HAWIYE WAA DHAGOOLE DHIBAN !!!!

October 2, 2013 4:00 AM0 commentsViews: 6960

(Haddii waraabe xaakim yahay, ogoobey ari xaq maleh)

Sida laga dheehan karo magacyada beelaha Soomaalida, waxay u egtahay 30-35 fac ka hor, colaad iyo abaaro ku baahay geyiga geeska Afrika in la kala qaxay kadibna la noqday gaashaanbuur koox-koox laysu garabsaday. Gaashaanbuur ama koox kasta waxay la baxday magac la yiraah afar iyo adeer oo Soomaali oo dhan ay iska hidde-raacday. Tusaale kasoo billaaw geesta Woqooyi-Galbeed, beesha Gudabiirsaay waxay ka kooban tahay “Afarta Samaroon iyo adeerkood Gobe”  ilaa geesta Koofur-Galbeed beesha degta waxay ka kooban tahay “afarta Absame iyo adeerkood Gelimeys” marka laga reebo beelaha Raxanweyn oo iyaguba ka kooban koox-koox sida (boqol hore, boqol dhexe & boqol dambe iwm) dhammaan beelaha Soomaaliyeed waxay ka kooban yihiin afar iyo adeer. Sida muuqata magaca afar iyo adeer  mar waxaa loo la jeeda waxdaaniyada Alle Inallaah witri wa yuxibo witrun marna wuxuu cuskan yahay “Kuhaan iyo Asraar” oo afarta iyo adeerka sida qaalibka ah waxa ugu tiro yar adeerka, taasina waa arrin ku dhisan feleg iyo faal laysku lamaaniyey.

Gaashaanbuurta afar iyo adeer waxaa ka feer dhashay magac beeleed tilmaama koox diimeed iyo xirfad shaqo. Waxaa ka mid ah (Tumaal, Gaboy, Jaaji, Lelkas, Sheekhaal iyo kuwo kale). Erayga maal wuxuu tilmaamaa hanti iyo shaqo laysku lamaaniyey sida: Afmaal, Muruqmaal, Tumaal, Biyamaal, Caana-maal, Birmaal, So-maal iwm. Farsamayaqaannadii ka shaqeysan jirey birta waxay la baxeen Tumaal. Sidoo kale ugaarsatadii wax ku dili jirtay fallaarta, maadaama agabka gamuunada laga qaado loo yaqaan gaboye, ninka ku gabraartana la yiraah gaboy. Ugaarsatadii waxay la baxeen Gaboye, walow sebenka fowdada beelaha laga tirada badan yahay “minority” oo dhan laysku sidkay loona bixiye Gaboye, xataa Tumaalkii & Yibirkii. Sidoo kale Jaaji waa kooxaha ka jillaabta badda oo had iyo jeer biyo dhanaan ayey ag-degan yihii oo waa Jaan-joog.

 Taariikh oraaheed waxaa lagu sheegay wadaad la oran jirey Sheekh Muumin inuu geyiga Soomaalida dugsiyo badan ka yagleelay, xertiisiina ay la baxeen magacyo kala duwan, waxaa ka mid ah: Xerta Sheekh Muumin oo qarniyo ka hor Buurhakaba deganayd, gadaalkii dambe waxay ku milantay jufada Naasiya ee Eelay. Shabeellaha Hoose ilaa Shabeelaha dhexe, xertii Sheekh Muumin maanta waxaa loo yaqaan “Diinti Waaq & Diinti Naafic” hadda waxay hoos-tagaan dalladda guud ee Hawiye oo shirkii USC ee Luulyo 1991 ka dhacay Hoteel Guuleed ee Jeneraal M.F. Caydiid loogu doortay Guddoomiyaha USC, Diinti Waaq & Diinti Naafic  waxay ka mid ahaayeen 48 qabiil oo Dr Xuseen Kadare ku sheegay inay yihiin Hawiye, waase markii ugu horreysay ee bulshadu maqasho magacaas. Odayaasha ku taqasusay ab-ableynta abtirsiga beelaha, sida ay sheegeen Sheekkh Muumin wuxuu deegaanka Mudug ka uruuriyey arday diinta barata, markey badteenna waxay la baxeen Xer ama Xerta Sh. Muumin. Nin reer Hiiraan Galbeeed ah oo turjubaan u ahaa Guddoomiyighii “DC” 1920-yadii maamulayey degmada Gaalkacyo ayaa wuxuu la saaxiibay wadaad ay masaajidka isku barteen. Muddo markii rafiiq la ahaa waa lays haybsaday oo weydiinta waxaa ku horreeyey wadaadkii reer Mudug. Wuxuu yiri, saaxiibow yaad tahay, ninkii reer Hiiraan wuxuu ku jawaabay Gaaljecel baan ahay ee adigu yaad tahay, wadaadkii isna wuxuu ku jawaabay waxaan ahay Xer. Dood baa dhexmartay, wadaadkii wuxuu yiri waan arkaa inaad had jeer Gaalka la socoto ee kuma weydiin sida aad Gaalka u jeceshahaye waxaan ku weydiiyey haybtaad qabiil. Turjubaankii Hiiraan ka yimid isna wuxuu yiri, aniguba waan u jeedaa inaad tahay Xerow oo kuma weydiin xer-qur’aan iyo xer-cilmi midka aad tahay ee waxaan ku weydiiyey haybtaad qabiil. Ismaandhaaf mugweyn ayaa raggii dhexmaray. Magacii Xer toban sano kadib 1930-yadii wuxuu isu beddelay Lelkas oo macnahiisu yahay “kii la jarebaray, ama la tababaray ama leyliga qaatay ee hoggaansamey” soddon sano kadib 1960-yadii wuxuu isu beddelay Tanade Daarood oo waxaa lagu biiriyey tolweynaha Daarood. Magaca Tanade ma jiraa mise ma jiro? Sheeko oraaheedku waxay tibaaxeen Tanada Daarood inay ahayd haweeney u dhaxday Ciise Madoobe oo ubadkey dhashay ay ka mid yihiin beesha Awroone oo ka tirsan seddaxda tol-raac ee beelaha Ciise Madoobe.

SHEEKHAAL mise SHIIKHYAAL

Waxba yaan arartu ila durkine aan idin dulgeeyo halka diiradu saaran tahay oo ah Sheekhaal ma dhalashaa mise waa magac la dhoodhoobay? Odayaasha ku xeesha-dheer ab-ableynta iyo taariikhda qowmiyadda Soomaalida waxay isku diidan yihiin asalka dhalasho ee beelaha sheegta haybta Sheekhaal oo doodu waxay ku saleysan tahay seddax aragti oo aad u kala fog.

(1)Isir-yaqaannada qaar waxay aaminsan yihiin oo dooda cuskiyaan, Sheekhaal meel kasta dunida haka joogtee in ay ku mideysan yihiin todobada ilma Faqa Cumar: (Loobege, Qudub, Xasan, Cismaan, Cabdiraxmaan, Abiib & Ali). Abtirkooduna ku arooro: (Faqa CumarQudbaale Sacad Daa’uud Martile  Hiraab Daame Gorgaarte Hawiye) aragtidaas 95% Loobege ayaa rumeysan.

(2)Isir-yaqaannada qaar waxay aaminsan yihiin oo ku doodaan culimo kasoo haajirtay Jasiiradda Carabta oo Soomaaliya u timid diin fidin, kadibna ku heshiiyey inay ku abtirsadaan Abubarka Sadiiq “RC” aragtidaas 95% Qudub iyo Aw Xasan ayaa rumeysan.

(3)Isir-yaqaannada qaar waxay aaminsan yihiin kuna doodaan magaca Sheekhaal inuu tilmaamo xirfad shaqo, ayna la mid yihiin: (ururka dhaqaatiirta, ururka macallimiinta, ururka xirfadleyaasha ee birmaal) isla markaana haba yaraatee in aysan jirin hayb qabiil iyo abtirsi oday la yiraah Sheekhaal, balse beryahaan dambe la dhoodhoobay magac beeleedka Sheekhaal si ay saami ugu helaan xilalka qaranka, aragtidaas waxaa rumeysan dad tiro badan (Sheekhaal iyo Soomaali kale).

Aragtida Isir-yaqaannad ka sokow, odayaasha Hawiye waxay aaminsan yihiin kuna doodaan Sheekh Loobege inuu ahaa waacid iyo diin fidiye, gees-ka-gees geyiga Soomaalida dugsiyo ka yagleelay, Soomaali tiro bandanna diinta baray. Xertiisii intii aflaxday ee cilmiga diinta Islaamka ka gaartey Mufti iyo Buuni barakeysan, waxay diin fidin u tageen gobollada dalka oo dhan, waxayna noqdeen sheekh hebel, sheekh hebel, sheekh hebel; bulshada dhexdeeda laga xurmeeyo oo gabadha qurxoon loo guuriyo, wanka doosha weynna loo loogo. Sheekh hebelkii iyo Sheekh hebelkii waxay noqdeen SHEEKHYAAL kala shaqo tegay, oo murti baa leh seddax is dhashay maalin bey kala tagaan: Tumaal, Sheekhaal iyo Waraabe. Tumaalku maalintuu wiilkiisa baro sida toorreyda loo deeleeyo wey kala guuraan oo ninba gobol ayuu hooso ka furta, meselan haddii odaygu hooso ku lahaa Ceeldheer oo ahaa Tumaal Wacaysle, wiilku wuxuu u guuraa Ceelbuur oo wuxuu noqdaa Tumaal Murusade. Gabyaa Ayax-dhowre wuxuu yiri:

 Caaqibo Tumaal waa intaan cududu weynaane,

 Cooshada ii qaad maandhow intaan kala caraabeyno. 

 Wiilka Sheekhaal maalintuu noqdo xaafidul Qur’aan, qoyskiisa waa ka guuraa oo meel kale ayuu u qaraab doontaa, meselan haddii odaygu dugsi-qur’aan ku lahaa Godey oo ahaa Sheekh Ogaadeen, wiilku wuxuu u guuraa Boorame oo wuxuu noqdaa Sheekh Gudabiirsey.  Sheekhyaal diinta bara Samaroon oo ku midoobay Sheekhaashta Xeebjire, Sheekhyaal diinta bara Ogaadeen oo ku midoobay Sheekhaashta Qudub, Sheekhyaal diinta bara reer Shabeelle oo ku midoobay Sheekhaal Aw Xasan, Sheekhyaal ku milmay kalluumeysatada xeebta Shabeelaha Hoose oo ku midoobay Sheekhaal Jasiira ama Gendershe. Guuto camalo badan iyo ninba xeeladi ku xoogsay ayaa Xertii Sheekh Loobege noqdeen, gurmad iyo gargaar kama dhexeeyo, wax-isi-siin iyo isweecaansi haba yaraatee kama dhexeeyo, ayaandarro kooxiba kooxda kale ayey Asmo iyo Asraar ku ridaa goor iyo aleyl iyo gabbal-dhac kasta. Sida loo badan yahay hooyo kasta waxay ubadkeeda kula dardaarantaa in aysan goor maqrib ah dhexmarin xaafadaha Sheekhyaal si ay uga badbaadaan “Asmad iyo Asraarta” ay isku gamayaan. Sheekhyaalka qoraalkan ku xusan waa xertii ee kuma jiraan reer Loobege, maxaa yeelay waa dad la yaqaan dhiig iyo dhalasho halka nasabkoodu kasoo jeedo.

HAYBTA HAWIYE WAA FURAN TAHAY

Caado hoosaadka beelaha, meelaha qaar farqi baa u dhexeeya, meselan beelaha ku hadla lahjada Maay qabiilkoodu waa dhaqan iyo deegaan, laakiin beelaha ku hadla lahjada Maxaatiri sida ay rumeysan yihiin qabiilkoodu waa dhalasho la dhoodhoobay oo haddii qof ama qolo kusoo biirto tolweynaha waxaa lagu sidkaa jufo, tolweynahana waa loogu abtiriyaa, haybtiisii hore waa la tirtiraa. Maxaatiri haddii la kala saaro Isaaq caado hoosaad ayuu leeyahay oo lama sheegto waxna ma sheegto, albaabka Isaaq waa xiran yahay oo waa 8dii oday ee reer Sheekh Isxaaq kumana jiraan tartanka dad badsiga iyo xulufeysiga, xataa ma sheegtaan beelaha (Ligse iyo Macallin Weyn) oo sida la sheego dhalasho ahaan Isaaq kasoo jeeda maantana ka tirsan tolweyanaha Raxanweyn. Caado hoosaadka Isaaq mid liddi ku ah waxaa  aaminsan kuna andacooda Hawiye oo abtirsiga haybta Hawiye waa mid furan oo qolo kasta ku biiri karto, meselan oday miyiga Ceeldheer jooga haddaad ku tiraah, meesha qorraxdu kasoo baxdo ‘Australia’ waxaa ku nool dad madow oo lagu magacaabo ‘Aborigine’  odaygu wuxuu ku jawaabaa waa lagu yaqaan ‘beeshaas waxaa la yiraah Xaskul Hawiye oo qaaradaas bey waa hore u guureen. Markale haddii loo sheego meesha qorraxdu u dhacdo ‘America’ waxaa ku nool dad cascas oo lagu magacaabo ‘Red Indians’ odaygu wuxuu ku jawaaba waa lagu yaqaan ‘beeshaas waxaa la yiraah Karanle Hawiye’ oo waa hore ayey halkaas u guureen. Markale haddii la weydiiyo xaafadda Daami ee Hargeysa Muuse-dheriyaha ku nool cidda ay yihiin, odaygu wuxuu ku jawaaba waa lagu yaqaan ‘beeshaasi waa dhalad iyo dhuuxa Hawiye oo waxaa lagu magacaabaa Maxamed Gorgaarte Daame Hawiye, magaca xaafadda ee Daami waa Daame oo hikaadda ayaa la khalday isla markaana Midgaan oo dhan dhalasho ahaan waa Hawiye’. Sida Hawiyaha khiyaali dhalaanteedkaas waxaa aaminsan Ciise Madoobe oo ku maahmaaha Gaalkaba camalkiisaa caddeeyee dadku waa wada Ciise.

SOO  SEEXIS  SUNTIIS  LA  EED

Haybta Hawiye sida tan Isaaq ma xirna oo qolo kasta wey u furan tahay, fekradaasi waxay keentay Xertii Sheekh Loobege oo dhan in Hawiye u aqoonsado inay yihiin Hawiye dhalad ah oo aan dhaqan ahayn waase eedeen oo waa ka shallaayeen. Maamulkii Siyaad Barre, Mareexaanka dhaladka ah ee abtirkoodu ku arooro “afarta Amaanreer iyo adeerkood Xasan” eedihii ay ummadda ka galeen boqol jibaar waxaa ka badnaa eedihii ay galeen Mareexaankii sheegatada ahaa ee loo yiqiin Mareexaan Oktobar ee abtirkoodu ahaa ‘afarta urur bulsho iyo adeerkood XHKS’. Nin meel fadhiya haddii lagu yiraah waa kuma? Hadduu magac leeyahay wuxuu yiraah waa hebel, hadduu oday magac leh dhalay wuxuu yiraah waa ina-hebel, hadduu beel magac leh ka dhashay wuxuu yiraah waa nin reer hebel ah. Haddii uu seddaxdaas midna ahayn, sidii guumeys geyaan seegtay ayuu u gunuunucaa, waana laangaab aan laga sugeyn wax liibaan ah. Laangaab “minority” noloshiisa oo dhan waa qowsaar u adeeg maamulka maalintaas talada dalka haya, weligina kama fogaado eedaha loo dakaneyn doono tolkiis, maxaa yeelay tolba maleh. 1988-90kii sannadihii la xasuuqayey gobollada Woqooyi-Galbeed beelihii sida firfircoon uga qeyb qaatay waxay ahaayeen laangaab “minority” aan ka fekerin eeddihii iyo godobtii ay galeen. Nin Isaaq ah ayaa ku gabyey:

Toban Araba Ogaadeen lixdana odayo Sheekhaala
Eyle janan ah Eelay Kabtana Allifle Weyteena
Intaas alhuumaa Isaaq eegga loogu dowgalaye…. 

Xertii Sheekh Loobege eeddaha iyo godobta ay haybta Hawiye u soo jiideen ka sokow, jagooyinkii iyo xilalkii Hawiye qaranka ku lahaa waxaa qaatay oo boosaskii buuxiyey Xertii Sheekh Loobege, tusaale 1990kii odayaal Hawiye ayaa Siyaad Barre xusuusiyey afarta taliye ciidan inaan Hawiye wax ku lahayn, wuxuu yiri cabashadaasi waa xaq waana garwaaqsaday, sarkaal Hawiye ayaan dhowaan taliyaha ciidanka Boliiska u magacaabi doonaa, dhowr ayaamood kadib Cabdiraxmaan Guulwade ayuu u magacaabay Taliyaha Boliiska, xilkaasna waxaa loo qoondeeyey Hawiye. Magacaabista Cabdiraxmaan Guulwade Hawiye kuma qancin waana ka carooday, ha-yeeshee Jeneraal Liiqliiqato (AUN) oo ahaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Hawiye si  niyadsami ah ayey ugu faraxsanayeen, maxaa yeelay Liiqliiqato wuxuu ahaa Hawiye dhalad ah oo aan dhaqan ahayn. Sidoo kale Jeneraal Daahir Indhaqarsho oo maanta ah taliyaha XDS wuxuu la mid yahay Cabdiraxmaan Guulwade, inuu jagada ku hanto magac Hawiye waa gefkii shalay guuldarada keenay. Waxaa lays weydiin karaa Jeneraal Daahir Indhaqarsho waa Maxamed Caagane Loobege ee maxay sababtu tahay? Daahir Indhaqarsho iyo walaalki Saciid Aadan Cilmi waxay ahaayeen saraakiil XDS, fageere kasta waxay kaga sheekeyn jireen Sheekhaal Hawiye maaha oo waa Quraysh Abubakar Sadiiq “RC” ku abtirsata, weliba Saciid oo hadda hoteel ku leh Garoowe waa qareen ku xiiqay faafinta Sheekhaal Hawiye maaha. Saciid waxaa u dhaxday haweeney reer Muuse Mataan ah, malaha oorida ayaa sariirta ugu sheegtay in Hawiye yahay wax liita oo laga fogaado sheegashadiisa. Maadaama jufada reer Agoonn ee Saciid iyo Daahir ka dhasheen ay degto Nugaal-Bari, wey dhici kartaa inay tixgeliyeen murtida leh oodi ab ka dhow iyo intii isku deegaan ah ayaa isku dan ah taas ka sokow wey dhici kartaa inay ku shaqeeyaan wanka doosha weyn iyo dardaaran dumarka reer Garoowe ee u dhaxay.

Guud ahaan Caaganaha deegaankoodu yahay Woqooyi-Bari Gaalkacyo ma sheegtaan haybta Hawiye. Shirkii Carta ka dhacay 2000, reer Aw Xasan ayaa si rasmi ah uga rugdoorsaday haybta Hawiye. Markale  Qudub Nairobi ku shiray ayaa si cad u qeexay in aaney sawrac iyo suulb la wadaagin haybta Hawiye. Sidoo kale nin sheegtay suldaanka Gendershe oo shirkii lagu heshiisiinaayey beelihii ku diriray Sh/hoose ka hadlay wuxuu yiri “Habargidir waxay ka timid 800km ee dib ha ugu noqoto gobollada dhexe, haba yaraatee maamulka Marka shaqo kuma lahan”

Xerta Sheekh Loobege xilalka iyo jagooyinka ay ku heleen magac Hawiye, waxaa ka xanuun badan xaalufinta dhaqaalaha ay deegaanka Hawiye ka hirgeliyeen. Kooxda Damjadiid ee maanta talada dalka haysa, Faarax Topaz ayaa ah jookarka kooxda iyo madaxweynaha dahsoon ‘backseat driver’ ee hawlaha dalka kala haga. Sida uu qoray wargeyska  ‘AL RAYA’  ee kasoo baxa Qatar isla markaana aan kasoo xigtay Cabdiraxmaan Cismaan oo ah arday wax ka barta Jaamacadda ‘Qatar University’  kuna xeeldheer xarakooyinka Islaamka, wuxuu qeexay kaalmadii dhaqaale ee caalamka laga helay qeybtii ugu badneyd waxa qaatay, Faarax Topaz wuxuuna u dhiibtay ina-adeerki Axmed Galool, dabadeedna waxay ku iibsadeen shirkadda isgaarsiinta Telcom/Olympic ($40 afartan malyan US dollar) oo farta laga saaray milkileyaashii hore. Guuxa dadweynuhu magacii ‘Telcom Somalia  wuxuu u beddelay ‘Topaz Aw Xasan’. Dagaalladii Hawiye & Daarood Koofur ku dhexmarey 1991-92 intii ay socdeen Xerta Sheekh Loobege waxay si rasmi ah ula wareegeen: ilaha dhaqaalaha, hay’adaha samafalka, hay’adaha waxbarashad. 1991 ilaa maanta hay’adaha sare ku qoran waxay ku jiraan gacanta Xerta Sheekh Loobege. NGO-ga Al-Islaax, si gaar ah ‘monopoly’ waxaa ugu xiran deeqaha waxbarasho ee laga helo waddamada Muslimka, ardayda la siiyo deeqahaas 95% waa Qudub iyo Aw Xasan soocan, Soomaalida kale iska-dhaafe xataa dhowr arday lagama siin faraca Sheekh Loobege oo markii hore laga soo aflaxay dugsiyadiisa. Kaligood cuneyaasha la wareegay barwaaqadii dalka, naf iyo maalba waxaa ilaaliye oo ‘staff’ u ah dabley Hawiye oo mushahaar ahaan bishii loo siiyo $100. Soddon sano ayaa dib loogu noqday Gabaygii Cabdulle Raage ee ahaa: 

                   Qumbaan ilaaliyaa nin kale qaadadiis sida’e,

Qasnadaha muftaaxooda waa layga qariyaaye,

Qowsaar nimuu raranayoo loo qasdaan ahaye. 

 Wiilka reer Dayniile ah oo ka mid ah dableyda ilaalisa Xerta liibaantay ayaa 2000 igu yiri, waxaan nahay ilaaliyaal aan gudaha geli karin, wiilashii Xerta ee nala midka ahaa waxaa la siiyey deeq waxbarasho, wuxuu intaas raaciyey sida muuqata 15 sano kadib waxaa iska hor-imaanaya anigoo weli dableydii ah oo albaabka taagan iyo wiilkii Xerta oo ah maalqabeen jaamaci ah ee maxaa dhici doona? Isaga ayaa jawaabtii bixiyey oo wuxuu yiri sansaanka muuqda waa dagaal sokeeye dhexmari doona nin shahaado iyo dollar haysta iyo nin tiro iyo qori haysta ee Allow dagaalka sokeeye soo dedeji, si washamsi loogu qaado kaligood cuneyaasha kibray. Dagaal baa ka dhex dillaaci doona dhowaan dibjir gaajeysan iyo dibir daaco-qurmay. Deeqdarrada ka sokow, caado hoosaad Xerta waxaa ka mid ah inay jufo-jufo u dagaallamaan, tusaale dirir laba jufo ku dhexmartay 2011 deegaanka Raso, hal maalin 150 gaashaanqaad ayaa ku hoobatay. Nin Xerta ah oo magaciise lagu sheegay Aadan Guudcad ayaa caado hoosaadka Xerta ka gabyey, wuxuuna yiri:

Allowyaa gabalkiin guryahaa Xamar-weyne guf ka beecso yiraah,

Allowyaa gabalkiin duraamooyin  gangiiman ku garbootan yiraah,

Allowyaa gabalkiin gole aan cadow joogin isku geyrta yiraah,

Maalintii gallad Ebbe gargaarsiinyo jiraan malyan waad gudubtaane,

Maalintey gurmad joogto soo galay la yiraah xagee baad galgashaan? 

Aniga ayaa ku metela oo mansabka dowlada wakiil kaga ah isla markaana magacaaga sheegan-mayo oo isku hayb kuma abtirsano isma qabanayso. Maalinta barwaaqada iyo nabadda muuqaal sare ayaan leeyahay oo meel walba aniga ayaa taagan, maalinta shidada iyo sharta, waan iska meereystaa, maal iyo muruq midna layga sugimaayo isma qabanayso. Waranka waxaan u sitaa walaalkey ee cadow kuma warjeefo, hadafkeygu waa inaan boqonta hero xigtadeyda. Dheeftada aniga ayaa iska leh, dhibtana adigaa iska leh, fekradaas gurracan mushkilad ka weyn weligaa ma kusoo martay, maxaase lagu xallin karaa? Akhristeyaasha waa qof iyo garashadi, balse aan teyda soo bandhigo.

Sheeko kutiri-kuteen ah waxaa lagu sheegay, seben hore waxaa dalka ku noolaa nin la oran jirey Wiliwili Wadalaan, wuxuu lahaa lo’ tiro badan. Habeen buu golihii lo’da fariistay oo gees walba eegay, Shaydaan baa u waxyooday eray laqwi ah, wuxuuna yiri lo’daani siin Eebbe ka badane ma siin Wiliwili baa, dabadeed lo’dii ayaa dardartay oo gees iyo qoob ku dishay. Maqayaad Xamar ku taal waxaa dhacday sheeko taas la mid ah. Telsom Somaliland waxaa leh Barakaat, Golis Puntland waxaa leh Barakaat, Hormood waxaa leh Barakaat iyo mashaariic kaloo badan. Nin Duduble ah ayaa sidii Wiliwili oo kale laqwiyey, ayna la badatay hantida xad-dhaafka ah ee Barakaat, garashadii habboonayd oo ka luntay darteed wuxuu inkiray haybtiisa qabiil, wuxuuna ku tookhay Duduble Habargidir maaha oo meelna kama soo galo. Goobtii wiil Duduble ka sheekeeyey, nin Murusade ah ayaa caro karaar-dhaaftay la qarxay, wuxuuna yiri 1991 dagaalkii Ceelbuur wareegii hore waa laydinka gacansareeyey, markaad qaxdeenna guryihiina waxaa lagu qoray Car-bal soo noqo adoon Cayr wadan. Muddo kadib waxaa soo rogaal celiyey Dubduble Habargidir wata oo Murusade waa laga barakaciyey Ceelbuur, Duduble ku daaban Habargidir markey Murusade laynayeen, maalintaas Habargidir baad ahaydeen ee maanta ma Ateennooyinka Barakaat ayaad la waalateen oo haybtii Habargidir ku ilowdeen? Sheekhyaal ayaa la mid ah Wiliwil Wadalaan iyo wiil Duduble, shalay wanka doosha weyn iyo dagada ayaa Sheekhaali Hawiye ku ahayd, maantase wey  hodmeen oo NGO Al-Islaax ayaa tol ah, maxaase ka dambeyn doona? Qarax bulsho iyo kacdoon dadweyne ayaa dhici doonta haddaan kaligood cuneyaashu caqli toosan la imaan. Inta badan tolweynaha Hawiye waxay ol-ole ugu jiraan Loobegaha deggan Xaradheere ilaa Turdho in loo aqoonsado Hawiye dhalad ah hadda kadibna la kala saaro Xerta Sheekhyaal iyo beesha Loobege. Cali Warsame wuxuu maansooday: 

Loobege inuu dhalad yahaan cidi ka dhiidheyne,

Ilmihii Hiraab dhalay ayuu dhuuxakood yahaye,

Xertii sheekhu soo dhababiyee diinta lagu dhoobay,

Asaan dhalasho Loobege ahayn yaa dhibkaa wada’e

Dhoobkiinu meeshuu ka yimid aada dhulalkiina… 

DHEGOOLE  DHIBAN 

Maahmaah la iloobey waxay ahayd nin dhugi xiran dhuuso loo saari oo la mid ah wixii xunba Xaawaa leh. Deegaanka Hawiye waxaa dulsaaran dhibaato aan gobollada kale ka jirin, dadka Hawiye waa qof qabri galay, qof qaxay iyo of qalqalsan cabsi darteed, waxaa u dheer aflagaado xun oo lagu bahdiley karaamada iyo sharafta haybtooda. Hadalhaynta waxaa ka mid ah: Hawiye hurdaaye dhulkiina maad nabad ka dhigtaan, maad Xamar caasimada ka dhigtaan, maad wax sameysataan iwm. Hawiye wuxuu la mid yahay  dhegoole eedaha la dulsaaray aan iska difaaci karin isla markaana aan lahayn qareen ka hadla darxumada ku habsatay deegaankooda. Silica iyo saranseerka ku dhacay lama soo koobi karo, maxayse cuskan tahay sababta dhibaatada dhalisay?

(1)Guud ahaan askarta daafaha dunida joogta waxay ku hawlgalaan laba arrimood oo muhiim ah: 1-mabda’a la aaminsiiyey oo maskaxda loogu duubay iyo 2-caloosha oo loo buuxiyo, askeri labadaas waayey ma shaqeyn karo. Guud ahaan Askarta Soomaalida, gaar ahaan askarta Gobolka Banaadir ka hawlgasha lama fahamsiin wax qaddiyad qaran ah oo ay difaacaan isla markaan caloosha looma buuxin oo xataa bishii ma helaan $100. Dekedda iyo Airport-ka Xamar bil kasta waxaa kasoo xarooto lacag ka badan daryeelka askarta Xamar iyo socodsiin guud ahaa hawlaha qaranka. Lacagtaas waxaa lagu masruufaa oo mushahaar ahaan u qaata shaqsiyaad lagu sheegay (Wasiiro, Xildhibaano, Agaasimeyaal Guud, Safiiro, Jeneraallo, ilaalo Madaxtooyo) ilaalada Fillada mooyee, inta kale waxay u badan yihiin dad aan u dhalan Gobolka Banaadir oo soo shaqo tegay. Hoteellada ayey hurdaan, waxay isku heleen nasiino iyo cunto nafaqo leh, dabadeed si xad-dhaaf ah bey u naaxeen, mid kasta waxaa kasoo baxay naaso waaweyn oo la moodo gaashaanti 20 jir ah. Kaba sii darane qaraxa iyo qaska qeyb bey ka yihiin oo waxay doonayaan Gobolka Banaadir inuu darxumada ku sii waaro, si gobollada kale u dhismaan. Ciidan iyo calaf midna lagama helo, waxayna caan ku yihiin laba-canleyn iyo cod-beec ah. Xildhibaan naasa-weyn iyo askeri gaajeysan waxay la mid tahay (2 + 2 = 5) waxaana ka dhalan doona kacdoon dadweyne iyo qalalaase guud ahaan dalka ku baaha.

(2)Geela waxaa loogu heesaa ninna dhalashow kugu dhiidhiyey, ninna dhuuniyow kugu soo dhacay. Afarta Taliye Ciidan midna Hawiye uma dhalan oo ka damqanmaayaan darxumada dulsaaran deegaanka Banaadir, waa rag soo shaqo doontay, araajidiina Xasan Qoslaaye waa ka aqbalay, xilalkiina waa heleen. Bal aan tilmaan kooban ka bixiyo afarta taliye ciidan inta aan ka aqaan taariikh nololeedkooda “CV”. Daahir Indhaqarsho waa ‘technician wuxuu xariif ku yahay madaafiicda goobta ‘Artillery waxaa loo aqoonsan yahay sarkaal dagaalyahan ah oo aan seereyn shiishka kuna hoodo leh aagga dagaalka, dhowr dagaal oo uu ka qeyb galay dallacaad buu ku qaatay sida dagaalkii 1982 ka dhacay Yeed. Daahir Indhaqarsho maamul ciidan iyo si nabadgelyo loo sugi aqoon iyo waayo-aragnimo toona uma lahan, xilka loo dhiibey wuxuu la mid yahay geel caloosha laga raray oo tuurta laga caynshay. Dagaal jabhadeed ka socda daaraha Xamar wuxuu u baahan yahay aqoon gaar ah, farsamo xeeladeysan oo looga libkeeno, taas ka sokow Jeneral Daahir waa hawlgab 20 sano qurbaha ku noolaa. Taliyaha Asluubta wax aqoon ah uma lihi, waxaanse guuxa dadweynaha ka maqlay inuu xiriir qotadheer la leeyahay Shabaab, xariifna ku yahay tabta iyo xeelada dagaalyahannada Shabaab ay xabsiga uga fakadaan. Taliyaha Boliiska wuxuu kulansaday: waayo-aragnimo la’aan, karti-darro iyo garaado musuq lagu helay. Waxaa lagu xantaa inuu yahay nin balwad badan, karti la’aan darteedna guriga uu ku qayilo surweelkiisa ku ilooba oo waa jooge-maqane jilicsan, lagana sugimaayo firfircooni iyo nabadgelyo Xamar ku naaloodo. Taliyaha Nabadsugidda waa nin midabyo badan oo diimo badan, haddii cimrigeyga boqol sano lagu daro kolley mas fasiri karo shaqsiyada Bashiir Goobe. Tusaale: 1991 ka hor, xirfadiisu waxay ahayd Sport, Haybtiisuna waxay ahayd beesha Jeneraal MCSamatar, wuxuuna ahaa gacantiisa midig iyo dhegta Samatar wax ku maqlo. Goortii dowladii dhacday wuxuu u xuubsiibtay Sheekh Duduble ah wuxuuna noqday madaxa Barakaat UK, gardheer ayuu deystay, markuu la joogo wadaadka Axmed-Nuur iyo kooxda Itixaad safka hore ayuu ku tukan jirey. Barkaat belaayo madow ayaa cirka uga soo degtay oo Buush ayaa albaabada u laabay. Bashiir Goobe mar seddaxaad wuxuu noqday Saar Abgaal oo wuxuu gacanyare u noqday Faarax Sendiko, wuxuuna jeebkiisa ka qalabeeyey Hoteel Ramadaan oo Faarax Sendiko waagaas lahaa. Cabdullaahi Yuusf oo wata Ciidan Itoobiyaan ah ayaa Banaadir burburiyey, Hawiyena ka dhigay haad geed waayey, mar afraad Bashiir Goobe wuxuu sheegtay Madhibaan Majeerteen ‘Kulbayr’ wuxuuna noqday gacanyaraha Cabdullaahi Yuusf, magaca Madhibaan Majeerteen ayaa ina-Yuusuf Yeey Jeneraal ku siiyey. Mar shanaad Bashiir Goobe magaca beelaha laga tirada badan ayuu Baarlamaanka kusoo galay, kaarkii Madhibaan Dudublena markale ayuu soo cusbooneeyey oo boorka ka jafay. Mar lixaad hadda waa Wacaysle Cali Gaaf ah oo Xasan Qoslaaye ayey ilma-adeer yihiin. Nin shaqsiyadiisu noocaas tahay ayaa Nabadsugidda Taliye ka ah ee bal sheeg waxa laga fili karo iyo inuu maamuli karo xafiis xasaasi ah.

Gobollada dhexe waxaa laga ciyaaraa dhaanto murti badan, xikmada ay xambaarsan tahay maqaal dhowr bog ah kuma soo koobi karo, waxaanse akhristeyaasha xasuusinayaa halkudhegga iyo ridmada dhaantada: Markii Baadi Baando loo qoray maxaa Baando baahi loo qabay. Markii Saacid iyo Goobe laga dhigay Jeneraallo nabadda iyo amnigga suga, maxaa Jeneraallo baahi loo qabay. Ka rog oo laba saar. Guuxa dadweynuhu wuxuu leeyahay Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud waa kaligi-taliye “tyrant” kasii xagjirsan Siyaad Barre. Hoggaamiyaha kaligi-taliyaha ah waxaa caado u ah inuu xusho daciif dhega-nugul “yesman” oo ah magac-u-yaal aan maya aqoon, sida hoggaamiyuhu rabo ayuu  haye fudud ku yeela. Sida laga fahmi karo kooxda Xasan Sh. Maxamuud ku meersan waxay u badan yihiin 90% yesman sababta loo magacaabay ay tahay inay xilka u hayaan magac ahaan kaliya. Waagii Siyaad Barre ayaa nin waxgarad ah la weydiiyey sida loo magacaabo madaxda dowlada, wuxuu yiri “Siyaad wuxuu xariif ku yahay xulashada ninka xun”. Xasan Sh. Maxamuud xulashada ninka xun ka sokow, wuxuu xariif ku yahay sida loo jilo ruwaayadda qof kaliya dhigo “one man show” wuxuuna ku ciyaaray habmaamuuskii dowladnimo “protocol” sababtoo ah wafdi kasta Xasan ayaa qaabila xataa wafdi agaasime horkacyo, meel dhow aan tusaale ka siiyo shirkii Dubai ka dhacay ee Burcadbadeedda looga hadlayey waxaa Soomaaliya metelaayey Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud, hase yeeshee waddamada kale waxaa metelaayey saraakiil hoose, Boqor ama Madaxweyne kale kama qeybgelin, taasi waxay muujineysaa Xasan Sh. Maxamuud inuu weli kala saari la’yahay farqiga u dhexeeya Madaxweyne Qaran iyo Madax NGO. Xasan Sh. Maxamuud waa inuu fahmaa murtida leh ‘meel kasta ka maadeeye waa magac-beelaa’ iyo ‘meeshii saantaadu ku badato suuradaada ayaa ku xumaata’.. Arrimaha dibedda Agaasime ilaa Madaxweyne ayaa la shiraya, diyaarad kasta aniga ayaa kursiga VIP fadhiya, markey arrimaha gudaha joogtana ‘Karaani ilaa Wasiir aniga ayaa amarsiinaya, shaqada qaranku waxay u qeybsan tahay Abgaal iyo Islaax, Villa Somalia waa Villa Abgaal, shaqaaluhu waa Abgaal iyo Islaax, haddii dowladnimadu sidaas tahay waa cilmi cusub oo Damul-jadiid dunida kusoo kordhiyeen. Waa suurtagal in dowladda Damul-jadiid sidaas ku socoto, sababtoo qorrax kasoo baxa ilaa qorrax u dhac caalamka oo dhan waxaa laga waayey Soomaalida mooye ummad 23 sano dowlad la’aan noolaan karta, sidaas awgeed nidaamka Soomaaliya adduunka kusoo kordhisay oo ah in dowlad la’aan in la noolaan karo, waa cilmi cusub oo u baahan in buugaag laga qoro oo jaamacadaha laga dhigo. Nidaamka cusub ee Damul-jadiid waxaan ku soo gunaanadayaa erayadii Yamyam ku habaaray Xuseen Caydiid iyo jiiftada hoose oo aan ku kordhiyey:
Lagu furay lagaa furay,

Furtaye lagaa furay,
Faraqaaga la mari.

Wax feynuusta lagu shido,
Adigoo  ka fara-maran,
Dameer faraw kasoo raac.

C/qaadir Xersi Yamyam

Dudun ciid ka mayr iyo,
Ka-dar dib dhal baa timid,

Kuwa damcu waaloo,

Danta guud ka bayroo,

Dawarsigu la wacan yahay,

Dowladnimadu koox tahay,

Daqligu qoys u xiran yahay,

Dakanadu hal-beeg tahay,

Daqar  aan  qaboobeyn,

Qabyaaladi dastuur tahay,

Daneysigu ku hodon yahay,

Dib-ka-naax xildhaan yahay,

Dable janan dallacay yahay,

Nindoorkuna damiin yahay,

Doqonkuna fariid yahay,

Darxumadu wanaag tahay,

Daryeelkuna ku diim yahay,
Darandoori qarax  yahay,
Dambiluhu shariif yahay,

Degi-maayo  reerkuye,

Waxba yaan la daaline,

Dowladnimo ma socotee,

Dib u fiiri shaqallada,

Dalka oon wax loo qaban,
Diyaaraad layska raaciyo,
Dalxiis layska aadiyo,
Dollar layska qaataa,
horey noo dilootaye,
Tani dowlad maahane,
Allahayow mid daacadah,

Naga  saarta  diiftan,
Dam-jadiid ka khayr roon,
Soomaali ugu  deeq. Aamiin

Ibraahim Sh. C/weli 

XADIIS AAN LA FAHMIN

Boqol sano ka hor aqoonta Soomaalidu waxay ahayd barashada diinta oo waxaa laga cilmi doonaan jirey seddax meelood: Xifdinta Qur’aanka waxaa loo aadi jirey Baardheere & Diinsoor, Cilmi Xadiiska iyo fahamka Carabiga waxaa loo aadi jirey Galbeed ilaa Harar, Axkaamta iyo fasirka Fiqiga waxaa loo aadi jirey Warshiikh. Habdhaqanka Madaxweyneyaashii dalka soo maray sida laga fahmi karo, beesha Mudulood Xadiis iyo Carabi kama soo baran Galbeed iyo Harar. NABI MUXAMED “SCWS”  wuxuu yiri “iimaanka Abuubar Sadiiq ‘RC’ waa ka weyn yahay iimaanka muslimiinta kaloo dhan”. Xadiiskaas Mudulood si khaldan buu u fahmey, sababtoo ah: Madaxweyne Aadan Cadde wuxuu aaminsanaa Maxamed Abshir inuu Soomaali oo dhan ka caqli badan yahay oo salaadda subax inay 2 rakco tahay Maxamed Abshir ayuu weydiin jirey. Madaxweyne Shariif Sh. Axmed wuxuu aaminsanaa Shariif Sakiin inuu Soomaali oo dhan ka caqli badan yahay oo salaadda maqrib inay 3 rakco tahay Shariif Sakiin ayuu weydiin jirey. Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud wuxuu aaminsan yahay Faarax Topaz inuu Soomaali oo dhan ka caqli badan yahay oo salaadda casir inay 4 rakco tahay Faarax Topaz ayuu weydiyaa. Abuubar Sadiiqa Mudulood waa tiro badan yahay ee Allow siirada Rasuulka iyo cilmiga Axaadiista fahamsii “aamiin- aamiin- aamiin- aamiin”

W/Q: Ibraahim Sh. Cabdiweli (Abu Xaniifa)

Xaniifa77@yahoo.com   

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Tags:

VIDEO NEWS


Source: Fubo

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks