Gen. Carter Ham “Marka aan eegno xaalka Somalia, Mareykanka waxa uu doorbidayaa hal xal”

December 5, 2012 12:01 AM2 commentsViews:

General Carter Ham oo Mareykanka mas’uul uga ah xiriirka Milatari ee uu la lee yahay dalalka Africa, ayaa ka hadlay xalaada iminka Al-Shabab ay ku sugan tahay kadib dagaalo aan loo kala harin.

Waxa uu yiri “Shabaab iminka waa bur bur, laakin weli waxbaa haray”.

General Ham oo la weydiiyay sida Mareykanka ula socdo xaalka Somalia iyo haddii ay jirto suurtagalnimo ah haba yaraatee inay faragelin milatari ku sameeyaan, waxa uu yiri “taasi ma dhici doonto”

“Marka aan eegno xaalka Somalia, Mareykanka waxa uu doorbidayaan hal xal oo ah xalka African ah” ayuu yiri.
Waxa uu yiri inay muhuim tahay in Africa ay ayadu xalisato dhibbaatooyinkeeda.

“Waxaan u maleynaa dadaaladeena ugu wanaagsan waa marka aan taageerno sidii aan dalalka Africa iyo ururada gobolka ugu guuleysan lahaayeen xalinta dhibka qaaradda”

“Guusha ay Africa ka gaareyso dagaalka Al-Shabab ee Somalia, waxa uu cashar wanaagsan u yahay dhibaatooyinka mustaqblka ee Qaaradda” ayuu yiri General Ham.

Waxa kale oo uu walaac ka muujiyay xiriirka sii kordhaya ee ka dhaxeeya Al-Shabab iyo mintidiinta kale ee qaaradda Africa, sida Kooxa Baku Xaram ee dalka Mali, isaga oo sheegay in Mareykanka iyo Yurub, QM iyo Africa ay iska kaashan doonaan bur burinta kooxahaas.

2 Comments

  • muslimiinta somaliyeed ha sabraan waayo waxaa soo dhow markii gaalada lacirib goyn lahaa oo aduunka dhan islaamka wada xukumi lahaa insha allah waa goor dhow salaada iyo soonka alla kacabsiga badiya xaaraanta iyo qurunka iska daaya si alle sharaftii muslimiinta inoogu soo celiyo maanta waad ujeedaan islaamka oo dhan gaaladiibaa sey doonta kayeeleysa waana ihaano anaga hadaan somali nahay kuma sii jirno waayo gaala kuwii ugu liitay ayaanu maanta hoos fadhinaa sey rabaana naga yeela allow somali adaa umaqan ee umaciin bid allow gaalada duliyey oo sharaftii muslimka soo celi aamiin yaa rabi

  • bismila magacaygu waa cabdilahi marka hore buko haram maha mali waa nigeria wan ku saxayaa takale nimankan gaaladu waa kuwa maanta wadamo badan oo muslim ah dhaama tusaale hadaad eegto dadkoodu waxa ay ku nool yihin nabad waxaana u keenay waa siyaasiyiintooda iyo dadkoo wax la baray maxaa looga laayahay muslimka sidaa diin uun yaan la nicine waxa wacan ee ay sameeyaan ha loo qiro maanta aduunka muslim ka oo dhan meel walba oo ay joogaan waa gubanayaan why? muslimku ha isku noqdo malaha kii la yaqaanay maahee thnkz all

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks