Faallo: Alla Soomaalidu doqonsanaa!

November 25, 2012 1:28 AM3 commentsViews: 3

Subax walba markii aan tooso wararka ayaan akhristaa aniga oo niyada ka jecel in wax fiican aan ka maqlo arimaha Soomaallida. Laakiin taas badalkeeda waxaa iisii kordha, naxdin, walwal, rajo beel iyo qoomamayn.

Soomaallidu waa dad uu ilaahay siiyay dhul baaxad weyn, oo leh khayraad iyo stratigiyad muhiima laakiinse, kudhwaad qarniga ay xoryada haysteen waxay ku dhamaysteen gaajo iyo dagaal iyo waji ceebeed. Qofkasta oo Soomaalli ah wuxuu si fudud u awoodaa in uu ku noolaado, guri qasri ah, in uu helo waxbarasho, caafimaad iyo nolol fiican, laakiin meeshii aan waxaas ku mashquuli lahayn waxaa dadkii lagu mashquuliyay in qofwalba uu ka xumaado kano soo horjeesto nasiibka walallkiis.

Qofkii xoogaa wax soosaara sameeya waa labaadayaa, kii xoogaa wax barta waa la dilayaa, kii xoogaa dadkiisa abaabula waxaa ka agshidaya midbaasoo laf dhuunta gashay ku noqda . Hadaad maanta meel cidla ah oo duura aad xaar xaaratu midbaasoo qori wata ayaa kugu qabsanaya hada oo ay banana tahayna in ay jirtaba ma oga. Waa dad insha wixii ay ka arkaan mooyaane aan fakar kale lahayn maanta hadii aad dukaan furato oo aad keento dacas midkale oo islakii ah ayaa bari lagaasoo hor furi, haba furtee meel xoogaa kuu jirta xataa kafuri maayo, ee hortaada ayuu kafuri sidaas ayaad labadiinuba khasaaraysaan.

Meel aan wax ka nahay lama arko aduunka oo dhan, kuwii u dhoofay yurub iyo america, sadaqada dawlada mooyaane in ay shaqaystaan ma arkasid, waxaad arkaysaa nin wadan joogay 20 sano oo aan luuqadaba aqoonin. Kenya gobolka ugu weyn waa gobolka soomalida wax ay meeshaas ka yihiin lama arko, suuqa haday marayaan waa baad, maalinwaba waxaa lagu jarjaraa baangado iyo budad, qaar xabsigay ka buuxaan wax dambiya oo ay galeen lamama arko? Waa been dambiga ay galeen waa in ay askarta booliska iyo saraakiisha dawlada oo dhan bareen laaluush meeshii ay u halgami lahaayeen xuquudooda, siyaasdeed, awoodeed ee ayku leeyihiin wadanka. Siday ku helyaan taas dad aan is arkiba karin oo kala dhuumanaya oo cadawgooda isu adeegsanaya.

Adiga oo Soomaalliya hadaad la hadasho wax ka xiniinyo weyn ma arkasid, dadka kalena waa u adoomo iyo gun. Hogaamiya ku sheegyada Soomaalida ee kenya iyo itoobiya waa magic u yaalo aan waxba galin waxna gudin, waxaadna ku ogaanaysaa qowmiyadaha kale ee dalalkaas wax taabn kara, laaluush ka qaadi kara ama xasuuqi karta majirto. Soomaallidu se waa loomo ooyaan, wasiirka gaashaandhiga kenya waxaa ku magacaaban, nin Soomaalli ah. Wixii Soomaallida ku dhacay hadii ay ku dhici lahaayeen dadkale shaqadaaa laga cayrin lahaa, sidii lagu dhigay kii booliska ku macawnaan jiray. Markii dadkiisii laxasuuqay wuxuu ku jawaabay “amarkaas anigu ma bixinin” hadii aadan bixinin maxaad ka tahay wasiirka gaashaan dhiga?, hadiiba ay saraakiil hoose dambigaas galeen maad soo xirxirtid mise waxaad ka baqaysaa in adiga lagu baangadeeyo? Hadii aat tahay maqaarsaar dadka loomuujiyo maad iskaga tagtid meesha dadku ha ogaadaan in aysan dawlada wax awooda kulahayne. Waxaad arkaysaa faraax macalin oo saacado badan ka hadlaya Soomaalia, marka ay gabdhaha walaalihiisa askarta aydhiska qabta, gaarisa iyo nayroobi ku kufsanayso maxaa hadalka u diiday? Mise wuxuu ka baqayaa in awoodiisa latuso oo xabsiga lagu tuuro. Soomaalida reer kenya way ogyihiin sidii looxasuuqay lixdamaadkii oo ilaa hada aan xitaa raaligalin laga bixinin, ilaa xiligaas waxaa loola dhaqmayay sidii dad ajanabiya oo aan wadanka waxba kulahayn marka maxaa ka dhexeeya in ay xuquuq buuxda ku yeeshaan wadanka ama ay dhulkooda ka goostaan ayna samaystaan wadan madaxbanaan?

Waa su’aale meelkasta oo ay joogto maxaa Soomaallida ka dhigay dad daciifa oo aan waxba ka ahayn meesha ay joogaan. Maxaa u diiday qofka Soomaalliga ah in uu qadariyo walaalkiis oo u ah awood iyo iskuduubnaan meeshii uu dad ajanibiya oo neceb laaluush iyo dulinimo kula joogi lahaa?

Hogaamiyayaasha Soomaalida ninkii hal xaafad gudoomiye looga dhigo wuxuu ku badalayaa kibir iyo islaweyni uu dadka ku kala qaybiyo. Ninkiii safaarad loodhiibo wuxuu bilaabaa in uu sirta dalka ka ganacsado, dadkii masaakinta ahaa ee loogu talo galay in uu u shaqeeyana ay kala kulmaan, qabyaalad iyo aflagaado. Kii wax yar oo awooda isbida meeshii uu ka shaqayn lahaa cadaalada shan ilma adeerdiisa ayuu inta qol kulshiro ku taliyaa sidii ay wax u boobi lahaayeen.

Maxay tahay inkaarta nagu dhacday? Maxaa looga waayay Soomaalida hal hogaamiye oo cadaaladu ay dhab ka tahay.

Waxaad maqlaysaa maamulbaa lasameynayaa ama dawladbaa ladhisayaa, dooda kaliya ee miiska saarana waa anaa qaadanaya, mayee anaa qaadanaya, magaalada anaa iskaleh, mayee anaa iskaleh, anaa kaa xoog badan car wakaase itaabo iyo wan kugu tuman doonaa, hal qof oo ajanabiya markay arkaana xaflad aad aroos moodo ayaa loosameeyaa, loo kala dheereeyaa, oo ay bilaabaan in ay kala laaluushaan. Nin ajanabiya oo bartay lacag uu cuno iyo qadarin uusan istaahilin miyaa raba in mashruucu ka dhamaado? War dadoow sidanu si mahan.

Markaad fiiriso meesha dhulkeenu kaga yaalo africa, iyo sida ay reer africa u yihiin, jaahiliin dahab, shidaal iyo khayraad iska barkan waxaad arkaysaa aa in iskadaa labo ama sadex wadane africa oo dhan aanu maamuli karno dhaqaala ahaan iyo siyaasad ahaanba, yaa inaga hortaagan, maxaa inoo diidan africadan aduunyada oo dhan ay boobayso inaga oo african ah in aan ka faa’iidaysano?

Caqligaasi aaway maantoo dhan waxaa loodhimanayaa hal doolar wax kayar. Inta wiil naga dhimatay, hanti iyo wakhtiga naga khasaaray ka warama hadii aan ku bixin lahayn inagoo midaysan in aan wax qabsano oo aan xaqa aan aduunka ku leenahay, iyo kuu naga galayba soo dhacsano, xagee ayaan maanta joogi lahayn.

W/Q: Cabdi Cabdullahi
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

VIDEO NEWS


Source: Fubo

3 Comments

  • Waxaa lagu jira aaqiru zamaan waa dhamaaday dadki Alle ka cabsan jiray is xisabin jiray adi waxa ku muuqda may is cawinaan magaca Islaaaamnimo ay xambarsan yihin imisa dambi ay ka galeen qofki Allah ka cabsado naftisa jeclada o xananeya inta kale garta o naxarista somali waa Eber addunka xaq ay dhacsadan daaye iney ku nool yihin xataa lama xisabsaddo nasibkena waxa mid walba sugaya malinta laga oofsado ogow inti wanagsaned wa dhamatay malinba kan hada joga mid kasi wasaqsana so koraya

  • hahahahahh caasimada aqrinteda sasan ujeclahay wlhi hahahah caawo commentigi anso aqriyay okusabsana hubka soomaliya qoraalkana igasi qosliyay wiilka qoray qoralkan wa qof indheer garad ah aqoonis buuxdana uleh dadkisa waxaa cajiib ah sidu xaqiiqda oga hadlay balse ilahay ayanka baryayna inu qayrka nawafajiyo o wadankenana nabad noga dhigo dhibato anaga an isugaysana nahaysate lama arag 7million naga dhul iyo qayraad badano raaxo ayago kunoolan kara hadana kadortay qax iyo ceebta yarku sheegayo caalamko dhan nalagu wiirsanaye ilahba inomaqan dhibatada anaga nalama dhalan wanalaga yaaba inan kabaxno o aan aragno wadankeni o nabad ah iyo anago kulabanayo kunool farxad xata qosolkibey gabeen soomalidu dad qoslo o farxaded xata mahan waayo waxad faraxda markad sharaf ledahay sharaftiba inaga tagtaye ilahow nadaba qabo…..

  • lkn ma aha in aad doqonnimada kuwada tilmssnto soomaalida oo idil, faaladaada qalad yarbaa ku jiro ee sax.

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks