Wasiirka Arrimaha dibedda Somalia ma aaminsana Midnimada Somalia (Dhageyso Wareysi ay bixisay)

November 5, 2012 1:21 PM47 commentsViews: 34

Markii aan dhageystay wareysi wasiirka arrimaha dibedda cusub ee Somalia ahna ra’iisul wasaare ku xigeen Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ay siisay idaacadda VOA-da, waan aamini waayay waxa dhagaheyga maqleen.

Fowsiya ayaa laba mar si cad uga leexatay inay ka jawaabto su’aal ku saabsaneyd midnimada Somalia iyo arrinta Somalia iyo Somaliland, oo ay kasoo jeedo deegaan ahaan.

Weriyaha VOA, ayaa weydiiyay su’aal ahayd “Dhowr bilood ka hor waxaad aaminsaneyd qadiyadda Somaliland iyo inay tahay dal madax banaan, iminka waxaa tahay wasiirka arrimaha dibedda Somalia, dastuurka Somalia-na waxaa ku qoran in Somalia ay tahay hal, sidee ayaad isku waafajineysaa labadaas arrin”.

Jawaabtii ay bixisay ayaase ahayd “Arrimahaas waa kuwa u baahan ka feker, wada hadal………” iyo wixii kale oo ay raacin kartay oo aad wareysiga ku maqli doontaan.

Hase yeeshee mahadi ha gaartee, weriye Haarun Macruuf ayaa markii uu arkay inay arrinta ka leex leexaneyso, waxa uu si toos ah u weydiiyay “Laakin adiga iminka waxaad aaminsan tahay midnimada Somalia, soo maahan?”

Waxaase naxdin lahaa inay Fowsiya aysan jawaab u helin su’aashaas, ayada oo soo qaadatay hadal ay u nisbeysay madaxweyne Xasan Sheikh, oo ahaa “inaysan jrin wax qasab ah”.

Haddaba nala dhageyso ceebtan aqrsite, mase kula tahay in qof aan aaminsaneyn qadiyadda Somalia, uu xilkan u qalmo?

Dhageyso Wareysiga Fowsiya.

VIDEO NEWS


Source: Fubo

47 Comments

  • Hadal siyaasadaysan ayay ku hadashay, waa gabar caqli badan waana qof isu soo dhowayn karta shacabka koofur iyo waqooyi

    • Laba arimood ha is ku qaldina!
      1) Gabadha aqoonteeda, kartideeda, iyo nasabadeeda.
      2) Jawaabtii su aasha la waydiiyay.
      Soomaalidoo dhan cayn kay doonaan ha noqdaane way wada garanayaan gabadha.
      Su aashii wariyuhu way diiyeyna way ku kashifmatay waxayna u taalaa paarlamaanka. Waxaana lagu yiraah afka qalaad (treason) haddii ay shaqsiqa shaki uga jiro midnimada wadanka. Is kabadaa qof masuul loo magacaabay maanta. Haddii ay naga qancinwaayaan mas’uuli yiinta dowlada ayaga ayaan kula xisaabtamidoonaa.

      • Caqligiinaan la yaabay Ma Waxaad rabteen inay been sheegto oo tidhaahdo midnimada Somalia waa muqadas, Bani aadanku maaha inuu runta isku naco, hadaan runta la isu sheegina waxba hagaagi maayaan, ta somaliland somalia kaga hormartayna waa runta la isku qarxinayo, waayo marka runta la sheego xal baa imanaya, inantu waa runteed, jujuub ma jiro, shacbiga Reer Somaliland iyagaa 1960gii keenay midowgii hadana ayagaa ka noqday maxaa loo sugi waayey inta ay soo hilloobayaan? oo hada way yara xanaaqsan yihiine inta ay soo caro burburayaan, iyagaa iman doona’e, sababtuna tahay ninka Reer Somaliland sida uu ugu damqado muqdisho waxaan rumaysnahay ka muqdisho u dhashay uguma damqado, waa dad hadal badan laakiinse muwaadinimadu lafaha ka gashay oo markay rabaana Somaliland u dhimanaya markay rabaana Somaliweyn u dhimanaya, markaa nimankaa Reer Sheekh isxaaq warkoodu waa cad yahay ee yaan denbi kale laga sii geline ha la sugo 100% waxaan hubaa inay imanayaane wakhtigay rabtoba ha noqotee
        Mida kale bal su’aal yar iiga jawaaba
        NFD waa part of shantii somalia, Somaligalbeed waa part of 5-tii, Djibuuti waa part of Shantii, maxaa loogu mashquulayaa reer Somaliland kuwa kaleba laguma mashquulee? bal jawaabtaa keena, anigu dhan walba ka eegayoo waxaa iisoo baxday waxaa ayaga loogu dhegan yahay afarta kale waa laga maarmaa laakiin ayaga lagama maarmo hadaan khaldanahay maxaa loogu Hibeyn waayey qaranimadooda ileen ayakaa markii horeba inoola yimide?
        Miyaanay jawaabtu ahayn lagama maarmo?
        Markaan idin leeyahay way inaga Wadanisan yihiin waxaa kuu cadeynaysa, dagaalkii xabashida ee muqdisho lagaga saaray ruuxii joogey ayaa joogaye maalin walbo intaa oo dhalinyaro reer waqooyi ah ayaa imanaysey dagaalkana dhankooda ka gelaayey, markii danbena iska laabtay,
        Abaarihii ayaka oo ayakaba abaaru xun hayaan ayay u soo gurmadeen dadkii soo bara kacay halka madaxdii reer Somalia laga kari la’aa dhaca ka daaya waxa masaaakiinta loo keenay
        inaku marwalba hadalo qalafsan ayaynu hawada u marinaa Reer somaliland ayaguse kelmed xun inama dhahaan

        • @Kamanle:

          Sxb nin Garaadleh oo kashiisu nooshayhay ayaad tahay wax badana fahmaya.Soomaalidu marka hore waa dad dhaqan,dhiig iyo dhalashaba wadaaga, dhibaatada soomaaliya waxay kaso bilaabmatay cadaalad daro (Dad cadaalad waayaa sidii cawsha kala yaacye)) marka hadii cadaalad la helo wax walba sidoodii ayay kusoo noqonayaan.

          Arinta somaliland hadaan ka hadlayo Halyey Caydiid (Ilaahay ha u naxariiste) ayaa wax reer koonfur ah oo ka garaaba aan arkay iyo Bulshada aanu walaalaha nahay ee reer Gobolada dhexe oo aanu dadka kale isaga dhaw nahay. inkasta oo madaxweyne xasan isaga laftiisu uu ka dhadhawyahay ragii ka horeeyay sida aadan cade ,cali mahdi ,CM geedi,Sh shariif iyo N Cade oo iyagu aan wax badan ka fahansanayn arinta waqooyiga.

          Qofka dhaawac qaba ee kasoo kabanaya wa la dhayaa ee qolofta lagama sii qaado, hadalada xanafta le ee ma goikartaan iyo maamul goboleed ayaad tihin dadka ayay kala fogaynaysaa , lakin hadii la dhaho nimanyahayw shalay idinkaa midnimada keenay gobonimadiniina gacanta noo galiyay ee bal waatane waanu khaldanee maanatan baabaas ayaynu ku suganee maxaa xal waxaan filayaa in meel dhexe laysugu iman karo.

  • beeshaas raggeedii waaweynaa ayaa waxba isu keeni kariwaayey ee ma naag soocadhootay baa waxa isu soo dhaweynkara? soomaalilandnawaxaa looga yaqaan beel dhuuni raac ah oo aan lexejeclo ka lahayn xagaaa (soomaaliya) iyo xagantoona(s/land).

    • Allaylehe inteedaan Kusugay , Aradka Gaaroodi,

      Marka Hore Hadii Aan Foosiya Xaaji Aadan Qabiile ,waxyar Idiinka Taataabto Cida ay tahay iyo Waxa ay gasho Ama Gudo,

      Foosiya Sida aaad lawada socotaan waxaa dhalay ,Aabihii labaad ee Tacliinta Soomaliyeed ,Waxaa ka horeeyay oo kaliya ,Inaadeerkii Maxamuud axmed Cali(Isaaq)

      Yuusuf Xaaji Aadan Waxuu ahaa ,Hal’abuur ,Aqoonyahan aan inta laxasuusto aan horena uga dhalan dibna aan uga dhalan doonin Soomaliya iyo Soomaliland,

      Yusuf waa ,Abwaanka ay maskaxdiisu kasoo maaxatay ,Heesta Qaranka soomaliyeed ee ilaa maanta wax badala ay la’yihiin Koonfurtu ,

      Soomaliyeey ,Toosoo toosoy isku tiirsada, iyo kuwo kale oo badan ,Waa abwaanka iska lahaa ,Magac bixinta Boqorada Codka soomaliyeed, Magool ,

      iyadoo ku noolaaanjirtay Gurigiisa,Waxuu ubixiyay markay Fanka Bilowday ,Magool

      Foosiya xaaji aadan ,Qudheedu waa aasaasaha Tacliinta Sare ee dalkeeda hooyo ,Somiland ,waana inan aad iyo aad u karti badan ,

      Isaaq mooyee laguma arko soomali inteeda kale wax wadaniyad iyo Dadnimo Leh , Dhuuni raac idinkaa ah,

      Gidi wax kadamqada laguma hayo Dhibkii soo socday 21 kasono wadankiina ,England ayaa imikana dawlad idiin samaysay ee wax aad dhisateen ama aad daacad katihidin maaha ,

      Horta Sooomaliyeey Waxba hays daalinina somaliland way tashatay, waanay go’aysaa,Walaahayaga ,Hawiye Iyo Dir na ma ilaawi doono Abaalkooda,

  • Aniga waxay ilatahay in Foosiyo aysan ku haboonayan hawshaas loo igmaday oo ah Raisal wasaare ku Xigeen ahana wasiirka Arimaha Dibada ee Soomaaliya, runtii xalayto markaan dhegaystay waraysigii uu la yeeshay weriyha caanka ah ee Haaruun Macruuf aad baan uga naxay wixii ay ku hadlaysay waayo wax qof somaliyeed oo xilkaas hayo ku hadlo maaha Dastuurkii JFS yana meel bay uga dhacday waxaana leeyahay raali gelin haka bixiso wixii ay ku hadashay waxaana leeyahay qof hawl qaran loo dhiibay baad tahaye maxaa Somalailand iyo beelo kugu soo celiyaya sowtii laguu diiday maaha inaad xisbi ka furato somalailand.

  • waa gabadh aad u dagan garasho dheer leh waa laga tagay xigii la odhanjirey erayada fiican sida soomaali ha israacdo ha midowdo shanta soomaliyeed ha israacdo iwm ah.waxay tiri foosiya jujuub ma jiro taa macnaheedu waa cadahay waa wadahadal iyo isfahan in la helo ma ah midnimadu xoog jawaabta gabadhu waa sax.midnimada soomaaliyeed iyo hadal been ah waxba ma tarayo laakiin soomalidu waa in ay is ogolaato oo rabitaanka shacabka la qiimeeyo maxaa yeelay?dagaalo ayaa dhexmaray walina lama heshiinin.

  • fosiya,uma bahnaa. in wax alaga shego e waxay u bahan tahay hambalyo.fosiyo waa asaasihii jaamacada hargeisa.university.waa aqoonti dalka.iyo caqligii umadan reer somaliland,sofiyo laguma eedeysn karo xil bay ka qabatay,somaliya.sababto qar hargeisa joogo o xilaal ka hayo somaliland ayaaba la haya iyaga o codsi u gudbinaya xasan shekh maxamud.kan la baxay berberawi,wuxuu u hadlayaa sida kuwa,gaas dhagoolayaasha ah,reer bu ka hadlayaa.idiiinka iyo kuwa ku nool qeyb ka mid ah hargeisa caloosha ayaad ka bugtan ee dhakhtar xoog u takaa.waxaad ka hadlaysid waa cadho ka kacday xil qabashada fosiyo xaaji aadan,alaha daaye,adiga iyo kuwa xukumada sheeganayabaa waxba kama tihiitin halkan ee nafihiina ilashadaa

  • KOLAY FIKIR AHAAN;DADKA REER SH ISAAQ WAA DAD AAN U DAYEY KARTI.RUNTIINA IYAGA OO QABIIL YARA MARKA LOO FIIRIYO SOMALI INTEEDA KALE AYEY SAMAYSTEEN MAMUL,AY KU KHASBEEN SOMALI INTEEDA KALE INAY IXTRANTO KAGANA CABSATO,KALA SIRAN OO KALA GATAAN SOMALIDII KALE.MARKA KOLAY ISAAQ MA AHI ANIGU OO ILAHAY BAA IGU OG LAKIIN QOFKA WAXA UU YAHAY WAA LOO QIRAA.BAL U FIIRSO DHULBAHANTE.,GODABIIRSI.WARSANGALI IYO CIISE INTABA WAXAY KU KHASBAN YAHIIN INAY QADIYADA ISAAQ U OLALEEYAN WAANA MIDA REERKA IGU KHASABTAY RUNTII INAAN KU XURMEEYO ARINTA.MIDA KALE WAXAN QABAA INAY HADAYBA INA OGALYAHIIN INA HOGAMIYAN SABABTUNA WAXAY TAHAY WAY INAGA WADANIYAD BADAN YAHIIN

    • kayd
      waxa aan aad ula yaabay hadalkaaga diciifnimada ka muuqata waxaad tiriDHULBAHANTE GADABUURSI,WAESANGALI,CIISE INTABA WAXAY KU QASBEEN IN AY QADIYADA ISAAQ U OLOLEEYAAN WAANA TA AAN IGU QASAB TAY IN AAN XURMEEYO —– KAYD SUAAL MA WAXAAD KU XURMAYSAY IN AY DAD GUMAYSTAAN OO AY KU QASBAAN SIDAY RABAAN
      waa jaahilnimo kaa muuqata dadku nabada ayey rabaan oo waxay sugayaan in somaliya hagaagto hadii kale sidaa koonfurta ayey WARAABAHA QALANAYAAN

  • Walalayaal yaan lagu mashquulin gabadha aqoonteedam, waxqabadkeeda, kartideeda iyo jagada loo dhiibay intaba mahadeeda iyadaa iska leh.
    Anigu waxaan u arkaa in lagula xisaabtamo dhacdadaan masuuliyiintii soo magacaabay mar hadii ay shaki galisay masuuliyadii ay xilka ku heshay oo macnaheedu uu ahaa midnimada wadanka Soomaaliyeed oo JFS laguna faafiyey dastuurka dalka lagu hogaaminayo.

  • arrinta midnimada qaranimada iyo karaamda soomaliyeed iyo wadajirka ummadda lagama tashanayo shaqsi waxase mas uuliyad kasaarantahay muwaadiniinta somaliyeed iyo halka ugu sareysa maamulka baarlamaanka matalaya qaranka somaliyeed

  • salaan kadib gabadhan khalad malahn ee khaladka waxaa iska leh ninkii xilka u dhiibtay waa run inay somalida waqooyi naceen kuwa koonfureed inkastoo nacaybkooda ugu badan uusaaranyahay beelo gooni ah lkn aniga waxaan layaabanahay daciifnimada marka kasta loomuujinayo nimankaas. Gabadhan waxay aaminsantahay way muujisay ee wxaa khalad ah in waqti badan lagu lumiyo nimankaas ree waqooyina haday hada koonfur hoos yimaadaan wasiir kabadan mahelayaan ee haday isku tashadeen waa sax ee halaisku tashado.heeerkay marayaan halagaaro markaas ama halakalatashado ama halawada tashado

  • Scwrb
    marka hore waxay ku noqotay gediso, waayo arag la’aanina way ka muuqatay hadalkeeda, teeda kale waxay la mid tahay CALI MAXAMED GEEDI waraysigiisii u horeeyey ee la weydiiyey goosashada somaliland wuxuu yidhi hadii aduunku aqoonsado anaguna waanu aqoosan, markii danbana waa tuu doob dilaacsaday oo xitaa hawada jamhuuriyada xidhay.
    markaa gabadhu way la qabsan doontaaye u kaadiya.

  • bismillaahi,assalaamu caleykum wa raxma tullaahi wa barakaatuh.
    marka hore waan salaamayaa akhyaarta fikirkooda is dhaafsatay iyo Maamulka shabakaddaba.

    haddaan eray yar ku darsado,waxay ila tahay jawaabta ay bixisay Fowziya Yuusuf H. Adam,wuxuu macnihiisu ahaa “somaliland waa dalkayga,Soomaaliyana waan u shaqo tagay” markaa waxaan idin odhan lahaa,ha ku daalina mawqifka gabadha’e ogsoonaada qof ka soo jeeda Isaaq amma Somaliland oo ay daacadnimo ka tahay in uu midnimo Somaliland iyo Somalia ka shaqeeyo ma jiree.. la socda mar labaad shaqsi kasta oo Hargeysa ka yimaadda xilna ka qabta Muqdisho ujeedadiisu kaliya in ay tahay sidii uu Somaliland ugu ololayn lahaa qaddiyaddeeda qarannimo.. markaa ha is wareerinina saaxiibayaal reer Koonfureedoow ” illaa iyo qiyaamaha halkaa, qodaxdu way taalle,abtiyaalow kala quusannee, qoommama la’aada”

  • waxay ila tahay in jawaabta wasiirku aanay khalad ahayn, waxaa mabda eeda la ogaan karaa markii ay howl gasho maxaad kujawaabi lahayd adigu hadii su aashaas lagu waydiiyo aadna ogtahay in ay ku dhagay sanayaan 15m oo qalbiga kawada jiran

  • Aniga waxay ila tahay in ay madaxweynaha Iyo RW ay srrintaas ku qaldameen waayo waa in aan lagu aamin arimaha dibada eeSomalia qof shalay u ololeynaysay kala go,a dalka Somalia taasi waa wadanid xumo masuuliyadeedana madaxda sare ee dalka Ayaa iska leh. Midda kale waxaan ka codsanayaa barlamaanku in soo celiyaan gabadhaan Ilaah ay mowqifkeeda cadayso

    • QURBA MARAN QAXOOTIYA

      Walaal Sammi Ali waad ku sax san tahay midda ah waxa ka yimaada gabadhaas inay masuuliyaddeeda leeyihiin Raysul wasaaraha, Madaxweynaha, iyo Baarlamaanka cusub intooda codka siisa in la ansixiyo xukuumadda cusub inay shaqeyso iyadoo sida loo magacaabay ah, xataa hal wasiir oo ka mid ahi hadduu cillad leeyahay, waxayse su’aashu tahay maxaa laga sugi karaa xubno baarlamaan oo aan waxba dhaammin baarlamaannadii hore marba haddii iyadoo xilli dhow la aasaasay baarlamaanka haddana aan maanta maqlayay guddoomiyihii oobaafinaya xubnahii baarlamaanka lehna xubnaha maqani waa inay dalka ku soo laabtaan!!!!!????? Waxa aan soomaalida weydiin lahaa miyaanan soomaaliya gudaheeda laga heli karin xilkas qaadi kara masuuliyaddaas haba noqdeen qurbajoog soo guurtaye inta la soo xulayo oo la magacaabayo rag iyo dumar aan weli ka soo guurin qurbaha ay ceyrta ka qaataan qorshena aysan ugu jirin inay weligood soo guuraan balse ay doonaayaan in ay u dalxiis tagaan markay doonaan dalkoodii hore.

  • Xasan ku dhashay sh/dhexe

    Dadkaan wixi fikir weeydiiyaa ka gardaran war dan yeeshay mas,uuliyiinta qaranla meel ha,uga dhicina, walaasheen marna madaxdeena ahna waa mahadsantahay sida sarbeebta ah hadalka udhigtay, mida kale waa lasoo dhaafay waqtigii afkaa qouan loo jadli jiray,dad iyo dal kala guuray 22 sano ayaa isu keenid raba maskax iyo aqoon iyo dega.aan ayaa loo baahanuahay idinka dantiina raacda warka yareeya howl iyo horumaraa loo baahanyahay

  • wadani. fosiya warkedu wa cadyahay, waa midnimo diid, ka magacabay e madaxweynanimadu ku qasartayna kama eed la’a inu diidanyahay midnimada somalia, laakin midnimada somaalia wa muqadas lama taabtan ah, somalia gobanimadeda kuwi naf iyo maalba u huray ayaa mantana midnimada dalkan ilaalinaya,dhulbahante aya ilalinaya weligodna inta gabadhi ka noshahay kama daali doonan, isaaq qayilayna wa miyirsan doonan, hawiye daarod cudur ku noqday,o meeshii dowlad laga sugayey iririsam & qabyalad u dhaqaqayna waxba maso kordhin doono,marka sxb waxba ha ku daalina marka rer waqoyi isku af garto aya ka horaysa, midnimo wa khasab, qabiil qaran ma noqon karo. Wabilah towfiq.

  • Soomaali mucaarad baylataaganyihiin su aasha gabadha aykajawaabtay horaa loogajawaabay madaxawaynaha ayaa kajawaabay asgayna kucelisay somalilaana inay godo iyo inaysooraacdo koonfur waxaysugaysaa wadahadal ee maaha magoikarto markii horana rabitaan ayay kuyimaadeen hadana rabitaan ayay ku imaanaysaa see laguhelayaa hadaan lawada hadlin malaqasbayaa oodagaal baalalagalayaa gabadhu waa wasiir arimadibadeed dawlad ayay ushaqaynaysaa soomaali laana gooni iskutaag masiinkarto umana diidikarto macaaradada haladaayo gabadha halasooodhaweeyo qolada wabaka dacaayada halajoojiiyo dadka halaiskukeeno waxwalba caqli iyo nabadayn ayay doonayaan kaqayqaata dibuheshiiisiinta dadka maqan sidii laguraadinlahaa hadaan hadalfiirino saanuuyiri waxbay halaynaysaa hawshu waa hawl cusub haladajiyo kubada waadmahadsantihiin

    • runtii wadani sxb Aniga waan dhageysanaayey habeenki la wareysanaayey Si cad ayeey su aasha u diidan in eey ka jawaabto saas darteed waxaan barlamaanka ka codsan laha in eey codka u diidan

  • somali waxan u sheegayaa inta aad qadiyada somaliland dhibsanaysaan ,,ama ay idinku adagtahay maqalkeedu ,,oo cida fikirkaa aaminsan u aragtaan cadwgiina ,marka xaalada ku sugantihiin ,waxa qalada inaad midnimo ka hadashaan ,,waxan sida u leeyahay ,cid iska yeelaysaa ma jirto ,,sidaan rabo yeel .sidaad rabtana daa ,,marka fowsiya qadiyada somaliland hadii ay aaminsantahay iydu jeebada ka lamay soo bixin ee waa isuse jira oo cid waliba ogtahay waana dalkeedii ,ee hadii ay caqli iyo aqoon si tabaruca idinku qabto ,,waa inaad ku qancsanatan hadii kale dalkeedii ayaa u baahan ,,

  • Webka casimada waxan odhan laha maqalada ad qoreysan ka firsada mxa yelay maqalada qar sida kan iyo kiwi kale ee ad ayantan qorten

  • wan ku tagarsan nahay waxey nosoxuleyn madaxdeena shay hadii ey u ololeyneysay galago soo lagamayabo in ey ka toba keentay

  • walaalayaal waxba yaan laysku xooqin reer koonfureedow ee waxaad ogaataan haday gabadhi idiin soo shaqodoonato iyo hadduu nin idiin soo shaqodoonto toona anaga waa sooooooooommmmmmmmaaaaaaallllllllliiiiiiiiiiiiiiiland oo qadiyaddayada waxba iskabedelimaayaan. walaalo derisa oo xidhiidh fiican ku macaamila ma noqonaa?????????????.

  • waar yaadhaheen soomaalidu waxay ku maahmaadaa gabadhi waa dhaxdin ee ma qaldana haday foosiyi reerkay u dhaxday mansab u doonatey soomaalilana makhusayso.

  • aniga waxay ilatahay inaanay sinaba ugu habooneyn gabadhaasi booskaas lasiiyey :
    1. marka hore waa gabadh oo kumahaboona in xilkamiisaankaa leh in lasiiyo naag, kamana bixi karto, weliba inagoo dal muslim ah.
    2. marka labaad waa gabadh shalay ka ololeynaysay s/land welina aan caddeyn wax isbedel ah.
    3. marka sadexaad beelihii xaqa u lahaa mansabkan bay xaqiraad ku tahay,waayo soomaaliland jadwalkana ku jirto, cashuur iyo dakhlina soomaali uga sooxeroonmaayo waqooyi.

  • Waar iska aamusa oo dantiina raaca somali wax uma soo sidaan .Inantan wixii ay somali tarayso ninka u diidan waa doqon aan garanaya waxa ka dhimanaya iyo cida ay ka dhimanayso.
    Midnimo been abuur ahna kismaanyo ayaa u baahan in lagu dhaqo oo runtu ka shaqayn wayday.Kistaa iyo kaskaa nimankii odhan jiray imika maxaa ka qaylisiinaya kistooda iyo kaskoodii fiicnaa may ku maamulaan wadankooda, kismaanyo.

  • Mr Kamanle waad mahadsantahay, nasiib daro reer Somalia waxay ka hadlayaan midnimo xataa aabeheed dhintay oo Somaliland aanay u jeedin waar si wax loo wada qabsado si raganimo leh sida Sudan aynu isictiraafno oo kala baxno midnimo iyo waqti lumis ha isku daalinina dadkani way tashadeen idinkana meeshiina ilaahay ha idiin hagaajiyo Somaliland wabiyo iyo beero malaha hadii waxaas oo dhan ay idiin daayeen maa nimcadiinaa iska jaqdaan oo Somaliland faraha ka qaadaan waxaan hubaa in Somaliland si fiican u caawin doonto Somalia dhinac dawlad dhis tacliin waxbarasho macalimiintii u badnayd ee 60kii ilaa 90iii Somalia wax ka dhigi jiray waxay ahaayeen reer Somaliland agaasimayaashii dawlada waxa u badnaa reer Somaliland markaa walaalayaal ma waxa naga xaasidaysaan waar aynu isictiraafno illayn lixdankiiba maynu isaqoon ee reer Somaliland oo jeclaa in 5tii somaliyeed la helo ayaa dawladii shuruud la’aan ku keenay maantana markii ay arkeen wixii dhacay khaladkii ayey dib u saxeen.

  • Kamanle waad asiibtay sxb ,su’aasha aad jawaabteeda warsatay ee ah maxaa SOmalialnd looogu mashquulaa Sadaxdii Soomaaliyeed ee kaleba laguma mashquulee? way iska cadahay Reer Koonfurku Somaliland kama maar maan ,waxaanse ugu jawaabi alhaa DHANKALAAD U SOCOTAAYE DHEGALAAY WAX MAQAL.

  • kkkkkkkkkkkk waxaan layabanahay kuwa xagxaganayaa fowziya yuusuf , maxaa yelaay , waa gabadh kasoo jeedaa somaliland gaar ahaan beesha dhexe ee reer sheekh isaxaaq, haday tidhina dalkaygii somaliland waan jecelahay dalkaygan somaliayana waan jecelahay maxaa loo xagxaganayaa kkkkkkkk walaahaay anigu wan yabanahay , maxaad sugayseen inay tidhahdo ?? ma inay somaliland oo dalkeedi ah caydaad sugaysaan waar wax fahma , somaliland cid matalaysa ma jirto , iyada calaamka ogolyahay , markaa waxana caalaamka ayaa wata ee iska amusa oo xishoodaa !

  • all waqooyi
    waxaa tidhi haduu qofku dhaawacmo waa in la dhayaa walaal hadii snm dhaawac gaadhay ood dhayid u ogoshahay waa in aad soomaalida kale ee dhaawucu gaadhay aad in la dhayo aad u ogolaataa ma beel aan xasuuq tabanay baa soomaali jirta maxaa hal beel keliya loo baxnaaninayaa soomaaliyi maanta xasuuq iyo qax waa wada martay beesha isaaqna anigu waxaan qabaa waa aar goosatay oo ilaa 1991 xasuuq iyo barakicin iyo cabudhin bay jiiraankooda ku hayeen markaa taas ku xisaabtan mar kasta soomaaliyi maanta ogolaan mayso in hal beel oo keliya la xaal mariyo ?yaa xaal marinaya soomaalidii kaloo dhan?soomaalida inteeda kale miyaan sagaal lagu dhalin

  • baarlamaanka waxaan ka codsaneynaa naagtaan idoor ee aan aamin saneyn midnimada soomaaliya in ay banaanka dhigaan iyada iyo xasan xoolo oo ah kii soo doortaykkkkkkkkkkkkkk

  • Waan jecelnahay walahaeyna somaliland wixii qalad dhacayna waa saxeeynaa mana kala maarano ee hana ordina ilma adeeryaaal

  • Yaab reer somaliland samalina waad sheganeysan somalina waad dideysan Somali wali waxbey idin ogashahay ee soo raca koley sadbursi baa herka idin garsiyeye sakdini wad heshene

  • Fowsiya waan ugu hanbalyaynayaa shaqada fiican ee ay ka heshay somalia
    sababtoo ah somalia Burundi Kenyaan iyo Yugaandhiisba shaqo wuu kahelaye maxaa looga xaasidayaa inay inantu iyaduna ay shaqo somalia ka hesho intaas kadib hadaan ka hadlo arinta midnimada waxay ila tahay midnimo waxay ku iman kartaa in horta somaliland la citiraafo kadibna aan noqono labo wadan oo walaalo iyo saaxibo ah oo siman wixii dhibaato ahaa ee horana aan iska ilawno si aynaan u noqon labo wadan oo colaad wayni ka dhexeyso sida Kuuriyada waqooyi iyo Kuuriyada koonfureed

  • 400 000 kun reer koonfuur baa Somaliland magangelyo ka Helay, 30 000 Ardey reer koonfur ah baa iskuulada Somaliland wax ka barta. Gnacsatadi ugu badneyd muqdisho waxa soo degeen hargeisa. Marka mala qurbajoog baa tihiin ee Somaliland maanta waa awood jirta, xita ninkan madaxweynaha ka ah Somalia baa Somaliland deganaa. Kumanaan reer Somalia ah baa bil kasta yimaada hospitaalada Somaliland daaweyn ayaago lug AMA babuur ku yimaada. Aduunka waxa ka jira lama socotaan. Somaliland waa dal awood leh ha moodin in dowlada muqdisho ogeyn waxa dhulka ka jira. dowlada muqdisho waa ogtahay in reer Somaliland ahaayeen kuwi cabdulqaasim Ito cabddullai yusuf ridey marki ay somaliland ma jirto yidhaahdeen, marka dowladan Ito reer Somalia markan chaanis baanu siiney wanna ka aamusney, hadise lagamaqlo somaliland ma jirto Ito Anaga dowlad uu ah waanu ridi dowladan somaliayana labatan sano ok kale nabad ma helayso. Madaxweynaha Somalia Ito raysulwasaaruhu was nimanki ugu wanna asana uguna caqliga badnaa ee reer Somalia, iyaga sax ah, Laakin hadi ta majerteenia raacdan oo antisomaliland bilowdaan Walaahi in somalia waxba ka soo hadhiweydoo oo dagaal Ito cudur Ito gaajo idinku dhacdo. somaliland illahay baa Walla mareykan Walla qudhun faqash ah oo majerteenia fadhiya baa wax ka qaadi Kara.

  • Somaliland illhay baa wada

  • Intii wasiirada wayaa meeshaan iskugu imaadey, waryaada qabiiladiina hadeey wax waayeen ma wasiir foosiyaa ku ciil baxeysaan.Qabiilada wasiirada heley hambalyo idin leeyahey, intiina waayey soo maahan sax weeye sax weeye sax weeye soo dhawaada jaalayaaloow soo dhawaada jaalayaaloow yaan la idinka waayin.

  • marka hore waad salaaman tihiin, Somali iyo Hargeisa dadka sheegtay ee comment geliyay halkan hal baan odhanayaa dadka kale ee qoraalka qorayna hal baan odhanayaa foosiya Yuusuf X.Aadan halbaan odhanyaa.
    labada qof ee kor ku xusan waxaan leeyahay marka aad wax qoraysaan adeer wax dadka akhrisanaya soo jiita oo macna sameeya qora.
    Somalida kale ee meesha wax ku qortayna waxaan leeyahay adeer Foosiya Yuusuf aqoon yahan, indheer garad ah oo kartibadan weeye koonfurta ama soomaalidu iyadaa u baahan ee uma baahna foosiyi, Foosiya Yuusuf X.Aadan waxaan leeyahay waanu kuu hanbalyaynaynaa insha allah xilka ilaahay ha kugu asturo. waana kuu soo ducaynaynaa.

    Reer somalilandna waxaan leeyahay adeer Madaxwayne Siilaanyo ayaa koonfur la galay wada hadal dhicis ah oo furay wadadaa mar hadii somaliland iyo Xukuumadeediiba ku socdaan koonfur oo hanbalyada Xasan X.Max/uud xukuumada somaliland u kala beretantay si ay magac uga raadsadaan ragga golaha wasiirada somaliland ku jira iyo Madaxweyne siilaanyo maxay Foosiya Yuusuf x.aadan u tagtay oo nooga dheeraysay weeye ( Sifir baa ka horeeyay ciddi ma soo qaadin, Jaamac oday oo agaasime iska casilay oo laga la siisiiyay oo la diray baa ka horeeyay) qaylida ha la joojiyo adeer Hablahana yaan la caayin.

    Waad mahadsan tihiin.

  • Ismaily
    waxa aad ka hadlayso waxa kaamuuqda qabyaalad iyo fadare nimo mana ogid in cadawbadan oo somaliland leedahay fekradaada qaldan la dhacayaan waxaan ku odhanlahaa malaa mathid reer soomaliland e waxaad ka timi kiilka shanaad markaa sidaas awgeed ayaad u aflegaadaynaysaa madaxda somaliland

  • Ismaail 9 aan ku leeyahey adi hal waa yar tahey
    INtiina kale waxan idin leeyahey qof wasiir fosiya ka dhashey qabiilkeeda oo diidan somalilnd ma jireee maxaa iska dalineysiin. Ka warama hadii somalilnd ba iska go,do oo wasiirkaan aa idinka qaadatiinba, maya ma rabno, ee maxaa rabtiin,Waxaan rabnaa chineese aa keneynaa waxan dhaheeenaaa wasiirka Isaaqa metelayaa tahey ka warama. waaaw taladaasaa fiican caqli badnidaaa jamacadee ka soo baxdey, jaamacad ruushka ku taaal.

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks