liibay” taasoo markaas looga hadlaayay hoggaamiyaashii dagaalka ee ku sugnaa dalka iyo ciidanka u dagaalamayay xilligaas oo lagu tusaaleenaayay sida loogu shaqeesto.

Sidee loola dhaqmaa shaqaalaha idaacada Shabelle:

C/maalik waa milkiilaha idaacada, qaar badan oo kamid ah wariyayaashii kasoo shaqeeyay waxay ku eedeeyaan inuu yahay nin aan si wanaagsan ula dhaqmin shaqaalaha idaacada, waxaa kaloo lagu eedeeyaa inuu yahay nin aad ugacan adag islmarkaasna xaqa wariyayaasha ama gunadooda aan si toos ah usiin.

Dhacdo layaab leh oo ku kacay C/maalik ayaa waxay ahayd kadib markii mid ka mid ah weriyayaasha Idaacadda ka shaqeyn jiray ay mar gacanta kajabtay iyadoo kasoo daganeysa Jaranjarada idaacada.

Wariyayaashii markaas idaacada joogay ayaa isla gartay ineey utagaan milkiilaha islamarkaasna usheegaan dhibka soo gaaray  Weriyaha si wax looga qabto loona dabiibo.

C/maalik, waa milkiilaha idaacada Shabellee markii loo shegay arinkaan waxa uu ku jawaabay ineeysan isaga ujabin ee ay iyada iskeed ujabtay wax shuqul ahna uusan ku laheen taasoo ay aad ula yaabeen shaqaalihii kale ee idaacada, kadibna weriyihi way isaga tagtay idaacadda.

Idaacada Shabelle waxay soo martay waqtiyo kala duwan, waxaa jirtay in dhowr mar la xiray qaasatan doowladii C/laahi Yuusuf, waxaana markaas ay toosh weyn kadaba qaadatay madaxdii doowladaas gaar ahaan duqii magaalada Muqdisho allaha unaxariistee Maxamed Cumar Xabeeb.

Waqtigaas dadka magaalada Muqdisho ku nool 90% waxay kasoo horjeedeen doowladii C/laahi yuusuf oo markaaas wadatay ciidamadii Itoobiya, taas ayaana keentay in Shabelle ay ka faa’iideeysato kasbatana kalsoonida shacabka.

Idaacada Shabelle waxay dhanka afka iyo dacaayada ku taageeri jirtay kooxaha muqaawamada ee dagaalka kula jiray doowladii C/laahi yuusuf iyo ciidamada Itoobiya.

Kadib markii ay dhacday doowladaas Ciidamadii itoobiyana wadanka isaga baxeen, waxaa magaalada Muqdisho inteeda badan gacanta ku dhigay Al-shabaab, waxaana markaas Jabuuti lagu soo dhisay doowladii KMG ahayd madaxdana uu ka ahaa Shiikh Shariif.

Mar hadii ay ciidamada Itoobiya wadanka isaga baxeen wadankana uu madax ka noqday nin kamid ahaa kooxaha muqaawamada islamarkaasna lixdii bilood hogaaminayay kacaankii maxkamadaha Islaamiga ayaa waxaa laysla gartay in laga shaqeeyo dhanka nabadda dagaaladana lajoojiyo.

Shabaab ayaa markaas si cad uga horyimid doowlada uu hogaminayay Shiikh Shariif waxayna ku xukmiyen ineey lamid tahay doowladii kahoreesay islamarkaasna ay ula dagaalamayaan sidii ay tii hore ula dagaalameen.

Agaasimayaashii idaacadaha Muqdisho ayaa ku heshiiyay inaan la buun buunin dagaalada ay Al-shabab ka gaystaan magaalada, waxaa arintaas darted udhintay oo god ugalay wariyayaal magic iyo sumcadba ku lahaa bulshada sida agaasimihii idaacada Honr Afrik Saciid Tahliil, agaasimihii Shabelle Mukhtaar Mohamed Hiraabe.

Wixii intaas ka danbeeyay waxaa magaalada inteeda badan la wareegay Al-shabaab oo iyaga ka tabar roonaaday barigaas ciidamadii doowlada oo markaas badanaa lagu harqiyay lacag iyo laaluush kuwaasoo Shabaab ka gatay dhul iyo degmooyin badan.

Al-shabab waxay idaacadaha Muqdisho barigaas kusoo rogeen amaro aad u adkaa sida inaan Hees iyo Music lasoo dayn Karin xitaa Astaamaha iidhehyada ayaa lamamnuucay, sidoo kale waxaa idaacadaha lagu qasbay ineey Al-shabaab ugu yeeraan halkudhiga (Xarakada mujaahidiinta Al-shabaab).

Wixii ay idaacadaha Muqdisho Ashuun ku adimaan mar marka qaarna ladilo wariyihii ladoono ayaa idaacada Shabelle goor habeen ah waxay ka guurtay xaruuntii bakaaraha iyadoona dagtay markaas dhismo kuyaal garoonka diyaaradaha Aadan Cade, waxaana islamaalinkii dib loo soo galiyay hawada ay bilaawday tabinta heesaha iyo Musica.

Kasokoow awooda Alle Shabelle waxaa magangalyo siiyay maamulkii G/banaadir oo uu madaxda ka ahaa Tarsan, hadii loo cadaadin laha sida Shabaab uma suurta gasheen ineey hawada soo galaan ama qofkeey doonaan daba dhigtaan.

Idaacada Shabelee ayaa waxaa aad loogu yaqaan wararka ku dhisan dagaalada iyo colaadaha, wararkeeda 80% ma ahan warar ku salaysan Nabadda iyo dib u dhiska dalka ee waa warar laga fiiriyo dhanka balaayada iyo colaadaha.

Waa idaacad ku shaqeeysa laaluush iyo qaab qabiil, tusaale ahaan waxaa kaaga filan marka ay laba maalin tooshka ka daba qaataan siyaasi oo ay warar lidi ku ah sii daayaan hadana laba maalin kadib waxaad arkee iyadoo warar wanaagsan iyo buun buunin usameeyneso taasina waxay kadhigantahay {Afka ii buuxii hadaadan ii buuxina Afkaygaa furan} taasna kama mid ahan anshaxa saxaafada.

Cabdi waal, waxa uu kamid ahaa hogaamiye kooxeedyadii dalka soo maray kuna soo caanbaxay dagaalkii loogu magic daray ladagaalanka Argagixisada xiligaasoo wadanka ay kahana qaadeeen maxkamadaha islaamiga.

C/waal waa agaasimaha hadda ee idaacada Shabelle, waxaa layaab leh in mararka qaar idaacada Shabelle aad kamaqasho ereyo ay kamid yihiin {Siyasiga caanka ah ee C/waal} tan isweydiinta mudan ayaa marka ah waxa C/waal kadhigay siyaasi Tarsana kadhigay tuug.

C/waal waxa uu kamid ahaa hogaamiye kooxeedyadii soo kadeeday bulshada reer Muqdisho hadana waa agaasimaha idaacada waana siyaasi can sida aan Shabelle kamaqalno, halka duqa magaalada Muqdishana ay wararkooda oodhan kusoo qaataan iyagoo weeraraya kuna tilmaamaya nin lunsaday lacag farabadan iyo inuu boobay dhul doowladeed.

In badan oo bulshada kamid ah way dareemi karaan in idaacada shabelle ay tahay idaacad shaqsi islamarkaasna ku shaqeeysa rabitaan shaqsi iyo mid qabiil.

W/Q: Guuleed Axmed Guuleed

London, UK

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan.

Related Posts