Ethiopia oo qabatay 15 Al-Shabaab ah iyo hubkooda oo qaraxyo damacsanaa.

January 3, 2013 2:28 AM0 commentsViews:

Addis-Ababa (Caasimada Online) Booliiska dalka Ethiopia ayaa xiray 15 qof oo la tuhunsan yahay inay yihiin mintidiin ay soo tababartay kooxda Al-Shabaab ee dalka Somalia, kuwaasi oo qorsheynayay weeraro ay ka geystaan gudaha Ethiopia, waxaa sidaas shaaca ka qaaday hay’adda sirdoonka dalkaasi, arabacadii shalay.

Xariga ayaa ahaa kii ugu dambeeyay , waxa sarkaal sare uu ugu yeeray halis sii kordheysa oo Ethiopia kasoo wajaheysa Islaamiyiinta Somalia.

Xubnahaas ayaa la qabtay kadib labaatan maalmood oo ay ku howlanaayeen shirqoolo ka dhan ah magaalooyinka Harar iyo Kemise ee waqooyi bari dalkaasi, waxaa sidaas sheegtay hay’adda National Intelligence and Security Service (NISS).

“Xubnaha kooxdan ayaa waxaa shaqaaleeyay, tababaray islamarkaana hubeeyay Al-Shabab, waxaana u jeedkoodu ahaa inay qaadaan jihaad ka dhan ah Ethiopia” ayay NISS ku tiri bayaan ay soo saartay, oo laga aqriyay tv-ga dalkaasi.

Ethiopia ayaa waxaa ciidamo badan oo la dagaalamaya Al-Shabaab ay ka joogaan gudaha Somalia, mudd lix sano ka badan.   Booliiska, ayaa tv-ga qaranka kasii daayay hub badan, rasaas iyo bambooyin iyo sidoo kale calanka madow ee Al-Shabab, oo lagu soo qabtay kooxdan.

Talaadadii ayay ahayd markii maxkamad ku taalla Addis Ababa ay 10 qof ku heshay dambi ah inay wadeen shirqool ka dhan Ethiopia, ayna caawiyeen kooxda Al-Shabab.

Caasimda Online, Xafiiska Wararka Addis-Ababa

 

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks