DF oo ka hadashay dagaalki Kismaayo.

December 7, 2012 1:10 PM0 commentsViews:

Saraakiisha Dowlada Soomaaliya ee magaalada Kismaayo ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal xoogan oo ka dhacay gobolka Jubada hoose

Mid kamid ah Saraakiisha Dowlada oo Cabdulaahi Colow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalka ay soo qaadeen Shabaab.

Sarkaalka ayaa waxaa uu hadalkiisa intaa ku daray in koox ka tirsan Al-Shabaab oo tiro ahaan gaaraya ilaa 10-ruux oo Magaalada lug kusoo galay  ay rasaas yar yar ka fureen xaafada Farjano.

Wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay dileen labo kamid ah kuwa Shabaab ee weerarka soo qaaday islamarkaana ay iska caabiyeen oo ay Magaalada kasaaareen Shabaab.

Al-shabaab ayaa la sheegay In Madaafiic ay ku tureen magaalada taas oo ay ka dhasheen qasaaro.

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Trackbacks