France oo cambaareysay sawirka askarigii looga dilay Somalia

January 14, 2013 9:25 PM0 commentsViews: 5

Paris (Caasimada Online) Dowladda Faransiiska ayaa si kulul u cambaareysay sawirka askari looga dilay sabtidii Soomaaliya.

War ka soo baxay wasaaradda gaashandhigga caawa oo Isniin ah ayaa lagu sheegay in wax aad loo xumaado ay tahay in meydka askari ku dhintay howgal la soo bandhigo.

Hadalka dowladda Faransiiska ayaa soo baxay wax yer uun kaddib markii Al-Shabaab ay soo galisay barta Tweeter-ka sawiro askari ay ku sheegtay in uu dhintay dhaawac ka soo gaaaray howgal ka dhacay deeganka Buulo-Mareer ee koonfurta Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inuu u dhintay askariga ay soo bandhigeen maanta dhaawacyadii kasoo gaaray howgal fashilmay oo ka dhacay Soomaaliya.

Waxa kaloo ay sheegtay in meydkiisa la soo bandhigi doono iyo weliba meydka askari kale oo Faransiis ah oo lagu dilay weerarkaasi oo dhacay sabtidii.

Sideed qof oo rayid ah ayaa lagu dilay isku daygaasi lagu doonayay in lagu soo furto la hayste Faransiis ah Denis Allex.

Al-Shabaab oo gacanta ku heyso ninkaasi Faransiiska ah, Denis Allex, ayaa sheegtay in uu weli nool yahay, inkasta oo dowladda Farasniisku ay sheegtay in la dilay.

Illaa hadda ma cadda inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashayhowgalkii ka dhacay deeganka Buulo-Mareer ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Mareykanka Obama oo ka hadlay weerarka ciimada Faransiiska ka sameeyeen deeganka Buula-Mareer, ayaa sheegay in Mareykanka ay taageero dhanka farsamada ah oo xadidan ay siiyeen ciidankii Faransiiska ee fuliyey howlgalkii lagu soo furashada Denis Aex.

Waraqad la soo gaarsiiyey Congress-ka Axaddii  oo ka timid Aqalka Cad, ayaa Mr. Obama waxa uu ku sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Mareykanku ay hawada Soomaaliya galeen muddo kooban, laakiinse aaney xoogagga Maraykanku wax lug ah oo toos ah ku yeelan weerarkii Buulo-Mareer.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Tags:

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks