Hagbad siyaasadeedka Baarlamanka.

December 2, 2012 6:05 PM3 commentsViews: 3

Hagbad, shaloongo ama ayuuto magaca aad doontaba ugu yeer waa un lacag ururtay oo leysku darsaday isla markaana iyada oo kuusan uu hal qof qaato, taas oo aan cid kale kala dhaxeyne uu danihiisa gaarka ah un ku fushado door wareegeedana ay inta badan dumarku xeer wadaag ku yihiin, waxaase iminka soo muuqanaya dhaqan aan ugu magac dari karno hagbadda ama ayuutada mudanayaasha gaar ahaan xildhbaannada qurba juugta ah qaarkood!.

Tooshku wuxuu ifinayaa xildhibaannada lagu soo xulay qaab beeleedka ee aan ku imaanin codka shacabka, hab dhismeedkoodu inuu ahaa yididiilo cusub oo rajo wanaagsan laga filayay, laakin hab dhaqan koodu waa damac aan qarannimo marnaba hiil u noqoneynin oo toosin iyo in laga saxo aan sinaba looga maarmeyn.

Sababtu maxey tahay?.

Dal burbur iyo dhibaato 22 sana ah ka soo kacay bey kudladdani nasiib u yeelatay in ay xilbaanno u noqdaan, iyaga oo ay tiradoodu tahay 275mudane oo ah tiro aad u badan oo culeys ku ah shacab aan ka badneyn 10milyan. Haddaba halkii laga filayay in ay guntiga dhiisha isaga dhigaan oo ay samir iyo waddan jacayl ku shaqeeyaan, ayey afka kala furteen, waxeyna codsadeen in xildhibaan kasta uu bil waliba mushahar ahaan u qaato ( $ 2000 )oo doollar, taas oo bil kasta noqoneysa ( $ 550,000 ) oo doollar, lacagtaas oo ah nus malyuun iyo dheeraad canshuurtii dalka ah isku duub ahaanna sanadkiiba noqoneysa adduun dhan ( $ 6,600,000 ) lix malyan iyo lix boqol oo kun oo doollar.

Su’aashu waxey tahay muwaadinka soomaaliyeedow lacagta intaa le’eg dalkaaga bil waliba ma ka go’i kartaa, iyada oo ay maatida soomaaliyeed baahi la daalaa dhacayaan, iyo iyada oo uu weli dalku burbur la il daran yahay dib u dhiskiisa iyo dib u soo nooleyntiisuna aanay weli fari ka qodneyn?, haddaba marka si kale loo eego fikirkaasi sow uma muuqdo ” in la i doorto danbaa iigu jirtay?”.

Xildhibaannada qurba joogta ah qaarkood waxey sameeyaan ama ay qaatan fasax iyo maqnaasho dhowr bilood ah, iyaga oo marka ay dalka dib ugu soo laabtaanna qaata lacago fara badan oo u ururay, taas oo la mid noqoneysa hagbaddii ururtay ama ayuutadii la keydsaday, qaarkoodna waxaaba laga yaabaa ineysan sanad dalka dib ugu soo laaban oo ay howlahoodii iyo ganacsigoodii iska sii wataan, iyaga oo ku tashanaya la xisaabtan la’aanta jirta waase fal u qaab eg “xor baan u ahay xoola qaadashada”.

Ugu danbeystii xikmad baa oraneysa ” mukulaasha ama bisadda, wax korkeeda taabto waxey ugu neceb tahay biyo, wax ay cuntana waxey ugu jeceshahay mallaayga ama kalluunka”, su’aashu waxey tahay haddii ay biyo neceb tahay sidee bey kalluun ku heleysaa?, waa su’aal is weydiin mudan oo u dhiganta haddii aad xil gudashada neceb tahay sidee baad xildhibaan ku tahay?.

Aaan ka guurno qabiilka aan u guurno qarannimo. Aan baranno xalaasha aan ka tagno xaaraanta. Aan qaadanno nabadda aan ka gudubno colaadda. Aan ku dhaqanno caddaaladda aan ka tagno dulmiga. Yaanan ku mashquulin dhaqaale urursi ee aan eegno danta ummadda. Aan gudanno waajibaadka xilka aan illowno mas’uuliyad xumida.

W/Q: Fanaan Bashiir Cali Xuseen.

Barbaariye@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga u saxiixan.

VIDEO NEWS


Source: Fubo

3 Comments

  • runti wa maqaal fiican iyo ra’yi saliim ah oo xog badan xambaarsan, waxanse qabaa si loo helo wax qabad hufan wa in laqanciyo xildhibaanada o aan ognahay inay hadda duruuf adag kushaqeynayaa, tusale waxa inogu filan wadamada aan jaarka nahay, gaar ahaan kenya o lagu tiri inay xitaa wadamada rer galbeeda ama barwaqo sooran ka gunno badanyihin, hase ahaatee waxa la eegayaa hadafka gunno ee loo qaatay, waa inay ilaaliyaan sharciga iyo shacabka rabitaankooda, iyagoo intaas kaduulayo dowlada kula xisaabtamaan, hadi aanay hawl qabanin kadib gunnadaas uma qalmaan, laakin aan isweydiine maanta 2000$ maxay uqaban xildhibaan laga sugayo inuu xisaab lasoo fariisto, aqriyo qoraalada kusabsan wxqabadka dowladda, mawaxaan kasugayna inay hand out madaxda sar sare udoontaan maadaama aanay awood ulahayn inay dabaraan maalin joogooda.

    xaqiiqdi waan taageersanahay xitaa hadi aanay shaqo qabanin si amaankooda loo sugo waayo wa nagu ceyb in xildhibaanada la ugaarsado magac kasto haku yimaadeene.

    ma ahi xildhibaana waxanse ka danqanaya wadankayga hooyo oo aan rajeynayo in xildhibaanada iyo kuwa hada dowladda kujira ay mudah=nyihin in la garab istaago wax kasta oo ay noqotaba.

  • markka hore qoraa bashir waan kus alamayaa marka labad bashir waxa tahay qof aan isku xafad ku dhalanaay o omacquul aha ee ma waqtiga aya ku badelay sxb xiligan ma ha xili qof la dacayadeyo ama xuaman dadka lo bidhamiyo maxaa yelay wadaniyada dhabta ah waxey tahay in hadiba 23 ki sano oo ciqabta ahed laga gudbay 4 sano o oyara dhanto in aan wax la iftimin wa laga gudbayana hadu dlaka nabad noqdo xildhiban kasto magaladisa ayaa laag so doranayaa weliba mid mesha laga so dortay waxx u qabanayo o ay la xisab tamayaan marka hada ayaan dhalanay socod barad ayaan naahay ma ordi karno bashir ha dag dagin aqliga ha taliyo ma jecli in an kugu dherado
    tan labadan bashir sado xildhiban bey noqotay adi maaxa ku jifiyay si barlamanka aad wanagaas uga dhax shegtid

  • baar lamaan qab qable fadhikudirir siyaasi waxgarad aqoon yahan hal door nadoon
    madaxweyne yaal hadii somali wax shacab ah laga waa yay dad kiina ay kuli saan noqden xogaagii soo harayna leyiin ganacsade ayaan ahay ama wariye website kaas leh ayaan ahay wax walbana waa soo qorayaa aqoonteedna malihi mana xishooda dantayda iyo tan rer kayga ayaa ku jirta in aan waxaan doono soo qoro wax ila xisaatamayana majiraan .

    yaala xukumayaa su’ ashaas markii laga jawaabo ayaa xal imaanayaa?

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks