Ganacsatada oo diiday codsi muhiim ahaa oo kaga yimid kooxda Al-Shabab

January 5, 2013 8:09 AM0 commentsViews:

Madaxda al-Shabaab ayaa fayday dhaqaalo xumida kooxdooda haysata kaddib markii dalabaad is daba jooga ah dhawrkii bilood oo ugu danbaysay ay ka codsadeen qabaailka Soomaalida iyo ganacsatada inay siiyaan kaalmo dhaqaale oo ay ku fuliyaan dhaqdhaqaaqooda argagixiso, sida ay sheegayaan falanqeeyayaasha Soomalaiyeed ee dhinaca siyaasadda iyo u kuur-galayaasha.

Farriin maqal ah oo Diseembar ay sii daysay Hay’adda Warbaahinta ee al-Kataib, oo ah qaybta warbaahinta ee al-Shabaab ayaa hoggaamiyaha al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, oo loo yaqaano Mukhtaar Abu al-Zubayr, uu si cad u qirtay in dagaal yahaniinta al-Shabaab lagu jabiyay dagaalo is bada joog ah oo ay kula jireen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa huwanta. Fariintaas, ayuu kaga codsaday shacabka Soomaaliya inay garab istaagaan ayna taageeraan dhaqaale ahaan kooxdiisa.

“Waxaan rabaa in aan u sheego dadka muslimiinta ah ee Soomaaliya in ay garab istaagaan mujaahidiinta daacadda ah ee waddankooda ayna lacag siiyaan si ay ugu dagaalamaan in ay Islaamka difaacaan,” ayuu yidhi.

Cali Maxamed Xasan, oo ah wakiilkii hore ee al-Shabaab ee gobalka Banaadir, ayaa ku booriyay Diseembar 25-teedii in shacabka Muqdisho iyo ganacsatadaba ay siiyaan kaalmo dhaqaale al-Shabaab si ay u maalgaliso dhaqdhaqaaqyadooda milatari. “Waxaan ka codsanaynaa ganacsatada in ay taageeraan mujaahidiinta lacagtoodana ay ku siiyaan magaca Alle,” ayuu yidhi.

Xataa bilo ka hor markii lagu jiray Juunyo, ka hor intaysan kooxdan waayin magaalada muhiimka ah ee Kismaayo, ayaa Godane ka codsaday qabaailka Soomaaliya in ay taageeraan kooxdan milatariga ah dagaalka ay kula jiraan dawlada Soomaaliya. Wax ka yar hal usbuuc kaddib, ayaa Yuusuf Sheekh Ciise, oo ah hogaamiyaha al-Shabaab ee gobalka Shabeelada Dhexe, ka codsaday qabaailada iyo ganacsatada inay tabarucaad lacageed siiyaan hawlgallada kooxdan.

Dayacaad Maaliyadeed

“Kooxdan xag jirka ah ee al-Shabaab ayaa hadda maraysa wakhtigii ugu xumaa ee xaga dhaqaalaha ee muddo dheer soo mara, codsiyada ay soo cel celinayaan ee ay ka codsanayaan qabaailada Soomaaliya iyo ganacsatadu inay siiyaan deeq lacageed waxay ku tusaysaa dhibaatada dhaqaale ee haysata,” ayuu yidhi Cumar Faarax oo ah tifaftiraha Carabiga ee Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliya.

“Waxaa kale oo jirta inaysan awoodin in ay maalgaliyaan hawlgalladooda argagixiso markii la fiiriyo dhaqaalo xumida haysata, taas oo sababtay daciifnimada iyo hoos u dhaca kooxdan,” ayuu  sheegay.

Waraysi uu siiyay wargayska ka soo baxa London ee al-Hayat bishii Diseembar 29-keedii, ayuu Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay in dhicitaanka al-Shabaab uu dhaw yahay. “Al-Shabaab ayaa bilawday inay kala jajabto kalana bax baxdo,” Maxamuud ayaa yidhi. “Maamulkoodii dhexe ayaa la jabiyay, dagaalyahaniintoodiina waxay bilaabeen in ay cararaan.”

“Milatari ahaan al-Shabaab waa daciif mar dhawna in la jabiyo ayaa laga yaabaa, laakiin dhibaatadu waxaa weeye in la cidhib tiro fikradooda xag jirka ah markii [dadaalyahaniintoodu] ay shacabka dib ugu soo laabtaan,” ayuu yidhi.

Isku daygii ugu dambeeyay ee ahaa in ay dhaqaalo ururiyaan wuxuu ku taagnaa taageeridda qabiilka mana ahayn mid fikradeed, taas oo sii cadaynaysa dhibaatada dhaqaale ee wayn ee al-Shabaab haysata iyo naf lacaarinimadooda, Maxamuud Yuusuf oo falanqeeye dhinaca siyaasadda ah ayaa sidaas yidhi.

“Al-Shabaab waxay wayday saldhigii dhaqaalaheeda illaa iyo markii xubnaheeda laga saaray Muqdisho, Kismaayo iyo xarumihii kale ee ganacsiga, kuwaas oo siin jiray dakhli fiican oo kaga imaan jiray dhinaca canshuurta,” Yuusuf ayaa sidaas yiri. “Sababtan awgeed, ayaa kooxdan si naf lacaarinimo ah u cuskanaysaa qabaailada Soomaaliya qaarkood iyo ganacsatada si ay isugu daydo in ay dhaqaalo u hesho hawlgalladeeda milatari.”

Ganacsatada oo diiday codsiga al-Shabaab

Xasan Maxamed, oo ah ganacsade reer Muqdisho ah, ayaa sheegay in codsiga al-Shabaab ee ganacsatada inay maalgaliyaan halwgaladooda argagixiso ay ku dhici doonaan dhago daboolan.

“Ganacsatada qaarkood ayay cuslaysay hanjabaada al-Shabaab iyada oo kooxdan ay lacagta ku qaataan si xoog ah kuna andacoodaan inay tahay zako ama magaca jihaad been ah,” ayuu yiri Maxamed. “In aad qof qarqisid kadibna isla qofkaas aad waydiisato kaalmo isagii oo hafanaya caqli ma aha. Codisga al-Shabaab ee ganacsatada in ay kaalmo siiyaan wax wayn kama gadisna arrintaas.”

Mukhtaar Sheekh Cabdullahi, oo ah ganacsade jumalada cuntada ah oo jooga suuqa Bakaaraha, ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay diideen codsiga al-Shabaab ee kaalmo doonka ah.

“Al-Shaabab miyay dhisayaan iskuul, jaamacad ama meel caruurta agoonta ah lagu xanaaneeyo si ay ganacsatada u waydiistaan in ay lacagtooda ku tabarucaan? Jawaabtu iyada oo sahlan waa maya,” ayuu yiri. “Sababtan awgeed, ayay xaq darro u tahay in ganacsatadu ay lacag siiyaan argagixisada dilaya shacabka aan waxba galabsanin.”

“Waxaan rabnaa in aan u sheegno al-Shabaab iyo xubnahoodaba in ay baxsadaan anagana ay faraha naga qaadaan si aan ugu noolaano nolosheena sidii aan doonayno. Waxaan rabnaa in aan awoodno in aan si xor ah ganacsiga u samayno,” ayuu yidhi.

Isha: Sabahi Online

VIDEO NEWS


Source: Fubo

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks