Faah-faahin Al-Shabaab oo weerrartay dad ku sugnaa goob aroos ah

January 3, 2013 5:43 PM0 commentsViews: 2

Baladwayne (Caasimada Online) Wararka naga soo gaarayo gobalka Hiiran ayaa sheegaya in weerrar Al-Shabaab ay ku qaaday goob ay ka socotay aroos uu ku dhintay hal qof seddax kale ay ku dhaawacmeen.

Weerrarka ayaa ka dhacay deegan lagu magacaabo Booco oo qiyaastii 55 km dhinaca bariga kaga beegan yahay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay afar haween ah ku dhaawacmeen rasaasta ay fureen Al-Shabaab, kuwaasoo badankood aad u liita.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in dadkii dhaawaca ahaa la keenay isbitaalka guud ee magaalada Baladwayne, halkaasoo hadda lagu daweynayo.

Xafladda arooska oo ahayd toddobo bax ayaa la sheegayaa in Al-Shabaab aysan la dhicin qaabka loo soo qaban qaabiyay.

Deeganka Booco waxa uu gacanta ugu jiraa ururka Al-Shabaab oo u dhul badan laga qabsaday labadii sano ee la soo dhaafay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Al-Shabaab weerrar ku qaado goob aroos ay ka socoto bishii la soo dhaafay ayaa weerar ay ku qaaday xaflad aroos ah oo ka dhaceysay meel ku dhow degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Tags:

VIDEO NEWS


Source: Fubo

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks