Haraggu (Maqaarka) Wuu Hadlaa: (Mucjisada Quraanka Kariimka ah)

Haraggu (Maqaarka) Wuu Hadlaa: (Mucjisada Quraanka Kariimka ah)

9
SHARE

Maalin waluba waxaa soo ifbaxa cilmi cusub oo lagu gaara ogaanshihiisa tiknooloojiyadan casriga ah, kaasoo hortiis lagu xusay Quraanka 1400 sano kahor. Markastoo xaqiiqa cusub la iktishaafaba jaa’ waxaad xaqiiqadaasi ka heleysaa ayadoo Quraanka kariimka ah dhexdiisa ku diyaarsan. Taasoo Ilaahay mar sii horreysay uu ka warramay.

(وَمَنْ أَصْدَقُ مِنَ اللَّهِ قِيلًا)
[النساء: 122]

”Oo yaa kaga run badan Ilaahay dhihid hadal”? Suuratu Al Nisaa: 122d

Quraanka kariimka ahi xarafkastoo kamid ah iyo kalmad kasta iyo aayad kastaba waxay xambaarsan tahay mucjiso cilmiyeed, mid balaaqa iyo raqameed cajiib ah. Aayadaha mudan in la dul istaaga oo lagu taddabura ayaa waxaa kamid ah qowlka Alle sarreeye markuu oranaya.

(وَيَوْمَ يُحْشَرُ أَعْدَاءُ اللَّهِ إِلَى النَّارِ فَهُمْ يُوزَعُونَ (19) حَتَّى إِذَا مَا جَاءُوهَا شَهِدَ عَلَيْهِمْ سَمْعُهُمْ وَأَبْصَارُهُمْ وَجُلُودُهُمْ بِمَا كَانُوا يَعْمَلُونَ (20) وَقَالُوا لِجُلُودِهِمْ لِمَ شَهِدْتُمْ عَلَيْنَا قَالُوا أَنْطَقَنَا اللَّهُ الَّذِي أَنْطَقَ كُلَّ شَيْءٍ وَهُوَ خَلَقَكُمْ أَوَّلَ مَرَّةٍ وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ)
[فصلت: 19-21].

Markaynu aqrinna oo aanu dul istaagna misna aan ku taddaburna aayadahan qiimaha badan, waxaa lama huraan ah inaan is weydiinna su’aalo dhowr ah oo ay kamid yahiin, sidee bay indhahahu iyo maqalka iyo haragguba ay u hadlayaan? Sidee bay wax waluba u hadlayaan? Muxuu Ilaahay xaqiiqadan ugu warramay kitaabkiisa?

Arrimahan weeye waxa aynu qeexi doonna oo aanu baxthin doonna hadduu Eebbe idmo, saa waxay u dhawdahay inaan kamid noqonna kuwii Ilaahay uu xaggooda ka yiri

(إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ الَّذِينَ إِذَا ذُكِرَ اللَّهُ وَجِلَتْ قُلُوبُهُمْ وَإِذَا تُلِيَتْ عَلَيْهِمْ آَيَاتُهُ زَادَتْهُمْ إِيمَانًا وَعَلَى رَبِّهِمْ يَتَوَكَّلُونَ)
[الأنفال: 2].

 ”Mu’miniinta dhabta ahi waa uun kuwa marka Ilaahay la xuso, ay gilgilato (cabsato) quluubtoodu, markii lagu dul aqriya aayadahiisana ay iimaan u kordhiso, ee Rabbigooda uun talo saarta”. Al Anfaal: 2d

Waxaynu wada ogsoonnahay in haraggu uu yahay xubinta ugu weyn ee jirka, uuna ka ilaaliya wasakhda, bahallada, kuleylka, dhaxanta iwm. Haraggu waa xubin aad muhiim ugu ah noolasheenna, wuxuuna ina siiyaa faa’iidooyin badan oo aanan lasoo koobi karin. La’aantiis haraggu noolashu ma inoo suurto geli lahayn, haddii ay suurto gashana ma raaggi lahayn, ayadoo silac iyo dhib ah. Sidaa daraaddeed baa Ilaahay Quraankiisa uu dhowr meel uga xusay xubintan qaaliga ah.

Culimada casriga ee ku talaxtegtay culuumta sayniska iyo casriga tiiknoloojiyada, ayaa waxay sanadadii dhawaa iktishaafeen xaqiiqa daahil ah oo aad u cajiib ah. Mar ay baaritaanno ku sameynayeen si ay xal ugu helaan xanuunka loo yaqaan Sarataanka (Kansarka) ee kudhaca haragga, ayaa si kedis ah waxay heleen xaqiiqa cajiib ah oo ku tacalluqda haragga.

Natiijada baaritaankaasi ayaa lagu sheegey haraggu inuu leeyahay unugyo cajiib ah, oo lamid ah kuwa maqalka iyo aragga. Waxay culimadu sheegeen unugyada haraggu inay leeyahiin daakiriyaat (xasuus qor) lamid ah sida Kumbiyuutarka oo kale, oo ay keydiyaan ficillada iyo dhammaan qusuusiyaadka qofka bini Aadamka ahi uu falaya. Culimadani oo daba gal aad u dheer ku samaysay baaritaannadoodii dhanka haragga, ayay ku ogaadeen unugyada haraggu inay sameeyaan dhawaq soo noqnoqda oo aanan la fahmi karin waxa uu sheegaya. Waxaanay ka sameeyeen cajallado iyo sawirra ay u adeegsadeen mikrooskoobka. (Sawirka aad ujeedda waa skin speaker-ka ay ka sawireen arrintaas).

Boqolkiiba 95 kamid ah unugyada haragga ayay sheegeen inay qaabilsanyahiin keydinta ficillada iyo dhawaqyada uu qofka Insaanka ahi sameeya, iyadoo shan boqolkiiba ay iyana dhiibbaan midibka, oo ay siiyaan haragga maadada Melanin, ee siisa jirka midibkeeda.

Keydka ay ficillada iyo dhawaqyada qofka ku keydiyaan unugyadaasi ayay culimadu sheegeen inuu yahay mid uu haraggu ku caawiya maskaxda inuu u gudbiya macluumaatka ay unugyadaasi keydinayaan. Marka loo eega daakiriyaadka maskaxda iyo kan haragga waa wax aad u kala fog ayay yiraahdeen culimadaasi, waayo haragga waa ka xasuus iyo keydin badan yahay maskaxda. Tanina waa xaqiiqa ay dhawaan ogaadeen culimadaasi.

Bal u rumey adiga warkooda, oo haddii haragga uu ku sarma oo nabar kaaga dhaca miyay fududdahay inaad nabarkaasi illawda weligaa? Laga yaabaa haddii uu kuu bogsada xataa inaad weligaa xasuusnaato.

Sidoo kale culimadani ayaa ogaatay in jirka qofka oo ay ku dhacda cadceedda ama dabaysha fitra dheer (muddo dhowr saacadood ah) ay sababi karta inay dhintaan qaar kamid ah unugyada haragga, taasoo keeni karta in haraggu uu kudhaca xanuunka loo yaqaan Sarataanka (Kansarka haragga). Waxay sidoo kale isla sadarkaasi ku sheegeen in xaaladdaasi ay u nugushahay qofta haweenta ah oo boqolkiiba 50 ay kaga nugushahay ninka in uu ku dhaca cudurkaasi, haddii ay jirkeeda u bandhigta cadceedda iyo hawada.

Bal ta’ammula halkaan, oo si weyn u fiiriya, kadibna is weydiiya ”Muxuu Ilaahay u amray inay haweentu jirkeeda asturta”? Ma ahan oo qura xukun iyo amar Rabbaani ah oo lagu faral yeelay qofta haweenta ahi inay jirkeeda asturta, laakiin xukun kasta iyo sharci waliba oo Alle inoo soo dejiyey waa wax caafimaadkeena iyo nolasheenna iyo aayaheenna u roon, oo wax tar inoo leh.

Waa halka uu meela badan Ilaahay ka leeyahay marka uu xukun iyo amar inooga warramaba

‘ ذَلِكُمْ خَيْرٌ لَّكُمْ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ ”

”Sidaas baa idiin kheyr roon haddii aad wax ogtahiin”. Al Cankabuut: 16d

Mar ay ka hadlayeen dhibaatooyinka iyo qaababkooda ay kusoo gaaraan unugyada haragga ayaa waxay yeesheen haddii ficillada xun xun ee qofku ay bataan, ama hadallada aanan faa’idada lahayn iyo beentiisa ay badata, waxaa markaasi sida meyd oo kale noqdo khilaayaad badan oo kamid ah kuwa haragga, sidoo kale waxaa kudhici kara haraggaasi xanuunnada is cun cunka iyo kansar maqaareedka iyo xanuunno kale, taasoo akhiiran ay dhici karta in qofkaasi uu xamili kari waayo hadallada qaboow iyo ereyada runta iyo xaqiiqada ah. Baddalkeedana uu ka door bida beenta iyo xumaanta, maadaama uu qabatimay.

Waxay sheegeen in lagula tacaali kara cudurrada noocaasi ahi qofka oo wanaajiya ficilladiisa iyo nadaafaddiisa, iyo hadalladiisa, taasoo runtii markaynu eegno ah arrin aad cajiib u ah cilmigan ay culimada ka ogaadeen dhanka haragga.

Bal ka warrama hadduu Quraanka inooga warramay arrinkaasi, isagoo ina baraya in khilaayaadka (unugyada) haragga lagu dabiibo hadalka wanaagsan (kitaabka Ilaahay) oo ay ku khushuucaan lana jiriracoodaan unugyada markay maqlaan.

Waa kan Ilaahay oo arrinkaasi inooga warramaya wuxuu yiri

(اللَّهُ نَزَّلَ أَحْسَنَ الْحَدِيثِ كِتَابًا مُتَشَابِهًا مَثَانِيَ تَقْشَعِرُّ مِنْهُ جُلُودُ الَّذِينَ يَخْشَوْنَ رَبَّهُمْ ثُمَّ تَلِينُ جُلُودُهُمْ وَقُلُوبُهُمْ إِلَى ذِكْرِ اللَّهِ ذَلِكَ هُدَى اللَّهِ يَهْدِي بِهِ مَنْ يَشَاءُ وَمَنْ يُضْلِلِ اللَّهُ فَمَا لَهُ مِنْ هَادٍ) [الزمر: 23]

”Alle baa soo dejiyay kan ugu fiican hadal (Quraanka), kitaabbuu soo dejiyey isu eg oo soo noqnoqda, oo ay la qamaanyoodaan haragyada kuwa Rabbigooda ka cabsada, markaasay la jilci haragyadooda iyo quluubtooduba xusuusta Alle, arrintaasina waa hanuunka uu Alle ku hanuuniya cidduu doono, cidduu Alle dhumiyana ma jirta cid hanuunin karta”. Al Zumar: 23d

Hadday xuseen in haraggu uu hadla, oo uu leeyahay unugya u qaabilsan maqalka iyo keydinta, sida kuwa aragga iyo maqalka oo kale, innagu waxaa taasi inooga warramay Quraanka kariimka ah 1400 sano kahor, markuu Ilaahay inooga warramayay xaaladda Qiyaamaha iyo sida uu u hadli doono haragga. Alle sarreeye wuxuu yiri

(وَيَوْمَ يُحْشَرُ أَعْدَاءُ اللَّهِ إِلَى النَّارِ فَهُمْ يُوزَعُونَ (19) حَتَّى إِذَا مَا جَاءُوهَا شَهِدَ عَلَيْهِمْ سَمْعُهُمْ وَأَبْصَارُهُمْ وَجُلُودُهُمْ بِمَا كَانُوا يَعْمَلُونَ (20) وَقَالُوا لِجُلُودِهِمْ لِمَ شَهِدْتُمْ عَلَيْنَا قَالُوا أَنْطَقَنَا اللَّهُ الَّذِي أَنْطَقَ كُلَّ شَيْءٍ وَهُوَ خَلَقَكُمْ أَوَّلَ مَرَّةٍ وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ)
[فصلت: 19-21].

”U sheeg gaalada maalinta lagu kulmin doono kuwii la colleytamay Alle xagga naarta iyagoo is cidhiidhiyaya. Markay yimaadaanna uu ku marag furayo maqalkooda (dhegaha), araggooda (indhaha) iyo haraggooda wixii ay fali jireen. Markaasay ku oranayaan haraggoodii oo maxaad inoogu marqaati fureysaan? Markaasay hargihii oranayaan waxaa inaga hadliyey Allaha ka hadliya wax waliba, waana asaga (Allaah) kii markii horeba idin abuuray, xaggiisaana la idiin celin. Fusilat: 19d- 20d.

Subxanallaah!! Quraanka wuxuu ka warramayaa wax uu bini Aadamka la yaabi doono, waayo adiga aqriste haddii aad leedahay saddex walaalo kuu ah, oo labo kamid ah aad ku tuhmeysa inay mar waliba wax kaa sheegaan ama kushirqoolaan, amaba been kuusheegaan, halka midka kalena aanad uga baranin inuu wax xun kaa sheega, haddii mar ay saddexduba wax kaa sheegaan oo ku shirqoolaan, labadii aad horey ugu tuhmeysay ma aadeysid oo toos waxaad abbaareysaa adigoo yaabban kii aanad marna horey uga fileyn waxaas, waxaadna oranaysaa war hooge, maxaa, maxaad sidan ii yeeshay? Maxaad ii dacweysay? Maxaad beenta iiga sheegtay?

Sidaas oo kale maalinta Qiyaamaha qofka bini Aadamka ahi lama yaabi doono maqalka iyo aragga oo ku marqaati furaya markuu arka, waayo wuxuu ogaa inay labaduba maqli jireen oo arki jireen, laakiin wuxuu la yaabi doonaa haragga hadlaya, oo uu markaasi oran doonaa, war maxaad inoogu marqaati kacaysaan? Haraggiina waa u jawaabi doonaa oo oran doonaa waxaa inaga hadliyey Ilaaha wax waluba ka hadliya.

Waxaa haddaba is weydiin mudan aayaddu waxay tilmaantay kalmad oranaysa ”Wixii ay fali jireen”, taasoo tilmaamaysa in haraggu uu wax waliba keydinaya oo uu ka warrami doona maalintaas, isagoo ku marqaati furi doona saaxiibkiis. Haddaba miyaanay tani ahayn mucjiso Rabbaani ah oo Ilaahay ku xusay kitaabkiisa xilli aanay munaasab ahayn in cilmigaani oo kale la hela (1400 sano kahor)?

Xaqiiqadan maanta la heley ayaa Quraanku wuxuu ka warramayaa 14 qarni ka hor, isagoo si mandaqi ah oo cilmeyeysan uga warramaya. Subxanallaah!!!.

Intan oo qura maahan xaqiiqada laga ogaaday haragga, laakiin waxaa jirta mid tan horteed la iktishaafay, taasoo ahayd in haraggu uu yahay dareenka ugu weyn ee bini Aadamku uu ka hela xanuunka. Insha-Allaah waxaanu rajayn doonnaa in taasina aan ku qaadaa dhigi doonna ciwaan iyo qorma gaar ah hadduu Eebba idmo.

Intaanoo cilmi ah markaynu ka warranno, oo haddana aynu ogaanno in Quraankeennu waxani horey ugasii warramay, xilli aanay suurto gal ahayn in la hela cid ka warrami karta macluumaadkan iyo cilmigan baahirka ahi, waxaa inoosoo baxaysa in caalamku immika uun kusoo baraarugaya xaqiiqaad badan oo malaayiin ah oo Quraanka horey uga warramay. Waa halka ay ku Islaamayaan maalin waluba culima badan oo kamid ah kuwa ku taqasusay culuumtaan iyo baaritaannadooda. Mana awooddi doonna kulaha Muslimiinta haddaynu nahay mucjisadan iyo aayad kastoo kamida Quraanka markaynu aqrinnaba inaynu niraahno Subxaanallaah!! mooyaane wax kale.

Alle baa mahad iskaleh innaga dhigay ummad Islaam ah. Cilmi oo dhami haddaad rabta u noqo Quraanka asaga ayaad ka heli doontaaye.

WQ: Mohammed Tahir Abdi
Email: [email protected]

_____________________________________________________________

Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimada.com, lama daabacan kara idan la’aan

SHARE